Haddii aan qormadeennan ku iba furo taariikhayn kooban, horaantii 1940-yaddii waxa gayiga Soomaalida ka curtay dabaysha gobanimadoonka. Waxa hannaqaaday dhaqdhaqaaqyo abaabulan oo la gu dalbanayo madaxbannaani. Waxa kol qudha gees ilaa gees is la oogsaday oo la maqlay hugunka suugaanta ka la geddisan ee bulshada la gu abaabulayo. Halkaa waxa ka dhalatay fikrada waddaniyadda Soomaalida iyo mashruuca midaynta dhulka Soomaalida. Halgan muddo qaatay, u gu danbayn waa tii hilaaddii 1960-kii la qaatay gobanimadda. Fikradii waddaniyaddu way sii laba kaclaysay oo mashruucii midaynta dhulka Soomaaliyeedna waxbaa ka hirgalay. Suugaanyahanka oo qaadhaan laxaadle ku lahaa waxa ay suugaantooda ku tidceen dunxariira oo ummadda Soomaalida is ku soohday, taas oo u abuurtay qiyam Soomaalinimo iyo han ummaddeed iyo is ahaansho bulsho.
Muddo sagaal sanno kadiba, oo ku beegan hilaaddii 1969-kii waa tii uu xukunka inqilaabay Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkaanna waa tii uu ka unkamay waayihii xukunkii Kacaanku. Dabadeedna waxa uu nidaamkii Kacaanku is ku dayey in uu bulshada muddo kooban xoog ku casriyeeyo. Waxa uu lahaa awood urursan oo meelo badan faragalisay. Waxa uu qaatay fikraddii labaad ee curata intii dawladnimadu jirtay. Waa fekerkii Hantiwadaaga ee tobankii sanno ee hore uu Kacaanku u janjeedhay. Iyaduna waxa ay ahayd marxalad feker oo ay dhalinyar badan ku saamowday.
Dabayaaqadii 1980-yaddii oo ku beegan marxlad uu hoobad ku jiro oo uu sii daciifayo taliskii askartu waxa xooggaystay baraaruggii Islaamiga ahaa ee wadaaddada, kaas oo figta sarre gaadhay 1990-yaddii ilaa bilowgii qarniga 21aad. Iyaguna waxa ay soo kordhiyeen fikradii seddexaad ee curatay intii dawladnimaddu jirtay oo ah fikirka Islaamdoonka ama Islaamka Siyaasadeed. Jeerkooda waxa ku saamoobay dhalinyartii u gu badnaa iyo guud ahaan mujtamaca Soomaalida.
Marxaladahaa taariikhiga ahi waxa ay ahaayeen seddex heer feker oo ka la dabqaatay oo mid walba mashruuciisa xambaarsanaa. Waa seddex hir oo dhalinyarta Soomaalidu ku saamoobeen oo ku hawlgaleen iyaga oo qaranimo ku dul dhisaya. In kasta oo aannay si buuxda u dabargo’in, haddana afkaarahaasi waa ay sii gudhayeen labaatankii sanno ee u danbeeyey; beddelkooda, iskudhafkooda ama dib u soo noolayntoodana loo ma hawlgalin ee waxa aad moodaa in talaxgab fikireed uu ku habsaday dhalinta Soomaalida.
Haddaba, maxay tahay sababta keentay talaxgabkan abuuray firaaqa fikireed? Waa waydiin shilis oo cilmi baadhis dhaba u baahan se, haddii aan fekerkayga cabiro waxa ay ila tahay seddex ‘H’. Aan ku bilaabo ‘H-da’ koowaad:
1. Hagaaskii hay’addaha dawladda:
Burburkii dawladnimada Soomaalida haleelay kaliya ma uu galaafan dawladnimadda balse, bulshaduna si la mid ah ayey u burburtay. Waxa la galay xaaladdo kakan oo ay doog qotodheer ka dhalatay, xaaladahaa oo la ga xusi karo: dagaalo sokeeye, dawlad la’aan, cunfi qabiileed, qax, saboolnimo baahsan iyo duruufo kale oo qalafsan. Taasi waxa ay abuurtay in la horumariyo caqliyad bedbaado ‘survival mentality’ halkii aydhiyooliyado la ga fekeri lahaa. Qof walba waxa uu is ku dayey in uu qudhiisa bedbaadsado, oo waxa diirada la saaray sidii nolol maalmeedka loo la halgami lahaa. Waxa la baadi doonay quud, dhaqaale, dhoof/qax iyo horumarinta nafta. Kuwani waa tallaabooyin la ga ga jawaabayo xaaladda hubanti la’aanta ah ee burburka-kadib soo foodsaartay nolol maalmeedka qofka Soomaaliga ah. Qof walba isa ga ayaa hooyo iyo aabbe is ku noqday oo kaalintii dawladnimadda in uu buuxsado ayuu u halgamayaa oo ku mashquulay. Hay’addihii burburay waxa la qudhbaxay fududayntii iyo furdaamintii iyo fursadihii nolosha ee ay abuurayeen.
Dhan kale, waxa burburtay kaalintii hay’addaha waxbarashada iyo hannuuninta. Waxa la waayey waxbarasho ujeedaysan oo afkaar abaabulaan bulshada ku barbaarisa. Waayihii hore manhajyada waxbarashada waxa saameyn jiray afkaaraha la xidhiidha loollamadii jiray ha noqoto Hantiwadaag ama gobanimadoon. Bilmetel afkaarihii Marxism-Leninism-ka ayaa suuqa ku jiray oo ay ardaydu akhrin jireen kolka ay deeqo waxbarasho u gu baxaan Soofiyeedka iyo kolka dacaayadaha Kacaanka la abaabulayo. Sida oo kale, ardayda dhulalka Carabta u baxa gaar ahaan Masar waxa ay soo xambaari jireen afkaaraha qowminimada la xidhiidha iyo afkaaraha baraaruga Islaamiga ah la tacaluqa. Si kooban waxa ay ahayd waxbarasho ku ladhan kacdoomadii jiray oo mashruucaysan. Hadda, waxbarashada caykaa u qaabaysani ma jirto oo ma aha waxbarasho ujeedaysan oo han ummaddeed xambaarsan. Waa mid ganacsi noqotay oo qofaysan oo tayo xumo iyo ujeeddo la’aan is ku ladhay. Arday dedaal shakhsiyeed sameeya ma ahee arday kale afkaar ka ma dhex heli karo. Sidaas daraaddeed, jiil afkaaro aamisani in ay ka soo baxaan way adag tahay. Waa suurtagal in ay tahay waxbarasho qof akadamiga soo saari karta balse, waa mid aan fekeryahan baraarugsan soo saari karin.
Haddeer, xitaa dadka dibaddaha wax ku soo bartaa macnihii hore oo kale ma leh. Waayo, qofku ma haysto saldhig iyo sees hay’addeed oo uu ku shaqeeyo oo uma diyaarsana hay’addihii iyo makaaniisamkii xirfadda uu soo bartay ka faa’iidayn lahaa. Taasi waxa ay keenaysaa in qofku uu ku shaqeeyo wax aannu baran ama in uu dalal kale ama ururo caalamiya oo weelkii haysta uu u shaqo tago. Sidaas, awgeed xitaa qofka dibaddaha wax ku soo bartaa dalka macne buuran u ma leh ilaa la helayo hay’addo dawladdeed oo hufan oo qalabaysan. Si la mida, waxa saaxada ka maqan nukhbadii abaabuli lahayd afkaaro heer ummadeeda. Ma jiraan indheergarad abaabulan oo kaalintaas guddan kara oo dhalinyarta u noqon kara qudbi aragtiyeed. Waxa la tibaaxaa in waayadaa hore ay jireen nukhbo casriyowday oo dhulalkii gumaystaha wax ku soo bartay oo qaddiyaddaha ummadnimo u dhaqdhaqaaqi jiray.
2. Hungowgii haltebinaha waaweyn:
Dhammadkii labadii dagaal ee dunida kadib, waxa aad u soo shaacbaxday naqdinta iyo hungowga la ga muujinayo haltebinihii waaweynaa ‘grand narratives’ ee uu dhaqdhaqaaqii Casriyowgu ku baaqayey. Haltebinahaasi waxa ay tibaaxayeen yiddiilo hora-u-socodnimo oo uu iinsaanku ku tallaabsan doono, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in ku tiirsanaanta caqliga iyo sayniska la gu gaadhi doono xaqiiqooyin badhaxtiran oo dunida la gu fasiro, in hayaanka taariikheed ee iinsaanku uu jid toosan oo hora-u-socod leh qaaday, in aadaminimadu horumari doonto oo nolosha macne loo heli doono iyo in dagaalada iyo qaxarka la ga raysan doono, oo nabadgalyada iyo wada noolaanshuhu hannaqaadi doonaan, maaddama oo la casriyoobay oo la caqliyeystay. Hayeeshee, dagaaladii dunidu kolkii ay dhaceen ee la is ku riiqmay waa la ga aamin baxay aragtiyihii waaweynaa oo waxa la yidhi: Dhado roob noqon weyday. Rejadii la naawilayey waxa ay is ku rogtay masiibooyin bani aadanimo iyo burbur laxaad leh oo dad iyo duunyaba naafeeyey. Waxa uu noqday mashruuc dhicisoobay oo aan la gu kalsoonaan karin ‘Incredulity towards metanarratives’ sida uu ku tibaaxay Jean-Francois Lyotard oo ka mid ahaa foollaadkii Casrinimada-kadib. Waxa la gu soo gunnaanaday in aannay jirin xaqiiqo badhax’la oo jirtaa, balse ay xaqiiqdu si u arag ama male-abaar ‘subjective’ tahay oo qolo walba runteeda u gaarka ah haysato. Waydiimo culus iyo naqdin balaadhan baa dhan kasta la gu ekeeyey, taas oo keentay dildilaac ‘fragmention’ baahsan oo ku habsaday hiigsiyadii haltebinaha waaweyn.
Si taas la mid ah kolkii ay dagaaladii Soomaalidu qarxeen ee la is ku hoobtay, waxa la ga aamin baxay aragtiyihii ummadnimada sida waddaniyaddii iyo qaranimadii iyo midnimadii Soomaalida ee qarnigii labaatanaad calawalaynasay. Waxa ay ahayd rejo qurux badan oo sidii afkaarta Casriyowga u soo widhwidhaysa balse, dhuxul dambas huwan bay noqotay oo waa la gu hungoobay oo waxa la ga dhaxlay burbur iyo barakac firxadkiisii daafaha dunida la gu kala firdhay. Ayaandarradii ka dhalatay iyo saxariirkii la soo maray ma ah wax ereyo la gu qeexi karo. Muddo kadib, waxa bilaabantay in dib loo naqdiyo aragtiyahaa waaweyn ee ummadnimo, natiijadii ka dhalatayna waxa ay noqotay in intii is qaadan kartaaba ay gaarkeeda u noolaato oo xaqiiqdeeda la noolaato. Waa la kala shakiyey oo qolo walba si u arageeda ayey meel marsatay. Waxana halkaas la gu aasay afkaarihii tabantaabinayey hayaankii haltebinaha waaweyn, qofka maanta dib u soo bakhti afuufa waxa loo arkaa qof dheelalowsan oo hadh cad riyoonaya. Waxa la mid ah baraaruggii Islaamiyiinta oo ahaa dhaqdhaqaaqii heer feker ee u gu danbeeyey ee gayiga Soomaalida ka hannaqaaday. Si la mid ah kuwii hore ayuu u dhicisoobay oo loo ga aamin baxay, kolkii uu is ku beddelay qarax iyo qax kale. Halkaa waxa ka abuurmay firaaq fikradeed, maaddama oo la burburiyey hummaaggii guud ee afkaartaa waaweyn oo hadda waxa la la nool yahay dildilaacii ku dhacay.
3. Hab dhaqanka Hantigoosiga:
Dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa ee u dhexeeyey reer Galbeedka oo uu Maraykanku qabaan u ahaa iyo reer Barriga oo uu Midowgii Soofiyeedku horjooge u ahaa kadib waxa guud ahaan dunida hoos u dhacay loollankii firkadaha ee quwadaha waaweyn riixayeen. Sida uu ku dooday Fukuyama dhiganihiisa ‘Dhammaadka Taariikhda’, waxa guulaysatay aragtidii reer Galbeedka ee Hantigoosiga Laybaraaliyada, sidaana waxa ku soo idlaaday loollankii fikradaha oo waxa loo hoggaansami doonaa aragtida cidda guulaysatay. In kasta oo ay dood ka taagan tahay dhabnimada sheegashada Fukuyama, haddana waxa dunida muquuniyey saamayntii Hantigoosiga Libaraalka. Dunidii waxa ay u leexatay hab nololeedka ku dhisan shakhsinimada ‘individualism’, quudashada ‘consumerism’ ama ku mamista maaddada, macaan jecelnimada, meddedaalada…. iwm. Waxa naaqusay kacdoonkii, mashruucii iyo hirkii wadarta. Halkii fikradaha la gu dagaalami jirayna waxa la gu dagaalamay maaliyad.
Hantigoosigu kaliya ma aha nidaam dhaqaale ee waa dhaqan. Waa dhaqan caqliyada suuqu nolosha muquuniso, oo macaash abuurku iyo faa’iido doonku yahay qiimaha u sarreeya, oo baacsiga guulaha shakhsiga ahi ay beddeleen yoolkii wadarta, oo quudashadu hayb noqotay. Maxaad aaminsan tahay way qiima beeshay se maxaad haysataa baa macne yeelatay. Dhaqanka Hantigoosigu qaabab badan ayuu aydhiyoolajiyadihii dunida u dilay oo waxa ka mida: In uu badeeceeyo afkaarta oo xitaa afkaartii mucaaridka ku ahayd buu waxsoosaar u rogay. Tusaale ahaan, waxa uu macaash ka sameeyaa garamaan uu Karl Marx laabta ka ga sawiran yahay oo la gu xaragoodo ama koofiyad uu Che Guevara ku sawiran yahay oo kumanyaal hantiya la ga abuuro. Afkaartii lidka ku ahayd waxa uu ka dhigay wax la gu xaragoodo oo tukaamada faashiyoonka taal oo aan loo halgamin. Waxa kale oo ka mida: Dabeecadda Hantigoosiga qudhiisa oo waa nidaam dadkiisa abaal mariya oo faa’iido lacageed muddo gaaban ku abuura. Waa nidaam aan u baahnayn nafhur iyo qiime sarre oo la gu bixiyo. Waa nidaam shaqayn kara aaminaad ama aragti la’aan oo aan daacadnimo u baahnayn. Waa nidaam la falgali kara oo la jaanqaadi kara nidaamyada kala duwan ee bulshada; diin, qabiil, waddaniyad, gumaysi iwm, oo waa jirjiroole goor kasta iyo goob kasta faa’iido ka abuuri kara. Halka aragtidu u baahan tahay nafhur, nafcarbin adag, dulqaad iyo fal wadareed. Sidaa ayuu Hantigoosigu ka ga dheereeyey aragtida kakan. U gu danbayn, Hantigoosigu waxa uu xoojiyey hab nololeedka kalinimada ku dhisan; qofkii waxa uu noqday af iyo gacan nolol maalmeedkiisa la dhiban. Aragtiyuhu haddeer heer qofeed ayey u jiraan ee uma jiraan heer ummadeed. Qofku si kali ah buu u fekeraa.
Gunaanadkii, firaaqa fikireed waxa uu horseeday in isbeddel ama kacdoon bulsho la abuuri kari waayo. Maxaa wacay, fikrada ayaa ka horraysa dhaqaaqa. Duul aan fikrad aaminsanayni mashruuc ma dhaqaajin karaan. Fikrada ayaa asal ah. Ta kale, qofku in uu aragtiyaha yaqaan iyo in uu aaminsan yahay waa ka la gaar, oo qofku marka uu aragtida aaminsan yahay badanka waa uu u dhaqdhaqaaqaa oo dedaaal badan oo uu ku hirgalinayo ayuu muujiyaa. Way badan yihiin dadka aragtiyaha iyo ogaal aqoonkoodu sarreeyaa se, inta aragti aaminsan ee u ololaysaa way yar tahay haddiiba aannay jirin. Abaarta fikradeed waxa ay ka mid tahay rukumada ay dhalinta Soomaalidu ka dhaqaaqi wayday ee ay dalkooda iyo dadkooda u hananwaayeen.
Subscribe now
Waa arooryo hore. Is na goor hore ayuu soo toosay. Foolka ayuu dhaqday, dabaddeedna geed-caday yar buu ilkaha mariyey, isa ga oo u sii diyaaroobaya in uu jarmaado. Hayeeshee, sidii caadada u ahayd waxa uu damcay in uu quraac yar daanka sii galiyo. Waxa uu u soo dhaqaaqay xaggii kusheenka oo uu kolkii u gu danbaysay lufluf yar ku ogaa. Muddo kolkii uu socday waxa dhegihiisa ku soo dhacay sawaxan iyo qayladhaan digniinna.
— Waar joog. Joog. Joog!
In yar kolka uu dhaqaaq joogsaday, waxa uu isha la helay dad maryo ka la boobayo. Waa dhawr ruux oo dumara oo sidii adhi waraabe ku soo dhex dhacay u ga diday muuqiisa. Mid baa shalmad laacaysa oo is ku duubaysa. Tu kale ayaa albaabka hoosta ka soo xidhanaysa. Mid kale, orod bay miciin biday oo qol aad u fog bay ruclo ku gashay. Dhibaatadoodu waa madaxyadooda laydha u bannaan balse, midba xalkii u gu dhawaa ee ay mashaakilkeeda ku xallin karaysay ayey ku dhaqaaqday. Barre wali halkii qayladhaantu ku soo gaadhay ayuu dhaqaaq joogsanayaa. Waxa maankiisa sidii hirarka mawjadaha badda u gu soo mir kacaya waydiimo culus oo ka la geddisan:
— Maxaa dhacay? Ma qof wax ka badan baad tahay? Naagahani miyey ku sanabeeyeen oo sidii sanab la caabudo ayey kaa ga dhawrsanayaan mise way ku bahaleeyeen oo sidii waraabe aan bakhtiga hanbayn bay ku gu meteleen? Maxay is la qarinayaan... ma wax timo ka badan baa ka muuqda dhakadooda? Se, maxay damiirkayga u caayayaan? Hase ahaatee, kolka ay ina adeertaa iyo inaabtidaa iyo habrawadaagtaa ‘bahal’ suurad aadane leh kuu arkaan yaa is ku kaa aaminaya? Asalba yaa qoyska fidnada dhex dhigay? Muxuu qoys ka yahay haddii aan la is aaminayn, oo aan la is ku kalsoonayn, oo aan la is qadarinayn? Yaab! Kolay cudurkii baa ku baahay.
Isaga oo is la maqan ayuu maqlay cod u baaqaya:
— Iska soo soco. Iska soo soco.
Kolkan qorraxddu godkeeda in doora ayey qarka ka la soo hinqatay. Waxa uu jid u dhow gurigooda ka soo raacay gaadiid dadwayne oo nolol maalmeedka bulshada fududeeya. Waa baskii xaafadaha iyo suuqa u ka la gooshi jiray. Sidii uu u soo luudayey waxa uu fadhiistay fasalkii Jaamicadda ee uu dhigan jiray. Waa fasal baaxad ahaan kooban, balse la gu daabulay arday xadhaafa. Waa cidhiidhi. Waa goob aan macne badan lahayn, laakiin dhalinyartu waaqica ka ga dhuumato. Haa, waaqica kakan ee rejo la’aantu xaradhaamisay. Dhab ahaan nolosha ka baxsan afarta gidaar ee fasalkani waa mugdi aan cidna ku dhiiran karin. Taas awgeed, ayaa Barre iyo qayrkii halkan u fadhiyaan oo faa’iido iyo xiise ay u qabaan kuma joogaan. Nuxur ahaan way u neceb yihiin. Muddo kadib, waxa fasalkii soo galay barafasoor boorso yar laalaadinaya. Sidii uu u socday waxa uu shandadii dulsaaray miis hortiisa ku beegnaa. Boorsadii ayuu furay oo waxa uu ka la soo baxay laabtoob yar oo ciladaysan. Deedna, waxa uu daaray borojagtarkii fasalka ee muuqaalka shaashada laabtoobka balaadhinayey si fasalka oo dhami hummaaga u dhugto. Kolkan dayaankii iyo qayladii badnayd ee qolka saameeshay way ka saan jabtay. Barafasoorkii hawshiisii ayuu guddo galay. Hummaaggii waxa ka soo muuqday oo indhaha ardaydu qabteen qoraalo kooban oo xarfo af Ingiriisi ah ku qoran. Wax macne oo ay lahaayeen oo la xusi karaa ma jiro. Se, waxa uu isku dayey in uu af gaalkaa macneeyo oo hadaltiro kale oo aan macne lahayn ku sii macneeyo. Ardaydu waa ay kala duwan yihiin; qaar baa si dhaba dhugmo u gu leh oo qoraya waxa uu akhrinayo, kuwa kalena waxaba aad moodaa in waxyi ku socdo qaabka ay ereyada Ingiriisiga ah macnooda u raacraacayaan. Way se tiro kooban yihiin. Kuwa kale, dan iyo heelo ka ma leh oo way ku caajiseen. Haa, way ku caajiseen oo muddo shan iyo toban sanno ka badan baa la gu soo dul akhrinayey. Waana tirada ugu badan. Qaar kale, oo uu Barre ka mid yahay waxa ay diidan yihiin falsafadda ay ku dhisan tahay cantarabaqashta la shubayo iyo taya xumada iyo haltebinta liidata. Se, way tiro kooban yihiin.
Muddo kolkii uu hadal tiradii iyo xuruuf meerintii si habqanna is ka ga socotay, waxa soo ifbaxday dhacdo dareenkii Barre soo jeedisay. Barafasoorkii xarfaha turjumayey waxa uu maagay, bal in uu wax xarfahan baas ka yar geddisan sheego oo is yar xariifiyo, kolkaas buu damcay inuu tusmo muhiim u ah ku tusaaleeyo digniin uu bixinayey oo ahayd: iinsaanku wakhti ma haysto. Waxa uu gudda galay in uu tusmada faalleeyo oo tusaale u yeelo, waxa uu soo dheegtay daraasad uu sheegay in Maraykanka la ga sameeyey oo la gu qiimeeyey xaddiga wakhti ee uu qofka bani aadanka ahi hayo ‘tamar’ ee shaqagalka yahay, deedna waxa uu yidhi:
— Ninka gaalka ah ee daraasada sameeyey waxa uu ka soo qaaday in celcelis ahaan bani aadanku 70 jir ku dhintaan, sidaas awgeed kolka 8 saacadood oo hurda ah oo haddii sannado loo beddelo noqonaysa 25 sanno la ga sii jaro waxa soo hadhaya 45 sanno oo kaliya, haddii la ga sii jaro 13 sanno oo koriin iyo hannaqaadana waxa soo hadhaya 32 sanno oo qudha. Kolkaa cimrigaa kooban baa qofku ‘wakhti’ haystaa oo firfircoon yahay. Laakiin inaggu Muslin baynu nahay oo 63 sanno ayeynu ku dhimanaa! Kolkaa wakhtigeenu waa ka siin gaaban yahay ka gaalada, taxadar dheeraada muujiya!
Kol kale, waydiimo ayaa Barre sida dhibicda roobka u gu soo daatay:
— Yaa 63 sanno inagu xukumay haddii aynu Muslin nahay? Ninkan PhD sheeganayaa miyaanu ogayn in heerka cimriga qofku ku xidhan yahay deegaankiisa oo haddii caafimaad iyo daryeel iyo cunto nafaqo leh la siiyo uu sida reer Jabbaan 85 jir ku dhiman karo? Mise waxa uu doonayaa in aan waligeen nolol liidata oo saboolnimo iyo cuduro halakeeyeen ku noolaano, oo faqriga iyo gaajada iyo darxumada Eebbe ku caabudno oo u gu dhawaano? Imika PhD-du ma warqad badowdu ka barakaystaan baa? Heerka uu madaxfalluuqnimo ka gaadhay waa ka rumaystay ‘Nabiga ayaa 63 sanno ku geeriyooday oo dabeedna waa in celceliska dadku ku dhintaan da’daa’. Dadkan maxaa wada dooriyey? Yaab! Kolay cudurkii baa ku baahay.
Naqdiga maankiisa ku jira ma muujin oo aamus buu ka door biday si aan jamaahiirtu u gu shimbiro waaqlayn.
Casar liiq gaaban ayey maqaaxi Soomaali la gu casariyeynayo fooda soo galiyeen, iyaga oo kartoon yar oo Chess ku jirto wadhaaminaya. Si la mid ah bulshada kale ee goobta fadhida ayey u qorshaysteen in ay maqaaxidan ka casariyeeyaan oo biyo iyo baad wixii laabtoodu muhato ay afka ku sii dhuftaan; inta shaaha iyo sheekadu u socotana ay dhawr kulan oo Chess ah dheelaan. Kolkii ay damceen in ay dhigaan oo ku madedaashaan, waxa judhiiba meel koone durugsan ahayd ka soo qayla dhaamiyey wadaad is mood ay wadaaddadu qalbiga ka xadeen oo miinaysan. Saamaynta aragtidii diiqada ahayd ee Wahaabiyada ayaa dhuuxa fadhiisatay. Waa si u arag nololeed oo kadeedan. Waa qunuud iyo nacayb yuurura. Cabsi galin iyo argagax galin baa u baadisooca. Farxada iyo fankana way kala dhalaalaan. Sida ay wax u arkaan wixii aan waafaqsanayna waa bidco iyo kufri muddan in gacan la gu suuliyo.
Waa kan soo hambash hambash leh. Astaamahoodii ayaa oogada u ga soo ifbaxay; waxa uu labisnaa khamiis xun oo aad moodo in dameer calashaday iyo koofiyadii dilaaliinta. Hadal sami iyo dun wanaag la gu qadarin karaana ficilkiisa iyo hadalkiisa ka ma ay muuqan. Waxa uu ahaa nin cadhaysan sidii geel uu leeyahay la ga xabaadhay. Isa ga oo maqiiqan oo aad moodo in uu ka kor tagayo cadho Eebbe oo soo degi doonta iyo qarax dhulka la jari doona ayuu soo dul istaagay xertii:
— Alaabtiina qaata la ga ma ogola in halkan la gu ciyaaree, suul dhabaale ixtiraam darro ahaa oo ka dhigan ‘meesha soo dhaafanna’ wuu ku sii ladhay. Dabeedna, wuu is ka sii dhaqaaqay.
Waa la is eeg eegay se, cidi ka ma daba hadal. Qaar ka mid ahaa shaqaale hoosaadkii u shaqaynayey oo u yimid in ay dhalinyarta dalab ka qaadaan ayaa hoos u gu gunnuunucay:
— Khamaar buu moodayaa nacdal kortay.
Xertii way u bogtay weedhaa nasriga ahayd ee ka soo yeedhay adeegayaashii goobta. Kol way ku qosleen kolna way la yaabeen. Intii ay jidka ku sii jireena way ku sii kaftameen. adeegayaal shaqaale hoosaada ayey ahaayeen oo aannu wacyigu saameelin, balse cudurka wadaadnimada ayaan garashada ka xayuubin sida sayidkooda. Taas ayey ahayd arrinta xiisaha lihi.
Barre iyo xeriitiisii way is ka ga huleeleen maqaaxidii waysadu u dhawrnayd, deedna maqaaxi Itoobiyaan aan ka dheerayn oo bunka la ga fiiqsado ayey si hal ka haleel u fadhiisteen. Maqaaxidani tii hore waxa ay kaga geddisnayd waxwalba kolka la reebo kuraasta. Muuqa guud way ka ga duwanayd oo farshaxan la xardhay, hummaagyo ka la jaada iyo ubaxyo ka la cayna ayaa geer walba sudhnaa. Dhaqan ahaan iyo is dhexgal ahaana way ka furfurnayd. Geestaa bidix waxa soo fadhiday qalanjo Amxaari ahayd oo timuhu u sii daysan yihiin; waa Simitig hablaha Soomaaliyeed u hannaan eeg. Horteeda waxa wadhnaa miis yar oo ay ku sharaxan yihiin koobab yaryar oo bunka la gu fiiqsado. Hareerteedana waxa fadhiyey gabdho iyo wiilal kale oo ay is ku deegaan ahaayeen; halkan ayey soo gacal dugsadeen oo u soo bun doonteen. Muuqa guud may ka la qalloonayn, wax dad dhaafsanna is ku ma ay arkayn.
Geesta kale, waxa ku teedsanaa miis kale oo ay ku goglan tahay Chess cabirka xubnaheedu roonroon yihiin oo ay maqaaxidu leedahay. Waxa loo adeegsadaa soo jiidasho iyo suuqayn. Kolba afar ruux baa ku dul qaxweeya oo ka rawaxa, waa astaan soo jiidasho oo meheradu macaash ku samayso. Halkan xitaa waxa yimaad dad masaafo dheer ka soo socdaalay si ay labada adeeg is ku la helaan. Waxa ay fahmeen oo raaceen xeerarka aamusan ee ganacsiga.
Kolkii waxoogaa la ciyaaray ee la iska bunneeyey ayuu miiskii soo fadhiistay wahaabi kale oo wadaaddadu khataleen. Qacdii hore ba waxa uu bilaabay wacdi iyo amaro awood anshax adeegsanaya:
— Boqorka surka ka jara waxa ka muuqata calaamaddii is ku tallaabta ahayd ee Masiixiyada!
— Waar adeeroow la ga jari maayo ee maad is ka ciyaari.
— Maya, ee ka jara ikhwaani.
Qir iyo qir ayey xaaladii is taagtay. Aamus kooban kadib:
— Oo faraskana maad qoorta maro kaga duubtaan? Waa noole la xardhay. Waa danbi in noolaha la xardhaa!
— Weger!
Waxa si aannu dhaadanayn isku garaacaya iimaankiisa iyo rabitaankiisa. Waxa uu rabaa inuu Chess dheelo se, iimaankiisu kuma niyadsama muuqaalada hortiisa yaal. Inuu is waafajiyo ayuu u ham iyo dig leeyahay oo uu islaamiyo alwaaxda, taas ayuu is ku kalifayaa oo ummada kalena u arbushayaa.
— Hayeeshee, wadaadkii khatalnaa fiqiga ayaa ku yaraa, ayuu yidhi Kadiye. Waxa uu intaa ku sii daray, haddii aannu afkiisa ku hadalno, tolow maannu fahmin xadiiska yidhaa: ‘acmaashu waa niyada.’ Shayga aad qabanayso waa waxa aad u la jeeddo uun, kolkaa muu ka la garanayn ciyaar iyo cibaado waxa hadda loo ga jeedo. Kol kalena miyaanu maqal qaacidada fiqiga ee tidhaa: ‘umuurtu waa maqaasida ee ma aha alfaada/muuqa.’
— Diintu kolka la fahmo waa ilbaxnimo weyn oo fahanka, is ku xidhka iyo macaamilka iinsaanka si togan u qaabaysa, se kolka aan la fahmin sun bay noqotaa oo waa la gu bukoodaa haddii aan loo ba dhiman.
— Haa, dadkaa sagagariinta ah ee jahligu ku dhoobaystay baa iyaga oo wada gadh iyo gafuur xun ku gu abyuusaya oo ku gu takrifalaya, iyaga oo awood anshax kuu adeegsanaya.
— Faqiihnimadu waa samo se, wadaadnimadu waxa ay ka mid tahay cudurada faafa ee maanka fadhiisiya, qofkii qaba ha la xidho inta aannu faafin, ayuu Barre u gu sii jiibiyey.
Caawa waa gunaanadka ballantii iyo kalsoonidii muddada dheer la soo dhisayey. Waxa ay ku ballameen huteel weyn oo la gu magacaabo al-Wakiil. Muuqa guud waa goob fadhi iyo adeeg qumman oo cawayska mu’miniinta ku habboon. Labadooduba aad ayey kulanka u xiisaynayeen oo is ku soo diyaariyeen. Ilwaad oo awalba bilic samideeda awgeed magacan ilwaadsiga leh loo gu ladhay ayaa isa sii naashnaashtay. Waa naag dherer xigta oo hilboon. Waxa ay la tiicaysaa dhex kala jaran oo ka la badha horaado soo foocsan iyo badhi yuuban oo sii taagan. Daymada u roonaa qoorteeda xarkagtay ee timaheeda haldhaaga ahi hadba gees u gu dhabanayaan. Midab magan ka ma ahee waa mas ciiddeed. Dhabankeeda dheeh iyo dhalaal dabiiciya oo biyadahab la moodo ayaa ka soo ifaya. Bishimo baruura, ilko siman oo lafta ka cad iyo cirid madow oo ku meegaaran baa afkeeda bilay. Carafta jidhkeeda ka soo kankamaysa waxa aad moodaa in ay webi udduga muquuratay. Labis qumman ayey is ku gabsiisay. Garbasaar yarna madaxa ayey u saaran tahay. Caasheedu way bannaantay oo cabaadhyaha luqunteeda la ga ma libiqsan karo. Timaheeda fooda hore laydha ayey la laacdamayaan. Barre geestiisa waa is ka diyaar. Suudh xun oo uu bilo ka hor soo gatay buu is ku soo jufay. Timajare Xabashi ahaa buu timaha ka soo xiirxiirtay. Gadhkii weynaa ee uu necbaanna wuu iska soo rifay. Shaaruubo dhaadheer oo uu miiqo buu la baxay. Baakidh halal sigaari ku jiraan iyo leetar xuna jeebka danbuu ku qarinayaa. Cadar yar oo ay Ilwaad bari hore u soo hadiyeysayna si qaab daran buu isu gu buufiyey. Ka ma qasna oo intii nin Soomaaliyeed la ga filayey taagtiisa ma hagran.
Salaan iyo soodhawayn kadib. Way is hor yuurursadeen. Miis yar oo ubax yari ku goglan yahay baa u dhexeeya. Moogan hayntoodu ma xuma oo jeeb ka warwar ma jiro. Cuntooyin ka la jaada oo tobanaan magac loo gu ka la yeedho ayey dalbadeen. Muddo yar kadib, gasiinkii la soo dhigay waxa aad moodaa gal iyo daad. Waa ay ku dul sheekaysteen oo ku dul wiriishiyeen. Dhadhamooyin ayey afka is ku galiyeen. Kolkii ay wada sheegaysigii iyo kaftan dhablihii iyo daldalistii cuntada ka daaleen ayey damceen in ay ruuxdooda daajiyaan. Quudinta jidhka way ku daaleen, haseyeeshee, haddeer amateedku dheeg kale ayuu ka furan yahay. Kaftanka iyo haasaawaha roomaatiga ah aad baa la isu gu fahmay se, waxa hadhsan in ficil loo rogo ereyadan dareen taabadka miidhanna ee qalbiga xadantaynaya.
Akhiyaari indhahay is ka fahantaaye, waa la is fahansanaa se, ku dhac iyo tallaabada koowaad ciddii qaadi lahayd baa muran ka joogaa.
— ‘Jidhkaagaa udgoon baa i soo jeedinaayee....’, heestaa ma maqashay qaali ayuu yidhi, isa ga oo marmarsiyoonaya.
— Haahey, waa hees qiimo badan, ayey u gu hal celisay.
— Ka waran haddii aan anigu intaa ku idhaa? Maxaad ka odhan lahayd...
— Hmmmmm.
— Waxa aan jeclaan lahaa, in wixii intaa dhaafsan aan guddaha is ku gu sheegno oo aynu sheekada halkaa ka sii anbaqaadno. Waxa aan inoo qabtay qol weyn oo leh fadhi, seexad iyo muraayad la daawado. Halkaa haddii aynu u wareegno sideed u aragtaa?
— Meeshan baas dabayl baaba ka dhacaysa. Waa haggaag ee ina mari, ayey ugu laab qaboojisay.
Aad buu u ga mabsuuday dalabkaa la ga aqbalay, dabeedna si hal ka haleela ayuu u sarre kacay. Waa uu hor kacay sidii inshin la aroorinayo. Way is daba dhaqaaqeen. Kolkii ay soo gaadheen afaafkii maqal-hayaha huteelka ayey halacsadeen mid ka mid ah adeegayaashii huteelka oo u gacan haadinaya. Way u is taageen, dabaddeed kolkii uu soo gaadhay kobtii ay taagnaayeen, kuye:
— Iga raali ahaada walaal. Warqadii meherkiina keena, waan ilaaway kolkii hore ‘e.
— Meher maxaya?
— Waa shardi walaal, lammaane aan warqadaa sidan qol ka ma kirayno.
— Oo maxaa warqadayada idinka galay? Miyeydaan adeeg bixinayn?
— Waa xeer noo yaal, walaal.
— Na ma khuseeyo xeerkaasi, waana aad edeb darran tihiin.
Hore ayey is ka ga sii dhaqaaqeen. Mar kale, ayuu adeegihii ka daba qayliyey. Haddana way soo istaageen. Si dhirifsan ayey eegmada u gu gubeen. Hadalkii ayaa ka xumaaday oo waa la is fara saari gaadhay. Jeer danbe ayey is la garteen in ay is ku la tagaan maamulihii sarre ee huteelka oo sida oo kale ahaa mulkiilaha goobta. Kolkii uu gartii dhegaystay ayuu ku sii adkaystay doodii shaqaalihiisu qabay. Mulkiiluhu waa wadaad gadheer oo gayiga la ga yaqaan. Masaajido iyo madaaris badan buu wax ka maamulaa. Sida oo kale, gudiddii abbaaraha ee kaliishii kal seddexaad ayuu xubin firfircoon ka ahaa. Guddidaas oo ay shacabku karti darro iyo eedaymo musuqmaasuq u soo jeediyeen. Waxa ay ahaayeen guddi suuqa la ga xanto.
— Sharcigayaga ayaa sheegaya in aannaan qol ka kiray dad aan is qabin ama aan is caddayn.
— Oo kolkii hore maad sheegtaan... maxaad lacagta nooga qaadayseen?
— Adeer ka raalli ahow, khayr hele!
— Raalli ahow rag ma kala wadee...
— Adeer, macaasi ka ma shaqayno ee warku waa sidaas, ayuu yidhi wadaadkii oo hadalka boobay.
— Haddaad macaasi ka dhawrsanayso oo aad iimaan iyo dadnimo leedahay, maad dhex hawaarteen huteel aad ka dhisatay masaajido aad kirayso iyo lacagtii abaaraha, oo deedna aad dusha sarre far waaweyn ka ga xaradho ‘Mansha Allah’ si aan la gaa ga cawryin! Anshax aannad ku dhaqmin baad dadka ku dhaqaysaa. Inta laba qof oo aanad ogayn waxa ay samaynayaa aad ka la ilaalinayso maad xoolaha ummadda ilaalisid. Naar baad cuntay... kolkaas baad naar ii ga warwaraysaa! Fikradaadu waa agab dadka la gu maamulo oo la gu gumaysto ee akhlaaq iyo daacadnimo ka dheer.
— Waad af xun tahay, malcuunyahow...
— Waar adigaa inan gumeeda maangaaba ah, hooyadaa gadhka dheer ka wase...
Xugguuguf. Daf. Bug. Qaw. Qarjajac. Waraaqaha iyo qalimaanta daadanaya. Miiska ay jiiqdu ka yeedhayso. Qoorsagaarada la is ku hayo iyo feedhka la is ku darandoorinayo ayaa jawiga sii qasay. Qaylo ayaa xafiiskii is la oogsatay. ‘Waar ragga kala qabta’ ayaa meel kasta ka yeedhay. Si hal ka haleela ayaa labadii nin loo ka la jiiday. Weedho kulul oo isu gu jira habaartan iyo caytan ayaa la is ku hurgufay, dabaddeedna golihii waa la gu kala huleelay oo dhinac walba nabaradiisa ayuu dhaymo u raadsaday.
Shanta farood ayuu dhabanka saaray. Waxa uu ka fekerayaa sida uu waageeniga u gu dhex noqday bulshadiisii ee uu duni galti ah u gu dhex figaysan yahay. Tan iyo dhalaanimadiisii waxa uu dhibane u ahaa hab nololeedka bulshadiisa. Nasiib wanaag se, saaxiibo waageeniya oo tiro kooban ayuu la jaallay. Kuwaas baa kaarjabin u ahaa mudda dheer. Kadiye oo ka mid ahaa jaallayaashaas ayey afka jug isa siiyeen oo waaqica kakan ee ay ka dhex siibteen hoos u wada xanteen:
— Yaab weeye! Dadkii maxaa doqmo ka wada dhigay? Ayuu Barre ku gunnuunucay.
— Doqmo ma aha, ee malaha wixii aad doonaysay baad ka wayday.
— Ha sheegin. Se waxa aan la yaaban ahay nolol maalmeedka garasho aan gacalkeed toosin...
— Sidee?
— Oo ma si bay leedahay, sowtaa aad ujeedid waxa na ga haysta... maalintaydii oo dhami waxa ay ku dhammaatay rabshad ilaa aannu u gu danbayn cudurka qudhiisii is fara saarnay. Haddeer shisheeyaha waddanka ku nool baan xiiseeyaa la macaamilkooda iyo ka adeegashadooda oo gacalkaygan hurda is la ma keeno. Maqaaxidaa aynu ka shaahayno baa u yar oo waa la ina gu dul qufulayaa daqiiqado kadib ileen way waysaqabtaaye... iyada qudheeda ayaa adimo yeelanaysa oo saful awalka is ka xaadirinaysa.
— Waa arrin qosol leh, jaalle.
— Bal eeg, waa dad raxmadii iyo iinsaanimadii ruuxdooda ku daabnayd la ga siibay. Waa duul maanka kaa ga matagaya oo ku maan caayaya kolka ay wax kuu sheegayaan; waa kuwa meddedaalada iyo mija baxsiga kaa maanacaya; waa kuwa mooraalka kaa dilaya; waa dal iyo dad maxkamada. Goorma ayuu qofku naftiisa meteli? Goorma ayuu xorriyad dhaba dareemi? Goorma ayuu garaadkiisa si madax bannaan u adeegsan?
— Male mooyee ma garan karo. Laakiin dadku la yaab ma leh ee waxa la yaab muddan qaabdhismeedyada soo saaray. Dadkani waa maxsuulkii nidaamyada fadhiidka ah ee dalka ka jira. Bal eeg, nidaamka waxbarsho, guud ahaan goobaha waxbarashadu waa tukaamo jahliga qaybiya oo aan falsafad waxbarasho oo dhaba lahayn. Xitaa la gu ma dhigto kuliyaddaha maantoosinta qofka muhiimka u ah sida falsafadda, mandiqa, cilmiga bulshada iyo iwm. Qaarkood la ma yaqaan, qaarkoodna dacaayada raqiisa ayaa la ga faafiyey, dabeedna far hunguri aan qudheedu waaqici ahayn baa la is ku maaweeliyaa. Sida oo kale, ma jiraan maktabado iyo rugo akhris oo uu qofku ka heli karo buug macne buuran leh oo afkiisa ku qoran ama u gu yaraan buug af shisheeye ku qoran oo la ga haqab beelo. Ma jiraan indheergarad abaabulan oo fekerka jiilka kacaamaya qaadhaan ku darsadaa, si la mid ah ma jiraan ururo bulsho iyo saxaafad abaabulan oo fekerka faafisaa. Intaa waxa dheer hay’addihii bulshada iyo dawladda oo danbaska ah. Kolkaa qof iyo bulsho tayo leh ka ma soo dhex bixi karaan nidaamyadan ragaaday. Sidee buu qofku kaligii tayo u yeelan karaa iyada oo deegaankii iyo dadkii ku xeernaa ay xaaba yihiin?
— ‘Diirkiyo laftuu xulay hadduu hadal wax daawayne’, maandhoow halka eelku yaal haggaag baad u tilmaantay. Waa runtaa. Waa kolka garaadkeenu baraarugo ee nidaamyadan qashin qubka ah ee dadka barbaariya dib loo habeeyo; la ga bilaabo guriga, dugsiga, masaajidka, hay’addaha dhaqan-dhaqaale ilaa kuwa siyaasad-bulsheed. Waa kolka la ilbaxo ee la buushi baxo. Waa goorta gacalkeenu tooso; ‘Aqli gacalkii toosaa, fekera nolosha toolmoon’ miyaanu abwaankii odhan.
— Taariikhda bani aadanku habeen dhex mooyee hakad ma leh. Kolay waa loo baahan yahay in la cusboonaysiiyo aaminaadaha taqliidiga ah ee garashada daboolay. Waa la ma huraan jawaabaha diyaarsan ee nolosha la gu wajahayo in la ga gudbo oo kuwa cusub la baadi doono si aannay faduulinta qofku u dhiman, taas oo u baahan doonta geesinimo dheeraada iyo adeegsiga xubno muhiima oo la dayacay.
— Waa arrin amakaag leh sida uu qofku xaqiiqo cad iyo qaddiyado maangal ah is ka ga indho tirayo ee uu khuraafaad u doorbidayo isa ga oo u eexanaya aaminaad faalsa ah oo maankiisa dabooshay oo uu la miyir beelay. Iinsaanku waa noole dhalanteedka u nugul. Waa anfariir sida aannu waxba is ku waydiinayn ee uu u la mid yahay geenya shaaximan oo heensihii ku jaran yahay. Aaminaadaha aan la naqdin ee tunka la gu sitaa waxa ay dabagadiyeen fahanbixintii dabiiciga ahayd ee ashyaada; wanaag ayey xumo ku tibaaxeen oo been ayey run ka dhigeen. Waa duni maqluuba. Hayeeshee, kolka uu garaadku ka xoroobo eexaysiga dhalanteedka waxa uu ka la miisaami karaa samaha iyo xumaha, beenta iyo runta deedna hab feker iyo akhlaaq qumman oo horusocodka iyo ilbaxnimada nolosha u suubanta ayaa ka dhalan doonta.
Subscribe now
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Substack
Waxa aan soo toosay aroor hore si aan u tago beertayda. Waxa lagu gudda jiray maalmo ka mid ah Oktoobar. Fuulsuudaanigii aan beeray iyo gaar ahaan digirtii goosasho ayey u bislaadeen. Iniinyaha ka baxa dhulka hoostiisu muddo kooban ayey beerta baaqi ku sii ahaan karayeen, balse waxa qasab ahayd in digirta la goosto ka hor inta aannay soo weerarin bah-dabagaale. Maaddaama oo aannan haysan lacag aan cayayaanka kaga buufiyo waxa aan go’aansaday in aan goosto intii aan ka awooddo ka hor inta aan masiibadu dilaacin.
Ninkayga oo aannu laba iyo toban sanno is qabnay ayaan ka codsaday inuu shaqada beerta iga caawiyo hase yeeshee, sidii caadada ahayd, waxa uu soo qadimay cudurdaaro ku aadan sababta ay u habboon tahay in uu iska joogo oo uu deedna u tago xoghaynta dawladda hoose si uu u la socdo marxalada uu marayo codsigiisii shaqo ee karaanigu. Mar kasta sidaas ayuu odhan jiray si uu uga baaqsado in uu beerta ii raaco. Anigu se waan ogaa in aannu waxba qaban ee uu hoos fadhiisan jiray geed agagaarka xafiiska ku yeelay, oo uu turub kula ciyaari jiray niman kale oo baagamuudo ahaa tan iyo cadceed soobaxa ilaa gabaldhaca. Mararka qaarkoodna waxa uu ku andacoon jiray in uu carruurta dugsiga ka soo qaadayo, hayeeshee carruurtu hadda way wada koreen oo way yaqaaniin jidka gurigood, sidaas darteed waligii muu soo qaadin.
Ninkaygu waxkasta ayuu odhan jiray si uu uga muquurto tagitaanka beerta. Mararka qaar ayuu sida sabiga marmarsiyo nacasnimo ah samayn jiray, xitaa waxa uu ku been sheegay in uu xanuunsanayo. Laakiin, kolka aan sidaa u baxo ayuu isna iga daba bixi jiray si uu geedkii xoghaynta ugu soo ciyaaro. Had iyo jeer waxa uu ka caban jiray in dalagga beertu aannu u qalmin tacabka iyo daalka lagu bixiyo. Mararka qaar waxa uu dheeli jiray ciyaarta eedaynta; waxa uu eedeyn jiray roobka, dawladda, xitaa xilliyada qaarkood aniga ayuu igu eedeyn jiray in aannaan beerta haramayn ama aannan si qumman ugu adeegsan carra-nafaqeeye. Xitaa mararkii dhif iyo naadirka ahaa ee uu beerta ii raaci jiray waxa uu soo noqon jiray duhurka horteed, isaga oo qorraxda ku eedaynaya in ay aad u kulushahay, annigana igu eedaynaya in aan ku sooray cunto culus oo jidhkiisa daciifisay.
Ninkaygu waxa uu aaminsanaa in shahaadadiisa macallimo ee heerka labaad uu ku mutaystay qof u qalma shaqo xafiiseed. “Eeg, waa caadi in aad maanta qoyska quudisaa, maxaa yeelay halkaas ayaan berri ka sii anbaqaadi doonaa qaybtayda, kolka aan si dhakhsa ah shaqo u helo,” sidaas ayuu ii sheegi jiray. Waxa uu maqlay in la qiimaynayo codsiyadii shaqo ee xoghaynta yaalay ( se waa been kale oo cad, dhab ahaan waxa uu maqlay aniga oo hadal haya in aan kaalmo uga baahan ahay shaqada beerta maalinta soo foolka leh).
Waxa aan soo toosay goor hore iyada oo uu dharabku ku goglan yahay cawska guudkiisa, carruurta ayaan quraac u diyaariyey, deedna xagii beerta ayaan u soo dhaqaaqay. Goor hore ba maanka ayaan ku sii male’aawashay xaddiga dhuleed ee aan maanta kafayn doono; mana doonayn in aan guriga ku noqdo ilaa aan intaa ka dhammeeyo. Balse kolkii aan shaqada bilaabay wax yar kadib, waxa aan arkay dad yaacaya oo qaylinaya iyaga oo argagaxsan. Qacdii hore waxa aan u maleeyey in abeeso waabay lihi ay aaggan qof ku qaniintay. Balse kolkii aan si dhow isha ugu biniiniyey, dadka yaacayey ma ahayn kuwa aan garanayo, mana ay xidhnayn dharkii shaqada beerta. ‘Carar!’ ‘Carar!’ ayey ku qaylinayeen. ‘Carar! Fallaagadii ayaa la wareegtay tuulada.’
Yaanbadii ayaan tuuray oo jihadii lidka ahayd baan u orday, aniga oo dib u jihaystay oo ka fekeraya carruurtaydii iyo ninkaygii. Intii aan xagga guriga u sii cararayey, waxa aan la kulmayey dad badan oo qaarkood igu la doodayeen in aan soo kala jeediyo. Balse naftayda waxa aan ku geesinimo galiyey malahaygii daarnaa in uu ninkaygu si uun u maareeyey in ay carruurtayadu fakadaan. Waa in aan iyaga helaa. Sidaas ayaan isku qanciyey, balse wadnaha ayaa i go’ay oo rejadaydii way sii naaqustay kolkii aan arkay rag badan oo isku dayaya in ay madaxooda badbaadiyaan iyo waxoogaa dumara oo carruur is daba jiidaya.
Si kadis ah ayaan magacayga u maqlay, deedna waxa aan halacsaday ninkaygii oo dhankayga u soo maqiiqan. “Maynuut!” Eebbaa mahad leh, waad nabad qabtaa! Aad baan ugu faraxsan ahay in aan ku arko, alla xaaskaygii... gadaal balaayaa ka oogan... saaxiibaday way dhinteen... qaar waa la toogtay, qaarna baangad baa lagu jarjaray” ayuu yidhi, kadib gacmahayga ayuu isku soo tuuray isaga oo u barooranaya si aan isxakamayn lahayn.
“Aaway carruurtii?” ayaan waydiiyey. “Carruurtii! Alla Ilaahayoow! Waan illaaway... Maya, ma illaawin. Sideen ku illoobi karaa? Laakiin, dhan kasta argagax daran baa ka jiray, oo waxa qasab igu noqotay in aan cagta miciin bido. Fallaagadu waxa ay dhegta dhiiga u dareen dhammaan raggii ay indhaha ka qaadeen. Si kastaba ahaatee, waan ogahay in ay bedqabaan. Dareenkayga guddaha ayaa sidaas ii sheegay.”
“Sidee ayaad ku ogaatay, alla way oo way? Waa maxay dareenkan aad ka hadlaysaa? Ma is la dareenkii shan sanno ka hor kuu sheegay in aad shaqo helayso baa mise waa dareen cusub?” Ilmo kulul baa indhahayga ku soo istaagtay, dabeedna dhabankayga ku hoortay. “Waar Samiinu! Carruurtaadii? Ma ka soo carartay oo ma iska ga timid carruurtaadii?” Madaxa ayaan ruxay; murug baa i dabooshay, cunihii baa i xidhmay, waxana iga dhammaaday ereyadii aan ku odhan lahaa.
“Fadlan i fahan. Rabitaankayga ma ahayn in aan ciyaalka ka soo cararaa, balse waan ku qasbanaa in aan sidaa yeelo. Xasuuq ba’an baa socday. Waan kuu sheegay ragga waa la tooganayey, iyada oon waxba la su’aalin. Waxa aan waayey saaxiibo badan. Waad garanaysaa Xamisu, Labraan iyo xitaa Xadeeja, hilib gadihii? Dhammaantood rasaas baa dhulka loogu tuuray; maydkooda oo daadsan baan ka tallaabsaday kolkaan soo ordayey. Wuxuushtaa dhiiga u oomani ma kaftamayaan. Kolka aad nin tahay, waxa aad tahay bartilmaadeed. Dumarku se sidaas u ma badna. Fadlan, wakhti ayaan luminaynaa. Kaalay i soo raac,” ayuu igu booriyey.
Waan kala jeedsaday, oo xaggii guriga ayaan u orday. Balse wuu iga daba yimid, oo gacanta ayuu igu dhegay, waxa aannu yidhi: “Fadlan, sidaa ha samayn, ha igu samayn tan, i soo raac. Waxa aad haysataa aniga, inaga ayaa is haysana: carruurtu waa hadiyad Eebbe bixiyo, kuwa cusub ayeynu dhali doonaa haddii ay wax gaadhaan. Waan hoogi doonaa, oo nacdal baa i kori doonta haddii aan adigana ku waayo.”
Kolkaas ayey ahayd markii aan isa soo malmalay ee aan wajiga ka saaray dhirbaaxo darran oo aan itaalkayga isugu geeyey. Ma sugin in aan arko falcelintiisa. Waxa aan se hubay in aan amakaag galiyey iyo in gacmahaygii naxariistu ka guurtay ee shaqada beertu qalafisay ay xariijimo ku reebeen dhabankiisii turxaanta la’aa. Aabbe aan dareen lahayn oo kaliya ayaa ubadkiisa ka dhaqaaqi kara daqiiqadihii ay ahayd in uu u istaago oo difaaco. Kuma aan raysan nafiskii yaraa ee aan ka dhaxlay dhirbaaxadii aan la tiigsaday. Runtii, muddo dheer ayaan doonayey inaan taas sameeyo. Waxa aan go’aansaday in aan guurkan soo afjaro kolka ay xaaladdu dhan u dhacdo. Guriggii ayaan ku cararay.
Dariiqa waxa tubnaa carruur laga qaxay oo ooyeysa. Xaaladdu qas iyo argagax isku murgan bay ahayd. Dadku way yaacayeen; dumarku waxay ku qaylo dhaaminayeen magacyada carruurtooda, halka ragga wali tuulada ku sii hadhay ay gaaf wareegayeen iyaga oo carruur raadcayna oo dadka kale warsanaya bal in ay cid uun arkeen. Jidhka maydku sida qashinka ayuu wadada u qubnaa. Dhaawac aan wali dhiman baa dhulka rafanaya iyaga oo waraaqaya, oo gargaar ku baryootamaya. Waxa aan sawirtay in dhammaantood ay yihiin carruur ay dhaleen hooyooyin, oo dhiigoodu ku daatay gacmaha mooryaan aaminsan in uu dilku yahay waajib ay tahay in lagu fuliyo birimagaydada aan waxba galabsan.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Substack
Si kadis ah ayey uga soo boodeen isgoyska jidka, iyaga oo ku hubaysan seefo iyo qoryo. Qaarkood way lugaynayeen balse badankoodu waxa ay saarnaayeen mootooyin, baajaaj iyo qabaallo ay ka qabsadeen askarta. Si teelteel ah ayey cirka u xabadaynayeen, waxa ay isku jiibinayeen oo ku heesayeen heeso dagaal. Kolkii aan indhaha qac ku siiyey waan kala qaboobay. Toos ayey ii soo abaareen oo waxa ay i waydiiyeen halka uu ninkaygu ku suganyahay. Waxa aan u sheegay in aan beerta ka imid oo aannaan war ka hayn halka ay joogaan ninkaygii iyo carruurtaydii, oo aanba ka walwalsan ahay in aan helo. Argagixii ayaa igu soo laba kacleeyey kolkii ay igu amreen in aan u kaxeeyo aqalkayaga. Waxa ay doonayeen in ay arkaan ninkayga.
“Maxaad u doonaysaan in aad isaga aragtaan,” ayaan si cabsi leh u waydiiyey. “Waxa aannu doonaynaa inuu nagu soo biiro,” ayuu yidhi hoggaamiyahoodii oo wiil da’yar ahaa. “Miyaad dili doontaa?” “Naayaa, ma waxa aad u malaynaysaa in aannu halkan dhoolatus dagaal ku dheelayno. Jooji su’aalahan oo gurigaaga noo qaad!”
Intoodii kale fadqalaladoodii ayey dariiqa ka sii wadeen. Kolkii aannu si habaqle ah u soo dhaqaaqnay, wax kasta oo ay indhaha ka qaadaan way tooganayeen, kolka laga reebo dumarka. Samiinu wuu saxnaa, balse wali maan cafin. Tolow maxay askar u qoran waayeen raggan ay tooganayeen? Maxay u doonayaan in ay ninkayga qortaan oo aannay u doonayn nimankan kale ee ay dhabarka ka tooganayeen? Way iska caddayd in ay isagana toogan la haayeen haddii ay heli lahaayeen. Fikradahaas ayaa madaxayga ku wareegayey. Si qiiro leh ayaan u ducaystay, aniga oo u baaqaya dhammaan malaa’igta samada oo ka duraamanaya in ay na samatabixiyaan aniga iyo carruurtayda.
Waxoogaa kadib, waxa ay ku baraarugeen in rasaastii dabayaaqo ku sii tahay, waxa ay u soo jeedsadeen adeegsiga seefaha iyo baangadaha. Se amakaagu wuxuu ahaa in labkii dhibanaha u ahaa aannu wax iska caabina samayn xitaa kolkii aannay waxba toogan karayn ee rasaastu ka go’day. Qaracan ayey ahayd dhugashada seefaha cadka kala dhambalaya iyo dhibanaha dhulka is la dhacaya isaga oo dawakhsan oo naxariis ku baryootamaya.
Albaabka gurigaygu hoosta ayaa ka qufulnaa; waan jilba joogsaday oo sujuud baan la dhacay aniga oo mahadnaqaya. Waxa aan ogaaday in ay carruurtaydu bedqabaan.
Maleeshiyaadkii ayaa albaabkii jabiyey oo guddaha u galay iyaga oo raadcaynaya Samiinu. Carruurtaydii oo ooyeysa ayaa u sheegtay in aabbahood aannu la joogin. Waxa ay u sheegeen in ay dugsiga ka soo carareen, oo cidba aannay guriga ugu iman, deedna ay albaabka hoosta ka soo qufusheen. Nimankii guriga ayey baadheen se cid may helin. Waxoogaa ayey indhaha nagu gubeen, daqiiqado walbahaar xambaarsanaa. Kadib bixitaan ayey isku diyaariyeen, waxa aannay naga dalbadeen in aannu guddaha ku jirno. Waxa ay igu sii amreen in aan qado u kariyo, oo ay u soo noqon doonaan. Balse kolkii ay sii baxayeen mar kale ayey indha’indheeyeen hareerahooda. Waxa aan malaynayaa, in ay arkeen sida aannu rejo la’aanta iyo saboolka u nahay, dabeedna waxa ay dhaheen ha is dhibin. Mise waxa ay ahayd mucjiso naxariisa oo ka timid barta uu jidku ka leexdo? Waxa aan isku duubay ciyaalkaygii, deedna sagbada sibidhka ayaannu is la sabaynay, oo ilintaanu isku qubnay.
Subscribe now
Sheeko: Barta uu jidku ka leexdo
Turjume: Maxammed Maxamed
Story: Down on the Bend
Writer: David Mikailu
Sidii caadada ii ahayd waxaan halhaleel u soo galay meheraddii bunka ee Raxma, meherad ku taal xaafadda aan Hargaysa ka deganahay. Fadhigii aan fadhiistay iyo dalbashada ah ii dhiib kofee, tinish, duqur ah ayaa is xigay. Fiiqsigii bunka anoo wada, taleefoonka na gacanta ku haya ayaan is idhi wixii ay odhan jireen qolada nafsadda iyo rooxaaniyaadka ee ahaa daqiiqadaas aad ku sugan tahay noolow oo si wacan u dhadhami bal tijaabi, se waan Kari waayay oo telefoonkii intaan furay baan si faduul ah u galay xasuusqor kayga. Sidaan marba qoraal xun iyo mid wanaagsan, mid qosol leh iyo mid murugaba leh isha ugu dhufanyay ee u dhaafayay baa bunkii iga dhammaaday.
Anoo isku diyaarinaya in aan kaco, qado doonto oo seexdo ama wax iska daawado, ayaa waxa soo galay oday. Ha fadhiisto kursiga iga soo horjeeda, lugahana ha isa saarto. Wuxuu illan yahay buudh kalaasik ah, surwaal dameeriya iyo Shaadh caddays ah. Odaygu si buu ufiigsan yahay oo u didsan yahay, hareerahana u baaladaymoonayaa si uu wax iska eegayo ama u eegayo. Ishaydu waxay qabatay waraaqo badan oo uu sitay. Markiiba waxaan suuraystay suuro xoogan in uu yahay macallin. Maxaan kalee maleeyay? Waxaan maleeyay Sababta uu sidan oo dhan aanu u xasillayni in ay tahay xisaabaad nololeed oo isku qaban la; islaantii ay is qabeen oo qaylo ah biilka keen nafta kaga goysay iyo caruurtii oo dhankooda wixii maankooda qab ku soo dhaha, ha u baahnaadaan ama yaanay u baahnaane, aabbo waxaas noo yeel iyo aabbo waxaa kale noo samee ku subxaanalaysta ayaa madaxa ka galay. In waydiin jiraaleed ku taagan tahay una maaro la’ yahay baan is tusay, se waxaan xasuustay in qofku Marka uu da’dan oo kale soo gaadho aanu la waleecaadin waydiimaha la xidhiidha maqanta, taa beddelkeeda na uu meel uun ku calool-adaygo. Jaahwareerka jiraalku waxa uu badanka ku eeg yahay dhallinyarnimada iyo da’da dhexe.
Thanks for reading ilfur! Subscribe for free.
Cabbar markuu xaladaas baaladaymoodka ah ku sugnaa, ayuu bilaabay in uu gashaantidii kofeega samanaysay u eego si qof wax ka dalbanaya, se waxba kama dalban. Mar kele ayaan maleeyay; in aanu haysan shilimaadkii kofeega ama uu la bakhaylayaba. Muddo ka dib koob buna ayuu ka dalbaday gabadhii, si dhakhsiyo badanna way usoo ag dhigtay. Labo jeer markuu fiiq...fiiq ka siiyay, jeebka shaadhka oo ay ugu jiraan qalin, leetar iyo baakidh sigaar ahi buu midh sigaara kala soo baxay baakidhkii. Marna kofeeguu fiiqsadaa marna sigaarkuu afuufaa! Hadda maahsanaantii iyo didsanaantii badnayd way ka kala yaraadeen se may gaadhin heer aan laga dareemi Karin. Gunuus iyo hadallo aan la fahmayn baa carrabkiisa ka soo duul duulaya. Mar buu yidhi wax u eeg “ There is a life!”
Goortii uu isla helay sigaarka iyo kofeega, anigu waxaan ka fekerayay filim aan aad u jecelahay oo la dhaho “Coffee and Cigarettes”.
Labadaas iyo xaaladdii ku wehelinaysay saga oo dhex maquuranaya, waxa u yimi oo salaamay nin ay saaxibo yihiin, sida aan ka fahmay tabta ay isu qaabileen. Sigaar, kofee iyo saaxiibkii jeerkii uu isla helay deganaan ruuxeed baa foolkiisa laga dheehanayay. Goortaas baa odaygii ugu dambaysay xaaladdii waalida aan waxba dhaamin. Waa kaa wax waraystay, la warayatay, ka dibna la is waraystay! Waxbarashada, dhaqaalaha, iyo iinsaannimada ayay si guud wax uga dheheen. Intaas dabadeed, sidii soomaali caadada u ahayd si aan ka fiirsi la hayn oo sibiq ah bay u galeen arrimihii siyaasadda, mise siyaasad soomaali.... Mid uun u badi. Itoobiya iyo Masar bay siyaasaddooda si taariikhaysan uga hadleen. Halkaas baan kaga hadhay la socodkii sheekadooda, waayo nin aanu saaxiibo nahay baa ii yimi.
Meheradii markaan ka soo kacay, waddadii xaafadda aadaysayna qaaday, waxa maan kayga ku sawirnaa sidii odaygu u nafisay una farxay goortuu isla helay; sigaar, kofee iyo saaxiibkii. Isla daqiidahaas waxaan jeclaystay in filimkaas magaciisu ahaan la ahaa “Coffee, Cigarettes and friends”.
Soomaalidu ma leh dhakhtar cilmu-nafsi, balse fadhi-ku-dirirka makhaayaduhu waa cisbitaalkooda kasmonafeed. Sheekada maqaaxiyuhu kaliya ma aha kulan firaaqo; waa goob nafsi ah oo bulshada Soomaaliyeed isku baanato. Halkaas ayaa murugada lagu kala qaataa, farxadda lagu wadaagaa, niyaddana lagu soo nooleeyaa.
Laba habeen ka dib, riyooyin goos goos ah oo kala duwan baan ku riyooday. Waxa ka mid ahaa kulan aan la yeeshay odaygii kofeega. Goor maqaariiba ayay ahayd, markii aan fadhiisanay meherad kofee aan tii raxma ka fogayn. Isbarasho guud buu iigu sheegay  in la dhaho Axmed, macalin Dugsi oo dhiga maaddooyinka tarbiyada iyo biyoolojiga na yahay. Hadal kaasi goortii uu ka so dhammaaday afkiisa, waxaan ka fekerayay sida ay u kala tagan yihiin ama isku jiidhayaan labadaas maaddo in le’eg ama ka badan in ay is diidan yihiin  hab-fekerkiisa iyo waaqacu.
Gebagabadii kulan kaas, Axmed waxaan ku ganay waydiin caato iila muuqatay. Rejo iyo Rejo la’aan maxay ka dhigan yihiin? Se wax u dhexeeya ma jiraa? Si danayn la’aani ka muuqato ayuu uga jawaabay “ Rejo iyo Rejo la’aan waa laba lid isku ah.  In aad in uun Rejo leedahay waa noolaanshaha nolol wax uun macno leh. Rejo la’aantuna waa dhimashada teeda ugu xun, adoo lugaynaya ayaad dhimanaysaa calaashaan mayd socda. Se waxa jira meel u dhaxaysa labadaas; hal mar baanay jirin Rejo, isla markaana qofku Rejo la’aan maaha mana quusan waayo markii horeba wax rejo u ah iyo wax uu ka quusto toonna may jirin. Waa tabta aad ku tahay walxaha qaar ama noolayaashaba,_ma jeclid mana necbid. Xaaladdan mar waxa lagu sheegaa khalkhal maskaxda ku yimaadda, mar kalena qaangaadhnimo...” Adeer, talo-nololeed maxaad igu darsan lahayd? baan waydiiyay Axmed. Intii aanu ii jawaabin ayaan ka toosay riyadii! Dhanka kale intaan isku rogay baan ka yara fikiray macnaha riyada iyo waxa ay dhab ahaan tahay, jeer aan gam’ay, haddana aan dib u riyooday!
Thanks for reading ilfur! Subscribe for free
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
New Brave World and 1984
Aldous Huxley iyo George Orwell oo ahaa laba suugaanyahan oo reer Ingiriis ahaa, waxa ay odorsaneen hummaga uu yeelan doono saynsaabka nololeed ee mustaqbalka dunidu. Laba xaglood oo isku lid ah ayey mooyaqooqaarkooda ka qoolaaliyeen. Higsali sida uu ku xardhay sheeko fanneedkiisaa dunida suugaanta miisaanka ku leh ee New Brave World waxa uu ka eegay xagasha ‘raaxada’, oo waxa uu saadaaliyey in mustaqbalka caalamku uu noqon doonaa mid ay xukunto;
raaxada, ladnaanta, farxada, tiknoolajiyada iyo tumashadu. Waxa luqunta la la gali doonaa qanfas ay ruux u yihiin macmacaanka iyo dhaldhaalku, kaas oo iinsaanka xaqiiqda ka dahaadhi doona.
Basharku waxa uu noqon doonaa noole gacan ku rimis ah oo laabka lagu bacrimiyo. Ma yeelan doono hooyo, aabbe, qoys iyo saaxiibotoona. Bulshadana waxa loo kala hormayn doonaa ilaa shan dabaqadood oo kala sarreeya; dabaqada koowaad waxa loo qorshayn doonaa: hoggaamiyaasha, indheergaradka, cabqariyiinta, saynisyahanada iwm; dabaqada labaadna waxa soo galaya: farsmo yaqaanada, xirfadlayda iwm; dabaqada ku xigtana: shaqaalaha hoose..iwm. Waa dabaqado dhawr ah oo sidaas u kala soocan, balse dhammaantood waa gacan ku samays laabka lagu sanceeyey. Sida oo kale, koox kasta heerka caqligeeda iyo hidde sidayaasheeda waa la qorsheeyey oo caynka ay yihiin baa loo gartay. Way kala garasho iyo awood sarreeyaan. Ma jirto cid ka caban karta dabaqada loo qorsheeyey, oo ruuxu maba tahli karo in uu fahmo in ay wax ka maqan yihiin, si lamid ah waxa la ogolaysiiyey dabaqada uu ka tirsan yahay oo uu raynrayn ku dareemayaa. Waa bulsho la nashqadeeyey oo dabaqad kasta intii looga baahna loo sanceeyey.
Iinsaankani maaddama oo aannu lahayn waalid, qoys iyo saaxiibo, waa noole bulshaawi ah, bulshaduna iyada ayaa is ah. Guurku waa iin laga khashaafo, galmaduna waa bilaash. Waayo qof walba waxa uu leeyahay qofka kale. Fanka, falsafadda, diinta, sayniska, suugaanta, jacaylka, sillica, saxariirka iyo wixii la mid ahi waa macduum nolosha bulshada laga sifeeyey. Maxaa yeelay in xaqiiqada la fahmo ayey fududaynayaan oo farxad la’aan ayey abuurayaan jeerka ay dadweynaha hurdada ka toosiyaan ama si kale nolosha bulshada waxa laga saaray ‘rafaadka’ oo ah iliisha ay ka soo duxaan agabyada lagu la tacaalo ee sarre ku xusan.
Hal ku dhiga dawladdu waa: “Bulsho, Aqoonsi, Xasilooni” oo ka dhigan ma jiro qoys, saaxiibo iyo qaraabo ee waxa jirta bulsho. Ma jiro aqoonsi shakhsi oo gaar ahi, se waxa aad tahay dabaqada laguu dooray. Ma jiro dagaal, kacdoon iyo qalalaase ee dadku way daroogaysan yihiin. Si kooban waa isku haynta bulshada, kaalingalinta qof kasta iyo tirtirista qalalaasaha. Dawladdu waxa ay dadka siinaysaa daroogo farxadeed ‘soma’ oo joogto ah, oo qulubka iyo murugada ka maaraynasa si aannay u baraarugin.
Dhanka kale, dunida Oorwal waxa uu unnugeedu ku dhisan yahay ‘cabsi’. Oorwal sida uu ku qaadaa dhigayo sheekadiisa shaamareerka leh ee 1984 waxa uu odorasay in caalamku uu qoorta la gali doono qanfaska qooqaaga iyo is muquuninta.
Waa duni ku dhisan cabsi ka dhalatay kalitalis arxan darran oo korjoogtayn ba’an ku haya bulshadiisa. Waa in marin habaabin, been iyo borobagaando dadka maankooda lagu xukumo. Waa jidhil, handadaad iyo dadnimo tiran la gu sameeyo bulshada. Waa laba baraadlayn(doublethink); oo dawladdu wixii ay shalay run ugu sheegtay ayey maanta been ugu sheegaysaa, oo iyada kaligeed baa ah isha xaqiiqada laga dheehdo.
Bulshadu waxa ay u nidaamsan tahay hormooyin kala sarreeya; hormada koowaad oo tiro ahaan aad u kooban(2%) waxa ka mid ah hoggaanka taliska iyo xer kooban oo isku kalsoon oo hadalka la tuugaysta. Waa koox aannu xidhin damiir, dadnimo iyo qannuun oo xaaraanta iyo xalaasha bulshada u yeedhiya. Waa ay ogyihiin runta oo is ma luraan se, way is Ilaaheeyaan. Hormada labaad waxa ku jira gacmaha dulmiga iyo dacaayad fidinta taliska. Waa xer kooban(13%) oo isugu jirta afmiishaar, wadaado, aqoonyahan iyo indheergarad kiro ah oo faafiya marin habaabinta maatida maankooda lagu xukumo. Hormada seddexaadna waa bulshoweynta la dulmiyey(85%). Waa jamaahiirta dalanbaabiga ah ee laga muraadsado, lagana maadsado. Waa warmoog cabsi ku nool. Waa looma ooyaan garab waayey. Si kooban waa fadhato, adeegayaashoodii iyo wadhato.
Hal ku dhiga dawladdu waa: “Dagaalku waa nabad. Xorriyadu waa addoonsi. Aqoon darradu waa awood.” Taas oo ka dhigan in luuqaddii dib loo qoray si loo maskaxdhaqo bulshada. Si lamid ah waxa ay ka dhigan tahay in xaalad colaadeed la joogteeyo oo cadow loo abuuro si midnimadeeda loo ilaaliyo, mar kale waa si faqriga loo baahiyo oo talisku cimri dherer u helo. Halka xorriyada lagu qeexay addoonsi, oo waxa ay u dhigan tahay in haddii aad addoonsiga kalitaliska aqbasho uun aad xorriyad helayso—in aad nabad gelayso, jeerkaa addoonsiga ayaa xorriyad ah. Halka aqoondarradu ay awood tahay oo waa xisbiga ama taliska awooddiisa, se haddii bulshadu waxbarato oo la is duungarto waa gabaldhiciisa.
Male’awaalkaas taban(dystopia) ee labada sheekoyahan oo ay hadda ka soo wareegtay muddo ka badan toddobaatan sanno, haddii dunida maanta jirta la la akhriyo waxa laga dheehan karaa raadad ka mid ah kuwii ay saadaaliyeen. Bilmetel waxa aad mooddaa in Dunida Waqooyi ay u janjeedho mooyeqooqaarka Higsali, oo arladaas waxa la isku xukumaa raaxada iyo dhaldhalaalka beddelka cabsida. Halka Dunida Koonfureedna ay u cayn wareegtay male’awaalka Oorwal, oo gayigaasi guud ahaan waxa uu la ildaran yahay oo la isku muquuniyaa cabsida iyo cago juglaynta talisyada faaqay. Balse, si guud waxa loo odhan karaa iskudhoonka labada male’awaal waxyaabo ka mid ah ayaa dunida ka hirgalay.
Bilmetel tiknoolajiyadu sida ay qanfaska dhaldhaalka inoogu riday waa la yaab; bal eeg kiiska baraha bulshada uun; Tiktok, YouTube, Facebook, Netflix, IG Reels, AI iyo qaar kale. Sida oo kale, algorithm-koodu waxa uu u carbisan yahay in uu daroogo farxadeed ina siiyo—goorwalba waxyaabaha aad xiisayso ayuu ku tusayaa si aad diirada ugu sii hayso. Si la mida xaysiisyada shirkadaha iyo waxsoosaarkoodu sida uu dookheena xukumo ayaa ka mid ah, oo dookh aad leedahay in aannad ku adeegan baa laga yaabaa. Waxa ka mid ah sida uu qofku fekerka uga talaxgabay ee uu u doonayo in waxwalba loo sheego— haddii ay qodixi mudo waa kaas ChatGPT u qaylo dhaansaday. Horumarka saynisku isna xaaware sarre ayuu ku socdaa, doodaha ku saabsan wax ka beddelka hiddesidayaasha qofka ama nashaqaynta qofku waa kuwa haddeer taagan, oo qaannuun ahaan iyo anshax ahaan ba looga doodo.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Sawirkani waa madaxwaynayaasha Ruushka, Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya; sawirkan oo la qaaday bishii September ee sannadkan, waxa uu dhaliyey hadal hayn badan kadib markii codbaahiyayaasha si kadis ah oo aan loogu talogalin looga maqlay; seddexda hoggaamiye oo ka wada sheekaysanaya in cimriga bani aadanka la kordhin karo si uu muddo dheer ama waligiiba u noolaado. Waa nashqadayn lagu sameeyo hidde sidayaasha basharka iyo in xubno la isku xawilo si uu qofku u sii tamariyo.
Xagga Oorwal, isna nidaamyda kalitaliska ah iyo dabaqaha la shaqaysta ee runta iyo xaqa dadwaynaha aasay waa waaqic la la nool yahay.
Waxa ay Oorwal iyo Hegsali ka siman yihiin qaylo dhaanta ‘xorriyad laa’aanta’ caalamka ku soo food leh. Qoraa Neil Postman oo soo koobay labada gees ee ay kala taagan yihiin waxa uu ku soo ururiyey:
ما كان يخشاه أورويل هو منع تداول الكتب، وما كان يخشاه هكسلي هو عدم وجود دافع لنشر الكتب. ما كان يخشاه أورويل هو حجبنا عن الحقيقة، لكن ما كان يخشاه هكسلي هو غرقنا في حقائق تافهة بعيدة عن المشكلة الحقيقية. السيطرة على الشعوب بالنسبة لأورويل تأتي من الألم، أما بالنسبة لهكسلي فتأتي من المتعة. يرى أورويل بأننا سنصبح سجناء، بينما يرى هكسلي بأننا سنصبح تافهين. يرى أورويل بأن الخوف سيحطمنا، بينما يرى هكسلي بأن الشهوة هي التي ستحطمنا
Thanks for reading ilfur! Subscribe for free.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Waxa ay ahayd gabadh xoog u cayilan oo ku raran shandad weyn oo guddaheeda laga heli karo wax aan ka ahayn dubbe iyo musbaar. Suun dheer oo shandadda ku xidhnaa ayey garabka ka kala ridday oo ay sidii dibi fuunyeysan ugu wadaa. Saacaddu waa 11kii habeenimo, kaligeed ayey waddada laba laxaadsanaysaa, wiil ayaa gadaal iska ga soo maqiiqay oo isku taxalujiyay in uu shandadda ka la haado. Xadhigii waxa uu kadh ka yidhi darafkii uu wiilku sida aan wax u la hadhka lahayn u soo dhuftay. Ha yeeshee, shanadaddii iyo isagii oo waddarta cufkoodii is la cuslaatay ayaa istaagga ka riday, halkii uu guusha dhakhsaha ah ka filayay. Yarkii inta uu halbaarkeed tagay ayuu dirrida madaxa ku xoqay, labadiisii addin ayaa cirka daawaday. Gabadhii cayilnayd oo sidii sac wayraxay walam u soo tidhi ayaa laag isla kala jiiday, oo isaga oo si xun u soo hawaara boodhka kaga kicisay. Dabadeed, inta ay surka dhab soo siisay ayey sidii waraabe raq helay kolba dhan u wadhfisay, ilaa iyo ay labadiisii qawlal isgaraaceen oo qacqacda ilkihiisu isu baxday.
Intaa ka dib ayey ku tidhi:
— Wiiloow, soo qabo shandadayda oo halkeedii ku celi.
Wali way ku dhegan tahay, balse gacantii birta ahayd way ka yara dabcisay, si uu shandadda ugu soo qaban karo. Dabadeed waxa ay ku tidhi:
— Miyaanad qof wax isku falaya ahayn?
Isaga oo kaladhka shaadka ee ku ciijisan la xargagaya ayuu ku tiraabay:
— Haa, waan iskufalayaa.
— Haddaa maxaa waxan kugu kallifay? ayey gabadhii waydiisay.
— Waxba maan samayn, ayuu ugu hal celiyey.
— Beenaale ayaad tahay, ayey ku halgaaday.
Halkaa marka ay marsay, seddex qof ayaa xuf ku dhaafay, qaarbaa istaagay, qaarbaa soo jalleecay, qaarkalana inta ay is dultaageen ayey indhaha la raaceen.
— Haddii aan nuuxsiga kuu ogalaado ma baxsanaysaa? ayey gabadhii su’aashay.
— Haa, waan baxsanayaa, ayuu ugu jawaabay.
—Haddaa kaama dabcindoono, ayey ku hal celisay oo uma ay jixinjixin.
—Marwo, aad baan uga xun ahay, waan ka xun ahay, ayuu wiilkii ku qayliyey.
— Wagar, wagar! Wajigaaga usgag baa saaran, si fiican ayaan u aqaanaa sida wajigaaga loo nadiifiyo. Waligaa qof ma u tagtay si uu wajiga kuugu dhaqo?”
— Maya, uma tagin ayuu yidhi.
—Haddaba fiidkan ayaa laguu dhaqi doonaa, ayey tidhi oo waddada ayey cagta kor u saartay; iyada oo wiilkii oo firkanaxsanina uu daba jiitamayo.
Da’ ahaan waxa lagu qiyaasi karaa afar iyo toban jir ama shan iyo toban jir, waa wiil caato ah oo ay dabayshu wadhfin gaadhayso, surwaal jiimis ah oo buluug ah iyo kabo fudud ayuu ku jookhanyahay. Mar kale, gabadhii waxa ay ku tidhi:
— Wiilkayga oo kale ayaad tahay, waxa aan ku kala bari doonaa saxa iyo qaladka. Ugu yaraan waxa aan imika ku tari karaa waa in aan wajiga kuu maydho. Ma gaajo ayaa ku haysa?
— Maya, ima hayso, ayuu ku halceliyey wiilkii la jiidayey.
— Waxa kaliya ee aan u baahanahay waa in aad isiidayso.
—Sii dayn aa! Miyaan waalanahay marka aan cidladan kugu sii daynayo.
—Maya.
—Laakiin, waa in aad naftaada aniga igu aamintaa. Haddii aad filayso in taasi aannay wakhi badan sii soconayn, mid kale ayaad uga wareegi kartaa. Mudane, marka aan si fiican isku kaa baro, waxa aad soo xasuusan doontaa Marwo Luella Jones.
Dhidid waaweyn ayaa wajigiisii ka soo daatay sidii roobka, dabadeed nafuhurnimo ayuu isbiday. Marwo Jones inta ay gabigiisiiba soo qabatay ayey horteeda dhigtay, labada gacmood inta ay raqabadiisa ka buuxsatay ayey waddada gadhka u galisay. Ugu danbayn gurigii ayey soo gaadhay, inta ay albaaka furtay ayey wiilkii dalaq siisay. Waa god lagu dhaadhacayo, sida oo kalana madbakh iyo meel lagu raaxaysto geesta danbe ku leh. Laydhka ayey daartay albaabkuna wuu iska balaqnaa. Wiilkii waxa dhagihiisa ku soo dhacay sheekada iyo qosolka ay dad kale ka dhex wadaan gurigan weyn. Sida oo kale, qaar ka mid ah albaabadooduna way furan yihiin, sidaa daraaddeed, waxa u soo baxday in isaga iyo gabadha la weheliyo. Gabadhii wali kaladhka ayey ku dhexhaysaa badhtanka gurigeeda.
— Magacaa? ayey waydiisay
— Roger, ayuu ugu jawaabay.
— Gorger-oow, haddaba baaldigaa wajiga iskaga soo maydh,  ayey tidhi, kolkaas oo ay ugu danbayn faraha ka qaadday. Roger albaabkii ayuu eegay, haddana gabadhii ayuu eegay, albaabkii buu mar labaad eegay, ugu danbayn xaggii baaldiga ayuu u dhaqaaqay.
— U yar kaadi inta ay biyuhu diirayaan, ayey tidhi. Halkanna waxa kuu yaal tuwaal nadiif ah, ayey sii raacisay.
— Ma jeelkaad ii taxaabaysaa? ayuu waydiiyay, isaga oo baalidigii sii tiigsanayaa.
— Sidaas kuu gali maayo, meelna kuuma wado, ayey tidhi.
— Dhagayso, halkan waxa aan u imid in aan waxoogaa cunto ah oo aan iliga saaro samaysto, adna waxa aad iga daftay shandadaydii, waxa laga yaabaa in aad bilaa casho ahayd ama ay kaa raagtay. Saw sidaa ma aha?
— Gurigayga cidna ma joogto, ayuu wiilkii yidhi.
— Haddaba innaga ayaa wax wada cuni doonna, ayey gabadhii ugu laabqaboojisay.
— Waxa aan aaminsanahay in aad gaajoonayso— ama aad gaajoonaysay— oo ay taasi ku gayaysiisay in aad shandadayda dafto.
— Waxa aan doonayey kabo maas ah oo buluug ah, ayuu yidhi.
— Gartay, markaa ma in aad kabahaa hesho awgeed baad shandadda iiga gafsiisay, miyaad qunyar tidhaahdid marwo i caawi, ayey ugu caqli celisay Marwo Luella  Jones.
Dhidid hooraya ayaa wajigiisii ka soo butaacay, wiilkii gabadhii ayuu ku qalalay.
Sacab dheer ayaa dhacleeyay. Sacab aad u dheer. Markii uu mar iska tiriray dhididkii, mar labaadkii waxa uu iskaga titiri karo ayuu iska waayay, wiilkii wuu isku meeraystay dabadeed waxa xigidoona ayuu dhawray.  Albaabku wuu furan yahay. In uu taw yidhaa ayuu istusay, dabadeed cagaha ayuu tamartii iskugu geeyay.
Gabadhu waxa ay dul fadhiday sariir-fadhi. Cabaar kadib waxa ay tidhi:
— Waayaha qaar waxa aan ahaa dhalaan, waxa aannan raadcayn jiray waxyaabo aannan hannan karin.
Sacab kale ayaa baxay. Qawlaladii wiilka ayaa kala waaxmay. Dabadeed cadhuu afka isku qabtay, balse kamuu warqabin cabano kuuskiisa.
Jeer kale gabadhii ayaa tidhi:
— Waxa aad u malaysay in aan wax ku odhan doono, balse waxba kuma odhan, waxa aad filasay in aan sidaa ku odhan doono, hase ahaatee anigu shandadaha dadka ma gafo.
Aamusnaan yar ka dib;
— Waxa aan falay waxayaalo aan ku xiiso galin, Ilaahayna aannu kuu sheegin—waaba haddaanu ogayn bee. Kolkaa wiiloow, halkan iska sii fadhiiso inta aan inoo samaynayo wax aynnu jidiinka marino. Haddaad doonto shaladaa timaha ku feedho oo ku haggaajiso, si qoodhaadu u soo baxdo.
Qolka cidhifkiisa kale ee shaashadda dabadeeda waxa yaalla shoolad iyo talaagad. Marwo Jones way kacday, waxanna ay waydaaratay shaashadda. Gabadhu wiilka isha kuma ay ahayn, si ay ula socoto in uu baxsado iyo in kale, sida oo kale kama ay warqabin in ay shandaddii taallo sariir-fadhida agteeda. Balse, wiilku waxa uu ka taxadaray in uu fadhiisto cidhifka ka durugsan ee ka soo horjeeda, si aannay u arag haddii ay milicsato. Gabadha kuma uu kalsoonayn, xitaa isagu iskuma uu kalsoonayn. Laakiin imika xoog buu uga digtoon yahay in laga shakiyo.
— Miyaad u baahan tahay in istoodhka wax la guu gu doono, ayuu wiilkii waydiiyay; sida caano iyo wax la mid ah.
— Ha rumaysan waayin in aan soo qabsaday, ayey tidhi.
— Haddii aad u baahantahay caano macaan, caano fadhigan ayaan kuu habayni.
— Waa arrin aad u fiican, ayuu yidhi wiilkii.
Waxoogaa biinis ah ayey dabka saartay, khudaar iyo xawaashayn kalana way isku celcelisay, ugu danbayn miiska ayey soo dhigtay. Gabadhu wiilka ma ay wayddiin meeshii uu ku noolaa, aaminaadihiisa iyo wax kasta oo ka yaabiyay toona. Intii aannay cuntada bilaabin, ayey u sheegtay in ay ka shaqayso meel dumarka lagu qurxiyo oo ay habeenkii ku soo daahdo iyo sida ay shaqadu tahay iyo sida ay foodlayda iyo gashaantimuhu u galaa baxaan ayey ku jalbeebisay. Dabadeed, waxa ay qayb uga goysay keegeedii tobanka shilin joogay.
— Wax badan ka cun wiiloow, ayay tidhi.
Markii ay cuntadii dhammaysteen inta ay istaagtay ayay tidhi:
— Imika toban doollar halkaa kala bax, oo ku soo iibso kabaha maaska buluugga ah. Mar danbana ha u noqon qaladkii oo kale, shandad danbana ha iga dafin, cid kalana ha ka dafin. Waayo, kabaha sidaa ashax xumada ah lagu helo, cagaha ayaad kaga guban. Intii iga ga kaa beegnayd waan ka soo baxay. Laakiin, wiiloow waxa aan jeclaan lahaa in aad adna halkaa iska sii anba qaado oo aad inta dhiman dhammaystirto. Gurigii godanka ahaa ayey ka soo dhaqaajisay oo xagga albaabka usoo horkacday.
Inta ay albaabka ka furtay ayey ku tidhi:
— Habeen wanaagsan, waakukaa wiiloow.
Wiilku waxa uu jeclaystay in uu ku yidhaa kalmad aan ahayn:
— Mahadsanid Marwo, laakiin afkiisa ka ma ay soo bixin. Kolkii uu jaleecay albaabkii furnaa waxa uu arkay gabadhii cayilnayd oo albaabka ku soo gudban, dirqi ayuu ‘Mahadsanid’ kula gaadhay, intii aannay albaabka qab ka soo siin. Dibna umuu arag.
Subscribe now
Fikirka falsafiga ahi ma laga ma maarmaan buu u ahaa dhisitaanka xaddaaraddan casriga ah? Xaddaaradda casriga ahi ma soo gaadhi lahayd heerka sarreeya ee ay maanta ka gaadhay dhammaan dhinacyada caqliga, mu'asasaadka, dhaqanka iyo habsami u socodka nolosha, iyada oo aan la helin fikradihii waaweynaa ee ay faaqideen filasoofyadii Deykaat(Descartes), Isbanowsa(spinoza), Ruusow(Rousseau), Kaanti(Kant), Maarkis(Marx), Niije(Nietzsche) iyo kuwii la midka ahaa? Miyaynu uga fikiri lahayn sida maanta aynnu uga fikirayno ee aynnu u fahansanahay seeska aragtiyaha siyaasadda, akhlaaqda, aqoonta, fanka iyo quruxda, haddii aanay filasoofyadu haba yaraatee waxba ku darsadeen?
Waxa hubanti ah, xitaa kuwa falsafadda maraatada u yaqaanaa in aanay "Maya" kaga jawaabi karin haddii aanay is doqomaynayn. Haddaba, xaggay inaga soo galeen fahanbixinta (concept) aasaasiga ah ee aynnu ku fikirnaa? Luuqadda oo kaliya kuma fekerno ee waxaynu ku fikirnaa fahanbixinta. Si kastaba, ha ahaatee, waxa la heli karaa dad ku adkaysta - sabab diimeed, kibirnimo ama xaasinimaba - in aanay falsadu waxba soo kordhin, kuwaas oo kale waa in aynnu ku bajino su'aalahan ilaa inta aynnu ku wadi karno:
Haddii aanay filasoofyadu taariikhda waxba ku darsadeen qoraal iyo hadal labadaba ama aanay jireenba sidee bay noqon lahayd garashada dadka ee maantu? Haddii sooyaalka garashada dadku aanay hesheen fikradaha aasaaska u ah habfikirka siyaasadeed, akhlaaqeed iyo cilmiyeed ee ay horumuudka ka ahaayeen; jamhuuriyaddii Balayto( Plato), xeerarkii Deykaat(Descartes), akhlaaqdii Isbanowsa(spinoza), dhambaalladii Foolteer(Voltaire), seddexlaydii naqdiinta ahayd ee Kaanti(Kant), Finoominoolajigii Heygal( Phenomenology of Hegel), dhaqaalihii Maarkis(Marx), haddii aanay fikradahaas waaweyni dhalan lahayn sidee buu ahaan lahaa xaalka fikirkeena ee maantu? Sidee buu noqon lahaa xidhiidhkeena ku aaddan diinta, dulqaadka, sheeko xariirada, khiyaaliga, jacaylka iyo quruxda? Halkee ayey gaadhsiisnaan lahayd awooddeena fikireed, nadqineed, u fiirsasheed iyo faaqidaadba?Sidee bay ahaan lahayd curinteena, adduun arageena iyo aydiyoolajiyadeenuba?
Ma diidanin in ay jireen dad horrumar xaddaaradeed ka sameeyay dhinacyda horrumarka ama aqoonta iyada oo aanay ka dhex jirin wax magaca falsafad lagu naanayso (macnaha falasafadu way ka dhex jirtay  iyada oo aan loo magac bixin). Haddaba kuwa leh falsafadda aan micno ahaan iskula qeexno si aynu u garan karno in ay xaddaaradaha sees u tahay, aynnu ku dhaafno
falafadu ma aha diin, ma aha saynis, ma aha fan, ma aha sheeko xariiro waa wax u baahan shuruudo qotodheer. Waa firfircooni caqliyeed oo bisayl ah. Bisaylnimaduna waa figta badhaadhaha iyo sarraynta.
Caadi ahaan ma diidanin in filasoofnimadu ay tahay dabci ku abuuran dadka, waydiimaha carruurta yaryar kusoo dhacana ay ka midaysanyihiin dhaqamadu, laakiin sii wadidda su'aalahaas ayay ku kala tageen. Dadka oo dhami fikir falsafiya ayay helaan laakiin sii korinta fikiraasi waa dhif iyo naadir, wuxuu u baahanyahay deegaan aad ugu diyaarsan dadkiisuna aannay shaacsanayaasha muqaddasayn.
Sida aynu wada ogsoonahay waxa jira bulshooyin xaddaarad dhisan dhexda kaga soo dhacay, kuwaas oo aan la falgalin fikradaha falsafiga ah ee seeska u ah ( Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika), bulshooyinkaasi waxa ay wax ka barteen Reer Galbeedka sida warshadaha, maamulka, dimuqraadiyadda, laakiin su'aasha is waydiinta lihii waxa weeyi miyey kusoo kordhiyeen wax cusub oo dhanka fiisigiska hawada sare ah, ama fiisigiska kale ee caadiga ahba, oo dhaafsiisan wixii ay Iinishtayn( Einstein), Maakis( Max Planck) iyo kuwii la midka ahaa ay la yimaadeen? Miyey wax ku darsadeen oo kusoo biiriyeen keenida nidaam akhlaaqiya oo wax tar leh, oo lagu la dhaqmo nolosha iyo noolahaba ( bioethics), wax dhaafsiisan wixii ay sheegeen Kaanti, Haabemas(Habermas) iyo kuwii la midka ahaa? Miyaanay curinta aragtiyaha ugubka ahi u baahnayn wixii Aristootal( Aristotle) u bixiyay Cilmul Kulliyaad (علم الكليات)
Waxa jirta hadal u Heygal yidhi oo aynaan ilaa maanta diidi karin:
taariikhda falasafaddu waa isla taariikhdiisa, taa macnaheedu waxa weeyi ka hadalka taariikhda falsafaddu waa ka hadalka caqliga.
Laakiin waxa aynnu fudaydin karnaa marka taariikhda falsafadda aan ku koobno taariikhda fahanbixinta weyn ( المفاهيم الكبرى ) ee caqligu seeska ka dhigto si uu uga fikiro caalamka iyo nolosha, xaddaaradda iyo siyaasadda, jiritaanka iyo dabeecadda iyo sida oo kale dhimashada iyo geerida. Waa taariikhda adduun aragnimada (perception) baladhaan ee caqliga dadku kaashado si uu u fahmo nuxurka jiraalka, wakhtiga, kaynuniyadda(الكَيْنُونَة) iyo macnahaba. Sidaa awgeed, falsafaddu waxa ay noqonaysaa lafaguridda falsafadda wax aad uga qotodheer oo ah caqliga iinsaanka laftiisa. Falsafaddu waa sallaanka ay xaddaaradda casriga ahi soo raacday, taasoo dadka maanta ku kaalmaysay in ay wax iska waydiiyaan dhalanteedka (illusion), fududaydisana nolosha adag, furdaamisayna cunfigii ay dadku iskula kacayeen.
Waa run oo falsafad badan u ma baahnin marka aynnu ka fikirayno arrimaha awood qaybsiga tusaale ahaan, laakiin arintaasi suuragal ma ahaan lahayd ka hor intii aannu  Moontiski(Montesquieu) la iman aragtidiisii awood qaybsiga? Falsafad badan u ma baahnin marka aynnu ka hadlayno heshiiska bulshada iyo faahfaahintiisa laakiin arrintaasi ma jirtay inta aannu Roosoo (Rousseau) la iman aragtidiisii heshiiska bulshada? Waa run oo waxa jira dad dabci ahaan iskaga saamaxaad badan iyaga oo aan akhrisan dhambaalladii Foolteer ama Joon Loog(John Locke), laakiin sida hubantida ah labadaa filasoof horteed nuxurka saamaxaadu muu ahayn wax si fikrad laga dab qaato oo kale u jira, saamaxaaduna waxay noqon lahayd mid aan barasho ahaan ku faafteen haddii aanayn aragtiyahaasi iman.
Unkidda aragtida nadariga ahi kaliya ma aha uun hummaag qalalan oo aan baahiyaha la taaban karo waxba ka tarayn, sida ay dhab ahaantii u malaynayaan kuwa fikirka falsafiga ah ka soo horjeedaa, balse waa bilawga caqliga iyo maanka ku qotoma xeer nololeed iyo dhaqan magaalanimo, dadku uu cagliga ixtiraamo meel kasta oo u joogaba. Sidaa awgeed ayay falsafaddu u noqotay taariikhda caqliga, iyo yeelashada caqliga kawniga ah ee iinsaanka. Caqliga kawniga ah ( العقل الكوني) waa hir aragtiyeed qof kasta oo iinsaana hagaya, sida ay caddaysay caqliyadda iyo ruuxda kas oo dhexbaxday ummaddaha xaddaaradda dhaliyay iyo kuwii dhexda kaga soo booday labaduba. Sidaa awgeed, la yaab ma leh in cadawga koobaad ee falsafadda xilli walba iyo goob walba kaga soo horjeedaa noqdaan dadka u ololeeya ee ku dheggan arrimaha maxalliga ah ee diin ahaan iyo dhaqan ahaanta u goonida ah.
Aynnu mar kale isla garano, ma diidanin in umaddahu si ay u soo qaataan xaddaaradda, dumuqraadiyadda iyo siyaasadda casriga ah ee Galbeedka aannay wax badan uga baahnayn falsafad. Laakiin su'aashu waxa weeye, miyey awoodeen in ay xaddaaraddaa sii balaadhiyaan oo qaybo hor leh kusoo daraan, maadaama oo aannay filasoofyo badan helin ( Filasoofyada dabeecadda, filasoofyada heshiiska bulshada, filasoofyada tanwiirka iyo kuwii la mid ka ahaa)? Waxaas oo dhanba ka kaalay, miyaa lagu horrumariyay casriyaynta ( الحداثة) ama waxa dadka badhi ay ugu yeedhaan casriyaynta-kadib, wax ka baxsan dadaaladii fikirka naqdinta falsafiga ahaa ee ay hor kacayeen Derrida, Foucault, Lyotard iyo kuwii la midka ahaa? Horumarkii dimuqraadiyaddu ka samaysay dabayaaqada qarnigii labaatanaad xuquuq u helidda dadka laga tirada badanyahay, miyaanay ku iman naqdintii falsafiga ahayd ee filasoofayadii Hannaha Arendhet(Hannah Arendt), Kaaral Boober(Karl Popper), Yargan Habermas(Jürgen Habermas) kala horyimaadeen nidaamkii dabaqadda ku dhisnaa.
Sua'aalahan kalana aan is waydiino:
Miyeynu dhadhansan lahayn fanka casriga ah falsafadda la'aanteed? Miyeynu tahli lahayn in jiilkeena danbe xuquuqda aadanaha wax uga baxsanaadaan falsafadda la'aanteed? Miyeynu awooddi lahayn tusaale ahaan aasaaska akhlaaq nolaleed oo la mid ah tii filosoofkii Jarmalka ahaa ee Habermas bixiyay? Si kastaba ha ahaatee, difaaca falsfaddu ma aha uun difaacidda falsafadda oo kaliya,
balse waa difaaca shay ka balaadhan oo ka qiimi badan, waa horumarka caqliga dadka, si u maare uugu helo xallinta duni qariiba, si u maareeyo nolol ka dhexjirta caalam isbeddel joogto ah leh, si u maareeyo caalam argagixiso ku hareeraysan tahay.
Subscribe now
Bayaamin:
Xilli taariikhdeedkii ku suntanaa in diinta laga cararayay ( in kasta oo marar badan aan lagu nabad galayn), sida oo kale waa xilli ku suntan kala furfuranka aydiyoolajiyadihii khaalisnimada, dhankeedii bidixda iyo midigtaba ha ahaatee, waxa ay u muuqdeen wax looga shakiyi karo in ay isku beddeleen cadamiyadda madow ( Dark Nihilism.) Waxa laga yaabaa in cadamiyaddu ahayd wixii Niije hore ugasii hadlay markuu lahaa:
“waxa aan sii warinayaa taariikhda labada qarniyee soo socda (oo ula jeeday qarniga 20aad iyo 21aad), waxaan sheegayaa waxa soo socda ee aan sinaba u baaqsan karin: waa soo kadinta cadamiyadda."
Cadamiyaddu waa nuxjur ka soo dhexbaxay burburkii mabdi'ii khaalisnimda weyn ( الخلاص العظيم) ee labada macneba xabaarsanayd, mid diiniya iyo mid adduunyo oo kacdoonimo ah. Khaalisnimada weyn waxa looga jeedaa xaqiijinta laba ujeeddo oo kala ah: badhaadhaynta iinsaanka iyo in khayrku ka guulaysto sharka. Waa labada ujeeddo ee seeska u ahaa aydiyoolajiyadda khaalisnimada. Halisnimada cadamiyaduna falsafadda way kusii nagaatay maadaama ay buuxisay kaaliintii aydiyoolajiyadda khaalisnimada, markii ay burburtay. Laakiin waxa laga ma maarmaan ah in taariikhda falsafadda lagu daro wax ka jawaabaya baahiyaha ruuxiga ah ee dadka casrigan, waxana ugu door roon darsidda xariirada ( mythology), diinta, fanka, suugaanta oo aan la isku khiyaamayn. Waana sida ay isku raacsanyihiin badanka filasoofyada Galbeedku.
Su'aasha uugu danbaysa:
Waa maxay kaalinteena indheergaradnimo inaga oo ku abtirsana Shucuubta Koonfureed?
Waajibka koowaad ee ina saarani waa inaan fahano isbeddeladda falsafadda casriga ah ka dhexsocda, midda labaad, waa in aan kor u qaadno awooddeena ruuxiga ah inaga oo kor ugu qaadayna suufinimada falsafiga ah. Aynnu yara bayaamino, marka koowaad: waa maxay isbedalka ka dhex socda falsafadda casriga ah? Sida xagga sarre ku xusan waxa soo baxay aydiyoolajiyadihii khulaasiga ahaa - bidixda iyo midigta - ee cunfiga watay, iyaga oo sees ka dhigtay laba ujeeddo:
1: Xaqiijinta badhaadhaha iinsaanka ( Falsafadaha tanwiirka, falsafadda wadciyada..) Tusaale ahaan haddii dhibta dadku tahay mulkiyadda gaarka ah sidii ay la ahayd Ruusow, waa in mulkiyadda gaarka ah meesha laga saaraa sidii uu qabay Maarkis. In kasta oo markii danbe lagu baraarugay in waddadaasi ay dhashay hoog iyo niyad jab iyo waliba mushkilado cadamiya. Laakiin sida maanta muuqata xirfad la'aan iyo awood darrada qofka nolosha ka haysta awgeed barnnaamijkii siyaasiga ahaa, in kasta oo uu ahmiyadiisa lahaa, haddana kama uu qayb qaadan xaqiijinta badhaadhanimada iinsaanka, marka laga reebo meelo yaryar.
2: Ka guulaysiga sharka ( xisbiyadii Maarkisiga ahaa, aydiyoolajadihii diiniga ahaa.) Isha sharku ha noqoto Yahuudda sidii Naasiyiintu u arkayeen ama Imbiriyaaliyadda sidii ay Maarkisiyiintu u arkayeen ama Liiniyiinta sidii ay Khumayniyiintu u arkayeen, sidaa markay tahay khayrkii waa ka guulaystay sharkii!
Iyada oo wacyiga maantu muujiyay in isku daygii ahaa in sharka xididadda loo wada siibo ay dhashay wax  kasii xunba. Sidaa awgeed ayuu wacyiga maantu qabaa in sharka qayb ka mid ah in la la noolaadaa ay tahay ta ugu fiican, halkii la baadigoobi lahaa xal kama danbaysa oo sharka lagu soo afjaro, oo inta badan dhasha wax sharkaa ka sii xun. Haddaba, waa in aan isku daynaa in aynnu fahanno nidaamka siyaasiga ah ee maanta ka jira galbeedka, dabadeena aan ku xallinaa mushkiladaha bulshadeena sida tahriibka, argagixisnimada, caydha.. iwm.
Marka labaad: maxaa ay inoo taraysaa suufinimada falsafiga ahi?
Isbanowsa wuxuu tibaaxay in tamarta murugada, laga ga hortagi karo tamarta wanaagsan.  sida oo kale Niije na wuxuu tibaaxay in hanwaynida lagaga hortagi karo hanjabka, isla sidaas oo kale Foroydh(Freud) wuxuu tibaaxay in awoodda jacaylka laga hortagi karo awooodda dhimashada. Isbanowsa oo ahaa filasoofkii Gilles ku sifeeyay inuu ahaa midka ugu xariirsan, sidoo kale waxa lagu tiriyaa inuu ahaa filasoof in badan ka dharagsnaa ruuxda suufinimada ee falsafiga ah dhankeeda Islaamka iyo Yahuudiyaddaba. Haddaba, fahan la'aanta ka dhexjirta diimaha badankoodu waxa suuragal ah in ay tamarta murugada inagu sii badiyaan ( in cabsida ilaahay la la ooyo tusaale ahaan), oo ay inagu keenaan hanjab(inaad danbiile isku gu  yeedho oo kale tusaale ahaan), oo waliba ay inagu booriso wixii Foroydh ku sheegay dhiirigalinta dhimashada( waynaynta in adduunyada la naco tusaale ahaan.) Madaxa murugada iyo hanjabkuna waa cabsida iyo baqashada waana waxa ay dhanbaalada diiniga ahi dhiiri galinayeen si guud iyo si gaaraba, laga soo bilaabo marxaladihii u horeeyay ee bulshaynta ( socialization.)  Sidaa darteed, suufinimada falsafiga ahi waa ta ugu muhiimsan ee lagu soo celin karo tamar wanaagsanan iyo hannimo sarraysa oo ay jacaylka iyo ixtriimku kow ka yihiin, kuwaas oo ay qallinka u rogeen dhambaallada diiniga ahi.
Waa is beddelidda xidhiidhka Eebe iyo dadka ka dhexeeya, si u xidhiidhku u noqdo mid ku dhisan jacayl iyo ixtiraam halkii u ka noqon lahaa mid ku dhisan cabsi, baqasho iyo is dulleyn. Waa furaha ugu muhiimsan ee diinta iyo dadkaba lagu wanaajin karo. Si diimuhu u noqdaan kuwo dadka dhibta ka saara oo badhaadhe u horseeda.
Share
Qore: Siciid Naashiid
Turjume:
Hordhac
W.E.B. Dubois ( 1868–1963), waxa uu kamid ahaa waxyaqaankii ugu mudnaa Indheergaradkii Neegarka ahaa ee qarnigii 20-aad ka jiray carriga Maraykanka. Wuxuu ahaa Afro-Ameerikaan ku suntan takoordiidnimo, dulmi la dirir,  Afrikaanimo, iyo aragtiyaha hurosocodka ah.
Dubois wuxuu astaan iyo caroog u ahaa bulshada madowga Maraykanka ah ee la dhibbanayd takoorka iyo tookha dadyowga cad. Had iyo gooraale wuxuu u heellanaa una halgamay sida uu heeryada dulmiga uga ridi lahaa dadyowga madow, isla jeerkaana ugu  horseedi lahaa dhabbada dib-udadaynta.
Dubois wuxuu hoggaamiye ka  ahaa dhaqdhaqaaqii Neegarka (Niagra Movement) ee dabshidkii 1905 la asaasay, waxa kale oo uu tifaftire guud ka ahaa wargeyskii shaacsanaha noqday ee NAACP— oo ahaa wargeys u taagnaa la dirirka iyo naqdinta faquuqa iyo kala sarraynta sinjiyeed. Wargeyska NAACP wuxuu shidaaliyay kacdoonnadii gumaysi diidka iyo takoordiidka. Sida oo kale wuxuu  saamayn mug leh ku yeeshay halgamayaashii la diriray isticmaarka.
Dhanka kale, Dubois keliya kuma koobnayn xaq u dirirka madowga Maraykanka ah, balse waxqabadkiisa Imbiriyaaliyadiidku waxa uu isaga gooshay qaaradda Afrika ilaa Kareebiyanka. Wuxuu salka u dhigay oo karkariyay kacdoonnadii Afrikaannimada. Wuxuu ayidsanaa in Afrika ay si wada jir ah ula dagaallanto nidaamyada Imbiriyaaliyadda, hantigoosiga iyo faquuqa. Aragtiyahiisu waxay bud-dhig iyo dastuur u noqdeen haldoorkii iyo halgamayaashii gumeysi la dirirka ahaa, sida: Nkrumah, Azikiwe,  Fanon, Albert Memmi. Buugiisa Ruuxda Dadka Madoow (The Souls of Black Folk) wuxuu ku soo bandhigay aragtida Laba-baraadlaynta (Double consciousness), waa aragti aad uga dhex muuqatay daraasaadka gumaysiga kadib (posticolonial studies) iyo culuumta lagu darso aragtiyaha sinjiyadda.
Mafhuuhmka laba-baraadlaynta
Dubois aragtida Laba-baraadlaynta wuxuu ku gaalaabixinayaa saykoolojiyadda dadyowga la faquuqay, la gumeystay. Buugiisa Ruuxda Dadka Madoow, wuxuu  si banyaal ah ugu sheegay,
"Mushkiladda qarniga labatanaad waa mid ku salaysan laynka midabka; xidhiidhka ka dhexeeya dadka dubka madoow iyo kuwa midabka cad."
Dubois wuxuu isku deyayaa inuu jidbixiyo hayb-wareerkii dadyowga madow ku habsaday.
Aragtida laba-baraadlayntu waa xaalad qofku dareemo inuu ka kooban yahay laba hayb-bulsheed oo is huwan. Qofka madow marqudha ayuu yahay laba ahaanshiyo ama isir oo is burinaya.
Aragtidan oo kalkii hore diiradda saaraysay bulshada madow ee Maraykanka ah — inkasta oo ay shaacsane noqotay— Dubois isaga oo isticmaalaya manhajka lafaggurka nafsad bulsheed, wuxuu inoo soo bandhigayaa hayb-wareerka bulshadaas madow ku dhacay. Wuxuu tibaaxayaa in masiirka dadyowga madowga ahi u luqunjibaaran yahay si u aragga dadyowga cad. Isa sarraysiinta iyo tookha dadyowga cad waxay saameyn nafsiyadeed ku yeeshaan bulshada la faquuqay. Waxa u caadiyooba oo raadeeya faquuqa, waxayna aqbalaan hoosaynta iyo quudhsiga. Markan qofka madow si uu dhammays ahaanshiyeed u gaadho wuxuu isku deyayaa inuu isku eekaysiiyo qofka cad, si uu danayn iyo aqoonsi uga helo. Had iyo gooraale, qofka la takooray wuxuu jamasho u qaadaa hab dhaqanka cidda takoortay/ gumeysatay.
Laakiin dadyowga duubka cad ee isku arka insaan darajo sarre jooga in la isku dhereriyo waxay u arkaan deelqaaf, maxaa wacay qofkan madow waxay ka haystaan daabaqaad ( stereotype) ah, inay yihiin walax ka hoosaysa oo aan la darajo ahayn. Halkaas ayuu ka aloosmayaa isku dhaca qofka madow la waleecaadaayo, wuxuu dareemaa iswaayid ay abuurtay qofka uu isku arko iyo siday u arkaan dadyowga duubka cad. Laba-baraadlayn ayaa ku abuurmaysa oo ilaynta ama si u araga qofka cad "white gaze" ayaa maanhag u noqonaysa.
Aragtida Laba-baraadlaynta Fanon
Fiirada laba-baraadlayntu waxay noqotay aragti si ballaadhan loogu darso daraasaadka gumeysiga kaddib, ka xoroobidda gumaysiga iyo faquuqa.
Kasmanafeedyahankii iyo halgamaagii Frantz Fanon ayaa kamid ah qoraayada ka dhinbiilqaatay aragtida Dubois ee Laba-baraadlaynta isaga oo tiirxoog ah uga dhigay naqdintiisa nafsad-bulsheed ee gumeysiga. Fanon waxa lagu tiriyaa foollaadka kacdoonyahanadii qalin iyo qoriba kula diriray isticmaarka. Sida ku dhigaalan buuggiisa "Looma'ooyaan" wuxuu ku baaqay in gacan ka hadalku yahay  awood la isku xorreeyo oo dib la iskugu gobannimeeyo.
Buugga Fanon ee  (Dub Madow, Dahaadho Cad/ Black Skin, White Masks), waxa lagu tiriyaa buugta ugu muddan ee naqdiyay uurkutaallada gumaystaha. Fanon oo ka shidaalqaadanayaa aragtida Laba-baraadlaynta, wuxuu buuggan ku lafaguray eelka kasmo-dhaqameed ee isticmaarku ku yeesho la gumeystaha iyo gumeystahaba. Fanon buuggan wuxuu ku ban bixinayaa haybwareerka iyo quudhsiga qofka madow la waleecaadaayo, waxa kale oo Fanon inoo bidhaaminayaa sida  gumaysigu ruuxa madow ugu sanduleeyay inuu dahaadh (mask) xidho, duubkiisa madowna tuuro si uu dhammeys ahaanshiyo u gaadho, aqoonsina uga helo dadyowga cad. Halka qofka cad ee caqliyadda gumeysiga yeeshay uu qooqaanimo iyo isa sarraysiin la baannayo. Fanon oo inoo tilmaamayaa in labadda dhanba uu gumeysigu dadnimo tiray oo ay ku dhagran yihiin eelka midabaynta wuxuu ina leeyahay:
"Qofka madow waxa uu doonayaa in uu noqdo qof cad, ruuxa cadina waa uu ka khashaafayaa si uu u gaadho darajo iinsaani ah."
Waa qodob inoo muujinaya laba-baraadlaynta ku habsatay qofka madow.
Laba-baraadlaynta iyo Jinsitakoorka
Dadyowga isku dayay in ay jidbixiyaan halkuu ku sal leeyahay jinsitakoorka raggaysani, waxay sheegaan in waagii lagu noolaa ugaadhsiga iyo qadhaabsiga oo iinsaanku keliya yaqaanay xirfadda baacsiga ugaadha, kaalintaasna waxa ku roonaaday ragga maddaama ay leeyihiin muruqyo waaweyn kana xiiqid yaryihiin dumarka. Halkaasna waxa ka aloosmay in labku isku arko inuu ka sarreeyo dheddigga iyaga oo ku salaynaaya kartida hawleed ee eryashada ugaadha. Sidaas ayuu ku abuurmay dhaqanka iyo wacyiga raggaysan ‘patriarchy’, dhaqankaas oo ku dhisan yasidda iyo dadnimotirka dumarka, waa dhaqan walaxeeyay oo burburiyay haybta dheddignimada, kana xayuubiyay kaalin wal oo nololeed. Waa dhaqan abuuray in aayaha dheddiggu ay u luqunjibaarnaadaan si u aragga labka.
Dhaqankaasi qofka dumarka ah wuxuu ku abuuray una caadiyeeyay saykoolojiyad ah in ay haybteeda dheddignimo u aragto hoosayn iyo foolxumo, isla jeerkaana u heellanaato in ay isku eekaysiiso oo jeclaato dhaqanka jinsiga ragga, si ay bulshada raaligellin iyo aqbalaad uga hesho. Halka ninku ragganimadiisa ka dhex arkaayo in uu ka fogaado wax walba oo ku sifaysan dheddignimo. Eelkaasi qofka dumarka ah waxay ku abuurta iswaa iyo laba-baraadlayn u dhexaysa si u arageeda shakhsiyeed iyo ka dhaqanka raggaysan.
Gloria Jean Watkins oo loo garan ogyahay magac qalineedka (Bell Hooks), waa qoraa iyo femanisti Afro-Ameerikaan ah oo ku shaacbaxday naqdinta nidaamyada is biiliya ee kala ah; Imbiriyaaliyadda, hantigoosiga, iyo patriarchy-ga.  Bell Hooks oo ka dhinbiilqaadanaysa aragtida Laba-baraadlaynta, waxay tilmaamaysaa in waleecaadka ku habsaday haweenayda madow aannu keliya ku koobnayn sinjitakoor iyo gumeysi, balse sida oo kale ay la dhibban tahay faquuq jinsiyeed oo uu sababay dhaqanka raggaysan ‘patriarchy’, dulmiyo is biirsaday ayaa ahaanshiyo tiray  naagta madow. Bell Hooks waxay tibaaxaysa in naagta madow la dhibban tahay loollanka ahaanshiyeed ee u dhexeeya si u aragga daabaqaad ( stereotype) ee bulshadu u qeexday iyo ahaanshiyaheeda dhabta ah, taas oo sababta burbur haybeed.
Bell Hooks waxay ku baaqday in haweenaydu ku baraarugto oo la dagaallanto dulmiyadaas isku bahaystay burburinta ahaanshiyaheeda dheddignimo, isla jeerkaana yeelato wacyi naagnimo oo u halganto tabtay iskaga tuuri lahayd heeryada dulmiga.
Subscribe now
Gunaanad: Dib isku Gobbayn
Asalkaba gumaysigu wuxuu u jiraa in bulshooyinka la gumaystay laga xayuubiyo wax walba oo ay ku abtirsadaan, isla jeerkaana lagu  gumeeyo hab-nololeedyo cusub. Sidaas darteed, ka xoroobidda gumeysigu kuma koobna mid dhuleed, waa mid u baahan in dib loo gobannimeeyo kaalin walba oo isticmaarku gumeeyay. Qoraaga iyo foollaadka suugaanta Afrika, Ngugi wa Thiango oo qodobkaas sii iftiiminayaa wuxuu buuggiisa "Ka Xorroobidda Gumeysiga Maanka"/"Decolonising the Mind" ku ban bixinayaa in isticmaarku xididdada u siibay dhaqankii iyo xerodhallankii asalka ahaa ee Afrika. Wuxuu tibaaxayaa waxa ugu weyn ee  Imbiriyaaliyaddu yeeshay qaaradda Afrika in ay tahay burburinta luuqaddeed iyo sooyaaleed, isla jeerkaana abuurtay qof laba-baraadlaynaya. Wuxuu ku baaqay sida keli ah ee la iskaga xorrayn karo gumeysiga maanka in ay tahay in la rujiyo eelka isticmaarku reebay oo mudnaanta la siiyo xorraynta afafka Afrika.
Dubois iyo qoraayada kale ee gumeysi la dirirku waxay ku baaqeen in jidka eelka laba-baraadlaynta lagaga bixi karaa uu yahay in dadyowga haybwareerku ku habsaday ay haybtooda is-ahaanshinnimo jecladaan oo ku baannaan, isla jeerkaana ka diriraan cidda sarrayndoonka ah.
Share
“Noqo fekeryahan xor ah, waxwalba oo aad maqasho ha u qaadan run. Maanka tuuji oo qiimee waxa aad aaminayso.”   —Aristootal
2,500 oo sanno ka hor baa sidaas la gu taliyey.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
@Hashem
Thanks for reading ilfur! Subscribe for free to receive new posts and support our work.
]]></content:encoded></item></channel></rss>