Qof ayaa hortaa fadhiya oo kuu sheegaya inuu fiican yahay. Codkiisu waa deggan yahay, wejigiisuna wax badan ma muujinayo. Haddii aad hadalkiisa keligiis qaadato, sheekadu halkaas ayay ku dhammaanaysaa: wuu fiican yahay. Laakiin haddii aad wax yar sii joogto, waxaad dareemaysaa in gacmihiisu aanay meel ku hakanayn, in indhihiisu marar badan meel kale u cararayaan, in weedhaha uu ku yidhaahdo “waxba ma jiraan” ay ka culus yihiin sida qof waxba aanay ka jirin u yidhaahdo.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Haddaba kee baa run ah? Hadalka mise waxa hadalka hareerihiisa ka socda?
Su’aashan yar ayay dadku noloshooda oo dhan ku dhex nool yihiin. Waxaan maqalnaa waxa nala yidhaahdo, waxaan aragnaa waxa nala tuso, dabadeedna waxaan isku daynaa inaan qiyaasno waxa ka dambeeya. Mararka qaar waan saxnaa. Mararka kalena qofka aynu ka samaysannay maskaxdeenna ayaa ka fog qofka hortayada fadhiya.
Bini’aadamku ma aha wax si sahlan loo fasiri karo. Qofka maanta kula qoslayaa waxa laga yaabaa inuu habeenkii naftiisa la murugaysan yahay. Midka aamusan waxa laga yaabaa inuu wax badan fahmayo, halka kan hadalka badan uu mararka qaar ka dhuumanayo meel gudaha ah oo uu aamusi kari waayay. Waxaa dhacda in qofku kuu sheego waxa uu dareemayo, balse waxa kale oo dhacda in aanu isagu qudhiisu si buuxda u garan waxa uu dareemayo.
Taasi waa meesha uu ka bilaabmo buugga Read People Like a Book, oo uu qoray Patrick King. Cinwaanka buuggu wuxuu ballanqaadayaa wax dad badan soo jiita: in la barto sida loo fahmo dadka, loo garto waxa dhaqaajinaya, loo akhriyo dareenkooda, loona sii odoroso dabeecadahooda. Laakiin marka la galo fikradaha buugga, arrintu waxay ka adag tahay qof wajigiisa lagu fiiriyo dabadeed lagu dhawaaqo in la fahmay.
King wuxuu ka shaqeeyaa dunida is-dhexgalka bulshada, wada-xiriirka iyo dabeecadda bini’aadamka. Shaqadiisa iyo qoraalladiisu muddo ayay ku wareegayeen hal su’aal oo dhinacyo badan leh: maxaa dadka ka dhigaya sida ay yihiin marka ay dadka kale hortooda joogaan? Sidaas darteed Read People Like a Book wuxuu u muuqdaa inuu ka dhashay danayn ka ballaadhan luqadda jidhka ama sirta wejiga. Waxa uu isku dayayaa inuu qofka geeyo meel ka hooseysa muuqaalka, halkaas oo ay ku kulmaan waayo-aragnimadii hore, rabitaanka, cabsida, shakhsiyadda iyo habka qofku dunida u arko.
Waxa ugu horreeya ee buuggu jebinayo waa fikradda ah in dadka lagu fahmi karo calaamado gooni-gooni ah.
Dad badan waxay jecel yihiin jawaabaha fudud. Gacmihiisa ayuu isdhaafsaday, markaa wuu xanaaqsan yahay. Indhaha ayuu kaa leexiyay, markaa been buu sheegayaa. Wuu qoslay, markaa wuu ku qanacsan yahay. Dadka qaar waxay buugaag iyo muuqaalada internetka ka bartaan dhowr calaamadood, dabadeed waxay u qaataan inay heleen furihii sirta bini’aadamka.
Laakiin qofka qabow ayaa gacmihiisa isdhaafsan kara si uu isku diiriyo. Qofka xishoodka badan ayaa indhaha kaa leexin kara isaga oo runta kuu sheegaya. Qof murugaysanina wuu qosli karaa, mararka qaarna qosolku waa waxa keliya ee qofku haysto si aanu dadka kale ugu muujin culayskiisa.
Hal calaamad oo keli ahi qof ma sharraxdo.
Qofka la fahmayo wuxuu leeyahay xaalad uu ku jiro, taariikh uu ka yimid iyo dabeecad hore oo u gaar ah. Waxaad u baahan tahay inaad ogaato waxa caadi u ah ka hor intaadan go’aamin waxa is beddelay. Nin had iyo jeer aamusan haddii uu aamusnaado wax cusub ma aragaysid. Laakiin haddii uu ahaa qof hadal iyo firfircooni ku nool, dabadeed uu si lama filaan ah isu xiro, isbeddelkaas ayaa kuu sheegaya wax aad u baahan tahay inaad sii eegto.
Fahamka dadka, sida buuggu tilmaamayo, wuxuu ku jiraa xidhiidhka ka dhexeeya calaamadaha, ee kuma jiro calaamad keligeed taagan.
Tani waxay inaga qaadaysaa meel ka qoto dheer luqadda jidhka. Qofku waxa uu sameeyo mar walba ma sheegayo sababta uu u sameeyey. Waxaa laga yaabaa inaad aragto nin shaqeeya habeen iyo maalin, dabadeedna aad ku sifayso nin hammi leh. Laakiin hamigu wuxuu leeyahay wejiyo badan. Waxaa jira qof shaqaynaya sababtoo ah wuxuu arkayaa mustaqbal uu doonayo inuu gaadho. Waxa kale oo jira qof shaqaynaya sababtoo ah haddii uu istaago wuxuu maqli doonaa codad gudaha ka imanaya oo uu sannado ka dhuumanayay.
Labada ninba shaqaynayaan.
Mid wuxuu u socdaalaa wax uu doonayo.
Midka kalena wuxuu ka cararayaa wax uu ka baqayo.
Dibadda marka laga eego farqi badan ma jiro. Gudaha se, waxaa laga yaabaa inay laba adduun ku kala nool yihiin.
Halkaas ayay fikradda dhiirrigelintu ku yeelanaysaa miisaan ka badan inta aynu caadi ahaan siinno. Qofka fahamkiisu wuxuu ka bilaabmaa su’aal ka weyn “maxuu sameeyey?” Su’aashu waxay noqonaysaa “maxaa ku kallifay?”
Qof mar kasta doonaya in la ammaano waxa laga yaabaa inuu leeyahay kalsooni sare, laakiin sidoo kale waxaa suuragal ah inuu si joogto ah ugu baahan yahay xaqiijin dibadda uga timaadda. Qof aan waligiis aqbalin inuu khaldan yahay waxa laga yaabaa inuu u muuqdo qof isku kalsoon, hase yeeshee waxaa laga yaabaa in khalad qirashadu ku noqotay wax u eg hanjabaad ku socota sawirka uu naftiisa ka haysto.
Qofka xiriir dhaawacaya ku dheggan mar walba jacayl keliya kuma hayo meeshaas. Waxaa laga yaabaa inuu kalinimada ka baqayo. Qof shaqo uu neceb yahay uga tegi waaya mar walba shaqada ma jecla; mararka qaar wuxuu ka baqayaa bannaan ka weyn xafiiska uu subax kasta tago. Qofka dadka kale ku cadaadiya inuu awood leeyahay mar walba awood ma dareemayo. Dadka qaar waxay cod dheer ku qariyaan meel gudaha ah oo aad u aamusan.
Dabeecadda dusha ka muuqata iyo waxa hoos ka socda waa laba sheeko oo mararka qaar isku dhow, mararka kalena aad u kala fog.
Buuggu wuxuu sidoo kale dib u soo celinayaa arrin aynu inta badan illoowno: waayihii hore ee qofku ma dhamaadaan markii ay dhacdooyinkii dhamaadaan. Waxay sii noolaan karaan habka uu qofku u aamino, u jeclaado, uga baqo ama u difaaco naftiisa. Qofku isagoo weyn ayuu maanta u muuqan karaa, laakiin gudaha qofka weyn mararka qaar waxa weli ka shaqaynaya raadad ka yimid meel aad uga fog da’diisa maanta.
Qof diidmo hore u soo maray ayaa laga yaabaa inuu diidmo cusub ka sii baqo meel aan cid kale ka dareemayn. Qof ammaan lagu koriyey ayaa laga yaabaa inuu qiimihiisa ku xidho sida dadka kale u arkaan. Mid dhaawac soo marayna wuxuu samaysan karaa difaacyo uu ku ilaashado naftiisa, xataa marka aanu khatar jirin.
Waxaynu badanaa dadka ku xukunnaa waxa ay maanta yihiin, annagoo aan garanayn inta shalay ka shaqaynaysa maanta.
Taariikhdu sidaas ayay dadka ugu dhex nooshahay. Mararka qaar maaha dhacdooyinkii dhacay waxa ina xukuma, ee waa macnaha aynu ka qaadannay. Laba carruur ah ayaa soo mari kara xaalad isku dhow, haddana waxay nolosha dambe uga soo bixi karaan laba qof oo aad u kala duwan, sababtoo ah qof kastaa dhaawaciisa iyo waayo-aragnimadiisa wuxuu ka sameeyaa sheeko u gaar ah.
Sidaas darteed, in qof la fahmo waxay u baahan tahay wax ka badan indho fiiqan. Waxay u baahan tahay dulqaad.
Waxay u baahan tahay inaad aqbasho in waxa aad arkayso aanay ahayn waxa oo dhan.
Waxay u baahan tahay inaad joojiso rabitaanka degdegga ah ee ah in qof kasta sanduuq lagu rido.
Waxaa laga yaabaa in casharka ugu muhiimsan ee Read People Like a Book uu yahay kan aan dadka badankoodu markii hore raadinayn. Dadku waxay buuggan u qaadan karaan inay rabaan awood ay dadka kale ku ogaadaan, laakiin waxa uu qofka u horseedi karaa wax kale: inuu ka shakiyo hubanti badan oo uu horey u qabay.
Waayo qofka dadka akhrinaya laftiisu waa qayb ka mid ah dhibaatada.
Ma jirto cid dadka si madhan u eegta. Qof walba wuxuu sitaa xusuus, waayo-aragnimo, nacayb, jacayl, cabsi iyo dad hore oo maskaxdiisa raad ku reebay. Markaad qof cusub la kulanto, waxaa dhici karta inaad isaga aragto, laakiin waxa kale oo dhici karta inaad ku dhex aragto qof hore kuu dhaawacay.
Qofkii hore kuu khiyaamay ayaa laga yaabaa inuu wali ku dhex nool yahay sida aad u eegayso qofka maanta hortaa fadhiya.
Taasi waxay keentaa in aynu marar badan u malaynno inaynu dadka akhrinayno, iyadoo xaqiiqadu tahay inaynu nafteena ku dul qorayno.
Qof ayaa farriin gaaban kuu soo dira. Xaqiiqadu waa hal shay: farriintu way gaaban tahay. Inta kale ee maskaxdaada ku soo degdegta—wuu iga xanaaqsan yahay, ima daneeyo, wax buu iga qarinayaa—waa fasiraad. Fasiraaddu way saxnaan kartaa, laakiin weli xaqiiqo ma noqonayso ilaa ay hesho wax ka badan mala-awaal.
Farqigaas u dhexeeya dhacdada iyo macnaha aynu siinno ayaa ah meel aad muhiim u ah. Dad badan waxay ku nool yihiin dhibaatooyin ka dhashay wax aan qof kale sheegin, balse ay iyagu siiyeen micne uu maskaxdoodu samaysay.
Wuxuu aamusey.
Waxaad u bixisay nacayb.
Way kaa leexatay.
Waxaad u bixisay kibir.
Wuxuu ku yidhi maya.
Waxaad u bixisay qiimo la’aan.
Dadka kale waxay keenaan ficilkooda. Annaguna waxaan mararka qaar ku darnaa sheekada.
Waxaa laga yaabaa in qofku nolosha bulshada ku wanaagsanaado marka uu barto inuu kala saaro labadan.
Taasi macnaheedu ma aha inaad noqoto qof shaki badan oo qof kasta u arka sir qarsoon. Fahamka dadka iyo tuhunka dadka waa laba wax oo aad u kala duwan. Qofka feejigan wuxuu eegaa ka hor inta aanu go’aamin. Qofka shakiga badan wuxuu horey u go’aansaday, kadibna wuxuu raadiyaa wax uu go’aankiisa ku taageero.
Mid wuxuu rabaa inuu ogaado waxa runta ah.
Midka kale wuxuu rabaa in loo xaqiijiyo waxa uu rumaysnaa.
Waxaa jira farqi aad u weyn.
Dunida maanta, qofku waxa uu noqday wax la arko oo ka badan wax la fahmo
Xilligii hore, qofka aad aqoonaysaa inta badan wuxuu ahaa qof aad waqti la qaadatay. Waxaad aragtay xaalado kala duwan, waxaad ogaatay waxa beddela marka uu xanaaqo, sida uu u dhaqmo marka uu faraxsan yahay, iyo waxa uu noqdo marka uu culays hayo.
Maanta qof ayaa laga yaabaa inaad wax badan ka ogtahay adigoon weligaa waqti la qaadan.
Waxaad aragtay boqolaal sawir.
Waxaad daawatay muuqaallo.
Waxaad ogtahay meelaha uu tago.
Waxaad taqaan dadka uu la joogo.
Waxaad akhriday fikirro uu qoray.
Haddana waxaa laga yaabaa inaad haysato qof aad aragtay, balse aanad weli fahmin.
Baraha bulshada waxay abuureen xaalad layaab leh: xog badan, aqoon yar. Qofku wuxuu kuu soo bandhigi karaa boqollaal qaybood oo noloshiisa ah, laakiin qaybahaas dhammaantood isaga ayaa doortay. Waxaad akhrinaysaa bogag badan, balse ma ogid buugga intiisa kale ee aan weli laguu furin.
Qofka guulihiisa soo bandhigaa wuxuu noqon karaa qof faraxsan, ama qof isku dayaya inuu qanciyo dadka kale, ama qof isku dayaya inuu qanciyo naftiisa. Qofka aan waxba soo dhiginna wuxuu noqon karaa qof xishood badan, qof aad u nabad badan, ama qof aan jeclayn in noloshiisa la daawado.
Sawirka la arkaa waa xog.
Laakiin xog kastaa ma noqoto faham.
Tani waxay buugga Patrick King siinaysaa muhiimad ka baxsan xiriirrada gaarka ah. Dunida aynu ku nool nahay waxay inagu tababartay xukun degdeg ah. Hal muuqaal ayaa qof laga sameeyaa ra’yi. Hal weedh ayaa lagu go’aamiyaa shakhsiyaddiisa. Hal dhacdo ayaa mararka qaar lagu xukumaa nolol dhan.
Waxaa laga yaabaa in kartida ugu qaalisan ee maanta la heli karo aanay ahayn inaad dadka si dhaqso ah u akhrido. Waxaa laga yaabaa inay tahay inaad iska caabbiso rabitaanka ah inaad si dhaqso ah u xukunto.
Qofka dadka si dhab ah u fahmaya ma aha kan mar walba helaya jawaabta saxda ah. Waa kan og halka uu aqoontiisu ku dhammaanayso.
Waxaa jirta xikmad ku jirta inaad tiraahdo: “Wax aanan weli arag ayaa laga yaabaa inuu halkan jiro.”
Taasi ma aha jahli.
Waa edeb uu qofku u hayo kakanaanta bini’aadamka.
Inaad qof fahanto iyo inaad qof maamusho isku mid ma aha
Waxa jira sabab kale oo mawduuca buuggan ka dhigaysa mid u baahan in si deggan loo akhriyo. Aqoonta ku saabsan dabeecadda bini’aadamka waxay noqon kartaa wax lagu dhiso xiriir, laakiin waxay sidoo kale noqon kartaa wax lagu raadiyo meelaha qofka laga jilicsan yahay.
Markaad ogaato waxa qofku ka baqayo, waxaad haysataa awood aad ku fahanto ama ku dhaawacdo.
Markaad garato waxa uu doonayo, waxaad ku caawin kartaa ama ku maamuli kartaa.
Markaad fahanto waxa uu ka xishoodo, waxaad ka ilaalin kartaa ama ku cadaadin kartaa.
Aqoonta lafteedu ma go’aamiso akhlaaqda qofka. Waxa go’aamiya waa gacanta iyo niyadda ay aqoontaas ku dhacdo.
Tani waa meel aan u arko in buugga si qoto dheer looga sii fikiri karo. Dadka akhrintoodu waa inay qofka ka dhigtaa mid dadka u naxariista, ee aan ka dhigin ugaadhsade ku faanaya inuu arko meelaha dadka kale ka jilicsan yihiin. Fahamka ugu sarreeya ee qofka kale laga gaadhaa ma aha inaad ogaato sida loo riixo badhanka ka xanaajinaya.
Waa inaad ogaato inuu badhan jiraa, dabadeedna aad doorato inaadan riixin.
Taasi waxay kala saartaa garashada iyo xeeladda.
Waxaa laga yaabaa inaad qofka hortaa fadhiya wax badan ka fahanto intii uu kuu sheegay. Laakiin haddii fahamkaasi aanu kuu kordhin naxariis, dulqaad iyo xushmad, waxaa suurtagal ah inaad baratay farsamo, balse aanad weli baran qofka.
Read People Like a Book wuxuu mudan yahay in la akhriyo sababtoo ah wuxuu ku wareegayaa meel qof kasta oo bulshada dhexdeeda nool taabanaysa. Shaqada, saaxiibtinimada, jacaylka, ganacsiga, hoggaaminta iyo xataa khilaafka qoyska waxa hoostooda ka shaqeeya dad isku dayaya inay is fahmaan.
Dad badan ayaa hadal isku khilaafa, laakiin waxa ay dhab ahaantii ku kala duwan yihiin wax aan la sheegin.
Dad badan ayaa qof kale ka xanaaqa, laakiin waxay ka jawaabayaan wax uu qofku ku kiciyey xusuus hore.
Dad badan ayaa jecel qof aanay dhab ahaan u aqoon, sababtoo ah waxay jeclaadeen sawir ay iyagu ka sameysteen.
Dad badan ayaa qof wanaagsan ka fogaada, sababtoo ah habkiisa ayaa xusuusiyay qof xun oo hore.
Qofka marka la fahmo waxa uu noqonayaa wax ka badan erayada uu ku hadlayo. Wuxuu noqdaa qof leh taariikh, rabitaan, cabsi iyo is-khilaafyo gudaha ah.
Qof walba wax buu qariyaa.
Laakiin waxa uu qariyo mar walba ma aha wax uu dadka kale ka qarinayo.
Mararka qaar qofku wuxuu qarinayaa wax aanu isagu weli diyaar u ahayn inuu naftiisa ka arko.
Waxaa laga yaabaa in meesha ugu qotada dheer ee buuggu qofka geeyo ay tahay halkaas. Inaad dadka fahanto waxay ku bilaabataa fiirsashada dadka kale, laakiin ugu dambayn waxay ku qasbaysaa inaad muraayadda u jeedsato.
Adiguna maxaa ku dhaqaajiya?
Maxaad ka carartaa?
Maxaad dadka kale ku fasirtaa wax adiga hore kuu soo maray darteed?
Immisa jeer ayaad qof ku xukuntay sheeko aad adigu ka samaysatay wax yar oo aad aragtay?
Su’aalahaasi ma fududa. Laakiin qofka dadka fahamkiisa si dhab ah u raadinaya meel kale kama bilaabi karo.
Sababtoo ah mararka qaar waxa qof kale kaa qarinaya maaha waxa kaa hor istaagaya inaad fahanto.
Waxa kaa hor istaagaya waa waxa adigu horey u go’aansatay inaad aragto.
Dadka ma aha bogag furan. Qaar badan oo inaga mid ahi waxaynu nahay buugaag bogag badan oo kala duwan leh; waxaa jira bogag aynu dadka tusno, kuwo aynu qarinno, kuwo aynu jeexno, iyo kuwo aynu sannado ka dib dib u helno.
Qofka wax garadka ahi ma sheeganayo inuu buug kasta hal fadhi ku akhrin karo.
Wuxuu bartaa inuu bogga joogo.
Wuxuu akhriyaa waxa hortiisa yaal.
Wuxuu sugayaa waxa soo socda.
Mararka qaarna wuxuu aqbalaa in qofka hortiisa fadhiya uu weli yahay qof uu baranayo.
Waxaa laga yaabaa in taas oo keli ahi ay tahay bilowga fahamka dhabta ah.
Waxa laga yaabaa in qofku u maleeyo inuu telefoonkiisa gacanta ku hayo, laakiin mararka qaar waxa run ahaantii dhacaya ayaa ah in telefoonku isagii gacanta ku hayo.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Waxaad tidhaahdaa, “Hal daqiiqo oo keliya ayaan eegayaa.”
Daqiiqaddii waxay noqotaa toban daqiiqo. Tobankii waxay noqdaan saacad. Markaad ugu dambayn telefoonka dhinac dhigto, waxaad garan weydaa xataa waxa aad markii hore u furtay.
Waxa yaabka leh ayaa ah in arrintani aanay mar walba ka iman rabitaan aad si cad u leedahay. Mararka qaar gacantaadu telefoonka ayay u tagtaa adigoon go’aansan. Farriin, muuqaal, ogeysiis, sawir, war cusub. Mid baa midka kale kuu daba imanaya. Maskaxduna waxay la qabsanaysaa in mar kasta wax cusub loo keeno.
Markaas ayaan is weydiiyaa: haddii aanan awoodin inaan telefoonka dhinac dhigo marka aan doonayo, yaa run ahaantii cidda kale maamulaya?
Taasi waa mid ka mid ah fikradaha iga dhex guuxay intii aan akhrinayay The Dopamine Discipline ee Radheshyam More.
Buuggu wuxuu ku wareegayaa arrin aan maanta qof badan ka qarsoonayn, balse aynu inta badan iska indho tirno: maskaxdeennu waxay la qabsan kartaa raaxo iyo kicin joogto ah ilaa ay waxyaabihii caadiga ahaa ugu muuqdaan kuwo caajis ah.
Waxaad maalintii oo dhan daawan kartaa muuqaallo gaagaaban oo midba midka kale ka xiiso badan yahay, habeenkiina waxaad isku dayi kartaa inaad buug akhrido. Laakiin dhowr bog kadib maskaxdu waxay kuu sheegaysaa, “Wax kale raadi.”
Ma aha in buuggu xumaaday.
Adiga ayaa caadaystay wax kasta oo degdeg kuu soo jiita.
Waxaad rabtaa inaad wax barato, laakiin maskaxdu waxay doonaysaa wax aan dadaal badan lahayn. Waxaad rabtaa inaad shaqada dhamaystirto, laakiin wax yar oo telefoonka kaaga soo baxa ayaa kaa jeedinaya. Waxaad rabtaa inaad fikirto, laakiin aamusnaantu waxay kuu noqotay wax aanad u baran.
Halkaas ayay arrintu ka qoto dheeraanaysaa.
Dhibtu ma aha telefoonka oo keliya. Dhibtu waa marka maskaxdu barato in wax kasta oo ay rabto ay isla markiiba hesho.
Haddii aad caajisto, wax cusub ayaad furaysaa.
Haddii aad murugootid, wax ayaad daawanaysaa.
Haddii aad sugayso, telefoonka ayaad qabanaysaa.
Haddii hawshu kugu adkaato, meel kale ayaad u cararaysaa.
Si tartiib ah ayaad naftaada u baraysaa hal caado oo khatar ah: marka wax adkaadaan, raaxo raadso.
Laakiin noloshu sidaas kuma shaqayso.
Waxyaabaha ugu qiimaha badan ee aynu doonayno badankoodu waxay u baahan yihiin dulqaad. Waxbarasho, xirfad, shaqo, ganacsi, xiriir wanaagsan, aqoon, xataa qofka aad rabto inaad mustaqbalka noqoto. Waxyaalahan midna ma yimaaddo iyadoo aanad waqti iyo dadaal gelin.
Dhibtu waxay tahay in aynu rabno natiijo degdeg ah, halka noloshu ina barayso samir.
Waxaan u malaynayaa in tani tahay sababta ay is-xakamayntu maanta uga muhiimsan tahay sidii hore.
Ma aha inaad wax walba iska daysid.
Ma aha inaad telefoonka tuurto.
Ma aha inaad naftaada ka go’do dunida.
Waxa loo baahan yahay waa inaad ogaato in adigu tahay qofka go’aanka leh.
Telefoonku ha kuu shaqeeyo, laakiin yuusan kuu talin.
Baraha bulshada isticmaal, laakiin ha noqon meel aad saacado ku dhex lunto adigoon garanayn waxaad ka raadinaysay.
Madadaalo qaado, laakiin ha noqon qof aan awoodin inuu nasto haddii aanu wax shaashad ah hor taagnayn.
Farqigaas yar ayaa wax badan beddela.
Waxaan mararka qaar u malaynaa in qofka is-xakameeya uu yahay qof noloshiisa ka dhigay wax adag. Anigu taas sidaas uma arko.
Is-xakamayntu waa marka aad awooddo inaad naftaada ku tidhaahdo, “Hadda maya.”
Waxaad doonaysaa inaad telefoonka eegto, laakiin waxaad leedahay, “Hawshan marka hore waan dhamaystirayaa.”
Waxaad doonaysaa inaad iska fadhiisato oo aad wax aan dhammaad lahayn daawato, laakiin waxaad leedahay, “Waxaan leeyahay wax ka muhiimsan.”
Waxaad rabtaa wax kasta oo degdeg kuu farxad geliya, laakiin waxaad xasuusataa in waxa aad maanta dooranayso uu qayb ka yahay qofka aad berri noqonayso.
Halkaas ayay is-xakamayntu ka bilaabataa.
Ma aha xoog weyn oo hal mar kugu soo dhacaya. Waa go’aanno yaryar oo aad marar badan qaadato.
Waxaan kale oo buugga ka dhex fahmay in maskaxdu u baahan tahay firaaqo. Waxaan maanta aad ula qabsannay buuq. Taleefan ayaa gacanta inoo jira, dhegaha ayaa wax ka socda, shaashad ayaa inoo ifaysa, farriimo ayaa imanaya, qof baa wax soo qoraya.
Marka aad keligaaga noqoto, waxaad dareemaysaa in wax kaa maqan yihiin.
Laakiin waxaa laga yaabaa inaan wax kaa maqnayn.
Waxaa laga yaabaa inaad markii ugu horreysay haysato fursad aad naftaada u maqasho.
Mararka qaar socod aan telefoon lagu mashquulin ayaa qofka ka caawin kara inuu fikrad fiican helo. Mararka qaar inaad qolkaaga fadhiisato adigoon waxba daawan ayaa kuu oggolaan karta inaad fahanto waxa maskaxdaada ka dhex socda. Mararka qaar buug aad si tartiib ah u akhrido ayaa ka qiimo badan boqollaal muuqaal oo midba midka kale ka daba imanayo.
Aamusnaantu ma aha waqti lumis.
Mararka qaar waa waqtiga aad naftaada dib ugu soo noqoto.
Waxa kale oo aan ogaaday in qofku aanu mar walba u baahnayn dhiirrigelin. Mararka qaar waxa uu u baahan yahay nidaam.
Haddii aad sugto maalinta aad niyad fiican yeelan doonto si aad wax u barato, maalintaas mar walba ma iman karto.
Haddii aad sugto inaad shaqada jeclaato ka hor intaadan qaban, waxaa laga yaabaa inaad muddo dheer sugto.
Waxa ka fiican inaad barato inaad wax qabato xataa marka aanay naftu kuu soo jeedin.
Taasi waa halka qofku ku kala duwan yahay rabitaankiisa iyo go’aankiisa.
Rabitaanku wuxuu yidhaahdaa, “Maanta ma rabo.”
Go’aanku wuxuu yidhaahdaa, “Waan ogahay inaanan rabin, laakiin haddana waan samaynayaa.”
Farqigaas yar ayaa qofka noloshiisa wax badan ka beddeli kara.
Waxaan filayaa in jiilkeenna ay tani si gaar ah ugu baahan tahay. Waxa aynu haysannaa waxyaabo badan oo jiilalkii inaga horreeyay aanay haysan. Wax kasta way noo dhow yihiin. Aqoontu way noo dhowdahay. Madadaaladu way noo dhowdahay. Dadka dunida oo dhan ayaa hal shaashad inoo jira.
Laakiin wax kasta oo kuu dhow mar walba ma aha wax kuu wanaagsan.
Waxa laga yaabaa in waxa aad ugu baahan tahay mararka qaar uu yahay wax aan kuu imanin adigoon raadin.
Buug.
Aamusnaan.
Socod.
Shaqo aad si dhab ah ugu mashquusho.
Waqti aad naftaada la qaadato.
Iyo awoodda aad ku tidhaahdo, “Intaas ayaa igu filan.”
Dopamine lafteedu ma aha cadow. Waa qayb dabiici ah oo ka mid ah habka maskaxdu u shaqayso. Dhibtu waxay iman kartaa marka noloshaadu noqoto raadinta kicin cusub oo aan kala go’ lahayn, ilaa aad ka ilowdo sida loo qiimeeyo waxyaabaha deggan ee aan isla markiiba ku farxad gelin.
Waxaa laga yaabaa in casharka ugu weyn aanu ahayn sida loo joojiyo telefoonka.
Waxaa laga yaabaa inuu yahay sida loo soo celiyo awoodda aad adigu u leedahay inaad doorato waxa mudan dareenkaaga.
Waayo waqtigaaga waxa laga yaabaa inuu dhammaado adigoon ogayn.
Laakiin dareenkaaga ayaa ka sii qaalisan.
Meesha aad dareenkaaga dhigto ayaa inta badan go’aamisa meesha noloshaadu u socoto.
Haddii maalin kasta maskaxdaadu ku mashquusho waxyaabo aanad xataa berri xasuusan doonin, ha la yaabin haddii aad dareento in maalmahaagu socdaan adiguna meel taagan tahay.
Laakiin haddii aad barato inaad waqtigaaga iyo dareenkaaga ku bixiso wax aad dhab ahaan qiimayso, isbeddelku si tartiib ah ayuu u muuqanayaa.
Waxaad bilaabaysaa inaad akhrido adigoon mar kasta telefoonka qaban.
Waxaad bilaabaysaa inaad hawl dhamaystirto adigoon kala dhex boodin waxyaabo badan.
Waxaad bilaabaysaa inaad kelinimada u aragto fursad, ee aanad u arkin wax laga cararo.
Waxaad bilaabaysaa inaad fahanto in farxad kasta aan loo baahnayn in isla markiiba la raadiyo.
Ugu dambayn, waxa aan buuggan ka qaatay ma aha in dunida laga cararo.
Waa in aanan nafteena ku dhex lumin.
Teknoolojiyadu ha kuu noqoto qalab.
Madadaaladu ha kuu noqoto nasasho.
Telefoonku ha kuu noqdo adeeg.
Laakiin adigu ha sii ahaato qofka go’aanka leh.
Waayo qofka aan baran inuu naftiisa hago, wax kasta oo hareerihiisa yaal ayaa jiidi kara.
Mararka qaarna waxa ugu weyn ee aad noloshaada maanta u samayn karto ma aha inaad wax cusub ku darto.
Waa inaad wax yar ka jarto.
Hal saac oo aan telefoon lahayn.
Dhowr bog oo buug ah.
Socod aan shaashad lahayn.
Hawl aad dhamaystirto adigoon meel kale u cararin.
Iyo dhowr daqiiqo oo aad si dhab ah naftaada ula joogto.
Markaad taas samayn karto, waxaad bilaabaysaa inaad ogaato wax aad hore u illowday.
Maskaxdaadu ma aha meel wax kasta lagu tuuro. Waa meesha noloshaadu ka bilaabato.
Haddaba ilaali.
Wax kasta ha u furin albaabkeeda.
Mararka qaarkood, waxa aynu ugu yeedhno kelinimo ma aha in dadku naga maqanyihiin; waxa laga yaabaa inay tahay in aynu innaga qudhayadu nafteena ka fogaanay.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Buugga The Art of Being ALONE ee ay qortay Renuka Gavrani wuxuu qofka hor dhigaya su’aal fudud, balse qoto dheer:
“Ma dadka ayaan ka baqayaa inaan waayo, mise naftayda ayaan ka baqayaa inaan la joogo?”
Su’aashani waxay taabanaysaa wax badan oo nolosheena ka mid ah. Mararka qaarkood waxa aynu si joogto ah u raadinaynaa dadka, xiriirrada, sheekada iyo mashquulka, sababtoo ah ma doonayno inaan kaligeen la kulanno fikirradeenna.
Keligaa ahaansho iyo cidlo dareemid isku mid ma aha
Mid ka mid ah fikradaha ugu muhiimsan ee buuggu xoojinayo waa kala duwanaanshaha u dhexeeya being alone iyo being lonely.
Inaad keliga tahay micnaheedu ma aha inaad cidlo dareemayso. Sida buuggu leeyahay:
“Being alone doesn’t mean you are lonely. Being alone means YOU ARE WITH YOURSELF.”
Weedhani way fudud tahay, laakiin marka si dhab ah loo fahmo waxay beddeli kartaa sida aynu nolosheena u aragno.
Qofku mar walba uma baahna dad badan oo hareerihiisa jooga si uu u dareemo inuu qiimo leeyahay. Mararka qaarkood waxa uu u baahan yahay waa inuu barto inuu naftiisa la fadhiisto, fikirradiisa dhegaysto, khaladaadkiisa aqbalo, oo uu fahmo waxa dhab ahaan uu doonayo.
Mararka qaarkood waxaad u xiistaa naftaadii
Buuggu wuxuu leeyahay oraah kale oo si gaar ah u taabanaysa:
“There are some days when you miss yourself more than you have ever missed anyone else.”
Tani waxay ila tahay mid ka mid ah fariimaha ugu culus ee buugga.
Qofku mararka qaarkood qof kale ma waayo oo keliya; wuxuu lumin karaa naftiisii uu ahaan jiray.
Wuxuu bilaabaa inuu dadka raalli geliyo. Wuxuu isku dayaa inuu noqdo qof ay dadka kale jecel yihiin. Wuxuu “haa” ku yidhaahdaa wax kasta oo aanu rabin. Wuxuu ka baqaa inuu dadka ka xanaajiyo ama waayo.
Ugu dambayn, maalin ayuu is weydiin karaa:
“Anigu xaggee baan kaga jiraa noloshan?”
Waxa laga yaabaa inaad dadka oo dhan u joogto, laakiin adigu naftaada meel kama joogto.
Baraha bulshada iyo sawirka nolosha aan dhamaystirnayn
Dunida maanta, gaar ahaan baraha bulshada, waxa mararka qaarkood inoo muuqda nolol aan dhamaystirnayn.
Qof walba saaxiibbo ayuu leeyahay. Qof walba meel buu tegayaa. Qof walba waa la doortay. Qof walba wuxuu u muuqdaa inuu faraxsan yahay.
Markaad sawirradaas iyo muuqaaladaas badan aragto, waxa kuu fududaan karta inaad is tidhaahdo:
“Maxaa aniga iga qaldan?”
Laakiin noloshu sidaas ma aha.
Dadka kaa fogaada mararka qaarkood ma aha caddayn ah inaadan mudnayn in lagu jeclaado. Saaxiib aad isku dhaweydeen ayaa magaalo kale u guuri kara. Qof aad jeclayd ayaa noloshiisa meel kale ka sii wadan kara. Dad aad moodaysay inay weligood kula jiri doonaan ayaa jid kale qaadi kara.
Taasi waa qayb ka mid ah nolosha.
Wax walba oo naga taga ma aha wax aan qiimo lahayn; mararka qaarkood waa wax ina baraya sida loo sii socdo.
Ha ka dhigin joogitaanka dadka kale cabbirka qiimahaaga
Waxaa laga yaabaa in casharka ugu weyn ee The Art of Being ALONE uu yahay:
Ha ka dhigin joogitaanka dadka kale shuruudda aad ku qiimayso naftaada.
Baro inaad kaligaa qaxwada cabto, Kaligaa soco, Buug akhri, Fikirradaada qor,Aamusnaantaada ku raaxayso,Naftaada baro.
Markaad barato inaad naftaada wehel u noqoto, xidhidhada aad dadka la yeelanaysaa iyaguna waxay yeelan karaan caafimaad ka wanaagsan. Sababtu waxay tahay qofka kula jooga ma noqonayo qof aad u baahan tahay si uu kuu dhamaystiro; wuxuu noqonayaa qof aad noloshaada kula wadaagto.
“Solitude Is My HOME, Loneliness Was My Cage.”
Cinwaanka hoose ee buuggu wuxuu leeyahay:
“Solitude Is My HOME, Loneliness Was My Cage.”
Weedhani waxay si qurux badan u soo koobaysaa fariinta buugga.
Keligaa ahaanshaha aad si miyir leh u doorato wuxuu noqon karaa meel aad naftaada ku barato, ku bogsato, kuna dhisto.
Laakiin marka aad naftaada u aragto qof aan cidina rabin, kelinimadu waxay isu beddeli kartaa xabsi.
Sidaas darteed, dhibku mar walba ma aha inaad kaligaa tahay. Mararka qaarkood dhibku waa sida aad u aragto kalinimadaada.
Naftaada noqo qofka ugu horreeya ee aad ku tiirsanaato
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
The Art of Being ALONE ma aha oo keliya buug leh fariin ah “kaligaa joog.”
Waa xusuusin ku saabsan is-aqbalidda, is-jeclaanshaha, xuduudaha, madax-bannaanida dareenka, iyo inaad barato inaad naftaada noqoto qofka ugu horreeya ee aad ku tiirsanaato.
Waxaa laga yaabaa in noloshu mararka qaarkood kaa qaaddo dad aad jeceshahay. Waxaa laga yaabaa inaad wajahdo waqtiyo aad dareento cidlo. Laakiin taasi macnaheedu ma aha inaad lumisay naftaada.
Mararka qaarkood, waxa aad u baahan tahay ma aha qof cusub oo noloshaada soo gala.
Waxaad u baahan tahay inaad dib ula kulanto naftaadii.
Haddaba, su’aasha aan idinla tegayo waa:
Goormay ahayd markii ugu dambaysay ee aad si dhab ah kaligaa ula fadhiisatay naftaada—adigoon telefoon, dad ama mashquul kale isku qarin?
Waxaa laga yaabaa in jawaabta su’aashaas ay kuu sheegto wax badan oo ku saabsan qofka aad maanta tahay.
Renuka Gavrani, The Art of Being ALONE 📖
]]></content:encoded></item></channel></rss>