Muqdisho, Luulkii Badweynta Hindiya, caasimaddii ay Soomaaliyi u aqoonsanayd muddada dheer hooyada Soomaaliyeed, welina ah magaalada Soomaaliyeed ee ugu weyn. Weli maan tegin, se taariikhdeeda wax badani iguma seeggana.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Intii aanay baraha bulshadu dadka isbarin, qoladayada Somaliland haddii Laascaanoodba koonfur iyo bari loo dhaafo, ama qofku aanu lahjadda beelaha Somaliland lahayn, waxa aannu u naqaannay reer-Xamar. Markii baraha bulshadu ay dadka isbareenna, weli aragtidaas waannu ku dheggan nahay, ee reer Puntland ayay dacaayadda iyo kaftanku aad isu kaaya bareen, markaasaannu xuduuddii reer-Xamarnimada ka soo rarnay Laascaanood oo aannu geynnay Gaalkacayo. Haddii aad qof dhallin ah oo reer Somaliland ah weydiiso Gaalkacayo magaalooyinka koonfur ka xiga, badanka ma kala yaqaanno, ee marka Gaalkacayo la dhaafo waa u Mudisho iyo laydh-eegatadeeda, dadkuna waa u wada reer-Xamar. Haddii aad aragto qof reer Somaliland ah oo marka uu Soomaaliya ka hadlayo Puntland gaar ugala baxa, ha la yaabin, xataa dacaayadda siyaasadeed iyo fadhikudirirka, Soomaaliyada aannu xifaalaynno Puntland nooguma jirto, sababtuna waa in aannu Puntland u barannay Puntland ahaanteeda, Soomaaliya inta kalena aannu ka naqaanno Muqdisho iyo reer-Xamar uun, ee ma aha in aannu Soomaaliya siyaasad ahaan u kala googoynaynno.
Sababta labaad, waa in qofka Somaliland ama Puntland ka yimi marka aad weydiiso halka uu ka yimi, uu kuu sheegayo magaaladiisa, sida: Boosaaso, Qardho, Burtinle, Gebiley, Burco, ama Go'da Weyn. Halka qofka Koonfur ka yimi, xataa haddii uu gobol ka yimi amaba tuulo, uu ku odhanayo: "waxa aan ka imi Muqdisho." Taasi waxay nagu beertay aragti ah, in Gaalkacayo wixii ka shisheeyaa ay yihiin Muqdisho iyo in ay cago ku wadato, dadkuna ay wada yihiin reer Muqdisho. Sidoo kale; reer-Xamar caadi ahaan waxa la yidhaahdaa bulshada ilbaxa ah ee cadcadka ee Xamarweyne iyo aaggaas deggan, annagu se qofkuba haddii aanu lahjaddayada ama ta Puntland lahayn, reer-Xamar baannu u naqaannaa xataa haddii uu ka yimi Bu'aale iyo Beledxaawo. Anigoo aragtidayadaas ka duulaya, aan yara guudmaro waxyaabaha aan ka bartay bulshadaas reer-Xamarka ah shan sano oo aan la noolaa.
Guryo ilaa afar gaadhaya ayaan ka degay Istanbul, badigoodana shakhsiyo reer-Xamar ah waannu ku wada noolayn. Waa dad aannu isku mid nahay, haddana aannu dabciyada hoose ku kala duwan nahay.
Reer Muqdisho, waa bulsho dantoodgarad ah, caksiga labadayadan qolo ee kale ee Somaliland iyo Puntland. Qofka dhallinta ah ee reer Muqdisho, dantiisa ayuu yaqaannaa, waxana uu ka fekeraa keliya wixii u dan ah. Siyaasad, qabiil, gobol, iyo arrimahaas ay dhallinta kale ku-faanistooda ka dhex arkaan shakhsiyaddooda iyagu ma daneeyaan, ee qofku waxa uu qabsaday ayuu shakhsiyaddiisa ka dhex arkaa. Waa sababta aad u arkayso qof ku le'eg oo dhawr ganacsi leh, lacagtuna ay akoonno kala duwan ugu kala beekhaamsan tahay, haddana si dabeeci ah u nool, kuula nool, faan iyo ismuujinna aadan ku arkayn.
Reer Muqdisho, Soomaalida kale si weyn bay uga laabxaadhan yihiin. Wax kasta oo aad isku qabataan haddii aad tidhaahdo: "waar dee raalli ahow." Ilbidhiqsi ayuu ku illaawayaa. Halka Soomaalideenna kale qofka lagu qabsado "maalin baad calankayaga ama magaaladayada wax ka sheegtay" reer Muqdisho wakhtiga ay intaa kuugu odhanayaan iyo tamarta kaga baxaysaa hadalkaas dhawrka ilbidhiqsi ah ayayba ka wahsanayaan, muranka iyo buuqana way neceb yihiin. "Caadi waaye!" Ayaa war kasta lagu soo koobayaa.
Reer Muqdisho intii aan la degganaa iyo intii aan ka warhayayba, waxay ka siman yihiin hal dhaqan oo ah, gurijoogga. Kama baxaan guriga mar ay dan u baxayaan mooyaane, halka Soomaalidayada kale, Somaliland, Puntland iyo xataa Degaanka Soomaalidu, aanaan guryaha ku jiri karin. Xataa maalinka ay magaaladu kuu golayso ee aadan Shilinka hayn, ugu yaraan waa in aad soo yara lugaysaa ama aad meel beer (park) ah ku soo yara nasataa. Gurigu wuu iska kaaya eryaa, halka reer Muqdisho uu la heshiiska yahay. Bartii aad kaga tagtay isagoo fadhiya 8 saac ka hor, ayaad ugu imanaysaa xataa isagoo aan qaabfadhigii beddelin. Nin oday ah oo gurigaygan u danbeeya aannu wada deggan nahay oo Ibraahin la yidhaahdo ayaan weydiiyay sababta, wuxuu ii sheegay in xaaladihii dagaallada ba'an ahaa ee Muqdisho ay soo martay, ay bartay in ay guryaha ku negaadaan si ay u nabadgalaan, oo intii ay barbaarayeen halka Soomaalideenna kale aynnu ahayn suuraafyada xaafadaha aagga oo dhan caanka ka ah, iyagu xataa iyagoo dhallaan ah, guriga dan ayuun bay uga bixi jireen. Sidaas ayuu reer Muqdisho iyo gurijoogga u dhex maray heshiis kamadanbays ahi.
Badanka marka aan qof la kulmo waan haybsadaa. Qabiilku shay dabeeci ah ayuu ii yahay, dabcan Burcana waa ka sidaas, balse mar kasta oo qof reer Muqdisho ah aan haybsado, waxa cajiib igu noqota in uu - sida badanka ah - ii sheego in ay tahay markii ugu horraysay ee la weydiiyay qabiilkiisa. Sidii in aad maagtay ayuu uga sadayaa magaca "qabiil".
Reer Muqdisho, xidhiidhka qudha ee idin dhex mari karaa waa mid shakhsi ah, degaanka, qabiilka, dawladda, gobolka, iyo arrimahaas oo dhammi idinma wada noolaysiin karaan, haddii se aad si shakhsi ah isu barataan, u wada rafiiqdaan, walaalkii ayuu kuu arkayaa, haddii aad si shakhsi ah isu qabataanna, waxaas oo dhan haddii aad wadaagtaan xidhiidhkiinna ma sii waarinayaan oo ma xeeriyaan ee waad kala go'aysaan.
Reer Muqdisho, waa dad u diyaarsan nidaamka iyo kaladanbaynta. Waa dad ay dawladi maamuli karto. Waa dad ay xamaasadda iyo caadifaddu ku yar tahay. Waa dad hoggaansami kara haddii ay dawladnimo hagaagsan helaan. Tusaale; marka guri la wada dego, qof kastaa xeerarkii uu gurigooda iyo degaankooda kala yimi dibedda ayuu kaga soo tagaa oo xeerar gurigaas lagu wada degganaanayo ayaa la samaystaa. Xeerar cunto-karsi, xeerar nadaafadeed, iyo xeerar anshaxeed, sida in aan guriga gabadh lala iman karin ama haddii ay hablo yihiin aan nin lala iman karin. Soomaalidayada kale, weliba reer Somaliland, nidaamka iyo kaladanbayntu way na dhibaan oo qaska iyo fawdada ayaannu u abuuran nahay. Qofka reer Muqdisho, maadaama uu guriga la saaxiib yahay oo aanu ka bixin, dhanka kalena uu nidaamka nagaga wanaagsan yahay, wixii masuuliyad ku soo aadda wuu ka soo baxaa, annaga se waxa aad mooddaa in aannu xeerarkaba col la nahay. Xeer kasta oo jaba qofka Soomaalida kale ah ayaa jebiya. Markaasuu isku deyayaa ka reer Muqdisho in uu ku canaanto. Reer Muqdisho markay xanaaqaan iyo markay faraxsan yihiin waa isku midkii uun hadal ahaan, in uu ku maslaxayo, in uu ku maagayo, in uu ku leeyahay "guriga inagu kala kexeeya", iyo in uu kula talinayo ma kala garanaysid. Xataa cadhada kama dareemaysid. Qoladaas aannu guryaha wada degno ee reer Muqdisho kadeed weyn baannu ku haynnaa. Mar kasta oo aan arko sida ay nidaamka u ixtiraamaan, waxa aan xasuustaa maahmaahdoodii ahayd, amar dawlo muddeec, ninka diidaa dabbaal.
Reer Muqdisho, sida badanka ah, ma hayaan xog badan oo taariikheed, waxyaabihii Soomaali ka soo kala dhex dhacay haddii aad wax ka weydiiso waxay kuugu soo koobayaan: "aboowe annagu ciyaal Xamar aan iska nahay nooh." Haddana sidaas oo ay tahay, inta ay doonaan bay Soomaalida kale ka ilbaxsan yihiin. Waxa aad mooddaa in aan dabciga Soomaalida ee geeljiraynta iyo qabqablaynta ah iyaga farba loo darin. Waa dad deggan, qabaw, nafis isaga nool, oo xataa farataagtaagga qoladayada Laantu aannu caanka ku nahay iyo hadalka kulul ama yara sarreeya way dhibsadaan. Waxa aan qabaa xilligii midnimada ee 60maadkii, haddii magaalo kale caasimadda laga dhigi lahaa in aanay sagaalkii sano ee rayidkaba dawladnimadu inoo gaadheen, maadaama Soomaalida kale ay ku nool yihiin qab dusha ka xooggan, hoosta se ka madhan, oo magaaladaas reeraha degaa sida ay dadka kale uga sheeganayaan aakhirka lagu kala guuri lahaa xataa dawladnimada. Aan halkan baraarujiyee, mararka aad maqasho Muqdisho in ay reero gaar ahi sheeganayaan, waa xilliyadii burburka ka danbeeyay dhaqamada magaaladaas ku soo biiray, ee ma aha dhaqan hore uga jira.
Marmar buu is'odhanayaa qofka reer Muqdisho bal isyara fahma qofkan kale siyaasad ahaan waxa aad isku haysaan, markaasuu hadalka kaaga bilaabayaa: "maxaa nooga go'eesiin aboowe." Maalmihii hore waxa aan ula soo bixi jiray shan boqol oo bog oo taariikh soo dhacday iyo sababta aannu goonnida isugu taagnay ah, markaasuu aakhirka ku odhanayaa: "aboowe dadkaas waxaas dhan sameeyay way dhinteen ee ka warran haddaan iska illawno oo aan Soomaalinimo mar kale ku walaalawno, Soomaalinimo ayaa ina deeqdee." Markaasaan haddana ula kala bixi jiray shan boqol oo bog oo kale oo ah sababta aanaan diyaarka ugu ahayn in aan mar kale la midawno Soomaaliya. Aakhirka marka aannu isku daallo ee uu isaguna dhan aan wax u wadaba ila garan waayo, erayada aan adeegsanayo qaarkoodna uu ku mergado, ayuu aayar odhanayaa: "caadi waaye aboowe idinba Soomaali leed tihiin." Berigii hore waxa aan u aqaannay in ay isyeelyeelaan, show waa ka dhabba. Iyaga muhiim uma aha wixii tegaya iyo wixii joogayaa, muhiimna uma aha buuqa fadhikudirirka siyaasadeed ee Soomaalideenna kale hoday, ee qof waliba isaga ayaa isu nool.
Qofka reer Muqdisho, magaaladaas caasimadda ahi daamo uma kala laha, reero uma kala yaqaanno in ay kala degaan iyo sida ay u kala degaan, xaafad gaar ah xaafadaha kale kama faaniyo, ee Muqdisho waa u Muqdisho, waana dhaqan wanaagsan ay Soomaalideenna kale dheer yihiin.
Aad baan halkan uga salaamayaa asxaabtaydii reer Muqdisho, oo ay kow ka yihiin Ibraahin Cabdi Garaad iyo Khaalid Yuusuf Daahir.
Maalinba maalinta ka gadaalaysa aragti ugub ayaad ka qaadanaysaa nolosha guud ahaan, bulshada gaar ahaan, iyo baraha bulshadu qaabka ay u shaqeeyaan.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Siddeed sano iyo badh aan baraha bulshada joogay, hal qodob ayaan ku dedaali jiray, waana fekrad kasta oo aan u arko in ay si uun anfac u leedahay in aan faafiyo, weliba qaabka ugu fudud oo muuqaal ah. Balse dareenkaygaas wax badan baa iska beddelay hadda. Waxa aan kala ogaaday fekraduhu in ay kala halmuceedsan yihiin, fekradaha kuwooda waaweynina ay u baahan yihiin caqliyo waaweyn oo diyaar u ah in ay wakhti ku bixiyaan sidii ay u fahmi lahaayeen.
Fekradaha aan dhowaanihii danbe ka salgaadhay waxa ka mid ah, in ay jiraan dad aan mudnayn fekraduhu, fekradaha qaar la baahinayo dadka qaar in aanay istaahilin in ay gaadhaan, haddii ay gaadhaanna ay dadkaasi macnetirayaan fekradahaas. Ma aha yasniin aan bulshada qaybteed quudhsanayo, ee waa xaalad jirta, dhawr sababood middood:
1. Qofkaasi weli waa dhallaan, da' ahaan iyo caqli ahaan ka uu dhallaanka ka yahayba, oo fekrado waaweyn mugga maankiisu ma qaadi karo.
2. Qofkaasi wuxuu go'aansadayba in uu keliya noolaado uun, bilaa hadaf, bilaa ujeeddo, bilaa buuq, in uu fekeraba uguma talo galin, mana jirto sabab sanka looga geliyo fekrado dhabsheeg ah oo masiirka ummadda ama ka shakhsiga ah la xidhiidhaa.
3. Qofkaasi fekradaha qaar wuu aqbali karaa, qaarna waraabow baa kaga kacayaba, oo heerka adduun-araggiisu wuxuu u afduuban yahay rabitaankiisa shakhsiga ah, haddii sida uu gacloonayo aanay fekraddaasi u soconna wuu sumcad-dilayaa ama uu la dagaallamayaa.
4. Qofkaasi wuu doonayaa in uu fekrado waxku'ool ah helo, se wuxuu doonayaa inta loo kariyo oo loo soo qaboojiyo in la soo hordhigo, ka dibna afka loogu guro sidii ilmo dhallaan ah, oo isagoo sii seexanaya uu fekrado halmuceed ah dhegaysto, se diyaar uma aha in uu shan daqiiqo oo fiiro iyo akhris ah ku bixiyo.
In ay sababo kale jiraanna waa suure, se afartaas qolo ayay u badan yihiin dadka ah Mamudanka Fekraduhu.
Adiga laftaadu haddii aad isu fiirsato, fekradda aad muuqaal ahaanta u daawato iyo ta aad akhridaa isku si kuuma saamaynayaan. Marka aad akhriyayso, waad dhuuxaysaa qoraalka, qoraaga maankiisa ayaad dhex muquuranaysaa, erayadu sida ay isu saaran yihiin baad kala saafaysaa, si ka dhadhan macaan muuqaalkana waad uga dhergaysaa.
Waxa aan go'aansaday in kolka aan gudbinayo xog aan caqliyo kobocsan ugu talo galay, in aan qoraal qudha ku soo gudbiyo si ay Mamudanka Fekraduhu uga wahsadaan oo xogtaasi ay dadka ehlu garaadka ah ugu koobnaato.
Hadda suurayso, qormooyinkoo Istanbul waxa aan kaga warramay arrimo aan ka dhabsheegay: in aan shiishad tijaabiyay, in aan Taksim soo arkay, iyo in aan qayilay, xogtaas haddii aan muuqaal ahaan ku soo tebin lahaa, hadda TikTok baan tirendhi ka noqon lahaa marba hadalkaygii la soo kala jarjaray oo qaar bilaa qiso iyo qorshe ahi ay reaction iyo faallo ka bixinayaan, qaarna ay ku soo caanbaxayaanba, waxana ay noqon lahayd xog aniga la igula dagaallamo marka aannu rag ismudanno.
Balse maadaama xogtaas iyadoo qoraal ah aan Facebook ku baahiyay, dad mudan in fekrad weyn ama qiraal dhabsheeg ah loola yimaaddaana ay akhriyeen, waxay faallooyinkii isku raaceen in ay ahayd waaya'aragnimo ii korodhay, hal qof oo igu ceebsadana ma arag.
Qodobka aan u jeedo hadda waynnu isla keennay malaha. Marka aad xog gudbinayso, isweydii cidda aad la doonayso xogtani in ay gaadho, ujeedka aad ka leedahay baahinteeda, iyo natiijada aad ka filanayso. Haddii xogtaasi ay tahay kaftan, dood fudud, xaalad markaa baraha bulshada ka taagan, iwm, muuqaal iyo TikTok baa ku habboon, haddii se ay tahay fekrad ugaqaateen ah oo xog qof weyn laga garaysto aad ku gudbinayso, qoraal iyo meel kasta oo qoraal lagu baahiyo ayaa ku habboon.
Waa sababta aan muddooyinkii danbe dhanka qoraalka ugu badanahay, oo muhimaddaydu ma aha in ay dad badan gaadhaan baahinahaygu, ee waa in ay dadka u qalma gaadhaan. Kuwa aanan asal ahaanba ugu talo gelini waa kuwa faallada ku qora: "maan Quraan akhriyo inta aan intan akhriyayo!" "Jaamacad baan dhammayn lahaa haddii aan intan akhriyi karo!" Iwm.
Ka warran kaartadaas? Hadda anigow! 😁
Xilliyadii Burco laga qaxay dagaalkii sokeeye, qoyskaygu dadkaas ayuu wax la qabay, safarkii uu Burco kaga baxayna wuxuu ku tegay Gawlallaale, oo ah tuulo ka tirsan Dawladda Degaanka Soomaalida. Halkaas ayay hooyaday igu curatay maalin Axad ah, 10kii Ogos 1997kii, se maalintaas jidhkayga ayaa dhashay, ee muddo sagaal sano ka dib ah ayaan isla Gawlallaale mar kale ku dhashay, ruuxdayda dhabta ahi ay ku dhalatay, shakhsiyadda aan ahayna ay ku baaldillaacsatay.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Kumaan garaadsan Gawlallaale ee markiiba waannu ka soo noqonnay. Maadaama aan ahaa inankii u horreeyay ee Ilma Cali Suldaan Rooble u dhashay waxa gaclootay in ay i korsato ayeeyo, waxana aan ku garaadsaday iyadoo hooyo iyo aabbeba aan iyada u aqaanno. Xilli ku siman 2003dii, anigoo yar oo giraan eryanaya galab uu roob da'ay, ayaan af-af hore ugu siibtay laagta Xaarwada ee Burco dhex martaa meel ay ka godan tahay oo hijiinka Beder ee xaafadda Abu Dabay dhanka Dhuurta ka xigta. Way i dhufsatay oo in ay ilaa togga ii xanbaarato ayay damacday. Nin Ka tallaabayay ayaa boqontaydaas cagta gacanta la helay oo dibedda iiga soo tuuray anigoo dhawr jeer cantuugay biyihii Xaarwada ee lidiqa cas ahaa. Waa la igu soo xoomay oo waa la iga matajiyay, wiswis maalinkaas baa iigu danbaysay. Waxa sidoo kale aan ka qaaday naxdintaas iyo biyahaas qaboobaa oof aad iigu xumaaday. Oofkaasi wuxuu qaabeeyay maalinkaas uu igu dhacay nolosha inta iiga gadaalaysaa sida ay u ekaan doonto.
Magaalada Burco oo dhan waa la iiga waayay dhakhtar oofkaas igu xumaaday wax ka qabta. Waxay ayeeyo ii kaxaysay Qoryaale, oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer, oo uu joogi jiray dhakhtar la odhan jiray Jaamac Daa'uud. Awal waxay islahayd dhawr toddobaad dhakhtarkaasi ha soo daweeyo oo malcaamaddiisa u soo celiye, marka aan dhawr casho joogaba waxa aan raacaa dadka soo dhaaminaya biyaha. Qoryaale berigaa waxay lahayd ceelal aan af lahayn ee bir bam garaynaysa biyuhu ay dusha kaga xidhan tahay, birtaas ayuu qof kor iyo hoos u celcelinayaa si ay isu naqasayso oo ay biyaha u soo tufto, faduusha ayaa i geyaysiin jirtay in maalinka aan raacaba anigu birta maamulkeeda la wareego oo aan dadka oo dhan weelka ugu dhaamiyo ilaa inta aan xiiqayo, balse xiiqistaa waxa iigu lammaanaan jirtay oofkii oo inta uu igu sii weyraxo soo hanaqaadayay marba. Taasi waxay dhashay in socdaalkii dabiibka ee ay ayeeyo toddobaaddada u qorshaysay uu qaato sagaal bilood oo xidhiidh ah, oo subixii iyo habeenkiiba irbad la igu mudayay, heer irbaddii maalmihii hore la ii qabqaban jiray aan maalmihii danbe safka anigu uguba horrayn jiray markii ay ii caadiyowday, walaw hadda haddii irbad la i tuso aan sida carruurta kurbado.
Sagaal bilood oo cir Alle ka dhashay ka dib, waxa aannu ku noqonnay Burco iyo gurigayagii, mise xanuunkii ayaa gaadhiga ila saarnaaba oo ila sugayay inta aannu dhakhtarka ka soo fogaanaynno. In muddo ah wax aan la daalaadhacaba, ma garanayo waxa ku dhaliyaye, maalin 2006dii ka mid ah ayay ayeeyo go'aansatay in ay Gawlallaale i geyso, halkaasna aan waxbarashada ka sii wato. Galab ayuun baa gaadhi la i saaray, maalinkii danbena Gawlallaale ayaan ku duhursaday.
Reer-miyigu waxbarashada ma jecla, iskumana hawlaan, laakiin qofka wax barta way ixtiraamaan, wanaag weynna way u hayaan. Waxa aan tegay tuuladaas oo ay joogaan laba oday oo waaweyn oo keligood wax qora, waxna akhriya, laakiin waxa ay qoreen iyagu aan xataa akhriyi karin badanka. Ayeeyo ayuun baa u sheegtay in aan sida wax loo qoro, loona akhriyo, aqaanno. Gawlallaale waxa aan ka noqday boqor bilaa boqortooyo ah.
Muu jirin taleefan, taar xataa ma jirin, qaabka qudha ee lagu wada xidhiidhi jirayna wuxuu ahaa waraaqo la isu qoro. Dadku ganacsi ahaan iyo degaan ahaanba waxay ugu xidhan yihiin Burco. Meheraduhu marka ay alaab cusub dalbanayaan waa in ay gaadhiga warqad ugu sii dhiibaan meheradda ay ka dalbanayaan, meheraddaasi alaabta ay u soo dhiibto iyo xisaabtana waa in ay u soo qortaa si ay qiimayaasha uga jaangooyaan bartaas. Islaan ama oday carruurtiisa midkood uu reer ku leeyahay Burco ayaa dhanbaal warbixin iyo waraysi isugu jira u diraya, qoladaasina way u soo jawaabaysaa oo hadhow waa in loo akhriyaa.
Markii warkaygii tuuladii ku baahay, dad xataa aan kuba fekeri jirin in ay cid warqad u diraan ayaa inta ay iila yimaaddaan warqad bayaad ah iyo qalin iyo galkii i odhan jiray "noo qor". Celcelis ahaan, lixdii cashaba gaadhi baa baxa, midina wuu yimaaddaa. Iskuulka Gawlallaale oo la dhigan jiray gelinka hore, iyo malcaamadda oo la dhigan jiray gelinka danbe, maalmaha qaar waa la iiga fasax qaadi jiray si aan waraaqahaas u qoro ama u akhriyo. Waxa ay ii bixiyeen "Karraani". Karraanigu waa (clerk), oo waayihii gumeysiga loo yaqaannay qofka wax qora waxna akhriya, xafiisyada dawladdana jooga. Dadku way kala yara xog qarsanayaan oo marba qof baa meel dacal ah iila durki jiray, ama geed gob ah hoostii, ama cariish iyo aqal Soomaali igula dhuuman jiray, si aanu hadalkiisu cid kale u gaadhin. Mooji sababta ay ugu kalsoonaayeen in aanan anigu xogahaas ay qarinayaan sheegayne, aad bay isugu kay halleeyeen, aniguna runtii qofna xogtiisa ma bixin jirin.
Markii danbe sheekadii waraaquhu way ila dhaaftay ganacsi iyo ehello iska war doonaya. Waxa ay gaadhay dad haasaawaya oo si kale oo ay isku gaadhayaan aanay jirin, kuwo tuulada wada jooga iyo kuwo Gawlallaale iyo Burco kala joogaba. Lammaane isgaclooday oo labadaas degaan ku kala nool ayaan muddo dheer oo ay haasaawayeen waraaqaha u kala qori jiray, una kala akhriyi jiray. Inanta ayaa Gawlallaale joogtay oo meherad ku haysatay. Maalin anigoo warqad jacayl oo loo soo diray ugu akhriyaya meheradda dhexdeeda ayuu nin adeer ii ahaa noogu soo galay, markaasaan aamusay, warqaddiina aan isku laabay. "Maxaad akhriyaysaan?" Buu yidhi. Cabbaar bay inantii kaftan isku tuurtuureen, laftoodu ilma adeer bay ahaayeene, kolkaasay ku tidhi: "waxaas uu akhriyayo haddii uu hal eray kaaga sheego maanta marduuf qaad ah baan kuu qaadayaa." Ninkii odayga ahaa maalinkii oo dhan buu i daba socday, xataa gurigayaga markii aan u qado tegay wuu igaga daba yimi isagoo i weydiinaya hal eray uun si aanan marduufkaas qaadka ah u dhaafin, igamuu se helin.
Kuwa tuulada wada jooga ee hasaawa, is'araggoodu wuu adkaa, waxay se nas weyn ka heleen in aan waraaqana u kala qori karo, xaafadahana aan tegi karo oo aan la iga shakiyayn. Ma xasuusataa nacnac-fargal qaabka wadnaha lahaa? Kaas inta aan nacnaca ka cuno oo aan wadnaha la soo hadho, ayaan ku sawiri jiray waraaqaha farshaxanno roomaantig iyo wadneyaal ah, walaw aanan berigaa aqoonba eraybixinta "roomaantig". Heesaha qaraamiga ah badigooda waxa aan qaybay anigoo aan weligay maqlin, maadaama dadkaas sheekaystaa ay ii yeedhin jireen oo aan u qori jiray, marka aan hadhow warqadda kii kale u geeyana aan u akhriyi jiray. Lammaanihii ugu horreeyay waxa aan isu guuriyay 2009kii anigoo aan weli qaangaadhin.
Shaqadaas qoritaanka ah aad baan u jeclaa laba sababoodba, sabab nafsi ah iyo mid maaddi ah. Waxa aan u jeclaa in ammaanta iyo bogaadintu ay dhan walba sidii laydha kaaga imanayaan, oo maqaaxida aad hormartaba la odhanayo: "alla waa karraanigii yaraa. Kaalay adeer caanashaah cab." Ama adigoo masaajidka ka yimi uu nin adeer kuu ahi meel kaa halacsanayo oo inta uu kuu yeedho oo hudheelka ku geeyo aad la soo hilibaynayso. Reer-miyiga waa ceeb ninku keligii inta uu hudheel galo in uu hilib ka cunaa, khasab waa in uu qof ku lammaanaadaa. Marka aad islaan warqad u qorto ama aad u akhrido, xoogaa yar oo giinbaar ah bay kuu laabaysaa, kun ama laba kun oo Shilin. Waad qiyaasi kartaa kunkaas Shilin sida uu uga qaalisanaa kun Doollar oo maanta jooga. Odayadu iyagu lacagta way kala tacaalaan carruurta marka miyiga la joogo, laakiin way ku naaxinayaan, hilib, caano geel, buskul, iyo caanashaah bay kaa dherginayaan. Walaw dhawr bilood markii aan joogayba iskuulka Gawlallaale oo dhowaanahaas la furay ay arday akhriska iyo qoraalka si wacan u taqaanaa ka soo baxday, shaqadaydiina dadkii qabanayay ay bateen, haddana dadka badigoodu maadaama ay aniga ila qabsadeen, aniga ayaa ahaa adeegohooda ugu weyn.
Labadaas abaalmarinood baan ka heli jiray shaqadaas Karraaninimada ah, balse dib baan ka ogaaday in ay ii lahayd saddex faa'iido oo waaweyn.
1. Caqligayga ayaa iga horkoray, oo anigoo aan qaangaadhinba oo jacayl iyo gabadh iyo haasaawe wax macne ay leeyihiin aan garanayn baan haddana ku sii xariifoobay. Waxa aan sii fahmay nolol badan oo aanan weli waayeheedii gaadhin, marka aan u qorayo dadku dhanbaallada ay isdhaafsanayaan.
2. Waxa aan ka bartay sida dadka loogu xog qariyo. Haddii aanay wax aan illawsanahay oo ii dhuumanayaa jirin, berigaasna qof xog aan u qoray ama aan u akhriyay cid kale may gaadhin, ka dibna ma xasuusto mar aan bixiyay xogta wadahadal cid na dhex maray oo arrino shakhsiya ah. Muu ahayn go'aan aan gaadhay in aan dadka u xogqariyo, ee macaamilkaas aan dadka Gawlallaale kala kulmay baa igu tarmiyay.
3. Faa'iidada se ugu weyni, waa in aan jeclaaday akhriska iyo qoraalka. 2006dii geeddigii ku soo bilaabmay waraaqahaasi, wuxuu marayaa 2026 ilaa 30 buug oo tarjamaad ah, ilaa lix buug oo allifaad ah oo wax soo baxay iyo kuwo soo bislaanayaba leh, iyo ilaa qiyaastii 100 buug in ka badan oo aan tifatiray. Dhanka inta aan akhriyay iyaga aniga ayaan xataa xisaab ku hayn, laakiin qiyaastii horta way ka badan yihiin kun buug oo baal ilaa baal aan dhammeeyay, ilaa laba kun in ay gaadhayaanna waan filayaa. Deraasadaha, cilmibaadhisaha, warbixinaha, dokumentariyada, iyo Podcast-yada aan xogta ka raadinayo iyaga warkooda daa.
Magacaas Karraani, iyo waraaqahaas aanan garanayn xilligaas wax ay ka macne yihiin  ee aan iska qorayay ama aan iska akhriyayay, waxa ay dhaleen Aadan-Sahankan 20 sano ka dib intan qoraya, akhriskana jecel, qoraalkana ku nafisa.
Waxa aan xasuustaa maalmaha uu iskuulku fasaxa yahay, gaadhi baxaya ama yimina aanu jirin, anigoo inta aan buug boqolle ah iyo qalin qaato, sida aan wax u qorayo uu ama qalinku dhammaado ama buuggu buuxsamo, se hal eray kama xasuusto wixii aan qori jiray berigaas.
Walaw aan saaqiday, 2008dii markii aan dhammeeyay dugsigii hoose ee Gawlallaale, oo Dawladda Degaanka Soomaalidu ay dhistay, waxbarashadiisuna ay bilaash ahayd, aadna u tayo sarreeyay, ay noqotay in aan dugsigii dhexe Burco ugu soo laabto, oo sannadkaas iyo kii ka danbeeyayba inta Burco la i keenay aan dib u baxsaday, maadaama nolosha miyiga ee xorriyadda ah aadan ka fuqayn, oo haddana 2010kii khasab Burco la igu keenay, halkaasna aan ka galay dugsiga Jamaal Cabdimaasir, ee reer Burco ay u yaqaanaan maxadka, haddana marnaba akhriska iyo qoraalka kamaan go'in. Anigoo bartay sigaarka iyo qaad aan la dhuunto oo aan fadhi nin weyn ahayn ee qayil-saqajaan carruureed ah, oo Gawlallaale ciyaal-xaafad ciyaal-tuulo ah ku noqday, haddana akhriska iyo qoraalka kamaan go'in.
Sannadkii 2013kii, markii aan siddeedaad dhammeeyay baan ku noqday Gawlallaale, maalin ay sheeko dheeri na dhex martay aniga iyo nin adeer ii ah ayaan ka xanaaqay sida aanu jacaylka u qadderinayn, iyadoo markaa ay isu kay raaceen khannaayad-Hindi, qaangaadhnimo, taleefan aan qaatay oo aan haasaawe bartay, iyo carcarta hore ee ogaalku uu leeyahay, waxana aan qaatay qalin iyo buug boqolle ah, qoraalkii carruurnimo ee aan bartaas ka soo bilaabayna, wuxuu dhalay 11 sano ka dib buugga Fiilofoobiya.
Maalin ka mid ah 2017kii, ayuu saaxiibkay Jacfar ii sheegay in uu turjumay buug muhiim ah, balse maadaama aanu miyi soo marin uu dareensan yahay in uu af-Soomaali yara waaweyn u baahan yahay, oo uu doonayo in aan la tifatiro. Ma hubo, waxa se aan u malaynayaa in ay ahayd markii koowaad ee aan maqlay "tarjamaad". Waannu wada fadhiisannaa, jumladda Carabiga ah buu ii sheegaa, wuu ii fasiraa eray-eray, markaasaan Soomaali yara Hawdaysan oo culus isugu xooriyaa, ilaa uu buuggaas Wabar noqdayba buugta ugu af-Soomaaliga adag. Kolkii aannu ka dhammaanay buuggaas ayuu isaguna af reer-Hawdkii igala baxay, aniguna aan Carabidii kala baxay. Halkaasaan ka bilaabay hayaanka tarjamaadda ee maanta qiyaastii aan 30meeyada buug ka marayo sagaal sano ka dib.
Isla buugtan ayaa dhalay YouTube-kana, oo adeerkay oo Ingiriiska ka yimi 2018kii, ayaan mar walba u sheegaa xog ku saabsan Ingiriiska ama Ladhan, anigoo wax ka weydiinaya. Maalin danbe oo Jeenaweri 2018kii ah buu igu yidhi: "haddii aad YouTube samaysato dadkuna way kaa faa'iidi lahaayeen, adiguna lacag baad ka samayn lahayd. Dheg umaan dhigin, wuu se igu soo celceliyay, ilaa laga soo gaadhayay 24kii Maaraj 2018kii, oo anigoo adeero u indhabuuxinaya aan YouTube-kii Sahanka Xogaha sameeyay, manaan aaminsanayn lacag baa laga sameeyaa ee waan iska waday ilaa Jeenaweri 2019kii, markaas oo adeero inta uu ku xidhay Adsense-ka aan lacagtii iigu horraysay ka helay, sidaasna aan ku aaminay in uu jiro qaab kale oo aan xogbixinta lacag kaga samayn karaa.
Sannadkaas 2006dii, waxa i dhashay bulshada, bogaadintooda iyo ammaantooda ayay igu dhaleen, Shilimaadkii ay ayeeyooyinku ii qarinayeen iyo caanashaahii ay awowyadu igu sasabayeen bay igu dhaleen, kalsoonidii ay igu qabeen iyo sidii ay xogohooda iigu halleeyeen bay igu dhaleen, taytalka ay i siiyeen ee "Karraani" bay igu dhaleen, in ay akhriska iyo qoraalka i jeclaysiiyeen bay igu dhaleen. Maanta oo ay 20 sano ka soo wareegtay, weli akhriskii iyo qoraalkii dabada ayaan haystaa, bulshadana intii karaankay ah in aan abaalkaas u celiyo waan ku dedaalaa.
Farqi baaxad leh baa u dhexeeya in waxa aad haysataa ay kula weynaadaan, macne gaar ah kuu sameeyaan, qabna aad ku dareento, iyo in ahaanshahaaga aad ka dhex aragto colaadinta iyo naca cid kale! Farqi laxaad leh baa u dhexeeya in naruuro aad heshay aad ku naallooto, iyo in nacaybka cid kale aad noloshaada ka dhex aragto. Noloshan waxna waa la wada leeyahay, waxna waa la kala leeyahay, wax walibana sidooda in loola falgalo wax ay kaga qurxoon yihiin ma jiraan.
Siyaasaddu naxli iyo nacayb ma laha, oo maalinka ay daneheennu isyeeshaanna waynnu wada ceeshaynnaa, maalinka ay isdiidaanna waynnu kala difaacanaynnaa, laakiin labada xaaladoodba waa mawaaraan oo ilbidhiqsi kasta ayay caksiga isu beddeli karaan. Siyaasiyiinta Soomaalidu waa saaxiibbo is'haya, way wada xidhiidhaan, wada shaqaystaan, wixii iska galana ay kala gurtaan, saxaafaddana way isaga gorayo-khaakhleeyaan oo afkuxooglaynta caano isuguma lisaan. Isma jecla, ismana necba, oo dabciga siyaasadda ayaa caynkaas ah.
Balse marka ay siyaasaddu shacabka soo dhex gasho, maadaama aanay caqliyad siyaasadeed lahayn, cadaawad bay isu qaadaan, eray kastaana naxli ayuu isugu sii tarmiyaa, naca isu galaana nitaaqo aanay ka soo waaqsan buu ku beeraa, oo dhacdo kastaba indho col-iska-eeg ah bay ku qiimeeyaan, mar kastoo danohooda siyaasadeed ay isjiidhaanna colaadda ayaa ku sii taranta, markaasay wax kasta oo wada-lahaansho ah illaawaan, farqiyada ugu yaryar ee inoo dhexeeyaana - sida lahjadaha - ay buuro la le'ekaadaan. Waxay la gaadhaa heer uu midiba ka naxo nimcad ka kale u soo biirta, nitaaqada ku dhacdana uu naruuro ka dhex arkaba!
Adigu waxa aad tahay qof dhallin ah. Istanbul, afar Soomaali ah oo ka kala socda Beledweyne, Boosaaso, Burco, iyo Jigjiga, ayaa guri wada dega, qorshaha tahriibka wada dejiya, lacagtooda hal meel wada dhigta, sahayda jidmarka isku biirsada, ka xanuunka jeeb-nacaska qaba ay inta kale kafaaloqaaddaa, haddii jidka ay kaga go'dana ka ay xabbad roodhi ahi ku hadhay la kala jabsada, haddii ay inani la socotana aan ka dhaqaaqin ee xataa shandadda uu midiba mar ka nasiyaa. Marka aad tahay qof dhallin ah, Ilaahayna uu ku imtixaamay in uu Soomaali yahay, xilligan aan bogaadinta mudnaynna ku soo aaday, ma jirto sabab aad Soomaali kale ugu colaadiso siyaasado iyo arrimo dawladnimo, oo mid kastaaba uu og yahay inta xilka u haysaa in ay uusmiiranayso. Markaas la wada tahriibayo ee wax-isu-ahaantu ay noqoto Soomaalinimo, qof waliba waa ka kale walaalkii laxmi, illeen markan way u runsheegtay oo mid waliba calankii uu ka kale ku colaadinayay waa kan ka soo cararaye. Marka xataa dalka la joogo, innaga ayuun baa is'indhatiraynnee, nolol ahaan iyo dhaqaale ahaan toona isma dhaanno, meel walba waa lagu basaasay, waa lagu baahan yahay, waa lagu shaqo la' yahay, quus baa lagu joogaa, qof waliba sidii uu dunida mustaqbal ugu doonan lahaa ayuu ka fekerayaa, balse indhasarcaadka nolosheenna lafdhabarta ka noqday baa ina maanqaada, markaasaynnu isu ab iyo calan tirsannaa, irbaddaas suuxisada ahina waa ta qudha ee nolosha quusta ah inaga yara sirkhaamin karaysa, waana sababta aynnu calan-calan iyo reer-reer ugu xifaaltanno hadh iyo habeen.
Mar haddii aad tahay qofkaas dhallinta ah, Soomaaliga ah, ma jirto sabab aad naxli siyaasadeed ugu qaaddo Soomaali kale. Wixii dood iyo fadhikudirir ahi waa halkooda, wixii kaftan iyo xifaale ahina sidoo kale, laakiin in ay qalbigaaga u dhaadhacdo ayay ceebi ka taagan tahay. In aad walaalkaa u nacdo keliya maadaama uu magaalo kale ku dhashay, ama uu calan kale ku hoos dhashay, ama dawlad kale ay u taliso, ayaa ceeb ah.
Caqliga qofka dhallinta ah ee Soomaaliga ahi wuxuu marayaa, heer cayda Soomaalida kale uu ajar ka xisaabsado, ammaantooda iyo bogaadintoodana uu u arko denbi ay ciqaab Ilaahi ahi ka waajibayso. Haddii aad maanta bogaadiso, ama wanaag ay leedahay aad sheegto, magaalo Soomaaliyeed oo aan degaankaaga ahayn, marka wax kale oo lagugu nacsiiyo samahaas aad fashay, ama lagugu ceebeeyo la waayo, waxa lagu odhanayaa "waad u niikinaysaa!" Ama: "waad leefleefaysaa!" Amaba waa ta ka darane: "muuqaal baa lagaa hayaa!" Xataa in aad Soomaali kale wanaaggiisa bogaadiso ayaa ceeb inala noqotay. Maanta, jiilkan inoo kacay qolo kastaaba way taqaannaa ceebaha qolyaha kale, laakiin waa naadir in aad aragto iyagoo xataa wax uun ka yaqaanna wanaagyada Soomaalidaas kale, maadaama dabcan ay la yaaban yihiin sababta ay u nool yihiinba! Wixii is'hayn siyaasadeed ah siyaasiga u daa. Iyagu ha kala cad-dhacsadaan, kollayba adigu waad ka gaajoonaysaaye, adiguna adigoo waxaaga jecel, ilaashanaya, sheeganaya, haddana ummaddaada la noolow.
Gumeysiga ayaa shan qolo inaga dhigay. May ahayn wax rabitaankeenna ku yimi. Af iyo addin midaysan baynnu kaga hortagnay, dedaal walbana waynnu u hurnay sidii aynnu qaybsankaas meesha uga saari lahayn, way se suurageli weyday. Waaqica ayaa inoo runsheegay. Waa la isku haynayaa arrimo siyaasadeed oo carrab iyo ilko ayaa cid isugu dhow oo iyaguba way isqaniinaan, laakiin is'hayntaas siyaasigaaga u daa, madaxda iyo inta ilaalinta danaha degaankaaga ku mushaharka qaadata u daa, adiguna kollayba waad busaaradaysan tahay oo shiid baad xiddigaha la tirinaysaaye, taada u noolow, oo ugu yaraan haddii aadan Soomaaliga kale wanaag u haynayn, xumaantaada ha ka nabadgalo. Marka iscayga iyo iscolaadinta siyaasadeed aad dhex dabbaalanayso, ma isweydiisaa aakhiro iyo maalinka waxan lagaa xisaabinayo waxa aad kaga jawaabi doonto?
Somaliland, waa bulsho Soomaaliyeed oo han Soomaaliweyn qaadday, u halgantay, dawladnimo dhan uga tanaasushay, midnimo bilaa shuruud ah u gashay magaca Soomaali dartii, laba dagaal oo hankaas loo galay qayb libaax ka qaadatay, markii Jamhuuriyaddii Dhexe ay burburtayna dawladnimo samaysatay, maalinba maalinta ka danbaysana ay nolosheedu sii wanaagsanaanayso. Hargeysa-Hadhwanaag waa hoygii fanka iyo hooyadii abwaanka, waa rugtii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waa baradii ugu mudnayd ee laga shidaalinayay aragtida Soomaaliweyn. Maantana waa degaannada Soomaaliyeed ee dimuqraaddiyadda iyo xorriyadda lagu majeerto. Intaas haddii aad wanaag ugu hayso ma cudur baa kugu dhacaya?!
Soomaaliya, waa dawladnimadii lagu midoobay 60kii ee la damacsanaa in ummadweynta Soomaaliyeed la isugu keeno. Waxay la soo daalaadhacday xaalado bini'aadmi ku noolaan karaa uu yar yahay, maantana dawladnimadeedu maalinba maalinta ka danbaysa way soo roonaanaysaa. Muqdisho-Caddey, waa Luulkii Badweynta Hindiya, waa caasimaddii Ummadda Soomaaliyeed in looga wada taliyo loo qorsheeyay, waa baradii halganka shanta Soomaaliyeed laga hagayay. Way soo dhiigbaxday, burburtay, laga barakacay, haddana weli waa magaalada Soomaali u weyn, waa rugta uu adduunku Soomaalida ka daalacdo, waa magaalada ilbaxnimada iyo xaddaaradda, amnigeedu heer Alxamdulilllaah ah buu joogaa, dawladnimo iyo nidaam qurux badanina wuu ka hanaqaadayaa. Shabeellooyinka iyo dhulka webiyadu waa Switzerland-ta Afrika. Garoowe waa magaalooyinka ugu mustaqbalka wacan dhulka Soomaalida, nidaamka ay u dhismaysaa wuxuu muujinayaa in mustaqbal weyn loo diyaarinayo. Wax kasta oo bulshadaas Soomaaliya soo kala qabsadayba, maanta waa la wada nool yahay, si kastoo dano hoose la isugu hayana, waa la wada ceeshayaa. Haddii aadan sookabashadooda iyo noloshooda caadinimadii ku soo noqotay ku bogaadinayn, ugu yaraan ceebohooda aad fadhfadhayso iyo dhibaatooyinkooda aad ku wiirsanayso ka waantow.
Soomaali Galbeed, Dawladda Degaanka Soomaalidu, waa baradii halganka iyo gobanimodoonka, way inaga wada Soomaalisan yihiin, inaga wada qalbi wanaagsan yihiin, diinta iyo isirkana sideenna si ka weyn bay ugu dheggan yihiin, halaag kasta oo ay muteenna kuma gaadhaynno diinta iyo dhaqanka Soomaaliga midna. Waa bulsho leh ruuxdii Soomaaliyeed ee saxda ahayd, qofka doonayana in uu ruuxdaas Soomaalinimo ka salgaadhaana waa in uu muddo la soo joogaa iyaga. Waa dad daacad ah, aan nifaaqa aqoon, dareenka siyaasadeed ee Soomaali kala dilay aanu ku weynayn, wanaag badanna ina dheer. Innagoo khiyaannay 1977kii, dhulkooda oo ay xoraysteen ka kala daadinnay xorriyaddii innagoo dano siyaasadeed ka duulaynna, haddana naxli inooma hayaan ee qof kastaa waa ehelkooda. Jigjigi waxay u dhismaysaa si aanay magaalo kale oo Soomaaliyeed u dhismin, nidaamka iyo kala-danbayntana aad bay inoogaga horreeyaan. Godey-Gacalo, walaw aanan weli tegin degaannadaas, haddana sida igu maqaalo ah, waa magaalo uu Ilaahay ﷻ u qaaday magacaas Gacalo. Waxa aan aad u jeclahay magacyada Dawladda Degaanka magaalooyinkeeda, sida ay Soomaaligii asalka ahaa ee aan shaashoobin ugu hadlaan, sida ay u yihiin ehlu suugaanka, iyo sida ay Soomaalinimadu macnaha ugu samayso. Wanaagyadaas haddii aadan u qirayn, ugu yaraan waxyeelladaada ka hayso.
Jabuuti, waa halkii lagu badbaaday burburkii dawladdii dhexe ka dib. Waa cidda qudha ee ka warhaysay dadkeennii waxgalka ahaa. Waa halka lagu kaydiyay fankii iyo suugaantii Soomaalida oo ah waxyaabaha kooban ee burburka inooga badbaaday. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ku suntan yahay maalgelinta iyo dardargelinta buugaagta taariikhda Soomaalida iyo fankaba ee jeebkiisa laga daabacay. Shirkii Carta ee Soomaaliya dawladnimada lagu dhisayay, bulshada Jabuuti dareenka walaalnimo wuxuu gaadhsiiyay heer qofka reer-miyiga ahi marka uu jeeskiisa ka soo shirtegayo uu neef ka soo kexeeyo si loogu daro xoolaha walaalaha Soomaaliyeed ee shiraya lagu sooryaynayo. Si shirkaasi uu u meelmaro shaqaalaha dawladda bilo ayaa mushaharka laga jaray. Intaas haddii aad wanaag ugu hayn weyday ugu yaraan afkaaga ha ka nabadgasho.
Soomaalidaas shishe ee NFD, waan jeclaan lahaa in aan wax badan ka aqaanno, xogohoodana aan ka warhayo, balse si bay inooga go'an yihiin, dadka aan kala kulmayna waa midhadh, badankana iyagu way inaga nabadgalaanba oo baasaboorka Kiiniya waynnaga ugu dhuumanna. Intaas baa wanaag uga badan.
Mar haddii aad tahay qof dhallin ah, Soomaalina ah, dadku waa dadkaagii ee colaad ha gashan. Ma garanaysid maalinka ay magaalo kale oo Soomaaliyeed dani kaaga xidhmaysee. Dawladdaada iyo calankaaga ku dhegganow, dadkaagana la noolow. Qabiilka aad laabta u garaacanaysaa marka aad tahriibayso waa waxa koowaad ee aad ka tanaasulayso, oo qof aadan qabiilkiisa weligii maqlin baad caagad biyo ah afka kaga wada cabbaysaan, ama aad kaadi isu hanbaynaysaan saxaraha Liibiya. Berigii Madhibaannimada lagu dhoofayay, reerka inoogu laandheeraysani Madhibaan buu ahaa, boqollaal qof oo reerohooda laabta u garaacda ayaana magacooda ku dhoofay oo qurbaha ku jooga.
Dadkaagu waa dadkaagii, waa walaalahaaga aad uurka u kala baxdeen, ee walaalso oo ha cadawsan. Dhulka Soomaaliyeed waa dhulkaagii, adigoo Hargeysa cuud ku tuman kara, badda Berbera ku dabbaalan kara, Garoowe ka qaxweyn kara, Jigjiga u jewi doonan kara, Gaalkacayo u kaftan tegi kara, Muqdisho ku madadaalan kara, xeebta Liido ku caweyn kara, Gaarisa iyo Wajeerna ka wardooni kara, ha isa soo koobin.
Meel kastoo aan maro iyo magaalo kastoo aan tago, waa la i og yahay in aan ahay reer Somaliland reer Burco ah, nasabkiisuna Isaaq yahay, Jamhuuriyaddaasna leh, cidina iguma xumaysanayso, maxaan anigu xumaan u gashanayaa dadka iyadoo waxayga aan la iguba colaadinayn, wixii dood siyaasadeed ahi waa meesheedee.
Dadku waa ceeshowmili, ee ceesh bilaa milix ahna ha karsan kuu dhadhami maayee, milix qudhana ha quudan waad ku bukoonaysaaye, isu qiyaaso ceeshkaaga iyo milixdaada.
"Dalkaasi waa Islaam" marka aad maqasho, waxa aad filanaysaa in Islaamnimadiisu ay tahay caynadda Islaamnimada bulshadaada.
Diinta waxa aynnu ka haysannaa dhinac, ma aha Islaamka oo aynnu kala saafaynno, ee waa in fahanka aynnu Islaamka ka qaadannay uu ku xidhan yahay habdhaqankeenna bulsheed, bulsho kastaana ay taas inagala siman tahay.
Qofka Soomaaliga ah, Muslinka ah, si ayay caadi ula tahay in magac qabiil ay 100 nin hal maalin u dhintaan, haddii uu labadaas qabiil midkood yahayna waxay u badan tahay in uu si uun u dhex muquurto colaaddaas, walaw niyaddana ha kala falgalee. Waa la caadi in inanta xubinkeedii Alle-sameega ahaa dadsamee laga dhigo, intii ay ka darari lahaydna loo darraysiiyaa. Balse gaalnimo ayuu u arkaa gabadh surwaal xidhan, ama timo qaawan! Islaam-ka-yaac buu u yaqaannaa xataa lammaane isqabaa in ay gacanta isqabsadaan meel mahwi ah. Sheekafaneedda Juxa ee Qab iyo Quudhsi marka uu akhriyayo, ee waaya'aragnimada nin kasta oo dalka ka baxaa uu si uun ula xidhiidho, haddana heshiiska aamusan lagu gaadhay in aan la soo hadal qaadin uu sida qiraalka leh jiilka soo kacaamaya aqoonyahankaas weyni ugu tebinayo, wuxuu u arkaa dadka oo diinta laga saarayo!
Sidaas weeyaan bulsho kastaana. Turkiga Muslinka ah waa la caadi inan timo qaawani, laakiin gaalnimo ayuu u arkaa in xubinkeeda la kirkiro! Aadamanimatir buu u yaqaannaa in qof Islaam ah magac qabiil lagu dilo!
Markii koowaad ee aan Istanbul dhex galay, anfariir hiddeed (culture shock) igumuu dhicin ee anfariir diimeed (religion shock) baa igu habsaday! Maalmo dhan ayaan aaminsanaa Muslinka qudha ee Turkiga ku nooliba in uu yahay odayga Erdogaan iyo afar ka ag dhow!
Sannadkii 1924kii, markii la laalay Khilaafadii Cismaaniyadda, gacan bir ah ayaa Calmaaniyadda lagu aqbalsiiyay, muddo qarni ku dhowna lodba lodka ka danbeeya ayaa qoorqabad loogu qulaaminayay. Sida Kiristanka looga dhaadhiciyay in cibaadada ay gutaan maalinka Axadda oo qudha, lixda casho ee kalena aanay Ilaahay dhankiisa isku hawlin, ayaa Turkidana loo aaminsiiyay in salaadda Jimce oo keliya lagu leeyahay, lixda dharaarood ee kalena ay adduunyada caabudaan! Xataa Ramadaanta Jimcaha ayuun bay badanka soomaan! Masaajid kasta waxa yaalla cawyo (qaddiifado) ka badan bedka roogga masaajidka yaalla, oo maalinkaas Jimcaha ilaa laamiyada ayaa isxidhaya dadka tukanaya badnaantooda awgood, inta kalena masaajiddada laba saf ma buuxsamaan.
Intii uu Erdogaan joogay, Islaamnimadu dib bay ugu soo xoogaysanaysaa bulshada dhexdeeda. In badan ayaa Erdogaan u yaqaannay Amiirka Muuminiinta, laakiin keliya waa Madaxweyne ku dedaalaya in uu Islaamnimadii dib ugu soo celiyo dalkiisa, bulshada Turkiga ee laga gooyay soojireenkoodii horena uu dib ugu celiyo asalkoodii. In badan oo kale ayaa u taqaanna gaal uraya oo Calmaani ah, balse waa qayb ka mid ah seeflaboodnimada ay indhowgaradnimadu raacdo ee Soomaalideenna caadada u ah, walaw aynnu dad caqli badan iska aaminsan nahay. Waxay u cuskadaan dooddaas in uu si cad u sheego in Turkigu uu yahay Calmaani, Calmaaniyadduna ay tahay mabda'a aasaasiga ah ee dalka. Waxay doonayaan in uu sidii nin ka hadlaya xerada iyo kal-aroorka geeliisa warkiisa caddaysto, oo uu si qab leh u yidhaahdo: "Calmaaniyad ma oggoli, dalkana Islaami ayaan ka dhigayaa!"
Somaliland oo 35 sano jirta, ka warran MW Cirro haddii uu caawa ku dhawaaqo in aanay Soomaaliya ka baxayn? Madaxtooyada ayaa loogu daadanayaa sow ma aha? Erdogaan haddii uu Calmaaniyadda Turkiga calaamad-su'aal geliyana madaxtooyada habeen danbe u hoyan maayo! Soomaalidu siyaasadda waxay ka barataa qaybta xadhig-isjarka iyo iska-daba-baxa, ee heerkiisa siyaasadeed xataa weli siyaasiyiinteenna habfekerkoodu muu gaadhin, iska daa in ay ku dhaqmaane. Nidaam 80 sano gacan bir ah dhidibbada loogu aasayay, ayuu 20 sano gudohood xididdadiisa ku liiliijinayaa.
Tirabadanta (majooratiga) Turkidu waa Calmaaniyiin, haddana diinta Ixtiraam weyn, oo xataa aanay Soomaalideennu u hayn, ayay u hayaan, dhabna ka ah. Isagoo aan weligii masaajidka u dhow tegayn, marka uu eedaanka maqlo meheraddiisa muusiga wuu ka daminayaa isagoo ixtiraamaya. Marka aad ku tidhaahdo "ma Muslin baad tahay?" Kuuguma jawaabayo "haa." Ee wuxuu ku odhanayaa: "Alxamdulillaah!" Magaca Maxamed, ixtiraamka ay u hayaan dartii, marka ay si qadderin leh kuula hadlayaan ayuun bay odhanayaan "Muhammad", laakiin noloshooda caadiga ah marka ay la macaamilayaan qof la yidhaahdo Maxamed, waxay u beddelaan "Mehmet". Maalin ayaan weydiiyay qareen aannu saaxiibbo nahay oo Ingiriisida yaqaanna, sababta ay magacaas weyn u beddeleen. Wuxuu igu yidhi: "mararka qaar waad la kaftamaysaa qofka la yidhaahdo Maxamed, ama si kulul baad ugu yeedhaysaa, ama waad maagaysaaba. Markaa, magaca Nebiga ﷺ in aannu qaabkaas ula dhaqanno ayaannu ka xishoonnaa, markaasaannu u beddellaa Mehmet!"
Qofka Turkiga ah ee diinta ku dheggan, xataa haddii aanu waxba sidaas ah aqoon u lahayn, iimaanka qalbigiisa ku jiraa dushiisa ayuu ka muuqanayaa. Mararka qaar baad is'odhanaysaa xataa culimadeennu heerkaas ma gaadhsiisna!
Salaadda marka uu isu taago, ilaa inta uu ka sunne iyo duco dhammaysanayo ee uu masaajidka ka tabaabushaysanayo, waxa aad arkaysaa qof isdhiibay, Ilaahay isu dhiibay, waxa hareerihiisa ka dhacayana aan waxba kala socon! Isma xoqxoqayo, maro haghagaajisan maayo, indhaha barta uu ku sujuudayo kama qaadayo, isagoo baalladaymoonaya arki maysid, sida uu u taagan yahay iyo sida uu u fadhiisanayana waxa qudha ee aad ka dheehanaysaa waa qof isdhiibay. Weligay waxa aan u aqaannay khushuucdu in ay qalbiga uun tahay, se Turkiga ayaan ku bartay in ay xataa qaab-fadhigaaga ka muuqanayso, sida huga oo kalena aad ugu labbisanayso. Iskuday kasta oo aan sameeyayba waan awoodi waayay in aan heerkaas khushuucda ah salaadda ka gaadho!
Saaxiibkay Dirham ayaa iiga sheekeeyay mar uu degganaa guryaha ardayda (dormitory), oo ahaa meel ay qolo culimo ahi maamusho, in salaad subax ka dib iyadoo Quraan la wada akhrisanayo uu arkay maamulihii dhammaa ee meeshaba haystay oo safafka dhex gurguuranaya. In uu baxo ayuu damcay, wuxuuna ka xishooday in dadka badan ee sida filiqsan u fadhiya ee Quraanka akhriyaya uu dhex lugeeyo, Quraankana uu in badan ka korreeyo. Ilaa albaabka danbe ee masaajidka wuu gurguuranayay! Weli ixtiraam intaas le'eg ma ku aragtay bulshadeenna?!
Intii aanan afka xoogaaga magaalajoogga ah ka baran, maalin annaga oo maqaaxi gambadha ah fadhina, gabadh qiyaastii aan is'idhi waa magaalaysato marka muuqaalkeeda aad u fiirsataana ay i dhinac fadhido, oo aannu nahay dhawr weyn oo buuqaya, ayuu eedaan baxay. Lugaha ayaa isu kay dul saarnaaye, gabadhii ayaa hadallo maagis ah oo kulul igu tidhi. Cabdikhaalaq Xasan, ninkii qaadka igula taliyay, oo i dhinac fadhiya ayaan ku idhi: "aar maxay leedahay?" Kuye: "lugaha kala qaad bay ku tidhi eedaankii baa baxaya oo waa ceebe!"
Maalin ay Jimce ahayd ayay salaaddii weyso-la'aan igu qabsatay. Laamiga ayaa lagu tukanayaa. Meherad baan laba caagadood oo yaryar oo biyo ah ka soo qaatay oo waan weysaystay, iyadoo ay rakcadi i dhaaftayna waan ku xidhay. Dadkii iga ag dareeray may tegin ee way i sugayeen, iyagoo la tacajabsan nin sidan u dhallinyar oo sidaas oo dhan salaadda u ilaalinaya. Aniga salaad-ilaalin sidaas u weyn igamay ahayn ee rootiinkii caadiga ahaa ee salaad-gudashada ayay iga ahayd. Markii aan salaamadnaqsaday ayay duco iyo bogaadin dhoollacaddayn leh igu boobeen. Runtii dareen gaar ah bay igu yeelatay. Sidii ii caadada ahayd, waxa aan u sheegay in aan ahay Soomaali, iyagoo Soomaalida Islaamnimadooda si weyn u aaminsanna waannu kala tagnay.
Sababta ay iila yaabeen waa in aanay arag dhallin ay noloshu u cusub tahay oo dhanka Ilaahay uu damac kaga jiro. Nin reer Muqdisho ahaa oo Cabdalle la odhan jiray, saaxiibkayna ahaa, ayaa iiga sheekeeyay in mar uu baraf da'ayay uu maalin kasta salaadda subax masaajidka tegi jiray. Dhawr oday ayuun baa salaadda subax ku tukada. Way la yaabeen! Waxay isyidhaahdeen ninkan yar baahidii baa ka tan badatay oo masaajidka u soo eryaysa, wuuna idinka xishoonayaa. Oday baa jeebkiisa baadhbaadhay oo ka helay shan Teello, oo markaa qiyaastii hal Doollar ahayd, markaasuu u soo taagay. Wuxuu ii sheegay in uu mar ka diiday, odaygiina uu ku adkaystay, ka dibna uu ka xishooday in uu mar kale ku diido, oo inta uu ka qaatay uu Turki kale oo isaga ay baahi toos ahi ka muuqatay siiyay, odaygiina uu dhibsaday.
Maalin aniga iyo inan ina adeertay ah oo guri kiro ah raadinaynna, ayaa tagnay meelaha guryaha lagu kireeyo oo la yidhaahdo Emlak. Waxa haysta islaan iyo inankeeda oo xoogaa iga weyn. Quraanka malaha Faatixada iyo inta salaad-ku-dhaafka ah ayay ka yaqaanaan. Waxa tiifiiga uga baxayay Quraan. Si ogaal-la'aan ah ayaan Quraankii ula akhriyay. Xoogaa ka dib ayaan ku war helay iyagoo ay indhuhu soo baxeen yaab dartii. "Quraanka Kariimka ah miyaad taqaanaa?!" "Haa!" Ayaan ku idhi. Way i sii qodqodeen, laba jeer in aan dhammeeyayna waan u sheegay. Farxadda iyo tacajabka wejigooda ka muuqday erayo aan idiinku cabbiro in aanan helaynin bay u badan tahay!
Habeen ayuu saaxiibkaygaas qareenka ahaa noo kexeeyay meel dikri (shallaad) uu ka dhacayo. Waxa joogay sheekh weyn oo dariiqo suufiyo ah amiirkeeda ah. Waa aniga iyo Maxamed Xasan, ninkii Abokor Axmed ee caqliga badnaa. Waxa aannu fadhiisannay fadhi guriga ku wareegsan, weliba sheekha ayaan ku xigay. Labadayada ninba muxtarimiin ayaannu nahay runtii, balse habeenkaas annaga ayaa ugu akhlaaq iyo ixtiraam darrayn dadkii halkaas isugu yimi! Waxa aannu u fadhinay sida caadiga ah ee lugba meel la dhigo. Gacantayda midig dhabta ayay ii saarnayd, bidixda oo uu Maxamed iga fadhiyayna gacanta ayaan kursiga dushiisa ku dhereriyay. Annaga ayaa ugu da' yarayn dadka, marka laga reebo inan yar oo dhallaan ah oo aabbeheed la socota. Rag uu gadhku caddaaday baa sheekha u imanaya oo gacanta ka dhunkanaya, ducana weydiisanaya, marka ay la hadlayaan ama ay hortaagan yihiinna aad mooddaa boqor in ay horjoogaan oo birotokoolkii xurmaynta boqorka ay gudanayaan! Nin qiyaastii 55-60 ah, ayaa dhulka fadhiya, sida atexyataadsiga u fadhiya, sheekhana afkiisa daawanaya isagoo aan waxba weydiinayn. Annaguna waannu iskala haynnaa! Dhegweyn baan ahaye mar danbe ayaan wax dareemay, xoogaa is'ururin ah oo aanan u baranna aan sameeyay!
Waxa aan isweydiiyay, dadkan qarniga Islaamnimada lagala dagaallamayay, maxay sidan oo dhan diintu qalbigooda ugu nooshahay, xataa iyagoo aan Faatixada karyan?! Maxay culimada sidan oo dhan ixtiraamka ugu hayaan?!
Jawaabta qudha ee ii soo baxday, waa in weligoodba ay soo ahaayeen suufiyo, welina ay yihiin. Ma aha suufiyo qayil iyo durbaan uun dul fadhiya, ee culimadoodu waa suufiyo aan cilmi iyo camal midna lagu gaadhayn. Marka aad aragto sheekh Turki ah, waxa aad suuraysanaysaa Saxaabadii! Waa suufiyo diinta caqliga ku sida, qalbigana kala nool! Iyaga ayaa ah tafsiirkii nusuusta diinta oo dad noolnool ah, wejigooda ayaana kaaga dherginaya diinta si aanay kutubta waaweyni qalbigaaga ugu dhaadhicin karin! Xataa Calmaaniga ayaa sheekha u hoganaya oo ixtiraamaya! Waa culimo ka dhabeeyay in diintani ay goor kasta iyo goob kastaba ku habboon tahay, oo sida ay nolosha bulshadooda ula muddaaxayaan aad ka arkayso dhaqangelinta xeerkaas aasaasiga ah.
Maadaama qaawanaanta dumarku ay caado dabeeci ah la noqotay bulshadan, sida hoolhoolista hoosta hableheennuba ay caadada caadiga ah inoola tahay, waxay arkeen in aan xaaladdaas si fudud looga cidhibtiri karin. Waxa jirta inan qaawanaantiina ku ibtilaysan, salaaddii in ay dhaaftana aan doonayn, sida ninka Soomaaliga ah ee magaca qabiilka ninka kale ku dilayaaba uu salaadda u ilaalinayo. Maxaa xal ah? Xijaabbo ayay masaajidka dhigeen si aanay inantaasi si walba Ilaahay ugu seegin, oo haddii ay dhankaas asturnaanta ku liidato, aanay salaaddana uga tanaasulin, albaabkaas asturnaanta ee ay ka ajarsan lahayd haddii ay ka ibtilawdayna, aanay albaabka xidhiidhka Ilaahayna isaga xidhin!
Waxa aan aaminsanahay, cadaadiskaas diinta qarniga lagaga hayay haddii 10 sano oo qudha aynnu la kulmi lahayn, Islaamku agteenna wuxuu ka noqon lahaa taariikh laga sheekeeyo, sida Daraawiishtii oo kale! Sababtu, waa in maanta diinta aynnu caqliga ku sidanno ee aanay qalbigeenna saldhigan. Salaaddeenna isdhiibkaasi kama muuqdo ee waa ganacsi, waa "Ilaahayow; afartaadii rakcadood waad iga haysaaye dee ha i cadaabin!" U fiirso xataa sida aynnu u cabbirno salaad-gudashada: "salaadda ayaan iska soo ridayaa!" Waa culays aynnu iska ridaynno, ee ma aha boqorkii ifkan lahaa oo golihiisa inagu casuumay oo aynnu isu dhiibaynno! Ma aha raaxadii iyo nefisaaddii uu Nebigu ﷺ ku sheegay! Xeerarka fiqiga ayaa ka adkaaday xadantadii caadifadeed ee ay diintu qalbigeenna ku saldhigan lahayd. Waxa inaga wiiqantay qaybtii rooxaaniyadda ee Islaamka. Xaaraanta iyo xalaasha waynnu kala garanaynnaa, fahan ballaadhanna diinta waynnu ka haysannaa, laakiin qalbigeennu si ayuu uga arradan yahay.
Goorma ayaa kuugu danbaysay adigoo Quraanka akhriyaya Aayad ku taabatay in ay kaa ilmaysiiso, ama ugu yaraan ay gilgil ku geliso?! Goorma ayaa kuugu danbaysay weynida Ilaahay inta aad la khushuucdo in ay ilmo isku kaa soo taagto?!
Ma xasuusto sheekhii uu ahaa, ee sheekh Soomaali ah ayuu mar oday weydiiyay: "adeer berigii hore wacdigan badan iyo culimadani may jirin, ee mar buu wadaad na odhan jiray 'waar Ilaahay ha laga yaabo.' Markaasaannu oohin la daadan jirnaye, ma idinka ayaan idinkii ahayn, mise annaga ayaan annagii ahayn?" Oo uu ugu jawaabay: "adeer; idinkuna idinkii ma tihidin, annaguna annagii ma nihin!"
Fahanka aynnu maanta diinta ka haysanno, doodaha ugu adag waynnu ku gali karnaa, laakiin damiirkeenna raad la sheego kuma laha! Eedda koowaad waxa aan saaraa culimada, oo qaybtii xeerarka ahayd ka mudnaysiiyay qaybihii kale ee Islaamka. Meel walba Fiqi ayaa lagu sharraxayaa. Waxa inaga dayacan waayahan Islaamka qaybtiisii Falsafadda ahayd, Mandiqa ahayd, Cilmibulsheedka ahayd, Cilminafsiga ahayd, Sayniska ahayd, khushuucda ahayd, ee fanka ahayd. Xataa masaajiddadeennu waa uun dhismeyaal derbiyo ah, masaajiddada Turkidana quruxdooda iyo fanka lagu dhisay oo keliya ayaa ku jeclaysiinaya in aad ku ictikaafto.
In aad ku abtirsato Islaamku waa arrin, in ruuxdaadu ay tahay Islaami Muslimad ah oo Islaamka la nool, kuna noolina, waa arrin kale.
Si kasta oo Istanbul ay u qadhaadhahayba, haddana ruux-qummin weyn oo Islaamnimo ayay ii samaysay. Si kasta oo albaabada cadaabta laga galaa ay ugu badan yihiinba, haddana waxay ii furtay albaab janno oo qaybtaydii ruuxiga ahayd ee Islaamnimo si weyn u soo noolaysay.
Ina kala kexeeya haddaba isku daallaye!
Turkidu, adduunka oo dhan waxay ka yaqaanaan hal waddan oo la yidhaahdo Turki, afna waa u kooda iyo bes, ehelna ma sheegtaan oo dadku waa u Turki iyo noole u qaabdhismeed eg oo kala midabbo duduwan, marka laga reebo qofka cad oo heer ay caabudaan ay ku dhow yihiin.
Wacyigoodu waa kii Gawlalaale, waaya'aragnimadooduna waa tii Luuqganaane, taariikhdoodii hore waxay uga arradan yihiin sida jiilka inoo kacaamayaa ay Soomaalinimada uga madhan yihiin, Galbeedkana waxay u jecel yihiin sidii barbaar iskuulkii dhammeeyay oo uu dalku indhaha ku gubay, tahriibna u xidhxidhan.
Ma yaqaanaan cunsuriyad, oo cunsurigu waa qof in uun ogaal leh oo cuqdadda sare'eegga (superior complex) qaba, ee habnololeedkooda ayaa cunsuri ah. Waxa aan odhan karaa, qolada qudha ee ay cunsuriyiinta ku ahaayeen waa Suuriyaanka oo ay dani isbadday, siyaasiyiin barnaamij kale oo ay ummadda la horyimaaddaanba aan lahaynina ay barnaamij ka dhigteen in ay dalka ka saarayaan. Afkoodu wuu macaan yahay, haasaawahana wuu ku sii dhadhan wanaagsan yahay, laakiin filimada ayuun bay taas ku metelaan. Lammaanaha xidhiidhka lihi marka ay wada hadlayaan, waa Aadan Sahan oo dood la geliyay qaylada iyo qawlal-ka-xunbaynta, faro-taagtaaggana waa geed caleen dhacsaday oo dabayl jiilaal ay lulayso.
Maalin hilaaddii 2017kii ah, anigoo la dhacsan Turkiga, ayaan daawaday muuqaal lagu weydiinayo bulsho Turki ah oo yar iyo weynba leh, caasimadaha Ciraaq iyo Suuriya, marka danbena magaca caadiga ah lagu weydiinayo: "na taqaanaa Baqdaad?" Oo qof qudhihi aanu ka jawaabayn. Ayeeyo oo iga fadhida, magaceedana aan qori aqoon, ayaan weydiiyay: "ayeeyoy; ma taqaannaa Baqdaad?" Kolkaasay tidhi: "miyaanay ahayn meeshii madaxweyneheeda la deldelay!"
Marka uu Turki ku weydiiyo halka aad ka timi, ee aad u sheegto in aad Soomaali tahay, wuxuu ku weydiinayaa mararka qaar: "Soomaaliya iyo Suuriya intee ayay isu jiraan?" Haddii aad u sheegto in aad tahay Afrikaan, iyaga Afrikaanku waa u qof madaw uun, sida uu innagaba inoogu yahay. Inta uu albumka sawirradiisa galo ayuu ku tusayaa mid Afrikaan ah oo dhawr sano ka hor uu sawir la galay, oo uu ku sii weydiinayaa: "waxa la yidhaahdaa Ugbu ee ma taqaanaa?! Isku Afrikaan baad tihiine!" Kolkaasaad marna caqliyaddiisa caayaysaa, kolna aad moogganaantiisa u arxamaysaa!
Waxa ajaanib ugu horraysay 2010kii ka dib, oo ay badigoodu ogaadeen in adduun kale uu jiro. Waxay maqleen Soomaaliya biyo-la'aan baa ka dhacday. Saaxiibkay Dirham oo gobol wax ka baran jiray ayay weydiiyeen maalin: "biyaba ma cabtaan miyaa?!" Saaxiibkaygaasi waa ku caajis sharraxaaddee, kuye: "ma cabno!" Waxay aamineen in aynaan biyaba af saarin!
Nin reer Burco ah oo ilko cascas, ayaa maalin isagoo ka adeeganaya meel BIM la yidhaahdo, oo dukaan yara jaban ah, ay islaani u soo qaadday koolgeed iyo burush, iyadoo u malaynaysa waxa ilkaha ka casi in ay huuro tahay. Waa 70-jir aan weligeed arag ilko cascas.
Soomaalidii naga horraysay inta ay waraystaan, marka ay jidhkooda madaw la yaabaan, ayay weydiin jireen: "dhiiggiinnuna ma casaan baa?! Ma isku dhiig baynnu nahay?!"
Maadaama aanay af kale aqoon, marka hore af-Turki ayuu kuugu sheegayaa wuxuu kaa doonayo, marka aad fahmi weydo, keliya toonka codkana kor buu u qaadayaa, erayadana wuu kala yara saarsaarayaa, marka aad fahmi weydana dhiigkar baa ku kacaya, cabaadka iyo cadhadhaqdana coomaaddeyaashii Sayidku uu ka cararay baad moodaysaa. Haddii aadan af-Turki aqoon, oo weliba inta cayda ah aadan aqoon, waddo halaqmareen in uu kaa dhiganayo ayay u badan tahay.
Ma yaqaanaan khiyaamada ilbaxnimada leh, ee adigoo eegaya ayuu doonayaa in uu ku dhaco kolka aad wax buuran kala iibsanaysaan. Waxay yaqaanaan kudayga, haddii aadan afkooda aqoon baaba'aaga ayay kicinayaan, haddii erayga uu ku yidhaahdaba aad shan kaga jawaabtana "belaayada yaa kaa kexeeya" ayuu is'odhanayaa. Isagoo isu kaa kululaynaya haddii aad u aamusto, waa halkii hooyooyinkee, kaadidaada ayuu kalax ku shubayaa, isagoo hadlaya haddii aad ka dhaqaaqdana, wuxuu dareemayaa sidii in indhaha candhuuf loogu talbiisay, quudhsi iyo qabjab.
Waxay aaminsan yihiin ninkuba haddii uu madaw yahay, waxa ku rakiban lug saddexaad oo labadani marka ay daalaan uu ugu tiirsado sidii odayada Soomaalidu ay budhka dabada ugu tiirin jireen. Marka aad tagsi raacdo ama aad sheekaysataan nin Turki ah, su'aalaha aad hubto in uu ku weydiinayo waxa ka mid ah: "kaç santi - waa imisa sentimitir?" Haysarka ayuu ka wadaaye. Maalmihii hore si bay naxdin iigu ahayd. Ma nin aadan garanayn baad noloshkaaga baraysaa?! Maxaa se ka galay ma isagaa ibtilaysan?! Se dib baan ka ogaaday in ay faduul ka tahay. Su'aashaasi markii ay i dhibtay, kamaba jiidhi jirin ee waan u faduul-qummin jiray oo waxa aan odhan jiray: "waa 20 sentimitir!" Markaasay qaar i weydiin jireen: "xaggee ayaad kala geynaysaa?" Waa su'aalaha had iyo jeer jawaabta akhasta ah aanan u waayine, waxa aan ku odhan jiray: "dumarka Afrikaanku inta ay laale'eg yihiin sow maydinaan arag? Dee dhebi deeqa miyaanay u baahnayn?!" Xataa askariga ciqaamadda kaa eegaya ayaa ku weydiinaya. Gabadh wax kaa iibinaysa ayaa faduul ahaan kuu weydiinaysa. Ninkaas dib isu arki maysaan oo tagsi aad soo raacday weeyaan magaalo ay ku-dhowaad 20neeyo milyan ka soo toosto, balse mid kasta waxa aan ka tagaa isagoo aaminsan in Soomaalidu saamiqaybsigii noloshka ee Turkida ka maqnaa dhaciisiii ay haystaan! Iyagu waa bulsho indhayar ay isku isir yihiin, oo beelaha saamigaas cabashada ka qaba aay isku tiriyaan, nin kastoo madawna way ka hinaasaan. Xataa Soomaalida iyo Afrikaanka kale ee xaafadaha Turkida dhex deggani, guryaha agtoofa kama muuqmuuqdaan iyagoo isleh "nin shakisani yaanu idin galaafan!"
Turkidu, adigoo eegaya ayay ku xamanayaan, hadda waad maqlaysaa, hadda way kula hadleen oo in aad afka garanayso way ku arkaan, haddana way ku xamanayaan! Waxa aan maqlay nin gobol jaamacad ka dhigan jiray oo mar show tu yar oo Turkiyad ah dabka leefsiiyay, show nin intan ay ku tuhmaysaba may arag ee way la dhacday. Jaamacaddii oo dhan ayay u sheegtay in uu israacsan yahay oo kaga-asalooliye weyn uu yahay. Marka uu hoolka jaamacadda soo galaba isagoo faraha la isugu fiiqayo, afkana la isa saarsaarayo ayuu arkay, doqonniimadiisa gobolkiiba wuu ka cararay!
Dhanka kale; haddii aad afka taqaanno, qofka Turkiga ahna aad isbarataan, waa nasab nasab dhalay. Walaal aanay hooyadii dhalin buu kaa dhiganayaa. Saaxiibtinimada aad bay ugu wanaagsan yihiin, se waddo qodxo badan baa ka sokaysa. Haddii maqaaxida aad macmiilka u tahay aad mulkiileheeda isbarataan, sheeko wadaagtaan, waxa suure ah in uu kugu yeesho lacag $200+ ah oo shaahaaga iyo kafaygaaga ah, isagoo meel uu kuu raaco aan garanaynna uu kugu aamino, maalinna aanu ku weydiin ee uu sugo inta aad u keenayso.
Istanbul, Soomaalidu waxa aan odhan karaa waa ajaanibka loogu jecel yahay dhanka dawladda iyo dhanka shacabkaba. Suuqa madow kama ganacsanno, daroogooyinka mamnuuca ah ajaanibta ugu yar baynnu nahay, dumarka Soomaaliduna si caadyaal ah jidhkooda ugama ganacsadaan iyagoo aan dawladda iska liis garayn, kamana ganacsadaanba oo si baynnu ajaanibta cunsuriyiin ugu wada nahay rag iyo dumar. Halka ajaanibta kale, ay Carabtu suuqa madaw ku kadeedday, ragga madoobi ay daroogooyin ku waaleen, dumarka madoobi ay jidh-ka-ganacsi aan sharci ahayn ku qarqiyeen, kuwa dalalka Istaannada ah ka yimi ee isla Turkida ay yihiin iyo Aasiyaanka kalena ay shaqaale jaban noqdeen oo ay shaqooyinkii cidhiidhi geliyeen. Sidaas oo kale, rayidkuna way jecel yihiin Soomaalida, oo marka aynnu wax iibsanaynno ma gorgortanno badanka, mana gacan adkin marka ay waxbixin noqoto. Xataa qofka Turkiga ah ee dawarsanayaa inta uu Turkida soo dhaafo ayuu kuu imanayaa isagoo Soomaalinimo kaa urinaya. Lacagta waynnu quudhnaa oo uguma sawirnin sida dhiggeen, Turkiduna lacagta way caabbuddaa. Guryaha aynnu kiraysanno badanka waynnu hallaynnaa, se ajaanibta marka la inoo eego, gobi innaga.
Turkida, wax kastoo tagtadoodii ah waa laga cidhibtiray. Waa qeexitaanka ugu habboon ee eraybixinta maskaxmaydh (brainwash). Ka warran barbaar Turki ah oo i le'eg, oo aan ka celcelinayo Suldaan Cabdixamiid iyo Maxamed Alfaatix. Isaga waxa loogu sheegay in ay ahaayeen daalimiin dhiigyacab ah oo ummadda addoonsaday, magacoodana wuu ka xanaaqaa!
Waa bulsho sabool ah, qof kasta waxa ku go'an fatuurado (biilal), Istanbul haddii aad argto qof dhoollacaddaynayana, waa ajnebi ee ma aha dhalad. Nolosha Istanbul waa ta Yurub, mushaharkuna Muqdisho ayuu in yar dhaamaa. Wax allaale iyo waxaas guryo qurxoon iyo gawaadhi aad arkaysaan, bangiyo ayaa laga deynsaday oo qof kastaa wuu qarqoonsan yahay, qof kastaaba wuxuu ka fekerayaa sidii uu dalkan uga bixi lahaa ee Yurub ama Maraykan uu ugu haajiri lahaa. Maadaama ay badanka warka ka maqlaan dawladdooda oo Soomaaliya caawinaysa, waxay inoo yaqaanaan dad uu bakhtigu xalaal u yahay. Haddana marka aannu maqaaxiyaha fadhino, ee badanka moobillada miiska la saarto, wada iPhone, way tacajabaan. Qofka shaaha kuu dhigaya ayaa moobilkaaga kor u qaadaya, eegaya cadadkiisa, ku weydiinaya meesha aad ka keentay, waayo; taleefankii riyadiisa ahaa ee uu u shaqaysanayo ayaad sidataa iyadoo ay dawladdiisu dawladdaada caawiso! Badigoodu waxay aaminsan yihiin in ay dawladda Turkigu taleefannada noo iibiso, wayna nagu adkaataa in aannu ka dhaadhicinno in aannu iibsannay oo xataa dalkayaga aanu nidaamka haftogurka ee taleefannada lagu qaataa ka hanaqaadin. Nama se rumaystaan badanka. Nolosha baashaalka ah iyo jawiga gadhaynta asxaabta ee maqaaxida aannu fadhino aannu qosolka iyo xaraabada ku camiranno, iyo Soomaaliya oo badanka dagaal iyo in la caawinayo uun ay ka maqlaan ayaa isu qaban weyda.
Filimadooda taariikhiga ah waxa ay ku celcelin jireen odhaah ahayd: "qofka Turkiga ahi quud-la'aan maalmo wuu noolaan karaa, laakiin dawlad-la'aan hal maalin ma noolaan karo." Waa dhab weedhaasi. Waa bulsho dawladnimadoodu ay kun sano kor u dhaafto, Saljuuqiyiintii ilaa Cismaaniyiintii, iyo tobannaan dawladood oo kale oo aan hanaqaadin. Qof kastaa dalka wuxuu u hayaa dareenka uu hooyadii u hayo oo kale, mana oggola in siyaasaddooda iyo dalkooda uu qof kale ka faalloodo. Si kasta oo loollan siyaasadeed oo la-isuma-arxamaan ahi uu uga dhexeeyo, mid Islaam iyo Calmaaniyadeed oo gees-isku-riix ahi uu u jiro, qoomiyado kala saami iyo samahel sarreeyaa ay uga jiraan, haddana waddaniyaddu dhiiggooda ayay raacsan tahay.
Nimanku dushaas ayuun bay ka wada cad yihiine, waxa jirta qolo la yidhaahdo Kurdi. Warkooda oo koobani, waa Soomaali cadcad xumaan iyo wanaagba. Ingiriiska ayaa u soo diray basaasad la odhan jiray Gertrude Bell, waayihii uu innagana inoo soo diray Richard Burton, isku xog ayay inaga gudbiyeen, isku qaabna way inoo sifeeyeen. Waa sababta innaga shanta qolo la inoogu qaybiyay, iyagana afarta waddan loo kala siiyay. Illaa hadda, sida ay Soomaaliweyn inoogu dhex dhimatay, ayay iyagana ugu dhex dhimatay dawlad la yidhaahdo Kurdistan.
Turkida taariikhdooda la soo weriyo ee filimada laga sameeyo, iyo qoladan hadda nooli, magaca iyo afka ay ku hadlaan ayuun bay ka siman yihiin. Turkida filimada diraamada ah metesha ee ay Ilma Xaawi la dhacsan yihiin, waa shakhsiyadii dalkana ugu quruxda badnaa oo laydh cad lagu raadiyay. Sida filimada Ardoqrol iyo kuwa la midka ahi ay soo bandhigaan, Turkidu waa qofaf farakutiris ah oo maanbaxsan oo ama halyey ah ama khaayin ah, iyo tirabadanta (majooratiga) oo dad loo taliyo ah.
Turkida dumarkoodu labnimada ayay uha dhow yihiin dheddignimada. Horraaddo iyo haweeya-kuuso warkooda daa. Shantaas sano oo aan joogay, hal mar baan arkay nin Kurdiyad yar la haasaawa, laba nin oo mid ay Turkiyad wada socdaan, midina uu kaas birta qaniinsiiyay ahaana wardhegood buu igu soo gaadhay, Soomaali kale oo uu Turkiyad damac ka galay sheeko kuma maqal, shaahidna kuma arag. Waa su'aalaha ugu badan ee aan weydiiyo asxaabtayda, "maalinna Turkiyad damac ma kuu galay?" 95% "maya!" Ayay iigu jawaabaan. Ma aha in ay xun yihiin, ama ay foolxun yihiin, ee marka indheheenna lagu eegayo, dumarkeennii ma aha. Malaha cunsurinimada Soomaaliduna waa ka qayb.
Istanbul, waxa loo yaqaannaa Jannada Dabjoogta, eyda iyo bisaduhu waa saaxiibbada qof kasta. Salsalaaxooda iyo la-sheekaysigooda waa la kala hororsadaa. Weligaa arki maysid bisad iyo ey kaa didaya, ee wayba kuu soo salaax doonanayaan. Bisadaha waan jeclaa weligayba, oo ayayday ayaa dhaqi jirtay, intii aan dhallaanka ahaa oo dhanma gurigayagu bilaa bisad ma noqon. Xataa waxa ii qorshaysan marka aan reeraysto ee sida bini'aadanka aan u noolaado, in aan bisad cawlan oo dhallaan ah rabbaysto, aan u bixiyo Cawlo, islaantayduna ay ku khasbanaato in ay hooyo u noqoto. Noolahaasi wuxuu wataa naxariis marka uu kuu soo dhowaado sida walwalka laydha kuu qaadaysa. Habeennada qaar anigoo maqaaxi fadhiya ayuu curri i yaqaannaa ii yimaaddaa, markaasuu dhabtayda ku seexdaa. Xataa iyadoo kaadi kululi ay i hayso, waan ka xishoodaa noolahaas naxariista iga soo dugsaday in aan kiciyo oo waan iska sugaa wakhti dheer oo uu hurdo boganayo. Balse eyga... eyga Soomaali ayaan ka ahaa! Xataa kuwa waaweyn marka aan waddada iskaga soo horbaxno baqdin baan dacal ugala baydhi jiray. Foobiya ayaan ka qabay! 2014kii ayay subax ey badani xafiiska imtixaanaadka ee Hargeysa igu qabteen, goor hore oo aalasay ah, askari afgaranayayna meel durugsan buu ka soo daawanayay oo wuu igu daawaday, iyaguna isweer bay iga qabteen oo gidaar bay dhabarka ii saareen. Markii aan aniguna naf ka quustay, iyaguna ay iga il heleen, ayuu iiga yeedhyeedhay. Ilaa berigaas eyda foobiya ayaan ka qabay. Balse muddooyinkii danbe waan iskala saaxiibay, oo laftiisu waa gobe isbarashadayadii ayaa xumayd.
Maalin aan la fadhiyay xer door ah oo uu ka mid ahaa Ustaad Cabdiweli Moallimuu, ayaan weydiiyay: "weli Turkiga laba bisadood oo isdilaya ma ku aragteen?" Waa la is'eeg'eegay. Hadal badan ayaan sidaydii dudubiyay oo sharraxaad ah, laakiin nuxurku wuxuu ahaa, bisad walina way dheregsan tahay, luuq kastana waxa u yaalla cunto u gaar ah iyo biyo, qof kastaana waa u waalid, dabadeed dagaalkaba way ka wahsadaan! Ma jirto sabab ay bisad kale ula dagaallantaa, illeen kuwa Soomaalida macaluusha ayaa isku dirtee! Marba haddii ay laandheeraynaysi, ATM-ka inta ay ku seexato aan laga kicinayn, meherad kasta inta ay gasho meesha ay doonto ay seexanayso, xataa marto aad iibso lahayd maadaama ay ku huruddo aad uga tegayso, marka ay doontana laamiga inta ay seexato aanu xataa qof kama' u jiidhayn, maxay uba dagaallami?! Waxa aan ogaaday makhluuqa waxa isku diraaba in ay yihiin gaajada iyo baqaha uu midiba ka qabo ka kale in uu qacda kaga horreeyo!
Carruurta Turkida waxa loo tarbiyadeeyaa si aad u wanaagsan. Waa bilaa dhib. Xataa kuwa xaafadaha kubbadda ku ciyaaraya marka aad dhex marayso way kaa joojinayaan. Annaguna xaafadda Abu Dabay ee Burco markii aannu ku barbaaraynnay, dacaraynta dadku xaraabadayada ugu weyn bay ahaydba. Maalin anigoo gurigayga ka soo baxay ayaan arkay gabadh Afrikaanad ah oo i sii horsocota. Waxay ahayd islaamihii Basadiir ee Astur iyo Idil ina adeertood. Carruurtii kubbaddii way ka hakiyeen, makhluuqaas weyn ee ku cusubna xataa isha lamay sii raacin, ninkayga intaas le'egina niyadda ayaan ka dacaraynayay oo aan ka falanqaynayay qasnadahaas fogaaday sida loo jabsan doono!
Shakhsiyada aan Turkiga ku bartay waxa ka mid ahaa nin yar oo Cabdishukuur Awl la yidhaahdo. Dooddayadu may dhammaan jirin. Adduunkaba safar dood ah baannu ku marnay. Annagoo maalin wada soconna ayaannu ku soo baxnay oday kuurkuursanaya oo da' ah. Wuu i hakiyay. Anigoo layaabban sababta uu socodka nooga gaabinayo ayaan si kulul u weydiiyay. Markaasuu igu yidhi: "odaygaas inaga horreeya ayaan diiddanahay in aynnu xawaare ku dhaafno oo uu xasuusto dhallinyaranimadiisii, da'da soo ridatayna uu gocdo. Mar kastoo ay qof waayeel ah waddo na kulmiso, ama waan ka baydhaa, ama la socod baan noqdaa." Hadalkaasi waa mid ka mid ah kuwii iigu saamaynta weynaa ee aan Turkiga ku maqlo, illaa haddana habdhaqankaas caado ayaan ka dhigtayba.
Caadooyinka wanaagsan ee Turkida waxa ka mid ah, in aadan dadka ku horfindhicilan inta aad afka kala waaxdo, ee aad gacanna ku findhicilato, gacanna aad afka dadka kaga qarsato.
Maalin ayaa albaabka lagugu soo garaacayaa. Waa qof deriskaaga ah oo aadan garanayn dhismaha abaarmanka uu ka deggan yahay, oo kuu sida adeeg dhammaystiran oo ugu yaraan toddobaad aadan dibedda waxba uga baahanayn, isagoo aan xataa mahadnaq kaa suginna kaa dhaqaaqaya. Dhaqankanu gobollada ayuu aad ugaga sii badan yahay Istanbul. Deris-wanaagga way ku sheeggan yihiin.
Masaajidka marka laga dareerayo, qof kasta oo aad albaabkaas ku kulantaan wuxuu ku odhanayaa: "Ilaahay ha kaa aqbalo." Mararka qaar ayaad jeclaysanaysaa rooxaaniyaddaas darteed in aad masaajidka ugu noqnoqoto, in ka badan inta aad jamaca u aadayso. Way kugu farxayaan marka ay ku arkaan adigoo dhallin ah, haddana salaadda ilaalinaya, kaamana qarinayaan tacajabkaas ee way kuu muujinayaan.
Waa dad aan nifaaqa aqoon ee qofku wuxuu kaa aaminsan yahay aad wejigiisa ka akhrisanayso, qof walibana uu aaminaaddiisa iyo dhanujeedkiisa feker daacad u yahay.
Haddii aad dalka safar ka tahay, dalka aad ku waajahan tahay wax kastoo ku saabsanba sii baadh, oo sidii adhi geeddi ahaa oo xero lagu shubay ha u gelin, dabinno badan ayaad ka badbaadaysaaye.
Kala-duwanaanshaha dhaqamadu waa waxa socdaalka dhadhanka u sameeya, dhulmarkana indheergaradka ka dhiga, wax kastoo kula caadi ahi dad bay ceeb u tahay, dhaqamadaada aad ku faantaana dad bay cawaannimo u yihiin. Noloshani waa caynbacayn, ee caynkaaga intiisa wanaagsan calafso, caynanka kalena intii kula cuddoonaata ka looxjiido.
Hal kal oo Turkida iyo diinta ah baa ii hadhay, ka dibna war kale ayaan idin siinayaa.
Madaarka waxa iga soo qaaday afar asxaabtayda ah oo saddex aanay i soo doonin ee alaab aan u siday ay doonayeen, iyaguna habeenkaas magaalada ka baxayay. Tagsigii aannu ka soo qaadannay wuxuu na dhigay Aksaray, suuqa Soomaalida. Haywayga weyn oo ishaaradu ay xidhay baannu ku soo beegannay. Haddii aannu tallawnay anigu laynkii ugu kooneeyay oo iska haawanaya ayaan dhex taxtaxaashiyay, mise gaadhi xiimaya hoonkiisii ayaan ku war helay, wuuna i kala goyn gaadhay. Halkaas ayaan ku qaatay digniintii koowaad ee ahayd dal aadan lahayn dareen ku joog.
Waa sunnaha Istanbule, qofka cusub waxa la yidhaahdaa "yeni geldi - dhowaan-soo-gal", casharro badan oo la baraana way jiraan. Sunnayaashaas waxa ka mid ah soo-tusidda suuqa Taksim (Taqsiim).
Taksim waa suuqii ilbaxnimada iyo safaaradaha ee Cismaaniyaddii, haddana waa suuqa dalxiiska ee Istanbul ugu caansan. Waxa ku yaalla qunsuliyadihii Yurubiyaanka ee hore. Waxa dhex mara jid dheer oo la yidhaahdo Istiklal Avenue, oo ah jidadka Yurub ugu saxmadda badan, uguna xaamisan. Gawaadhidu ma marto ee dadkoo qudha ayaa loo daayay. Sannadkii 2025kii waxa jidkaas booqasho ahaan u tegay in ka badan 107 milyan oo qof. Waa Sunnaha Istanbul in dalxiise kastaa uu soo arkaa. Balse soo-aragga dhowaan-soo-galku isagu waa xisaab aan dalxiis la xidhiidhin. Taksim waxa ku yaalla suuqa ugu weyn ee tumashada, wax kastoo tumasho la xidhiidha!
Sunnahaas ayaa laba saddex habeen ka dib la igu dabaqay. Qolo aannu asxaab nahay baa i kaxaysay. Sidii aan bilicdii ula ashqaraarsanaa bay meelo luuqluuqyo ah na geliyeen. Way ii sii caddeeyeen warka. "Niyow magaaladan waa ka sunne, meel baas baannu ku soo tusaynnaa, waa meelaha laga yaabo in aad habeen-baas u baahato, xeerkii ragga ayaannu ilaalinaynnaa, arag oo dhaaf!" Ujeedku waa in haddii uu madaxu ku cuslaado aad ku soo eerato iyadoo aanay cidina ku ogayn! Waa caado ay qolyihii naga horreeyay sii sunneeyeen.
Waxa aannu soo hoos marnay fooq ilaa shan dabaq ah oo rag hoos tubani ay kor u wada qoor-diinlaynayaan, faro-dillaal aan go' la saarinna ay aamusnaan xisaabo ugu kala goynayaan. Kor baan eegay, mise dabaq kastaba daaqadihiisa waxa taagan tii dareenka ajaanibta igu beeri lahayd! Waa wada qalanjooyin xirfad heer sare ah u leh qaabka ninka iyo noloshkiisa la isugu diro! Fahmay baayacaadda meesha ka socota ee la isla mari la' yahay. Sidii reer Burco ayaan dumarkii daaqadaha saarnaa ku dhaygagay mid inkaarqabaha igu dirtay, show way iga ilsugatay in aan kalluun weyn oo shabagga ugu dhacay ahay. Bal yaa baas ee u sheegay in horraaddadu ay hanaqgo'ayga yihiin?! Inta ay garankii yaraa ee fiinada ahaa hoos uga siibtay bay weliba ii tuutuujisay! Been idinku haasaawin maayee habeenka sharafta ragga waan ku ciyaaray, wadnuhuna inta uu i dhici gaadhay ayaan maqaaxi gambadha ah oo u dhoweyd isu tukhuntukhiyay iyadoo uu dagaalkii Buuraha ee 84kii iga dhex socdo. Dhawr shaah ah baan laayay, aaggii Taksimna sannad danbe ayaanan ka ag wareegin taroomadii habeenkaas iga soo raacday.
Ninkayga sidan loo gelayo waxa aannu dheddigga kala joognay heer aanaan tigta isdhinac fadhiisan jirin, ee marka ay gabadhi soo korayso aan kursiga dareewalka la cidhiidhsan jiray. Ninkaygii baa caawana la leeyahay "car!" Iyo "ma adigaa wax isla hayaba!"
Marka bishu ay bilawga tahay ee biilashu ay soo dhacaan, ayuun baad arkaysaa inamo Soomaali ah oo sii saaran bas caasi ah oo la yidhaahdo "dolmuş" oo suuqa Soomaalida ka baxa, Taksimna taga, markaasaad xogta dushaas ka akhrisanaysaa.
Istanbul, shiishadda waxa loo cabbaa sida sigaarka, meheradaha shiishadda ayaana ka badan kuwa sigaarka lagu iibiyo. Burco intii aan ka aqaannay, hal meherad oo Onodka ku taallay ayay odayaal ku cabbi jireen, habeenkii marka aannu sii lugaynaynno haadka kale ayaannu mari jirnay si aan naloogu sawirin. Badeecad ayaan u aqaannaye, waxa aan arkay iyadoo laguba dheregdhacsanayo. Xanuunka faduusha, mararka qaarna aan isku dayaba in aan ku magacaabo "Nacdasha Faduusha" ayaa waaya'aragnimadayda yar dhalay, wax badan se gondaha ii geliya. Nin saaxiibkay ah baan ku idhi "ma doonayo in bahashaas la iiga sheekeeyo!" Meel Soomaalida ka durugsan baannu nimi. Double Apple Alfaakhir ah baa naloo rakibay, sidii aan ugu sheekaynayay ee aan belaayada balwadda la dhalatay isaga dhigayay ayaan lugihii iska waayay, ninkii ila hadlayay uu laba nin ila noqday, isu-miisaanaantii jidhka aan waayay oo inta aan is'idhi caagadda biyaha ah tiigso aan dacal bannaan gacanta ka dhaafiyay, wadnuhuna uu i diciifay. Wuu i arkay in uu xaalku xun yahay, markaasuu iga yara qabtay. Waar ficil baa i galay niyow! Ma aniga ayay quraaraddan dhararakh lihi i suuxinaysaa? Iga walla anigoo dhanna lacagta khasaarowday diiddan, dhanka kalena ficiltan kula jira shiishaddaas, saacado danbe ayaannu fadhinay ilaa markii danbe aan maqaaxida dhexdeeda luglugeeyay oo aan dib socodka isugu tababaray! Waa maalinkii aan bartay wax iga itaal yar oo iga dafdaf badani in aanay jirin!
Dhawr maalmood markii aan Istanbul joogay, ayay lacag-la'aan aan nin weyn u roonayni i soo waajahday, hurdadii iyo cuntadiina way iga khalkhaleen. Waxa la ii sheegay in ay jiraan meelo la yidhaahdo Taagtaagga oo laga xamaashaa. Afar maalmood ayaan meelahaas ka shaqeeyay, afartaas maalmood waxa aan ahaa Hantiwadaag Shuuci ah, Marxist-Leninist ah, Awoodda Shaqaalaha aaminsan, Hantigoosadka iyo Raasamaaliyadda neceb, sababta ay hantiilayaal u jiraanna isweydiinaya!
Waa meel dhar la tolayo. Toddoba dumar ah baan u kala qaadqaadayaa maryaha ay tolayaan. Waa garamada kalladhka leh. Midiba meel bay ku rakibaysaa. Waa 8da subaxnimo ilaa 7da galabnimo, oo celcelis ahaan saacad iyo badh nasasho ah aad leedahay, qadadana aad meesha ku leedahay, waa se cunto-Turki inta aanan garanayni ay ka badan tahay inta aan garanayo. Xataa bariisku waa galley caatowday! Cilladdu shaqadaas ma aha, ee lama oggola in la wada hadlaba! Suurayso, si aanay toddobadaas dumarka ahi shaqadaas sheeko isugu dhaafin, waxa ka dul baxaya muusig dhegaha ku dillaacinaya oo kii kilaabyada ah, gidaarkana waxa ku qoran "fadlan ha wada hadlina!" Sida aannu u aamusan nahay afka ayaa na uri jiray niyow!
Wax arxan iyo caadifad ahi ma yaallaan ee sida aaladaha ayaa loo xisaabtamayaa. Gabadhiba shaqada saacad bay ka baxdaa, 5ta ilaa 7da ayay ka kala baxaan. Suurayso, gabadh bay saacaddeedii dhacaysaa iyadoo garan ay dacal ka tolaysay badhtanka ka marinaysa, markaasay halkaas makiinadda ku daminaysaa, xataa hal daqiiqo oo ay intaas ku dhammayso ku dari mayso. Afartaas casho ee aan Shuuciga ahaa ka dib, Hantigoosadkaygii ayaan iskaga noqday maadaama aan doonayo in xoolo aan leeyahay aan tabcado.
Aniga ayaa malaha si u nuglaa, ama ay xaaladdaasi igu cusbayde, waxa joogay Istanbul rag $4,000 oo ay ku tahriibeen Taagtaaggaas ka sameeyay, oo xiniinyo-caddayaal ahaa!
Maalinkii waxa aan qaadanayay 120 Teello, oo u dhigmaysay markaa ilaa $13. Galabtii afaraad markii aannu tareenka ka soo raacnay shaqadii, ayaan kula kulmay geenyo yar oo ilaa 20/21 ah, oo inta iga adag u weyn, aftahanadna ah. Laba Soomaali oo iga horreeyay baa isku qaaday oo damcay in ay haasaawiyaan, malaha hadalka ayay meel-nacas ka bilaabeene kii hadalka bilaabay baa isagoo isku yara yaxyaxsan dib uga soo noqday, kii kalena qosol "waar maxaa inagu dhacay?!" Ah bay isdhaafsadeen.
In kastoo ay inta iga adag u weyneyd, haddana taasi dhankeeda iimay kaxayn, ee malaha sharaftii ragga ee aan Taksim ku lumiyay maalmo ka hor ayaan ka aarayaye, inantii isku maqiiqay. Ma xasuusto halka aan hadal iyo haasaawe uga bilaabay iyo waxa aan kaga qosliyaye, isteeshinkii aannu tareenka kaga degaynnay annagoo isku maqan oo ay afka isu keeni kari la'dahay ayuu nala dhaafay. Annagoo wada qoslaynna ka soo degnay, dibna u soo lugaynnay. In yar ka dib bay tidhi "harraad baa i haya oo sharaab qaboooow baan u baahanahay." Istusnimo sidaas ah iskumaan ogayne maalinkaas way i yara jiidatay. Walaw aanan kuba talo galsanayn in aan lacag bixiyo, oo aanay igaba go'aynba, illeen $13 Doollar baan Istanbul oo dhan u sitaaye, haddana meel Itoobiyaan ay lahaayeen oo noo dhow baannu gallay. Anigu sharaab iyo waxaas maan danaynayn ee in iga adag baa i maamulanaysay. Laba sharaab ah bay dalabtay. Haddii aannu laacnay bay i tidhi: "aynnu iska baxnee lacagta inaga bixi!"
Run baan idiin sheegayaa ma gacan adki, laakiin 60 Teello ($7) oo uu sharaabku ahaa in xiniin la iga sarayo way igaga darnayd. Waa yoomiyaddaydii maalinkii dhammaa kalabadh saafi ah! Anigoo hoosta iska leh "meel xun baad ku baxaysaaye maxaa masiibada ku baray!" Baan bixiyay, ilaa gurigeediina waan sii dhoweeyay. Noloshayda waa markii koowaad ee wax aan bixiyay aan ka qoomameeyo, welina waan isku quudhsadaa toddobadaas Doollar, oo markii iigu horraysay noloshayda, iiguna danbaysay, ee lacag aanan u qasdiyin oo iskay aan iiga soo go'in ay gabadhi iga qaaddo!
Haddana yeelkee waan ogahay in jabab badani ay dumarka iigu hadheen. Qoyskayga waxa la yidhaahdaa Reer Xaaji Saleebaan. Islaan ayeeyo noo ahayd oo Barni la odhan jiray, ayaa beri inta ay naga yaabtay sida aannu isugu diran nahay duulkaas Ilma Xaawa, tidhi: "Reer Xaaji Saleebaan wedkoodii gumaarka ayaa laga lulay!" Kollay wedkaygii waan sitaa, inaha ka adagi inanta ay ku raran yihiinna way u daran tahay, se difaac adag baan ku ciyaaraa.
Waxa aan horraantii hore Istanbul la degay qolo Soomaali ah oo aan reer-Xamar ahayn, (qoladaas reer Muqdisho ee masaakiinta ah xumaan kastaba waa lala doontaaye). Waa afar nin iyo gabadh. In gabadh guri lala degaa waa wax igu cusub, laakiin meeshu waa Istanbul. Aniga iyo nin reer Burco ahi qol baannu wada seexannaa, qolka kale iyo fadhigana afarta nin baa isku qaybiya, inantuna qol yar oo kurayxoogle ah bay deggan tahay. Dee waa inan nala deggan, oo walaw ay dheddig laftii ahayd, haddana damacu nooma geyn. Waa kasoo-dooggii koroonaha oo maaskiyo ayaa la wada sitaa. Habeen toddobadayadii nin oo fadhiga ku caweynaynna inantii oo uu nin maaski sitaa la socdaa ha soo galaan, ha na dhaafaan oo qolkeeda ha galaan, qiyaastii ilaa nusasaac ha ku jiraan, ha baxo ninkii, inantiina intay suuliga gasho ha soo qubaysato oo dirac iyo foodad inta ay soo xidhato ha nala soo fadhiisato! Wallaahay kaftan baad moodaysaan! Aniga iyo saaxiibkay indhaha ayaannu ka wada hadlaynnaa, haddana aannu isku gubaynnaa. Niman inantoodii lagu dul fuulay baannu nahay. Ninku maaski buu sitay, annagana wejigayaga wuu ka ilsugtay. Afarta nin ee kale, oo midkood ay inanta meel qaraabo-qansax ka ahaayeen, wallaanay diiraynba! Inantaasi nin ay garanayeen bay u doonnanayd oo qurbaha uga imanaya muddooyinka markaas nagu soo socday! Dhawr casho ka dib saaxiibkayna dalka wuu iskaga baxay, aniguna laba habeen baan hoteel degganaa oo aan guri raadsanayay.
Istanbul waxa adeer iigu ahaa mid Ciise Muuse ah oo Cabdikhaalaq Xasan la yidhaahdo, meel aanan magaalada cag dhigini way tirsan tahay. Isaga ayaa suuraaf ahaa, aniguna dameeri dhaan raacday baan u ahaa. Habeen kasta sida aannu u wareegaynno soodhowaadka ayaannu hoyan jirnay. Marka aad wejigiisa aragto waad ku dhaaranaysaa in uu sirkhaan weyn yahay, weligiina xataa sigaar faraha muu dhex gashan. Wax uu Istanbul waalid iyo wadeey iigu ahaadaba, markii aan dalka ku soo laabtay habeen aan safar dhulka ah Garoowe u gelayay, waa ninkii ku taliyay in tolkayga qudhihi uu habeenkaas qaad noqonayo, waana habeenkii iigu horraysay ee aan qayilay.
Waxa aan Istanbul ku bartay akhyaar runtii kaalin weyn noloshayda ku yeeshay maalmo adagna igala dabbaashay, oo uu ka mid yahay Ustaad Cabdiweli Moallimuu, nin Cabdiwahaab-Afrikaani la yidhaahdo oo nasabka Majeerteen ah, Maxamed Xasan Waaqle oo Daahiriyadda ah, Ismaaciil Cumar Dirir oo Ciidagalaha uu jacaylku madhiyay ah, isaga laakiin uu waxba ka qaadi waayay, Jacfar Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad, oo walaalkayga iga weyn ah, Istanbulna walaal iyo waalidba iigu ahaa, Ibraahin Cabdi Garaad oo nin Gaaljecela ah, lahjaddiisa iyo eraydhiskiisa oo aan jeclaa darteed, habeennada uu istareesku iigu daran yahay qosol aanu u qasdiyin igu dhaafin jiray, Khaalid Yuusuf Daahir, oo nin Sheekaala ah, masuul talagal ah oo ah saaxiibbada nooca haddii aad aragto xataa dhibaato ay kuu geysanayaan, aad ogaalkaaga beenaysanayso, oo labadaas ninba ay reer Muqdisho yihiin, reer Madiina, Mukhtaar Cabdinaafac Abshir, oo nin Biciidyahana ah, shakhsiyada ugu badan ee xusuusahayaga Istanbul ay midaysan yihiinna ah, lahjaddiisa wada Dh'da ahna aan aad ugu qosli jiray: "waar shaaha dabka ma saadhay, ma ku daadhay, sonkor ma ku dadhay, maalmahan waa wareedhay" oo reer Gaalkacayo ahaa. Maxamed Mustafe (Alloore), daanyeer Ciise Muuse ah, laakiin dadka aan lagu ag caajisin ah, jawiga iyo baashaalkana u samaysan, Cumar Siciid Xasan, nin reer Mahad ah, laandheerenimada reer Mahadna aan baray anigu, sidoo kalena dacaayadda Cumar-qoyane iyo Mahad-qaboobena aan baray, isaguna Ingiriisida gaangista i baray, Cabdiwahaab-Shaacirka, oo an nafarka labaad ee nool ee aan Ugaadh Saleebaanka ka bartay, Burgal dabadii, oo aannu dubnadda col ku ahayn, Garaadka, oo ah nin Muuse Cabdalle ah, oo ah ragga ixtiraamka waalid iyo saaxiibtinimada dhallinyaro aad hal mar la wada wadaagi karto, Cabdiraxmaan Axmed Cabdi (Abuuyo) reer-Xaamud weji reer Daahir leh, maalinkii koowaadna aan ku dhaartay in uu Burco ka yimi, sida loo qalbiga wanaagsan yahay iyo sida wejigiisa ay xidhxidhnaanta iyo aftaaggu uga muuqdaanna aanu islahayn, heer jinsiga jimcooni ay ula baxeen Muuse Biixi, Cabdirashiid Caabbi, oo ah Cabdalle Xasan, Sacad Muuse, waa qofkii ugu horreeyay ee aan magaca reerkaas ka maqlo, dacaayadda ugu weyn ee aan ku hayaana waa in uu Cabdalle Xasan yahay, Liibaan Abiib, oo reer Xareed ah, dadka aan xataa u baahnayn in loo duceeyana ah, oo sida uu isaga deggan yahay aad is'odhanayso nolosha ayaa u ducaysaye taadu yaanay habaar ku noqone nabadgeli, Maxamed-Nasri, oo ah Nuux Ismaaciil aan baray macnaha Nuuxiyadda, in raggii Iidoor naloogu bixyay ay iyaga ahaayeen, oo ahaa inan yar oo nolosha u soo barbaaraya, muddo sannad ku dhowna aannu wada joogno, aad u qalbi wanaagsan oo xaruuri ah, mustaqbal ifaya leh, shakhsiyada kooban ee fidradooda sida weyn ugu ilaashaday Turkigana ka mid ah, badankana aan waalid isaga dhigo oo aan "adeer" dacaayad ah ugu yeedho, iyo rag kale oo badan. Inahani waa raggii aannu Istanbul xusuusaha gaarka ah ku wada lahayn, in badanna waan illaawayaa ama qormadan baanay ku habboonayn, ragga qaar aad iigu muhimsanaana Burco ayaannu oa wada nimi, sida Dirham Diraac, Shabbac Gaadeer, Cabdiraxmaan-Yamani, Maxamed Xasan oo Abokor Axmed caqli badan ah, se raggu door bay ahaayeen. Dhanka hablaha ma in aan cid ka magacaabaad iga sugi doqonniimadaada?!
Hadda waan ka fogahay suuqa Soomaalida ee Aksaray, oo xertaydii iyo dadkaas aannu shanta sano suuqaas ku soo wada qaadannay hadda 90% ma joogaan dalkan. Luuq kasta oo aan maraa xusuus buu igu leeyahay, mid jab iyo mid farxadeedba. Suryo kasta qof baan ku soo xasuusanayaa. Aniguna waxa aan ka mid ahay dadka uu dareenka Nostaaljiyadu u daran yahay ee aan xamilin. Kollay indhaha aan leeyahay dhowaan waan macasalaamaynayaa Istanbul, laakiin qof aan ahaa ayaan kaga tegayaa, qof ay i ahaysiisayna waan kala baxayaa.
Haddii aadan fidradaada ilaashan karin, weligaa dalka ha ka bixin dalka ayaa kuu ilaalinayee, haddii kale maalin baad is'arkaysaa adigoo dad iyo duunyaba ka tegay, wax kalena ay deris kuu noqdeen.
Weli habdhaqanka Turkida iyo waaya'aragnimada iigu dhiman waxba kama odhan.
Caawa oo kale, 3dii Ogos 2021kii, waxa aan ka soo degay madaarka weyn ee Istanbul. Muddo shan sano ah ayaan magaaladan ku noolaa, runtii wax badan way iga galaafatay, waxa aan ka dheefay ayaa se magdhaw iiga ah.
Waxa aan lahaa ruux beri ah, dabci dhallaannimo leh, qof kasta aaminta, wax kasta oo qof ay ixtiraamaysaa uu u sheego rumaysata ilaa ay ka aragto wax runnimadaas buriya, qof kasta oo ay isbartaanna ula dhaqanta sidii xertaydii Burco, ama ehelkayga. Laakiin imaanshaha Istanbul ka dib, waxa aan bartay Soomaali gobol kasta ka timi, qabiil kasta leh, dhaqamo kala duwanna leh, xaalado badan oo aan sibiq iyo si Ilaah kaga badbaaday ka dibna, ruuxdaas berida ahayd ee dhallaannimo aad bay iiga wiiqantay, walaw aanan wada waayin.
Sida dhaqanka reer Burco uu ahaa, weligay waxa aan ku soo noolaa nolol si marka loo eego Hantiwadaag ahayd, hadba wixii la hayo gacanta la wada geliyo, hadba kii habeenkaas ay jeebka wax ugu jiraanna ay inta la joogtaa la dheregto. Maadaama badanka aan xertayda u jeeb roonaa, wax aan gaar uga lahaaba may jirin. Deeqsinimo la sheego maan lahayn, laakiin ugu yaraan la iguma ag baahan jirin, aniguna inta aan isku hubo baahi kalama gabban jirin. Laakiin imaanshaha Istanbul ka dib, waxa aan mar la degay rag shan nin ah, oo marka ay cunto wada karsadaan uu midi roodhida u doono, marka uu keenana aanay roodhidaas cunayn ilaa uu mid kasta ka qaado qiimeheedii oo markaas ahaa 2.5 Teelo, oo ah wax ka yar $0.3. Waxa aan mar kale la degay rag qol wada seexda oo midina uu Induumi ku nool yahay, ka kalena uu hudheellada Istanbul ugu caansan ee Maandeeq iyo Xadramuut ka rakaato. Waxa aan arkay Soomaalidii aan ku aqaannay dhaqanka Hantiwadaagnimada ah, oo qof kastaa uu isu nool yahay. Runtii taasi waxay iga xayuubisay in badan oo ah isku-xisaabtankii, si weynna waxa aan u noqday Hantigoosad, walaw inta aannu isfahmaynno aanaan weli wax kala lahayn.
Waan ku faani jiray Soomaalinimada, wax kasta oo magaca Soomaali la xidhiidhaa in ay kor noqdaanna waan jeclaa, xataa marka aan qof caawiyo, ama islaan alaab culus sidda aan jaranjarada tareennada uga rogo, magacayga umaan sheegi jirin ee waxa aan ku odhan jiray "Soomaali baan ahay" si ay u aaminto gobanimada Soomaalida, oo qofka danbe ee Soomaaliga ah ee ay la kulanto ay iigu soo xasuusato. Xataa marka aannu Turki sheekaysanno ee ay yidhaahdaan "Soomaaliya ayaannu caawinnaa" ama qaar Muqdisho tegay ay wax ka sheegaan, waan ka difaacan jiray anigoo hadhowna siyaasadda Soomaaliya iyo Xasan Sheekhba afkayga Soomaalilaannimo kula dagaallamaya oo iska-celintu aanay iga baxayn. Balse dhaqanxumooyin badan oo Soomaalida kala duwan ee halkan isugu timaaddaa ay ku kacdo, ay dadka dalka u dhashay ee ay guryaha ka kiraystaan kula kacaan, iyaguna dhexdooda ay iskula dhaqmaan, in weyn oo dareenkaas qabka iyo aftaagga Soomaalinimo ahaa ayay i weysiisay, mararka qaarna waxay igu kalliftay in aan ka dhacaba in aan Soomaali ahay marka arrimo xasaasi ah la soo hadal qaado anigoo ajaanib la jooga, waayo; waa waxyaabo aanan inaga difaaci karin oo kaftanka iyo hadalkaba la igaga helayo. Haddana dhanka kale, sifadii ugu weyneyd ee Soomaalidu ay adduunka kaga sheegganayd qoladayadan Turkigu maanaan lumin, oo sidii baannu deeqsiyiin u nahay, sidii baa ajnebi kasta oo Soomaalida yaqaanaa uu kuugu istaagayaa, isagoo xataa marka aad tagsi raacdo kaa quuddarraynaya in aad xoogaa baqshiish ah ugu darto, ama faragsharka celiska ah aad uga tagto.
Maalmo tirsan markii aan joogay, ayay maalin inan Soomaaliyad ahi igu tidhi: "sigaar ma haysaa?" Meeshaba ma soo dhigan iyada ayaa doonasee, anigoo isweydiinaya ka doqonka ah ee inanta sigaarka u soo dirtay, ayaan ku idhi "maya!" Nin Turki ah inta ay ka qaadatay ayay qac ka siisay, wadnaha ayaa iskay taagi gaadhay! Waa markii ugu horraysay ee aan arko inan Soomaaliyad ah oo sigaar cabbaysa!
Waxa aan Istanbul ku ogaaday in Soomaalidu aanay kala lugo waaweyneyn raggooda iyo dumarkoodu, ee aynnu wada lugo-baasto nahay, laakiin dumarka uu dirucu u xilqariyay, markii aan Istanbul ku arkay iyaga oo saraawiil ku dhegsan xidhan, laakiin waa kaftan ay dumarku ragga kaga horreeyeen oo kollay dacaayaddaasi naga hadhi mayso.
Istanbul waxa ay Soomaalida qurbaha u ahayd Thailand oo kale, oo waa loo soo tumasho tegi jiray. Laga yaabee in ay layaab kugu noqotee, rag iyo dumar qurbaha ka yimi oo lacag jiidaya ayaa u soo baashaal doonan jiray, weliba sannadahaa 2021 - 2023, oo dhallinta magaalada iskaga daacalbasarsan danta kaga faa'daysan jiray, in badanna galaaftay. Rag waaweyn oo carruuro leh ayaa qurbaha kaga iman jiray reerohooda iyagoo dalxiis ah, labada usbuuc ee halkan ay joogayaanna reero baas lahaa oo hablo yaryar oo biilka loo soo diraana aanu ku fillayn ku califalaaxi jiray. Waxa iyaguna iman jiray dumar, weliba islaamo sida badanka ah dhalmadeys ah, oo kuwa aniga da'aadahayga ah ee ay isleeyihiin waa madaalayaal ku jimicsan jiray. Ma aaminaysid, laakiin Istanbul inamo ay islaamo kiraysanayaan oo ay ku jimicsanayaanna lagu arag!
Istanbul, labadii Soomaali ah ee isu yimaaddaaba waxay ka sheekaysanayaan tahriib, magacyada ugu caansani waa kuwa mukhalasiinta, Hebel galay iyo Hebel la qabtay ayaa laga sheekaysanayaa, xataa qofkii waxbarasho ay ka go'nayd marka sheeko-tahriibtu ay ka badato wuu hiyikacayaa. Habeen annagoo maqaaxi ku gadhaynaynna, ayuu mid nagu yidhi: "waxa aan tegay qabrigii Saxaabigii Abu Ayuub Al'ansaari." Oo Istanbul ku aasan. Mid kale ayaa weydiiyay: "oo Saxaabigu muxuu Istanbul ka soo doonay?" Kuye: "dee malaa wuu tahriibayay!" Ilaa heerkaas ayay tahtiibtu tahay sheekada keliya ee Soomaalida Istanbul isu keenta.
Istanbul, Soomaalida joogtaa ma kala laha dal, calan, iyo gobol. Habeenba qolada xafaladda leh ayaa loo wada tagaa, ujeedkuna waa kalluumaysi iyo shabagyo-daadsi ee ma aha isu-laabfurnaan iyo isjidhdiid midna, ee qof kastaaba meesha in uu xer ka helo ayuu u yimaaddaa. Waxa wada deggan shan qof oo shanta Soomaaliyeed ka kala socda, mana kala garanaysid ilaa aad haybsato.
Istanbul, nolosheedu waa nolosha Yurub oo kale, kharashka uu qofku ku joogayaana waa wareer, qof waxbarasho loo soo diray oo $200 biil ahaan loogu soo dirayaana kuma noolaan karo. Faqriga noocaas ah iyo firaaqada badan ee ay dhallintaasi haystaanna in badan ayay galaafatay. Qofka waxbarashadu ay ka go'an tahay badanka gobollada kale ayuu aadaa, ama Anakara, balse dhibtu waa in haddii aad bisha hore Istanbul Joogto, aanay magaalo kale ku celinayn.
Istanbul, waxa aad ku baranaysaa ruuxdaada dhabta ah, qofka aad tahay ee aan cid kale weji u dhiganayn ama aan waxba iskaga tirinayn. Waxa iska soo horjeeda masaajidkii iyo dukaankii khamriga, wax baska wada raacaya imaamkii iyo gabadhii magaalaysatada ahayd. Adigoo dalkii ka yimi oo bidhaanta dumarku ay ku diirinaysay ayaa luuq lagugu qabanayaa oo qiimadhimis lagaaga bilaabayaa. Nin weyn baa ku salaamaya, marka aad ka qaaddo ee uu ku arko in aad afka yara garanayso ayuu ku odhanayaa: "halkan baan intaas oo dumar ah ku hayaa ee kala dooro!" Inta uu sawirro ku tuso. In adigoo Istanbul jooga aad waxaasba ka adkaysataa iyada ayaaba malaha kuugu fillaanaysaa in aad jannadaada damaanadqaadato!
Istanbul waxa aan ku bartay in reer Somaliland iyo reer Puntland ay diinta yaqaanaan, fahmaan, falanqayn karaan, ka doodi karaan, fahan wanaagsanna ay ka haystaan, balse xifdiga Quraanka, la-noolaanta Quraanka, akhriskiisa, iyo cibaadaduba ay ku yar yihiin, halka caksiga, reer Soomaaliya, ay Quraanka xifdisan yihiin, akhriyayaan, la nool yihiin, cibaadadana inta ay doonaan ay kaga wanaagsan yihiin qolyahan kale, xataa salaadda ay jamaca ku ilaaliyaan. Xataa hablaha badanka isqaawiya ee dhardhigta marka Istanbul la joogaa, waxay u badan yihiin reer Somaliland, reer Puntland, iyo reer Jabuuti, halka Soomaali Galbeed iyo reer Soomaaliya ay badanka asturnaanta kaga badan yihiin.
Istanbul waxa aan ku bartay in aan ahay cunsuri. Runtii cunsuriyaddu waa dhaqan xun oo wax lagu faano ma aha. Balse dhammaan ajaanibka meel durugsan baan ka taaganahay, ragga ajaanibka ah sheeko badani nama dhex marto, walaw dadka meeshan joogaa aanay wada hadlinba, dumarka ajaanibkuna nooc kastoo ay yihiin ima dareengeliyaan, xataa dheddigaanshohoodu ima soo jiito. Marka aan ku leeyahay nooc kastoo ay yihiin, waa Raashiyaan, Yukrayniyaan, Carab, Turki, iyo Afrikaan kala duduwan, kuwo aannu jaamacadda wada dhigan jirnay, iyo kuwo maqaaxiyaha aan fadhiisto ka shaqeeyaba, waan ka waayay gabadh ay xataa ishaydu sii yara raacdo. Haddana marka aan Ina Xaawa Soomaaliyad ah meel ka halacsado, xataa haddii aanay sifihii dheddigaanshaha aan ka jeclaa lahayn, haddana ugu yaraan isha ayaan ku sii yara xadaa.
Istanbul, waxa ku cabbudhsan hawo diiqad iyo istarees ah. Adigoo aan garanayn wax kaa khaldan ayaad haddana si u gubanaysaa! Adigoo ay xisaabuhu isugu kaa fadhiyaan ayaad haddana wax gocanaysaa!
Istanbul waxa aan ku bartay, in sharciga aad ixtiraamayso marka uu isagu ku ixtiraamayo, laakiin haddii aad shaki ka qabto in aanu ku ixtiraamayn, adiguna aad difaac kaga jirayso. Laga yaabee in aad maqashay in Soomaalidu marka ay qurbaha u baxaan ay sharciga ka baqaan! Kama baqaan sharciga, ee sharciga qurbaha ayaa qof ahaantaada ixtiraamaya, haddii aad ku xadgudubtana caaqil iyo oday aanay kaa furfurayn, halka sharciga dalkeennu, ka aad doontaba joogoo, aanu ciddi uskaggeed oo ixtiraam ah kuu haynin, adiguna aad difaaca kaga jirto.
Waxa aan asxaabtayda, internaydka iyo suuqa ka bartay afka Turkiga, in igu filan oo aan Turkida kula murmo, waxna aan iskaga celiyana waan ka aqaanaa, cayda iyo wax-iska-celintu ha u badnaadeene.
Carabida oo aan akhris ahaan iyo in aan wax ka turjumo uun u aqaannay, ku-hadalkeeda ayaa aad iigu dhismay, Carabta aannu isku maqaaxiyaha nahayna si waafi ah ayaannu siyaasadaha isula qaadaadhignaa, weliba maalmihii aqoonsiga. Carab badan baan waddo ka mariyay aqoonsiga Somaliland ee dhowaan ay ku kacsanaayeen.
Ingiriisida oo aan ku liitay, dhawr nin oo saaxiibbaday ah baan ka dalbaday in aannu ku wada sheekaysanno, waan ka dhismay dhankaasna, balse midkood, Cumar Siciid Xasan, oo ta Maraykanka Madaw ku hadla ayaa i hallaabiyay, oo tii gaangiska ayaan ku hadlaa marka aan Ingiriisi u hollado.
Haddii aan is'idhaahdo bulshada Turkiga iyo waaya'aragnimada iiga biirtay wax ka soo qaado, qormada ayaa ila dheeraanaysa ee aan intan ku soo koobo.
]]></content:encoded></item></channel></rss>