Suugaanta reer Yurub kolka aynnu ka doodayno, Ruushku wuxu kaga jiraa boos wax’ku’ool ah. Majaraha isaga ayaa hayay intii aanay Ingiriiska, iyo Faransiisku saaxadda soo gelin. Kolka aynnu is waydiino halyeeyadii waaweynaa ee suugaanta Ruushka waxa maanka ku soo xaadiraya Liyoo Tolistooy (1828-1910), iyo Fayadoor Dostoyofeski (1821-1881). Labadan ka sokow, suugaanyahannada mudan in halkan lagu xuso waxa ka mid ah Aleksander Bushkin (1799-1837), oo loo aqoonsaday aabbaha suugaanta Ruushka, iyo weliba Nikolaay Googol (1809-1852), Ifaan Turgitif (1818-1883), iyo Antoon Jekoof (1860-1904). Liyoo Tolistooy, walow oo uu waxqabad farabadan leeyahay haddana waxa dunida baal dahab ah ka galay labadiisa   sheekafaneed ee madhaafaanka ah. Mid waa Colaad iyo Nabad (War and Peace) oo la daabacay 1869-kii, ka kalena waa Aana Kariniina (Anna Karenina) oo ifka u soo baxay 1877-kii. Ma aha ka badbadin haddii aynnu nidhaahno labadiisan halmuceed waxay cirka ku shareereen magaciisa, iyo sumcaddiisa.
Maqaalkan gudihiisa, waxaan doonayaa in aan Liyoo Tolistooy diiradda ku saaro, maaddaama oo uu wax ka taabtay Islaamka, Nebi Maxamed (SCW), iyo Muslimiinta. Sheekafaneeddiisa kale ka sokow, Xaaji Muraad oo la daabacay geeriidiisa ka bacdi, waa waxqabad suugaaneed ku salaysan qiso dhab ah oo la tacalluqda hoggaamiye kacaanyahan ah oo ka dhashay qowmiyadda Shiishaanida. Inkasta oo sheekooyinka Muslimiinta ee Qawqaas ku filiqsan aan laga waayin waxqabadyada Liyoo Tolistooy, haddana waxay leeyihiin ahmiyad goonni ah.
Shakhsiyad Gob ah
Liyoo Tolistooy, sannadkii 1828-kii ayuu ku dhashay tuulada Yasnaaya Boliyaana oo hoos timaadda gobolka Tuula ee waddanka Ruushka. Halkaas ayay qoyskiisu degganaayeen oo ay hanti maguurto ah ku lahaayeen. Wuxuu ka dhashay qoys Aristoqraatig ah. Liyoo Tolistooy, walow oo uu ka dhashay qoys aad hodan u ah, haddana waxba kagama duwanayn ubadka kale ee Aristoqraaddiga ah. Sidooda ayuu ahaa barbaar faraha lagaga gubtay. Wuxuu qabatimay Khamriga, khamaarka, iyo gaabsiga, oo wuxuu u noolaa qaab baxdownimo ah. Laakiin intii uu qafladda ku sugnaa hal shay baa joog iyo jiif ka dhaariyay. Wuxuu ka ledi waayay waydiinta ah: "Waa maxay ujeeddada noloshu?" Waxa la sheegaa baraaruggiisii ruuxiga ahaa in uu dhacay xilli ku aaddan kolkii uu afmeeray qoridda Anaa Kariniina.Waqtigaas, wuxuu cagacagaynay kontonka.
Markii koowaad, sayniska ayuu jawaabo ka raadiyay. Maaddaama oo uu sayniska ku qanci waayay, wuxuu u weecday dhanka diinta iyo falsafadda. Wuxuu biyagororka Masiixiyadda ka daalacday Kaniisadda Ortodhogoska Ruushka. Ka dib, wuxuu dersay dhigaallada Hinduusiyadda, Buudiyadda, Taawiyada, Islaamka, iyo Suufiyada. Jeerkii uu maalqabeenka ahaa, wuxuu ahaa masuul naxariis badan, oo u damqada abbaanadii hantidiisa u darbanaa. Wuxuu siiyay dhul ay guryo ka dhistaan, iyo mushahar fiican, ubadkoodana waxbarasho ayuu ugu deeqay. Deeqsinimadiisa isaga iyo ooridiisa ayaa isku seegay. Kolkii uu aad u dhex muquurtay ruuxiyadda, wuxuu badi hantidiisi u kala qaybiyay qoyskiisa, iyo abbaanada. Nin weyn wedkii waa yaaqaanaye, kolkii ay geeridiisu soo dhowaatay wuxuu u nolaa tabta nin adduunyada ka saahiday. Wuxuu noqday bashar dhab ah, oo dhirta ayaa oon u noqotay.
Gacansaydhkii Liyoo Tolistooy ee Masiixiyadda
Liyoo Tolistooy, wuxuu aad ugu gacansaydhay Kaniisadda Ortodhogoska Ruushka. Markii hore wuxuu ganafka ku dhuftay Ilaahnimada Ciise Masiix. Waxa u cuntami wayday culuuntii Kaniisadda ee daarranayd in uu Ciise yahay Ilaah qaab bini'aadan leh. Sidoo kale, wuxuu rumaysnaa aragtida Saddexda Ilaah in aanay geli karin caqliga aadamaha. Mararka qaar Ciise waxay ku sheegi jireen Eebbe, mararka qaarna Wiilkii Eebbe, marar kalena Ruuxda Muqaddiska ah. Tolistooy, wuxuu qabay badi casharradii Kaniisaddu in ay ahaayeen khuraafaad, oo aanay ahayn farriintii runta ahayd ee Ciise. Sidoo kale, wuxuu qaaddacay aragtida la tacalluqda denbiga asiiliga ah, taas oo ah in ay dadku iyaga oo denbiile ah dhashaan oo ay u baahan yihiin in biyo la muquuriyo (Baptism) si loo daahiriyo, ama uu xirsixidh ugu noqdo. Tolistooy, wuxuu si adag uga hor yimid falalka musuqmaasuqa ah ee ay Kaniisaddu magaca Eebbe ku fuliso. Wuxuu diidanaa sida Kaniisaddu u taageersanayd dagaalka, iyo sida dhow ee ay ugu xidhnayd Qaysarradii kelitalis ahaa; oo uu rumaysnaa in ay cabudhin ku hayeen saboolka iyo dadka rayidka ah.
Kaniisadda cagsigeeda, Tolistooy wuxuu aamminsanaa in Kutubka Muqaddiska ahi (Baybalku) xambaarsan yahay nabad iyo qalalaase la'aan. Wuxuu qabay in qiyamka dhabta ah ee Masiixiyiinta laga helayo Khudbaddii Ciise ee Buurta (Maatiyuu Cutubyada 5-aad ilaa 7-aad), taas oo diiradda saartay naxariista iyo cafiska. Dhaliishiisa xooggan darteed, Kaniisadda Ortodhogoska Ruushku sannadkii 1901-kii ayay dayrisay. Diinta Masiixiyadda marka la joogo, Tolistooy ma uusan ahayn qofka keliya ee ka soo horjeestay casharrada Kaniisadda. Maartin Luudar (1483-1546), Joon Kaalfin (1509-1564), Sooren Kirkagaadh (1813-1855), Foolteer (1694-1778), Bakhuukh Isbinowsa (1632-1677), Dhayfid Huum (1711-1776), Firiidrikh Niija (1844-1900), Beertaran Raasal (1872-1970), iyo qaar kale ayaa sidoo kale iyana dhaliilay macangagnimada, iyo dhaqannada Kaniisadda.
Tolstoy iyo culuunta Islaamka
Tolistooy, wuxuu qabay in uu waxyaabo badan ku waafaqi karo culuunta Islaamka, halka uu waxyaabo badan oo meelkudhegnimo ahna kaga soo horjeeday Masiixiyadda. Wuxuu u bogay nusuusta Qur'aanka ee sheegta in aanu Ciise Masiix ahayn wax dhaafsiisan nebi Alle. Ciise in uu yahay ergaygii Eebbe oo keliya. Tolistooy, wuxuu diinta Islaamka si buuxda ugu waafaqay in aanu Ciise ahayn Wiilkii Eebbe. Middaas ka sokow, wuxuu la dhacay sida uu Islaamku xoogga u saaro caddaaladda iyo sinnaanta. Caqiidada waxdaaniyadda ee Islaamka ee sheegta kelinimada Alle ayaa aad u soo jiidatay marka loo eego aragtida Masiixiyadda ee ku aaddan Saddexda Ilaah. Wuxuu qabay fikradda ku aaddan hal Ilaah oo qeyb ahi in ay aad uga maangalsan tahay ta Eebbe u wada aqoonsan Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxda Muqaddiska ah. Qiyamka Islaamka sida naf-xakamaynta, akhlaaqda suubban, dadnimada, naxariista, isudhiibbidda iraadada Eebbe, Soonta, iyo daahirinta ruuxiga ahi—giddigood waxay ahaayeen waxyaabo uu Liyoo Tolistooy aad ugu bogay. Sidoo kale, wuxu la dhacay nolosha Islaamku in ay tahay mid aad shakhsi u ah, oo aanay ku-amarkutaaglayn wadaaddadu sida dhacda Masiixiyadda. Mar baa jirtay uu Tolistooy madbacad Islaami ah u diray Makhduudaad uu ciwaan uga dhigay: Halkudhegyadii Nebi Maxamed. Isaga oo la dhacsan waxyaabihii uu akhriyay ayuu si iskii ah isugu xilqaamay in uu qoro gogoldhigga buugga.
Fikraddiisi la tacalluqday Nebi Maxamed iyo Muslimiinta.
Kolkii uu u guurgalay wax kasta oo Islaamka ku saabsan, ama waxa uu Islaamku yahay, wuxuu aad uga helay dhaqankii Nebi Maxamed (SCW) iyo bulshadii hore ee Muslimiinta. Dhibirsanaanta Nebiga, iyo fikradda waxdaaniyadda Eebbe, waxay si fiican ula jaanqaadeen aragtidiisii gaarka ahayd. Halkan hoose waxa ah halkudheg loo aaneeyo Tolistooy: “Maxamed, mar walba waa uu ka martabad sarreeyaa Masiixiyadda. Eebbe kuma uu shabbahin bini’aadanka, weligiina Ilaahay isma barbardhigin. Muslimiintu, Ilaahay mooyaane cid kale ma caabudaan, Maxamed na waa rasuulkii Eebbe. Ma jiro wax dahsoon ama qarsoodi ahi.” Fikradda uu Islaamku ka qabo Ilaahay iyo cibaadada, oo ah mid fudud oo jid cad haysata ayaa Tolistooy ku kalliftay in uu barbardhigo kakanaanta, iyo waxyaabaha madmadowgu ku gadaaman yahay ee uu ka dhaxlay Masiixiyadda.
Tolistooy, mar kale wuxuu yidhi sidan:
“Shaki la'aan, Nebi Maxamed wuxuu ahaa mid ka mid ah dib-u-qaabeyayaashii ugu waaweynaa taariikhda. Wuxuu ummad dhan ku hagay dariiqa badbaadada, wuxuuna ugu gargaaray in ay gacanta ku dhigaan nabad iyo xasillooni. Wuxuu jidka u xaadhay taabbagalka akhlaaqda iyo ilbaxnimada dadkiisa.” Tolistooy, walow oo uu si weyn ula dhacsanaa diinta Islaamka, Nebi Maxamed (SCW), iyo ummadda Muslimiinta, isla markaana Kaniisadda mad'habka Ortodhogoska Ruushka uu khilaaf weyn ka dhex oognaa, haddana kuma uusan dhiirran in uu Islaamo, sidoo kalena uma hanqal taagayn in uu Kaniisadda dib ula xaajoodo. Wuxuu aamminsanaa aragti la mid ah ta Islaamka ee waxdaaniyadda Eebbe. Middaas oo maanicaysa shabbaha ama in Eebbbe sanab lagu misaalo, isla markaana Ciise Masiix u aragta ergaygii Eebbe oo keliya.
Geeridii Liyoo Tolistooy
Geeridiisa ka hor, Liyoo Tolistooy wuxuu mushkilad kala kulmay dhanka qoyskiisa. Xidhiidhka isaga iyo afadiisa Soofiya Tolistaaya (1844-1919), ma uusan wanaagsanayn. Ka bacdi, markii uu maalkiisii oo dhan huray, habeen jilaal ah ayuu guriga ka baxay isaga oo aan cidna ogaysiin. Dabadeed kolkii uu maalmo iska dhan barafka dhex meehanaabayay, wuxuu ku bokooday istaanka tareenka ee Astabookh. Maanta istaankan waxa lagu magacaabaa Istaanka Tolistooy. Kolkii uu dhintay maydkiisa waxa lagu aasay agagaarka Yasnaaya Boliyaana, oo ahayd bogcaddii uu ku dhashay, noloshiisa intii badnaydna uu ku soo qaatay. Geeridiisa ka dib, hoygiisii wuxuu noqday mid ka mid ah goobaha taariikh ahaan, iyo raad-suugaaneed ahaanba ugu muhiimsan Ruushka—oo wuxuu soo jiitay indhaha dalxiisayaal isugu jira maxalli iyo ajaaniibba.
Markii ay dadku maqleen geerida Tolistooy, kumanaan Raashiyaan ah oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka kala socda ayaa isu habarwacday si u sogootiyaan fiilasoofkan, iyo suugaanyahankan weyn. Liyoo Tolistooy, falsafaddiisii ku dhisnayd nabaddoonimada, iyo casharradiisii akhlaaqeed waxay saamayn ku yeesheen shakhsiyado waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Albeert Aaynishtaayn (1879-1955), Mahatma Gaandhi (1869-1948), iyo Maartin Luudar Kiin Jr. (1929-1968). Ugu dambayn, waxaan jeclaan lahaa in aan maqaalkan ku soo gebagebeeyo halkudheg uu leeyahay Tolistooy:
“Haddii ay diintaadu wanaagsan tahay, waxba ha igu wacdiyin, balse ficilkaaga ku muuji.”
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Sannadku waa 2001. Waa Burco. Waa aroor hore, oo markaas salaaddii subax laga soo jeestay. Dad badan ma soo jeedaan. Waa nin salaadda soo tukaday, oo markii uu waajibkii iska soo riday gurigiisa ku sii jeeda, iyo qof kallahsan. Dadku ma badna, oo markiiba qof ayaad arkaysaa. Waa teelteel, ama waa habaqle. Cagtu way go'an tahay. Waxaad maqlaysaa codka shimbiraha kala jaadjaadka ah, iyo cida diigga. Waa jawi aammusan, iyo jabaqla'. Laydh macaan baa dhashaysa, oo kolka ay korkaaga salaaxdo wahab baa kaa duulaya. Waan socdaa. Waxba meel kuma ogi. Waxaan cindiga ku hayaa barakada jarmaada maganso. Intaa aan socdo waan fekerayaa. Boqollaal wax baan ka fekerayaa. Mustaqbal iyo aayo baan ka fekerayaa. Dhacdooyin hore, iyo maalmo xusuus ku suntaana baan ka fekerayaa. Wax baan xisaabinayaa. Mala'awaal qurux badan baan hindisayaa. Waan isla maqanahay, oo waan maahsanahay. Waxaan ahay maqane jooga.
Cod baa ii baxay. Malaha waa dhegahayga! Waan iska sii socday. Haddana, codkii baa mar labaad ii baxay. War illeen belo! Ma garan karo wuxuu codku yahay. Waxaan sheegi karaa uun in maqlayo dhawaaq aad yeedhmo mooddo. Jin iyo insi wuxuu yahay ma kala saari karo. Waan iska sii socday. Haddana, mar saddexaad ayuu ii baxay! War illeen annagaa yaab aragnay! Markan, waan shakiyay. Sidaa laajigeed, sidii wax sanqadh tiranaya ama aar gaatamaya inta aan u istaagay baan dhegta u raaciyay. Dareenkayga oo dhan baan soo wada xaadiriyay. Markan, gartay codku wuxu yahay. Waa qof. Balse ma aqaan cid uu yahay, iyo jaho uu igaga qumman yahay toonna. Cabbaar baan taagnaa. Hareeraha ayaan jeedaaliyay. Waxba waan arki waayay. Haddana, waan iska dhaqaaqay. Laba tallaabo aniga oo aan qaadin baan haddana codkii maqlay. War illeen ibtilo waa tan! Markan, si waafi ah baan u maqlay. Waa qof ii yeedhaya.
Waxaan maqlay: "War inankoow, war inankoow, war inankoow!" Dhankii codku iga jiray baan jalleecay. Waxba waan arki waayay! Codku waa googoos oo hadba wuu kala go'ayaa. Aniga oo yaabban baan mar keliya isha qac ku siiyay hummaag qof. Dhankii hummaagu igaga toosnaa baan u soo dhaqaaqay. Waan u soo dhowaaday, oo dhawr tallaabo ayaan u soo jirsaday. Markan, si fiican ayaan uga ilsugtay. Waa oday da' ah oo gidaar uu xalay oo dhan laabnaa soo kuududa. Wuxuu ku fadhiyaa kartoon uu ku hurday. Weyso biyo ah ayaa ag qotonta. Wuxuu huwan yahay go' xun oo cawlan oo gidaarka u eeg, ama ciidda u eeg, ama isaga u eeg. Ilaa aad u soo dhowaato mooyaane, isaga iyo gidaarka kala garan maysid. Gidaarka waxa ku tiirsan kaaryoon madhan. Gidaarka, go'a, kartoonka, kaaryoonka, ciidda, iyo odaygu way isu eekaadeen! Diif badan baa ka muuqata. Dhaxantii xalay oo idil ku dhacaysay baa wajigiisa saan ka kicisay. Dibnuhu inta ay qallaleen ayay jajabeen, oo haddii qofi taabto way sarayaan. Cidhbuhu way qarqarxeen, oo safan baa ka kacday. Dayac iyo baahi daran baa ka muuqata. Dhafoorrada ayaa go'tay. Indhuhu qadaadka ayay ka soo jeesteen. Wuu ilgo'ay.
Waan bariidiyay. Cod hashkadaynaya ayuu igaga guddoomay. Waxa helay ma waydiin karo, oo isaga ayaan ka war sugayaa. Waayo, war dhafoor buu ku yaallaa. Sidaa laajigeed, isaga ayaa hadalka bilaabay. Wuxuu i waydiiyay su'aal aan marna ku farxay, marna ka naxay. Wuxuu i su'aalay: "Adeer, wax ma qortaa?" Mar waan ku farxay oo haddii uu adduun i waydiin lahaa wax allaale iyo wax aan isku furto ma hayn. Marna waan ka naxay, oo waxa isu kay qaban wayday su'aasha, iyo xaaladdii odayga; oo marnaba qof sidaa u darayaysan baa waydiin caynkaas ahi maankiisa ku soo dhici kartaa haabka kuma hayn! Aniga oo yaabban, oo aad mooddo in qori la igu hayo baan si miskiinimo ah u idhi: "Haa, se maxaad u baahnayd?" Hadalkii buu u baxay. "Adeer, waxaan doonayaa in aad ii qorto warqad aan rabo in aan u diro walaashay, oo xaggaa iyo qurbaha aan ku ogaa." Dabadeed, daafta ayuu haabhaabtay, oo inta uu shaadh kartoonka dul saarnaa soo qaaday buu jeebkiisa si halkahaleel ah warqad, iyo qalin uga soo saaray. Farta inta uu iga saaray buu ii sii raaciyay, 'wixii aan ku idhaahdo qor.' Warqaddii intii aanaan bilaabin baan waydiiyay su'aal faduul ahayd.
Waxaan su'aalay: "Walaashaa goormaa kuugu war danbaysay?" Cabbaar inta uu aammusay buu iigu warceliyay jawaab iga yaabisay. Waxa uu yidhi: "Labaatan sano war sugan kama helin, balse waa dhoweyd Talyaaniga ayaa la iigu sheegay." Su'aalo ciiddaa iyo camaarka ka badan baa madaxayga ka guuxay. Waayo, labaatanka sano waaba intii aan jiray. Waxaan is waydiiyay: "Tolow ma nooshahay? Tolow waa maxay qisada ogaygani?" , Iyo su'aalo kale oo tirobeel ah. Aniga oo yaabban baan warqaddii bilaabay. Mar kale, ayuu i xasuusiyay sida uu iigu yeedhiyo in aan u qoro. Hawraarsan.
Dabadeed, wuu ii yeedhiyay: "Waxaan kugu salaamay quraanka caddadkiisa, iyo sagaal iyo sagaashanka magac ee Ilaahay. Waxaan kuu soo dirayaa salaan kasha, iyo laabta ka soo go'day. Salaan ka bacdi, walaal waan nabadqabaa, oo waan noolahay. In badan wax war ah kaama helin, raq iyo ruuxba. Balse dhowaan ayay qolo ii sheegtay in aad Talyaaniga joogto. Walaal, iminka muddo soddon sano ku dhow baad sii maqanayd. Intii aad maqnayd wax badan ayaa is beddelay. Aabbe, wadigii geeridiisa ogaa, hooyona iminka lix iyo toban sano ayay sii mootan tahay. Iyada oo kaa werweraysa, oo habeenkii kugu qarowda ayay god gashay. Da'dii ayaa ku soo baxday oo intii aanay socod gabinba way indha'darraysay. Qofkii ay aragtoba way ku waydiin jirtay. Xataa markii danbe ee ay asaasaqday magacaaga ayay ku subcin jirtay. Waad ogtahay oo waxaad ahayd guridanbaysa reerka; hooyona waa tii aadka kuu jeclayd. Sidii iyada oo kuu jecel ayay xijaabatay. Runtii, markii ay hooyo xijaabatay waan kaa xumaaday. Walaal, hooyo Ilaahay ha u naxariisto, adigana waan kaaga tacsiyadaynayaa." Halkaa markii uu marayay ayay ilmo indhihiisa isku soo taagtay. Dabadeed, cabbaar buu aammusay.
Hadalkii ayuu haddana sii watay: "Walaal, waad ogayd oo miyi ayaynu ku noolayn. Waxa aynnu ahayn reer dhaqan oo geel, iyo adhiba xerada buuxaan. Waad ogayd oo geela nin aan aniga ahayni kuma tabcin. Markii danbe ee raggii kale guursadeenna isaga ayaan u go'ay. Sidii aad ogayd baan debedmeer u ahaa. Guri waa is daynay oo geela ayaan la keliyoobay. Noloshaydii oo dhan waxaan ku soo qaatay xergayntiisa, waraabintiisa, iyo la jooggiisa. Nolol kale oo aan geela ahayba ma aqoon! Waa tii Aabbe dhintay. Reerka ninkii ugu fiicnaana waa tii Faqash dishay. Waa tii aniga mooyaane hablo, iyo wiilalba la reeraystay. Waa tii col iyo abaar la isku kiciyay. Waa tii geela difaacisa dhawr jeer la igu dhaawacay. Waa tii aan saymo kala baxay. Waa tii col iyo Daraawiish qaadka aabbaari madhisay. Waa tii markii aan gaboobay geelina meesha ka baxay la i nacay. Hooyo, oo aan dugsanayay waa tii geeriyootay. Hooyo, dhimashadeedii ka dib sabab aan miyiga ku sii joogo waan garan waayay. Waayo, intii aan xoogga ahaa baa la i jeclaa, ama geelo madhan. Sidoo kale, dumar dumaashiyaday ah, oo xil igu leh waan dul yuurursan kari waayay. Sidaa laajigeed, wanigii magaalo u soo kacay." Halkaa markii uu marinayay ayuu hakaday, oo gadh cad oo aad mooddo geed laamaha fidiyay, oo xoog u hawray salsalaaxay.
Hadalkii ayuu haddana sii watay: "Kolkii hooyo geeriyootay, Berbera ayaan u xamaal tegay. Walow oo xamaalku yahay shaqo adag, oo kadeed badan, haddana waan ku asturnaa. Dadka in aan baryo baan kaga asturnaa. Waan xoog gabay oo markii aan waxba qaadi kari waayay baan faraha ka qaaday. Maya, way ii run sheegtay. Burco ayaan u soo wareegay. Dadka in aan gacmaha hoos hoorsado way ii cuntami wayday; meel aan wax ku ogahayna may jirin. Geeli aan ku laf jabay ragga kale ayayba wax uga soo doogeene, aniga nirig iigama hadhin. Midhadh neefaf ah oo dhaxalkii aabbe iiga hadhayna markii aan magaalada soo aaday baan xaraashay. Nin rag ah talo lagama waayee, lacag yar oo aan xamaalkii ka sii hayay baan kaaryoon ku iibsaday. Isagana, muddo ayaan baryo iyo ceeb kaga baaqsaday.
Nasiibdarro, maanta kaaryoonkiina ma riixi karo. Waan xanuunsanayaa oo habeenkii ma seexdo. Jugihii iyo culeyskii baa igu soo wada kacay. Mar ayaanba diiq gaadhay oo dhakhtar la i dhigay. Dad muslin ah baa ii kacay, oo dhakhtarka iga bixiyay. Iminka, wax adduun ah kaaryoonkii oo qoroqoro noqday, oo isaga qudhiisu gaboobay baan ka sii lushaa. Waxaan ahay toddobaatan jir dibjir ah. Waxaan ahay goblan. Gidaar baan seexdaa. Xalay waxba ma cunin, saakana ma quraacan, duhurkana qado in aan heli doono iyo in kale Ilaahay baa og. Waan noolahay, waxbana lama nooli. Walaal, adduun kaama rabo, balse hal wax oo keliya ayaan kaa codsanayaa. Haddii ay farriintaydu ku soo gaadho, waxaan kaa codsanayaa in aad i duugto. Walaal, kaalay oo i duug. Waa haddii aad nolol igu soo gaadho. Nabadgelyo."
Kolkii aan warqaddii u dhiibay ayuu dib isu duuduubay, oo gadhka iyo labada law is geliyay. Dabadeed, iyada oo indhahayga ilmo ku taagan tahay baan socodkaygii sii watay—aniga oo hoos iskula faqaya: "Wa iska xaal adduun!"
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Oday Soomaaliyeed
Soomaalilaan, shan iyo tobankii sano ee u dabmeeyay waxay ku dhaqmaysay nidaam dimuqraadiyadeed, oo wejiyo kala geddisan leh. Waxa la odhan karaa wejiga koowaad ee dimuqraadiyadda Soomaalilaan wuxuu ku dhisnaa is afgaradkii beelaha. Beelaha kala duwan ee dalka deegaanka ku ah ayaa isku raacay in ay doortaan odayaal ku metela shirarkii qaran ee ujeeddadoodu ahayd nabadaynta, mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyo magacaabista xubnaha ku meteli doona hay'adaha dawladda sida Guurtida, Golaha Wakiillada, iyo  xubnaha fulinta. Runtii, habka marxaladdan loo maray muu ahayn dimuqraadiyad dhammays ah. Dhammaan beeluhu kuma ay lahayn metelaad. Qaar ka mid ah tolalka sida beesha Gabooye iyo beelihii laga tirada badnaa ayaa si shil ah marxaladdaa u waydaartay. Waa lama huraan in aynnu xusno in nidaamku ku dhisnaa laboodka, oo ay gebi ahaanba kaalintii haweenku meesha ka maqnayd.
Xataa beelihii metelaadda helay baan nidaamka ku wada qanacsanayn, oo qaarkood saamiga ay heleen ayay ka biyadiideen ama se habka saamiqaybsiga ee wax loo maamulay ayay caddaaladdarro u arkayeen. Sidoo kale shicibka oo faraha dadka ahi ma uusan lahayn xuquuq cod dhiibasho. Haddana lama odhan karo wuxuu ahaa nidaam kelitalis ah. Ma uusan ahayn nidaam milateri oo u eg kii Siyaad Barre. Ururkii SNM uma uusan dhaqmin sidii xisbi kelitalis ah, tabta ay badi sameeyeen ururadii hubaysnaa ee xorriyaddoonka ahaa kolkii ay awoodda gacanta ku dhigeen ama ujeeddooyinkiisu caynkaas uma qaabaysnayn. Sidoo kale, nidaamkiisu kuma uu dhisnayn mid beesha aqlabiyadda badani ku duudsiinayso beelaha kale sida marinhabaabinta ah ee dad badani ku eedayaan beesha Isaaq. Marinhababintaa waxa beeninaya shirkii Boorame ka qabsoomay 1993-kii, oo beesha Samaroon oo aan wax taageero ah ku lahayn dhismaha ururkii SNM ay gadhwadeen ka ahaayeen; kana cayaareen door milgo leh oo dhexdhexaadin iyo martigelinba isugu jira.
Walow ay jiraan goddaloolooyinkaas aynnu soo sheegnay haddana nidaamka marxaladdan, weli waxaynu ku tilmaami karnaa mid dimuqraaddi ah, maxaa yeelay wuxuu si uun u saamaxay in rayiga dadweynuhu meesha aanu ka bixin. Duruufo ba'an baa dhexda loo galay, oo dadka reer Soomaalilaan waxay dib u raadgureen nidaamkii reerguuraagga ee abkasoogaaadhka ahaa—kaas oo bulsho baadhihii I. M. Luwis ugu yeedhi jiray 'dimuqraaddiyadda raacatada.' Dad badani in nidaamka raacatada lagu dhaqo dawlad casri ah uma aysan arkayn xal waari kara mustaqbalka fog. Waxa u muuqatay asalkeeda, oo ah marxalad kala hayaan. Maanta, waxaynu si kalsooni leh u odhan karnaa marxaladdaas waxaynu ka keenay dhibco wanaagsan. Dastuur baa la soo diyaariyay, oo laga dooday, waxaana lagu meelmariyay afti dadweyne. Waxa dalka ka qabsoomay doorashooyinka golaha deegaanka, madaxtooyada iyo baarlamaanka. Doorashooyinkaasi kama aysan madhnayn qaladaad iyo iimo, ha ka timaaddo dhinaca qorshaynta ama dhanka fulintaba e.
Balse marka loo eego duruufaheenna dhaqandhaqaale, dal magaalooyinkiisi iyo kaabayaashiisi uu dumiyay dagaal dabadheeraday, oo qayb laxaad leh oo dhallinyaradeeni waxbaratay ka mid ahina ay qurbaha u qaxday, iyo innaga oo iminka uun ka soo kabanayna dagaallo sokeeye waa loo garaabi karaa. Marka la tixgeliyo duruufahaas, runtii waxaynu qabanay shaqo fiican. Waddamo badan oo aanay soo waajahin riiqahaasi, oo hela kaalmooyin badan oo aynaan helin ayaan awoodin in ay qabtaan shaqo intaas le'eg. Arrimahan waxa marag ka ahaa goobjoogayaal iyo indha’indhayayaal shisheeye ah. Balse guushaa aynnu gaadhnay inooma dammaanad qaadayso in aynnu isdhiganno. Sidoo kale, marxaladdan labaad iyana waa mid ku’meelgaadh ah, oo aan dhammaystirnayn (Arrinta Guurtida wax badan baan ka odhan doonaa, oo dib baan ka faahfaahin doonaa). Waxa laga yaaba qaarkeen in ay ku faanaan guulahaas, oo ay illaawaan goddaloolooyinka iyo khataraha inagu soo fool leh. Qaar kalena waxa laga yaabaa in ay xagaldaacyadaas xoog uga fekeran ilaa ayba quustaan oo rejo dhigaan.
Waa in labadaa dabeecadoodba laga fogaadaa. Galaaska ama koobku wuu kala badhan yahay, oo ma dhamma. Waxaynu u baahanahay in aynnu si dhab ah u qiimayno xaaladdeena; halka aynnu joogno, sida aynnu halkan ku soo gaadhnay, aragtida aynnu mustaqbalka ka filayno, iyo sida aynnu ku gaadhi karno. Arrintani waa shaqo inoo wada taal, wadar iyo waaxidba. Ii oggolaada in aan waxyar ku darsado dedaalkaas wadajirka ah. Su'aasha muhiimka ahi waxa weeye; maxay suurtogal u noqotay dadka reer Soomaalilaand in ay heshiiyaan, dhaawacooda dhaydaan, oo hore u socdaan, halka walaalahood Soomaaliya ay la daalaadhacayaan colaad sokeeye, oo aan dhammaad lahayn? Idinma lihi waxaan hayaa jawaabo dhammaystiran. Hase yeeshee, qoddobo door ah ayaa maskaxdayda ka dhex guuxaya. Marka koowaad faragelinta uu shisheeyuhu ku hayo Soomaaliya, taas oo aan Soomaalilaand ka jirini, waxay noqon kartaa qodob. Dhanka shisheeyaha immisa ayaa dano gaar ah leh, oo iyaga oo aan wax beddel ah doonayn danta caamka ah ku shuqlan? Waa seeska culuumta siyaasadda in ay quwad kastaa marka hore ka shaqayso danteeda gaarka ah. Heshiisyada diblumaasiyadeed, is afgaradka iyo xalalka siyaasadeed runtii waxay ka abuurmaan natiijooyinka falgalka danahaas ka dhasha.
Laakiin kolka ay dhinacyada shisheeyuhu waayaan qaran cago ku taagan ama hay'ado dawladeed oo ay la xaajoodaan, xataa haddii ay doonaan hay'adahaasi haba tayo liitane, oo isla markaana ay miiska la soo fadhiistaan kooxo kala socda, qabaa'iil iyo qabqablayaal dagaal (waxaad doonto ugu yeedho), kuwaas oo kala hororsanaya in ay shisheeyaha raalligeliyaan way adagtahay in nidaamka caynkaas ah uu ka dhasho xal qaran oo tanaadi karaa. Xataa Qaramada Midoobay waxay leeyihiin ajandayaal u gaar ah oo dhanka maamulka ah, taas oo ay lamahuraan tahay in laga hor geeyo hay'ad danta qaranka metesha. Xaaladaha caynkan oo kale ah haba koobnaadaane; ee ugu yaraan muujinaya hagarbax la'aanta shisheeyuhu waa fursad aan la dhaadanayn. Ta labaad, kala duwanaanshaha khibraddii waayihii gumaystaha ayaa laga yaabaa in ay arrintan door ku yeelato. Nooc kasta oo gumaysi wuxuu raad xun kaga tagaa nafsadda, shakhsiyadda iyo qaabdhismeedka bulshada la gumaystay. Laakiin waxa laga yaabaa in ay jirto kala duwaanshiinyo dhanka heerarka ahi, balse ma jirto mid dhanka nuxurka ahi. Nidaamkii uu guumaystihii Ingiriisku ugu yeedhi jiray 'Imbiriyaaliisimka ama maamulka dadban' waxa laga yabaa in uu qaabdhismeedka bulshada kaga tegay raad ka duwan kii uu ka tegay faashiistihii Talyaanigu. Shaki kuma jiro in uu guumaystuhu odaydhaqameedka ka dhigtay tuul uu xukunkiisa ku fushado, oo uu jihadii dabcigoodi hoggaamineed ka weeciyay.
Hase yeeshee, iminka marka aynnu dib milicsano, waxaynu arki karnaa odayaashi la saaxiibay gumaystuhu in aanay ku mintidin doorkoodi hoggaaminta oo qudha, balse ay ahaayeen derbi kala xadeeya maamulkii guumaystaha iyo dadkooda. Dhexdhexaadintii odayaasha darteed, maamulladii gumaystuhu waxay ku baraarugeen xeerarka iyo muqadasaadka bulshadu saamaynta ay ku leedahay heerarkooda aqbalaad ama iska caabbin—taas oo fursad u siisay in ay wax ka beddelaan xeerarka iyo qaayasoorada ka dhanka ah. Doorkaas ay odayaashu qaateen walow uu xadidnaa, haddana waxay ugu hiiliyeen umaddooda, dhaqankooda, diintooda iyo qaabdhismeedka noloshoodaba. Arrintaasi waa ta sababtay in markii dambe kooxihii magaalowga sida ganacsatada, ardaydii Iskuulada ka aflaxday iyo siyaasiyiintu in ay tahli waayaan si buuxda in ay meesha ugu saaraan saamaynta akhlaaqeed ee hoggaaminta odhaydhaqameedka. Tani aad ayay uga duwanayd faashiistihii Talyaaniga iyo maamulkii dambe ee ay Qaramada Midoobay u idmadeen Talyaaniga, kuwaas oo inta ay arrintaa iska indhatireen wiiqay doorkii odaydhaqameedka. Miyaysan yaab lahayn markii ay duntay dawladdii calansaarka ka dib dhalatay dadka reer Soomaalilaand in ay helaan nidaam iyo odayaal ay dib ugu eertaan, halka reer Soomaaliya ay dhexda u fadhiisteen jaahwareer iyo qaasaawalan?
Aan idin xasuusiyo si aan loo illaawin, in aan u halgamaynay nidaam dumuqraadi ah, oo aannu ka soo horjeednay rajiim kelitalis ah iyo weliba in aannu ka takhalusno waxa loogu yeedho hoggaan haybad leh ama dheh hoggaan guulwadayn ku dhisan. Talisku wuxuu ummadda ku sanduleeyay fikrado qalaad, sidaa awgeed sinaba uma aannu damacsanayn in aannu dib u qaadno waddadii cabsida iyo cabudhinta lahayd. Dhammaan go'aamada masiiriga ah, marka laga bilaabo hoggaanka sare ilaa kuwa hoose, iyo xubnihii debeddaba waxa lagu meelmarin jiray xeerar dumuqraadi ah iyo aqlabiyadda codka. Sidaa awgeed, ururkayagu wuxuu noqday mid daah furan, oo dhismihiisa cid walbaa ka qayb qaadan karto. Bal suurayso xaaladdaa, haddii urur wadata aydoolojiyad gaar ah, oo gacan kulul wax ku wadaa uu xukunka Somaliland la wareegi lahaa 1991-kii? Natiijadu waxay ku soo ururi lahayd laba xaaladood: In ay SNM la soo banbaxdo xukunno kelitalisnimo ah ama haddii ay taasi shaqayn waydo in galo qalalaase iyo fawdo sidii Koonfurta (Soomaaliya) ka dhacday.Waan ku faraxsanahay in aan xuso arrintaa in aannu si fiican u garanaynay.
Qodobka kale ee aan doonayo in aan hoosta ka xariiqo, waa doorkii siyaasadeed ee Guurtida. Doodaha qaarkood ee mawduucan ku aaddani, waxay xoogga saarayaan in Guurtidu si lamafilaan ah u soo ifbaxday 1992-kii, ama fagaaraha timid ka dib markii lagu qaylo dhaamiyay in ay SNM xukunkii ku fashilantay. Marka laga yimaaddo doodda ah in muddo laba sano ahi ay ku filan tahay in xukunku tanaado ama fashilmo, aan idin siiyo xasuusin muhiim ah oo dhanka taariikhda ah. Doorkii siyaasadeed ee Guurtidu wuxuu ahaa mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu midhadhalka badnaa ee ay SNM ku dhiirrato. Bilowgii halganka waxa taagnaa su’aalo masiiri ah. Kow, Sidee arrimaha qabyaaladda iyo qaran’dhiska loo kala saari karaa mustaqbalka? Laba, sidee dimuqraadiyadda loo gaadhsiin karaa mujtamaca, halkii ay ku koobnaan lahayd golayaasha iyo u dhaqdhaqaaqayaasha SNM oo keliya? Dhammaanteen waxaynu xasuusananaa waagii halganka madaxbannaanida lagula jiray xukunkii gumaystaha in hiddaheeni (oo markaas shaambad looga dhigay qabyaalad), meesha laga saaray, loona arkay dibusocod iyo wax duugoobay oo aan la jaanqaadi karin qaabdhismeedka, shuruucda, iyo caadooyinka daruuriga u ah dhismaha qaran carsi ah.
Sidee dhaqan ilaa dura soo taxnaa loo xoori karaa, iyada oo aan la hayn beddelkiisa ama nidaam kale oo kaalintiisa buuxin kara? Su’aashaa la isma waydiin haddii xataa la fahansanaa! Sidaa darteed, nidaam siyaaseed iyo mid sharciyeed oo dool ah ayaa dusha lagaga keenay dhaqankii iyo caadooyinkii hore ee ay ummadda ku dhaadan jirtay ee ka turjumayay hiddahooda, aamminaadooda iyo qaayasoorkooda. Taasi wixii ay dhashay dhammaanteen waynu ka dheregsanahay, oo bulsho labawejiile ah baa laga taransaday—markii dambena waa tii kelitaliyihii Siyaad Barre soo saartay. Si looga baaqsado in ay masiibadaasi mar kale soo laabato, waxa lamahuraan noqotay in la isku dhafo nidaamka casriga iyo ka dhaqanka. Taas oo ay macnaheedu tahay in laga faa’iidaysto dhinacyada qumman ee hiddaha iyo dhaqanka, isla markaana lagu dabaqo nidaamka cusub. Si loo yareeyo dhinacyada taban ee hidduhu waa halgan joogto ah oo u yaalla jiil kasta. Sidaa awgeed, waxa qasab noqotay SNM oo ahayd urur ku taagan haygal siyaasadeed casri ah iyo in odhaydhaqameedkii la mideeyo, waayo iskaashiga labada dhinac wuxuu markii horeba ka jiray furimihii dagaalka. Isku daygii ugu horreeyay ee la rabay in Guurtida lagu aasaasaa wuxuu ahaa 1983-kii, kii ku xigayna wuxuu ahaa 1985-kii (ka dambe aniga ayaa shir guddoominayay), balse ma aysan noqon kuwo sii waara. Sababta ugu weyn ee taa keentayna waxay ahayd madaxdhaqameedkii saamaynta lahaa oo dalka ku hadhay iyo annaga oo marti ku ahayn Itoobiya.
Goddalooladaa waxa la gufeeyay 1988-kii, kolkii ay badi bulshadii ku dhaqnayd Hargeysa, Burco iyo Berbera ay xadka soo tallaabeen iyaga oo qaxoonti ah. Tani waxay timid ka dib markii taliskii uu dagaalku ka dhex oognaa xoogaggii SNM uu dhulka la simay magaalooyinkoodi. Sannadkaa, odaydhaqameedka bulshadii halganka taabacsanayd waxay shir ku qabsadeen tuulada Caydaroosh, halkaas oo ay si madaxbannaan isugu abaabuleen qaabka ay ilaa hadda Guurtidu u dhisan tahay. Laga bilaabo maalintaa, xubnaha Guurtidu waxay ka qayb geli jireen, oo ay korjoogtayn jireen shirarka Golaha Dhexe ee SNM. Sidoo kale, SNM iyana shirarkooda ayay ka qayb geli jirtay. Sidaa ayuu ku bilaabmay xidhiidkii wadajirka iyo iskaashiga ku dhisnaa ee ka dhexeeyay labada garab ee halganku: Garabka casriga ah iyo ka dhaqanka. Ugu dambayn, shir weynihii SNM ee sannadkii 1990-kii, waxa si rasmi ah loo shaaciyay in ay Guurtidu ka mid tahay hay’adaha dastuuriga ah ee ururka. Taasi waxay gundhig u noqotay baarlamaanka labada aqal ka kooban ee aynnu maanta leenahay.
Laakiin taariikhdu waa raad abeeso. Runtii, xorriyad la soo noqoshadii ka dib, sidii loo hirgeliyay aragtidaa, waxay qaadday waddo xoogaa ka weecsan tii la filayay. Garabkii dhaqanka ayaa muquuniyay kii casriga ahaa. Tani waxay u muuqataa arrin la fahmi karo marka loo eego: nidaamka casriga oo markaas uun socodbarad ahaa iyo odaydhaqameedka oo khibrad guun ah u lahaa sida loo xalliyo khilaafaadka iyo sida loo dabiibo utumaha aasan ee kala gaadha bulsho uu dagaal sokeeye kala irdheeyay. Saddex iyo toban sano ka hor waxaan ku dooday haddii ay taladu dhanka dhaqanka u ciirto, laakiin ay arrintaasi horseedayso in khilaafaadka si nabad ah loo xalliyo in aanay wax mushkilad ahi ku jirin. Sidoo kale, waxaan hillaadiyay ku tiirsanaanta hoggaan dhaqameedku in uu yahay dhiigjoojin, balse annu marnaba booskiisa buuxin karin doorka siyaasadeed ee casriga ah. Sidaa darteed labada nidaam, in ka casriga ahi uu dib u soo fufi doono marka waqtigiisa la gaadho. Middaasi waa ta aynnu ku soo gaadhnay meesha aynnu maanta taaganahay. Iilkii waynnu ka soo baxnay, balse weli duurkii kama aynaan dhammaan. Sidaa awgeed, tani waa fursad kale oo lagu midabaynayo aragtida hagi doonta tallaabooyinka aynnu mustaqbalka qaadi doonno.
Aan dhayda ka caddeeyo in aanay ugub ahayn qoddobada socdaa, waayo waxay ka turjumayaan himilooyinkeenna. Qoddobadan soo socda meelo badan oo ka mid ah, dad badani dubur bay hawd kala xuleen. Se waa muhiim in dib loo xuso iyaga oo koobaan, maaddaama oo aynnu maanta meel fiican joogno. In aynnu cagta saarnay waddadii aynnu ku dhisi lahayn bulsho dimuqraadi ah waa arrin aynnu isku wada waafaqsanahay. Balse maxaynu taa uga golleenahay? Aan marka hore bayaamiyo dhawr qodob oo gogoldhig ah. Maanta waxa aad shaacsane u noqotay in dimuqraadiyadda laga dhigo sidii ilbaxnimo uu reer galbeedku leeyahay, oo inta tabtaa loo faafiyo ummadda looga dhaadhiciyo. Sidaa darteed, qaarkeen baa diida dimuqraadiyadda, oo sidaa midho gunti ku jira kuwo geed saaran u daadiya. Taa beddelkeeda, dimuqraadiyaddu waa tijaabo uu bini’aadanku hindisay, waxayna ka dhalataa xaaladda nololeed ee dadka. Walow oo nidaamyada iyo dhacdooyinku kala duwanaan karaan marka la tixgeliyo waqtiga iyo goobta, haddana nuxurkeeda dhabta ahi wuxuu  had iyo goor tilmaamaa baahida loo qabo caddaaladda iyo go’aan qaadashada. Waxaynu ka dheregsanahay sida ay dabeecadda dimuqraadiyaddu salka ugu ahayd nolosheennii reer miyiga. Sidoo kale, waa dhaqan ay inala wadaagaan Afrikaanka raacatado-beeralayda ahi.
Waa waajib maanka in aynnu ku haynaa waayaha kelitaliye wax is biday, oo inta uu cid gaar ah isku xeeray awooddii oo dhan isku koobay in ay tahay midhihii gumaysiga ka dib. Hoggaaamiyaha Afrikaanka ahi haddii uu iska indha tiro talada xeerbeegtida reerka, waa hubaal in ay hawshu isaga oo qudha ku keliyaysan doonto. Waxa kale oo jirta aragti ah in islaamka iyo dimuqraadiyadda loo dhigo sidii laba shay oo isku lid ah. Muslin ahaan dimuqraadiyadda si fiican baynu u naqaan. Waxaynu naqaan dardargelinta caddaaladda (Al-caddaala) iyo wadatashigu (Shuura) in ay yihiin tiirar muhiim ah oo ay diinta islaamku ku taagan tahay. Aynnu xasuusteena wax yar dib ugu celino siiradii rasuulka (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee), xilli muslimiintu jabeen, nebiga qudhiisuna dhaawacmay. Waxay ahayd xilli uu jiray meehanow, jaahwareer iyo niyadjab. Dabadeed, aayaddan quraanka ah baa soo degtay.
“Waxaad ugu dhibirsanaantay naxariista Eebbe darteed ee haddii aad ahaan lahayd mid qallafsan oo qalbi adag hareerahaaga way ka kala huleeli lahaayeen ee u dhaaf oo iska cafi; ummuurahana kala tasho, kolkaad go’aan gaadhona Eebbe talo saaro, kuwa talo saarta ayuu Eebbe jecel yahaye.” (Al-Cimraan, aayadda 159)
Haddaba, halkan waxa ku urursan waxyaabaha aasaaska u ah xukunka dimuqraadiyadda: Dulqaad, gacanfurnaan, wadahadal, iyo in lagu taagnaado wixii la isla qaato kolka wadahadalku soo idlaado, iyada oo loo raacayo sharciga. Si qoddobadan loo dhaqangeliyo waxa lagama maarmaan ah 'Ijtihaad' oo macnihiisu yahay in la sameeyo cilmibaadhis iyo tijaabooyin iyada oo loo eegayo waqtiga iyo goobta. Iminka shaqada kowaad ee taallaa waa in guulaha lagu mintido, dabadeed inta qaladaadka la saxo dibna aan la eegin. Aragtida xeesha fogi waa in la ogsoonaado nidaamkeena dimuqraadiga ahi in uu ku taagan yahay saddex qodob oo isku sidkan: Dhaqanka Soomaalida, caqiidada Islaamka iyo shuruudaha dawlad casri ah. Haddii 1993-kii kefeddu u ciirtay dhinaca dhaqanka, waa in aynu iminka ka fogaannaa in ay dhinaca kale u dheellido, oo aynaan gebi ahaanba ka tegin doorka madaxdhaqameedka. Kharashka badan ee ka dhasha go'aannada isgedgeddiya waxa lagaga baaqsan karaa fiiro dheeri. Waa sababta, haddii Guurtida lagu soo xusho codbixin dadweyne, ay u noqonayso tallaabo dib u gurasho. Kolkaa Guurtidu ma sii ahaan doonto Guurti, balse waxay noqon doontaa aqal la mid ah ka Golaha wakiillada.
Su'aasha ugu weyn ee iminka aloosani waa sidee baa loo fulin karaa shuruudda dastuuriga ah ee ah in la doorto Guurtida, iyada oo haddana la dhawrayo wixii ay u taagnaayeen oo ah metelaadda hoggaanka dhaqanka? Middani ma aha arrin xalkeedu yahay in Guurtida iminka jirtaa is cimaamaddo ama ay jaangoyso sii waariddeeda. Tani waxay noqonaysaa caddaaladdaro ba’an. Sidii dhaqanku ahaa waa in arrintan lagu xalliyaa dood iyo tanaasul, ka dibna la soo saaro xeer khaas ah sidii uu dastuurku qabay. Hase yeeshee, xallinta arrintani kama dhigna in jidkii aynu haynay ee geeddisocodka dimuqraadiyaddu sidaas ku dhammaystiran yahay. Dimuqraadiyadda macnaheedu ma aha in la doorto goleyaal ama ashkhaas ina xukuma sannado tiro badan. Haddii ay middani dhacdo keliya wuxuu noqonaya qalfoof qaawan, oo u baahan in aynnu huga ku qabano, oo ka shaqaysiino. Si dimuqraadiyaddeenu u noqoto mid waarta oo horseedda horumar iyo xorriyad, waa in ay sidoo kale noqotaa mid dadku ka qayb qaataan oo daah furan.
Si taa loo xaqiiqijo, marka laga yimaaddo garsoorka iyo warbaahinta oo ay tahay in noqdaan qaar madaxbannaan, waa in la helaa maamul daadajin baahsan, dimuqraadiyad asxaabta siyaasadda dhexdooda ah, hay’ado farsamo, iyo ururo aan dawli ahayn oo maxalli ah. Aynnu mid mid isu dul taagno qaar qodobadan ka mid ah. Marka go’aannada waaweyn ee masiiriga ah lagu soo koobo madaxtooyada ama caasimadda oo keliya, waxay horseedda horumar aan isu dheellitirnayn. Middani waa dhibaato weyn oo haysata waddama soo koraya, ama waddamada dunida saddexaad. Waxaynu bilowgiiba aragnay in uu dheelligaasu ku yimid Soomaalilaan, oo ay Hargeysa dalka intiisa kale oo dhan nolol dhaanto. Tani ma aha arrin ay qalad ku leeyihiin dadka reer Hargeysa, ama go’aan ulakac ah oo ay xukumadda dhexe Hargeysa ku jamatay. Horumar la’aanta gobollada hagaasisay waa arrin nidaamku sababay, oo u baahan in in nidaam ahaan loo saxo. Waa ceeb haddii aynnu dib ugu rogaalcelino waxyaabihii aynnu hore uga soo dagaallanay.
Macnaha dhabta ah ee maamul daadajintu waa mid cad: Waa in awoodda, go’aannada, iyo khayraadka la gaadhsiiyaa gobollada iyo degmooyinka. Dhammaan dadka haya xilalka masuuliyaduhu ka dhalanayaan, marka laga reebo shaqaalaha rayidka ah waa in la doortaa. Derajooyinka la siinayo gobollada iyo degmooyinka, iyo sidoo kale xidhiidhka ay la yeelanayaan xarunta dhexe waa in si tafaasiil leh loogu qeexa sharciga ka dib marka laga doodo. Waxaynu hore u qaadnay tallaabooyin wanaagsan oo jahadan ah, kuwaas oo iminka u baahan in si aad u nidaamsan loo dhammaystiro. Xisbiyada siyaasadeed, intii ay doonaanba tiradoodu ha noqotee, waa in iyaga qudhoodu noqdaan kuwo daahfuran, oo dimuqraaddi ah. Inkasta oo xisbi kastaa xaq u leeyahay in uu yeesho xeerarkiisa, qawaaniintiisa iyo halbeegyadiisa anshax marinta, haddana waxa jira arrimo guud oo u baahan in sharcigu qeexo. Waxa ka mid ah xuquuqda xubnaha, kalka doorashooyinka ee heer kasta, iyo xeerarka lagu maamulayo doorashooyinkaas, xidhiidhka kala dhexeeya dawladda dhexe, ururada maxalliga ah iyo habraacyada qaanuuniga ah ee la raacayo marka khilaaf yimaaddo.
Heerka dimuqraadiyadda xisbigu waa aasaaska ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda qaranka guud ahaan .Haddii xubnaha xisbigu aanay awood u lahayn inay hoggaankooda (heer kasta) u doortaan si xor ah oo dimuqraadi ah, kolkaa doorashooyinka heerka qaran laftoodu waxay noqonayaan kuwo aan waxba ka jirin ama fagaare lagu loolamo uun. Arrintani waa masuuliyad saaran dhammaan xubnaha firfircoon ee xisbiyada, gaar ahaan hoggaamiyayaasha. Xisbi kasta oo horseed u noqda hirgelinta nidaamka (maaddama oo aynnu dhammaanteen ognahay in ay tahay wax inagu cusub), kuma guulaysan doono oo keliya in gacanta ku dhigo kalsoonida shicibka, balse sidoo kale wuxuu dhisan doonaa awooddiisa maamul’wanaag ee mustabalka. Waxa jira arrimo kale oo badan oo isku lammaan, oo muhiim u ah waaritaanka bulsho dimuqraaddi ah, oo diinta islaamka waafaqsan. Waxa ka mid ah doorka ururada dhaqaalaha, mihnadlayaasha, hay’adaha kale ee madaxbannaan, akhlaaqda iyo tacliinta.
Arrimo kale oo tiro badan iyo weli xidhiidhka shisheeyaha halkan kama aynaan doodin. Waayo, waqtigu inooma saamaxayo. Waxaan rejaynayaa in ay dad kale ka hadli doonaan. Anigu waxaan si gaar ah diiradda u saarayay geeddisocodka dimuqraadiyadda gudaha uun. Way caddahay in aynnu waajahayno xilli xaasaasi ah. Waxaynu samaynay horumar fiican, walow ay jireen caqabado iyo dib-u-dhacyo waaya’aragnimo badan inoogu filan. Balse weli jid dheer baa ina sugaya, oo hawlo badan baa u baahan in aynnu wax ka qabanno. Waxaan isku dayay in aan farta ku fiiqo qaar hawlahan ka mid ah aniga oo texgelinaya taariikhdeenna, dhaqankeenna iyo caqiidadeenna. Waanwaanta, nabadda, iyo xasillonidu way ina hodi doonaan haddaan si joogta dhidibka loogu aasin si ay u noqdaan kuwo waara. Middani way adkaan doontaa haddii aynnu tahli wayno in aan waddanka u horseedno maamul’wanaag iyo horumar. Waxaan kalsooni ku qabaa in aynnu samir, dulqaad iyo iskaashi guul ku xaqiijin karno. Waynu haysannaa fursaddii aan ku guulaysan lahayn. Balse haddii ay dhacdo, Ilaahay kama dhigee, oo aynnu guuldarraysanno, waxay masuuliyaddu dumaddooda fuuli doonta, oo culeysku ku dhici doonaa jiilasha mustabalka, waayo halganka noloshu waa joogto. Balse waxaad xasuusnaataa, in ay taarikhdu si xun inoo xukumi doonto, oo ay garcawaawe inagu qaadi doonto.
Dalka Cambodia intii u dhexaysay 1970–1975 waxaa ka dhacay isbeddel. Sannadkii 1970-kii ayaa janaraal lagu magacaabo Lon Nol  inqilaabay talada dalka. Waxa uu afgenbiyay dawladdii uu hoggaaminayay Norodom Sihanouk oo markaa dalka debeddiisa ku maqnaa. Sidaa awgeed, dalka Cambodia waxa ka dhalatay Jamhuuriyad cusub oo lagu magacaabo Jamhuuridda Khmer (Khmer Republic) oo ka arrimisay intii u dhexaysay 1970 ilaa 1975. Jamhuuriyadda Khmer waxay saaxiib dhow la lahayd Maraykanka; waxayna dagaal kula jirtay kooxii Shuuciga ahaa ee ka dhex dagaallamayay gudaha Cambodia iyo dalka ay deriska yihiin ee Vietnam. Janaraal Lon Nol, waxa uu taageero milateri iyo mid dhaqaaleba ka heli xiray dalka Maraykanka si uu uga hor tago in  nidaamka shuucigu isku fidiyo Koonfurta bari ee Aasiya.
Dawladda uu hoggaaminayay Lon Nol waxay la daalaadhacaysay musuqmaasuq baahsan oo gudaha ah iyo jabhadda la magac baxday Khmer Rouge oo iyana gudaha kaga dillaacday. Ugu dambayn, kolkii uu Maraykanku ciidamadiisa gobolka kala baxay Jamhuuriyaddii Khmer way daciiftay. Dalkii waxa la wareegtay jabhadda Khmer Rouge. Sannadkii 1975-kii, toddoba cisho ka hor intii aanay jabhaddu magaalada toos ula wareegin Lon Nol wuxuu u cararay dhanka Indonesia, ka dibna Maraykanka ayuu uga gudbay oo uu saldhigtay. Jabhadda dalka qabsatay ee Khmer Rouge waxa hoggaaminayay nin Pol Pot lagu magacaabo. Pol Pot waxa uu ahaa kelitaliye mannaxaan ah oo gacan kulul ku qabtay talada dalka Cambodia intii u dhexaysay 1975 ilaa 1979. Waxa lagu xasuustaa taariikh xun. Malaayiin qof oo reer Cambodia ah ayuu waxna xansuuqay oo dhegta dhiigga u daray, waxna barakiciyay, waxna qasab ku askareeyay, waxna ku shaqaystay oo beeraha ku qotay. Waxa lagu xasuusta in uu ka mid ahaa shaksiyaddii qarnigii 20-aad gaystay xansuuqyadii abid ugu ba'naa.
Pol Pot, wuxuu dhashay sannadkii 1925-kii, wuxuuna ka dhashay qoys beeralay ah oo nolol ahaan ladan. Waxa uu waxbarasho u aaday magaalada Baariis ee dalka Faransiiska, halkaas oo uu ka soo qalinjiitay aragtida Shuuciga. Markii uu dalka ku soo laabtay wuxuu bilaabay kacdoon lagaga soo horjeedo dawladdii rayidka ahayd ee dalka xukumaysay, wuxuuna aasaasay jabhadda Khmer Rouge. 17 abril, 1975 ayuu dalka xoog ku qabsaday oo inta uu dastuurkii laalaay nolosha dadka reer Cambodia eber ka soo bilaabay. Haddaba, gamadh lagu magacaabo Loung Ung, ayaa xaaladdaa buug xasuusqor ah oo ay ciwaan uga dhigtay: “First They Killed My Father:  A daughter Of Cambodia Remembers” oo aynnu ku Soomaaliyayn karno "Aabbahay bay judhiiba dhigta dhiigga u dareen: Xusuusaha Bilista Reer Kaambodhiya  " ka qortay. Loung, waxay ka dhalatay qoys xubno ballaadhan oo ka kooban aabbe, hooyo iyo carruur ay toddoba ku ahayd. Waxay degganaayeen caasimadda dalka Cambodia ee Phnom Penh. Intii aanay jabhaddu dalka qabsan waxay ku noolaayeen nolol milgo leh, oo heerkeedu sarreeyo. Aabbaheed, wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan dawladdii rayidka ahayd ee ay talada jabhaddu ka faramaroojisay. Loung carruurta walaalaheed ah gabadh uun baa hoos uga yarayd inta kalena way ka waynaayeen.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Loung, waxay ahayd shan jir kolkii ay jabhaddii maafiyada ahayd ee u hoggaaminayay Pol Pot magaalada ka barakiciyeen. Jabhaddu waxay la wareegtay caasimmadda, kumanaan iyo kumanaan reer Cambodia ah oo ku jiro qoyska Loung na way barakiciyeen. Caasimadda oo qudha lama ay wareegin e, talada dalka oo dhan bay gacanta ku dhigeen. Waxay dadka ku sanduleeyeen in ay magaalada qasab kaga baxaan oo tuulooyinka aadaan si ay waxna u laayaan, waxna ugu shaqaystaan oo beeraha ku qotaan, waxna u askareeyaan. Bishii abril 1975-kii, caasimadda Phnom Penh ee dalka Cambodia waxa ka dhacay barakicintii abid ugu xumayd. Ma uusan ahayn barakac dan keentay ah, balse wuxuu ahaa barakac ulakac ah oo ay askartii khmer Rouge dadku sanka kaga toleen. Markii ay askarku magaalada soo gashay dadku waxay moodayeen in dagaalladii sokeeye dhammaadeen oo la nabday. Dad badan ayaana caleemo qoyan u lulay, oo soo dhoweeyay. Balse nasiibdarro, soo dhoweyntoodii waxa loogu beddelay dhagar, oo way eedeen.
Jabhaddu amaba dheh askartu markii ay  soo galeen magaalada, dadka been cad ayay u sheegeen. Waxay dadka u sheegeen in Maraykanku magaalada duqayn doono, sidaa laajigeedna qof kasta waxay ku amreen in uu magaalada ka baxo, oo uu muddo saddex cisho ah ka maqnaado. Waxay u sheegeen saddexdaa cisho ka dib in qof kastaa gurigiisa ku soo noqon doono. Waxay amar ku siiyeen in aysan cunto badan qaadan. Waayo, maaddaama oo ay dadku guryahooda saddex cisho ka dib ku soo laaban doonaan waxba sahay badan ugama baahna. Xaqiiqadu se taa aad ayay uga fogayd. Xaqiiqadu waxay ahayd in waxna la laayo, waxna la kufsado, waxna la gaajaysiiyo, waxna beeraha lagu qoto, waxna la dulleeyo, waxna la caydheeyo, caruurtana la askareeyo oo maanka laga beddelo. Sidii ayaana dhacday. Haddaba, qoyska Loung dadka ayay taa kala sinnaayeen. Balse maaddaama oo Loung abaheed ahaa sarkaal dawladii hore la soo shaqeeyay dhibta jirta waxay ahayd in arrintaa jabhaddu ogaato, oo kiis gaar ah lagu qaado. Waayo, cid kasta oo dawladdii hore la soo shaqaysay ama looga shakiyo in ay la soo shaqaysay birtaa laga aslayay. Sidaa awgeed, Loung abbaheed wuxuu ka cabsi qabay in la ogaado. Si aanu ugu yaraan u aanoobin wuxuu sheegtay beeralay dabaqadda hoose ah. lbidhiqsi kastana wuxuu werwer ka qabay suurugalnimada lagu ogaan karo.
Sidoo kale, wuxuu ka warqabay haddii ay ogaadaan in aanay isaga uun dilayn ee xataa qoyskiisu u aanoobayo, oo aan loo aabbayeelayn. Inta uu naftiisa u baqayay waxa ka badnayd inta uu ta qoyskiisa u baqayay. Wuxuu qoyskiisa kula dardaarmay in aanu qofna noloshoodii hore soo hadal qaadin. Tusaale ahaan, Loung oo shan jir ahayd wuxuu ku amray in aysan marnaba soo hadal qaadin wax kasta oo noloshoodii hore khuseeya oo ay ka mid yihiin; Iskuul ay dhigan jirtay iyo derejada ama mansabka abbaheed. Markii ay magaalada ka baxaan waxay jidka kala kulmayaan bayhoof iyo qaasaawalan oo dhan. Gaadhigii ay magalaada kaga baxeen ayaa jidka kaga xumaanaya, dabadeed way lugaynayaan. Loung, waxay aad uga sheekaynaysaa kadeedkii ay jidka ka muteen. Marka laga yimaaddo daalkii iyo dihaalkii ay socdaalka dheer kala kulmeen, waxay ka sheekanaysaa waxyaabihii ay indhaheeda ku aragtay oo ka mid ahaayeen: Dad jidka lagu laynayo, waayeel laga tegayo iyo dhallaan caalwaaga oohin ku cabbiraya. Waxay aad ugu tiiqtiiqsanaysaa arxandarradii askarta. Waxay ka warramaysaa sida ay uga aradnaayeen iinsaaniyadda iyo anshaxa suubban. Qofka istaaga ama gaabiya qori caaradii ayay ku kaxaynayeen. Sidoo kale, dad badan ayay jidka ku dileen. Dadka waxay ula dhaqmeen tabta xoolaha.
Qoyska Loung, kolkii ay toddobo cisho oo aan nasasho lahayn ay lugaynayeen; ugu dambayn waxay gaadheen tuulo yar lagu magacaabo Krang Truong, oo uu adeerkeed degganaa. Halkaa ayay ku noolaayeen. Waxay ku noolaayeen nolol cidhiidhi ah. Waxa lagu qasbay in ay beeraha ka shaqeeyaan, oo aanay maalin keliya nasan. Askartii Khmer Rouge, waxay khadka ka saareen maalmihii fasaxa sida ciidaha iyo axadaha. Sidoo kale, dadka waxay u kala saareen dabaqado; oo tusaale ahaan dadka tuulada hore u degganaa (Base People) way ka faddilnaayeen dadka cusub (New People) ee la soo barakiciyay. Kuwa hore waxay la shaqayn jireen askarta oo way nolol dhaameen kuwa dambe. Bilmatel, haydhka tuulado wuxuu ka tirsanaa Base People-ka, oo askarta ayuu hawlaha la kala socodsiin jiray, oo u idmanaa.
Loung, waxay aad u qaadadhigaysaa dayacii iyo darxumadii meeshaa ka jirtay. Wax kastaa way is beddeleen. Askartu shacabka wax kasta oo nololi ka suuragasho way ka dheerayeen. Tabta xeryihii macaluusha ee Naasigii Jarmarka ayay dadku safaf dhaadheer galaan, oo gaawaytada loo daraa wax cunto ku sheeg ah, oo aan hagaagsanayn. Khmer Rouge, dabcigooda xun waxaa ka mid ahaa in dadka marba tuulo ama kaam u raraan oo aysan saldhigan tabta Naasigii Jarmalka. Sidaa awgeed, qoyska Loung waa laga raray tuuladii Krang Truong, oo waxaa loo raray mid kale oo lagu magacaabo Anlungthmor oo eerigo’an ah. Meeshaa (tuulada cusub), waxay kala kulmeen dhibaato tii hore bara dhaafisay. Gadoomin, gaajo, gabboodfal, cudduro iyo jirrooyin nafsadeedba way ka dhaxleen. Sida ay Loung marar badan ku soo celcelinayso xataa xansharaadka yaryar in ay cunaan bay naftu u gaysay. Sidii caadada ahayd, Khmer Rouge qoyskii Loung mar kale waxay u daabbuleen tuulo kale oo lagu magacaabo Ro Leap. Waa halkan meesha uu hoogga dhabta ahi ka bilaabmayo.
Dhammaan xubnaha qoysku waxay waajahayaan dhibaatooyin kala dardaran. Aabbe kastaa waa masuulka iyo ilaaliyaha qoyskiisa, oo wax kasta oo ay naftiisu ka mid tahay wuu u huraa badbaadadooda. Sidaa awgeed, cutubkan Loung Ung waxay kaga sheekaynaysaa, oo ay weliba aad ugu dheeranaysaa sidii uu aabbaheed nafta u dul dhigay. In ay naftiisu badbaaddo wuxuu ka jeclaa badbaadada ta qoyskiisa. Haddaba, si aynnu isula fahanno nafhurnimadiisii, aynnu milicsanno mid ka mid ah dhaqannadii karaahiyada ku midaysnaa ee Khmer Rouge. Tusaale ahaan, dhaqannadii foosha xumaa ee ay Khmer Rouge caanka ku ahaayeen waxaa ka mid ahaa in dadka inta xoogga ah siiba dhallinyarada loo diro Kaamamka shaqalaaha (Labour Camps) oo ahaa kaamam dadka lagu dulleeyo, oo lagu adeegto tabtii Naasigii Jarmalka. Loung, waxay soo tebinaysaa intii ay ku sugnaayeen Ro Leap in aabbaheed khatartaa dareemay, oo uu u baqday wiilkiisa curadxigeenka ah (Khouy). Khouy wuxuu ahaa wiil jismi weyn, xoog furan oo dabeecad ahaan bir finiin ka hadhay ah. Dadka caynkaas ahna way jeclaayeen askartu oo waxay u diri jireen Kaamamka Shaqaalaha. Si uu taa ugu yaraan uga nabadgalo, aabbuhu waa uu u guuriyay Khouy. Wuxuu u guuriyay inan dhallinyaro ah oo hablihii tuulada ka mid ahayd. Wuxuu ku rejo weynaa guurku ugu yaraan in uu marmarsiinyo u noqdo, oo khatarkaa kaga nabadgalo. Waxaa laga yabaa in aad is waydiiso sababta uu aabbuhu ugu guurin waayey Meng ee uu ugu guuriyay Khouy, illeen labadooda da’ahaan Meng baa weynaaye! Si fudud, ha kala da’ waynaadeen, balse indhaha askartu dabeecad ahaan waxay qabanayeen Khouy.
Mar walba waxaad niyadda ku haysaa halaagga qoyska iyo kala furfurankiisu in uu ka bilowday Ro Leap. Ugu horrayn, Khmer Rouge, waxay xeradii ama Kaamkii Shaqaalaha u direen Meng, Khouy iyo xaaskiisa, iyo Keav oo hablaha ugu roonayd. Nasiibdarro, Khouy guurkii kama badbaadin khatartii! Kaamka Shaqaaluhu wuxuu ku yaallay meel ilaa soddon kiilomitir u jirta Ro Leap. Meng iyo Khouy waxa la geeyay qaybta wiilasha, halka Keav iyo xaaskii Khouy na la geeyay qayb hablaha ah. Balse cidi isma aragto oo qof kasta waa lagu shaqaystaa oo tiisa ayaa cuslaysay. Qoyska intiisa kale, waxay ku hadhayaan Ro Leap. Intii ay halkaa ku sugnaayeen, masiibooyinkii ugu ba’anaa ee ay waajahaan wuxuu ahaa in galab la la baxo tiirkii qoyska (aabbihi qoyska), oo ay waaxi dunto. Galab ayay askartu u yimaaddeen qoyska, oo amar ku bixiyeen in uu raaco. Waxaynu nidhi dabcigii xumaa ee Khmer Rouge beenta ayaa ka mid ahayd. Sidaa laajigeed, qoyska been ayay u sheegeen oo waxay ku dhaheen: Gaadhi ayuu dhiidhi nagala saarayaa, oo wuu idiin soo noqonayaa! Balse indhihii baa loo lahaa! Way iska caddayd oo cidna dhagartooda caad kama saarayn. Sidaa awgeed, nin weyn wedkii waa yaqaanaaye, wuxuu askartii ka codsaday in uu qoyskiisa la hadlo. Waa ay ka yeeleen. Dabadeed, wadar iyo waaxidba wuu ula dardaarmay. Indhahooda oo shan ah ayuu sidaa ku sagootay. Qoyskii waxa soo foodsaaray niyadjab, werwer iyo burbur nafsadeed oo aad u baaxad weyn. Hooyada qoysku iyado oo og in aanu soo noqonayn ayay haddana maalin kasta debedda fadhiisataa, oo indhuhu ku daalaan dhankii loola kacay. Wax kasta waxa kaga darnaa su’aalaha dhallaanka. Maalintii Alle soo godoba, waxay waydiyaan: “Hooyo aabbe miyaanu imanayn?” Iyada oo og in aanu imanayn, oo illini indhaheeda ku taagan tahay ayay ku samirsiisaa; “Wuu imanayaa!”
Tuuladii Ro Leap, waxa ku soo hadhay hooyadii qoyska iyo afar carruur ah. Sidaa awgeed, masuuliyaddii qoysku waxay fuushay Kim, oo ahaa wiilka afartooda ugu weynaa. Waxa ka yaraa saddex hablood, oo kala ahaa Khou oo da’ ahaan isaga ku xigtay, Loung (qoraaga buugga) iyo Geak oo guridambaysta xaafadda ahayd. Sidaa awgeed, Kim si qoyskiisu macaluuli u layn, wixii kaleba ha dambeeyaane, geed dheer iyo mid gaaban wuxuu u fuulay sidii uu cunto ugu keeni lahaa. Wuxuu bilaabay in uu cunto u soo xado, oo inta beerta galo xilliga ay dagan tahay eegto. Caqliyadda askartu waxay ahayd beer tacabkaagi ku jiro oo aad wax ka beertay in aadaan waxba ka goosan karin, oo aad ciqaab ka mutaysanayo haddii aad arrintaa ku fekerto. Kim, maalmo badan ayuu arrintaa ku badbaaday, oo uu qoyskiisa gaajo ka samatabixiyay. Balse ugu dambayn, waa lagu qabanayaa. Habeen roob mahiigaan ahi da’ayay buu beertii u dhacay, oo isaga oo guraya askartii ilaalada ahaydi ku qabatay. Dabadeed, si bini’aadantinimada ka baxsan ayay u garaaceen, oo inta ay jidh dileen oo kun tunteen dhiiqadii jiideen, oo tii uu taagoba jebiyeen.
Kolkii uu raagay xaafaddii waa ay werwereen. Iyaga oo quus taagan ayuu goor dambe yimi isaga oo jiitamaya cunto uu keenaa ha joogtee! Haddii aanay nafta dhaafin isaga ayay bili u caano shubatay! Halkaa aynnu ku yare hakanno, oo aynnu milicsano Kaamkii Shaqalaaha iyo xubnihii kale ee qoyska. Marka laga yimaaddo qasabkushaqayntii, dilkii, jidh’jilkii, bahdilkii, cuntaxumadii, nafaqadarradii, iyo hagardaamadii halkaa taallay, waxa kaamka ka dillaacay cudurro saf mar ah. Cudurradaasi, waxay haleeleen Keav oo markii ay muddo dhulyaal ahayd akhirkii u god gashay. Marka laga yimaaddo cudurka Keav sahayday, waxay u geeriyootay dayac iyo daawayn la’aan. Loung, waxay aad uga sheekaynaysaa qaabkii argagaxa lahaa ee ay Keav u geeriyootay. Sidoo kale, murugadii iyo utuntii ay geerideedu kaga tagtay bay ka warramaysaa. Waayo, xubin muhiim ah oo qoyska ka mid ah baa baxday, oo weliba si foolxun u baxday.
Sannadku markii uu ahaa 1977-kii ayay hooyadii qoysku qaadatay go’aan jar iska xoornimo ah. Maaddaama oo uu saygeedu ahaa sarkaal dawladdii hore la soo shaqeeyay carruurteeda ayay u baqatay in iyana la laayo. Sidaa awgeed, marka laga reebo Geak, oo qoyska ugu yarayd saddexdii kale midba jaho ayay u dirtay. Waxay kula dardaaran in uu midba jiho aado oo aanay is sheegan. Taa ka sikowna uu qof kastaa magaciisa iyo abtirsiintiisaba beddelo oo uu sheegto agoon iyo rajo qoys beeralay ah ka soo jeedda. Sidii ayayna yeeleen. Kim, Loung (qoraaga buugga), iyo Khou subax ayay tuuladii (Ro Leap) ka huleen. Markii hore isku jaho ayay afka saareen. Balse markii dambe way kala baydheen. Kim keligii dhinac buu u jihaystay, halha Loung, iyo Chou-na isku jiho u kicitameen, si ay isu weheshadaan. Iyaga oo wada socda ayay yimaaddeen xero lagu magacaabo Preung, halkaas oo ahayd goob carruurta u khaas ah. Muddo markii ay halkaa ku sugnaayeen labadoodiina way sii kala kaxeeyeen.
Maaddama oo Loung ahayd gabadh firfircoon oo xoog furan iyada ayay kaxeeyeen, halka taa beddelkeedana ay xeradii kaga tageen Chou. Loung, waxay geeyeen goob carruurta lagu askareeyo oo la yidhaahdo Kaamka Askaraynta Carruurta (Child Soldier’s Camp), maankana laga ga beddelo, oo maskaxmaydh (Brainwashing) lagu sameeyo. Loung, karahiyadii iyo cunfigii meeshaa yaallay iyo weliba sida uu kaamkaasi u qaabeeyay habfekerkeedii iyo adduun’araggeedii bay aad ugu tiigaalaysaa. Waxay ka sheekaynaysaa in ay ahayd meel carruurta lagu tababaro, oo nacayb lagu beero. Cid kasta oo aragtida askarta lid ku ah cadow ayaa looga dhigay, oo ay ka mid yihiin cududdii Vitneim gulufka kaga soo kicinaysay. Waxay u bixiyeen magacyo quudhsi ah oo kuwii kacaankii Siyaad Barre la cayn ah. Tabta uu kacaankii Siyaad jabhadihii la diriyay iyo cid kasta oo ay uga shakiyaan in ay xidgiidh la leeyihiin ugu yeedhi jiray “Qudhmis” ayay kooxda Khmer Rouge dadkii ka soo horjeeday ugu bixiyeen “Youns” oo ay uga jeedeen eray yasmo ah. Balse sida saxda ah erayga “Youn” waa eray caadi ah oo dadka reer Cambodia u yaqanaanneen dadka Vietnam ka soo jeeda. Waa eray aariikh dheer leh oo asalkiisu ka soo jeeda kelmadda “Inonia” ee Giriigga ah. Haddii aynu taariikhda milicsano “Inonia” waxa la odhan jiray gobol Giriiggii hore maamuli jiray, iminkana xeebaha dalka Turkiga ka mid ah. Dadkii gobolkaa degganaa waxa la odhan jiray “Ionians.” Eraygii baa isdhalanrogay oo afka Beershiyaanka ku noqday “Yauna” afka Hindidana ku noqday “Yavana.” Qarnigii afraad markii uu Alexanderkii Weynaa (Alexander the Great) ku duulay dadkii reer Hindiya, dadkii reer Hindiya waxay bilaabeen in ay eraygan u adeegsadaan dadkii Giriigga ahaa iyo ama dadkii Shisheeye ee waddanka yimid. Kolkaa sida ay u dhigeen macnaha eraygu waxaynu la masayn karnaa erayga Ingiriisida ah ee “Stranger” oo haddii aynnu af Soomaaliyeynona noqonaya Shishiyee, Laaji ama Dool. Taa darteed, eraygu dadka reer Cambodia halkaa ayuu ka soo galay, oo dadka reer Vietnam bay u adeegsadeen.
Bishii Nofeenbar ee Sannadkii 1978-kii, waxa waagu ku baryay xukunkii arxandarrada ku shaacbaxay ee Khmer Rouge. Ciidamada Vietnam oo dagaal kooxdan kula jiray ayaa furimo badan kaga gacan sarreeyay. Waxaa bilaabmay guux iyo cabsi soo foodsaartay kooxdii dhiigyacabka ahayd. Waxay dareemeen Khatar aad u weyn iyo cidhiidhi aanay ka soo waaqsan karin—halka shicibkii dulmiga lagu hayay ay taasi farxadgelisay, oo rejo cusub ku abuurtay. Loung, sida ay xusayso fawdada ayay ka faa’iidaysanaysaa oo xeradii inta ay ka baxsato ayay raacaysaa dadkii barakacayay.  Kolkaa waxay ku biiraysaa qoys ugu yaraan booskii qoyskeeda u beeddela, wax badanna way uga aayaysaa. Sidoo kale, waxay aad uga warramaysaa intii ay qaxayeen ee ay jidka ku sii jireen in ay dhawaaqa rasaasta ee labada dhinac (Khmer Rouge iyo Ciidamadii Viietnam) is qabsatay, dadkiina waxna leeftay, waxna ka badbaadeen.
Gunaanad, sannadkii 1979 markii uu dumay nimaamkii kelitaliska ahaa ee Khmer Rouge ee uu gadhwadeenka ka ahaa Pol Pot, Loung Ung waxay xusaysaa in ay walaalaheed dib ula midowday intii badbaaday. Waxay dib ula midoobaysaa Kim iyo Chou, iyo Khou iyo Meng iyo labooda xaas. Sida aynnu hore u soo xusnay Khmer Rouge hore ayay gacantooda ugu baxeen aabbihii qoyska iyo Keav oo sababtooda aawadeed u geeriyootay. Nasiibdarro, sidoo kale hooyadii qoyska iyo guridambaystii xaafaddu waxay ka mid noqonayaan maalaayiinka reer Cambodia ee kelitalisku dhigta dhiigga u daray. Loung Ung, ugu dambayn, iyada, walaalkeed Meng iyo xaaskiisu waxay galayaan Taylaan, oo halkaa ayay Maraykanka uga sii gudbayaan, halka Kim, Chou, iyo Khouy iyo xaaskiisu dalka ku hadhayaan.
Qalinka iyo waraaqda ayaa isu kaa kor saaran. Haddana, ka mellefan! Waxaad doonaysaa in aad wax qorto. Waxa aad doonayso in aad qorto iyo meel aad wax ka bilowdo toonna garan maysid. Balse wax keliya ayaad ogtahay. Waxaad ogtahay in aad u hammuun qabto, oo aad u oomman tahay waxqorid, bes. Bal haddaba, maxaad samaysaa? Xaggee ayay inkaartu kaa haysataa? Waa maxay waxan oo af garoocnimo ahi? Sidee ayay macquul ku noqotay in aad eray soo rogan waydo? Hadda, waa hal eray! In aad eray soo rogan wayday, wax baa ka horreeyay. Waxaa ka horreeyay in fekerkii qummanaa kaa guuray, oo curintii kaa sabooshay, oo aad dhadhansigii suugaanta is dayseen? Iyada qudheeda, wax baa ka horreeyay! Waxa ka horreeyay in macnihii hal'abuurka togani kuu samayn jiray uu kaa saayidcalleeyay, oo sidii laan daybaylo xoog lihi lulalayaan uu gedgeddoonka waayuhu hadba gebi kaa soo jaray. Wax kasta wax baa ka horreeyay.
Waa baa jirtay aad farta ka xidhnayd, oo aad erayada kala xulan jirtay, oo erayba erayga uu ka hobboon yahay aad dooran jirtay. Waa baa jirtay eray kasta, sadar kasta iyo weedh kasta oo aad qorayso ku raaxaysan jirtay. Waa intii aan lagu helin. Waa baa jirtay mawduuc aad wax ka qorto iyo suugaan aad falkiso aadaan waayi jirin. Waa baa jirtay hodantinimo afeed aad meel iska dhigtay; oo susunka sheekada aad ku ilwaadsan jirtay. Waa intii aadaan saboolin. Haa, waad sabooshay, oo helidda erayga iyo afkiiba waad ka sabooshay. Malaha waa saboolnimo ta u daran. Bal wax kaleba iska daaye, kalsoonidaadii qofeed ee qanjaha ku joogtay meel kaga warran? Bal dhiirranidaadii iyo hadalkaagii dhiifoonaa meel ku sheeg? Bal xiisihii iyo hellanaantaadi is waydii? Kama jawaabi kartid. Maya, in aad jawaabto iyo in kale lur kuguma hayso. Saamayntii uu eraygu kugu yeelan jiray wax ku dhacay ma taqaannid! Erayga san ee niyad-dhiska ah iyo erayga xun ee niyad-dilka ahi way kuu kala soocnaayeen. Waa intii aan lagu helin, ee aadaan saboolin.
Erayga wanaagsani sida dhiig halbowle raacaya ayuu kor iyo kal ku xuli jiray, oo inta uu tin iyo cidhib ku dhammaado ku gilgili jiray, oo kacdoon hor leh ku gelin jiray. Waxtar iyo shidaal aad ku hawl gasho ayuu kuu ahaa. Sareedada aad waayaha kaga gama'do iyo laydh caafimaad ayuu kuu ahaa. Erayga xunina intaa lidkeeda ayuu kuu ahaa. Waad ka xumaan jirtay, oo habeen iska dhan ayuu sida ladhka kuugu soo kici jiray; oo kuu hurdo seejin jirtay. Jewiga ayaa kaa qasmi jiray. Sida dhibbiil dab ah ayuu duunkaaga u xuli jiray; oo uu wadnahaaga u damqi jiray. Wuxuu kuu ahaa nuxuus iyo arami laabtaada jiifta, oo markii ay doonto kugu soo maaxan karta. Maanta ha sheegin! Erayga ugu qaabka daran ee la isku hujuumi karo iyo erayga ugu milgaha sarreeya ee la isku boorrin karo waa isugu kaa mid! Bal haddaba, inkaartu halkee kaa haysataa? Aaway muxibadii iyo kalgacalkii kashaada goglanaan jiray? Aaway naxariistii iyo dadnimadii lagugu majeeran jiray? Aaway geesinimadii lagaaga dayan jiray? Aaway nafhurkii? Aaway kaftankii iyo xasarad abuurkii? Aaway? Aaway? Shayr iyo khayr toonna ma lihid, oo waxaad tahay asalmadooriye. Hadh iyo habeen cudurdaar aan jirin ayaad isu samaysaa.
Horta maxaad rabtay in aad qorto? Kama jawaabi kartid. Haddii aad xitaa jawaab u hesho, waxba ma qori kartid. Dareenkaaga xitaa ma cabbiri kartid ama si loo cabbiro ma taqaanid. Haddaba, qalad miyaanay ahayn waxa qalinka iyo waraaqda isu kaa kor saaray. Waar ninyahow waad addiyadoonaysaa ma is tidhi? Haa, waad gardaran tahay. Bataatanba, in aad wax qorto yaa kuu dirsaday? Maasuuliyaddaa yaa ku saaray? Ma lacag baa lagugu siiyaa? Haa, bilaash ayaad isu caleemasaartay, oo isu wareerinaysaa. Balaayaa qalin iyo waraaq dambe is kor saarta. Awilba wax maad qori jirin oo far shaydaan baad malmalluuqi jirtay. War horta gardaranidaa, shaydaanka maxaad u eedaysaa?! Sow kugu dhaboobi mayso maahmaahdii ahayd: "Sakaaro saalo muuqata ayay aasaastaa!" Bal maxaad fashilkaaga sir iyo caadba u muuqda cid kale dhakada uga saaraysaa?
Marka loo fiirsado ciwaanka mawduuceennu ka duulayo ama daaran yahay ee "Hadraawi iyo Haweenka" qof walbaa waxa uu is waydiin karaa Hadraawi iyo Haweenka waa maxay xidhiidhka ka dhexayaa? Haddaba innaga oo aan meel kale ka doonin jawaabta su'aasha waxa aynu ka soo helaynaa suugaanta Hadraawi oo si sir iyo caadba ah inooga kaafinaysa. Qofka haddii aanay suugaantiisa iyo habdhaqankiisa ama shakhsiyaddiisu is lahayn waa biyo col dhaanshay oo waxa uu noqda qof aanay afkiisa iyo dhegahiisu is maqlayn ama aanay weedhiisa iyo ficilkiisu is lahayn. Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" waxa uu ahaa qof ay weedhiisa iyo abbaartiisa ama ficilkiisu is leeyihiin ama dheh sugaantiisa iyo shakhsiyaddiisu is leeyihiin. Sidaa awgeed aragtida uu Hadraawi haweenka ka haystay waxay ahayd mid shaqsiyaddiisa ama ficilladiisa ka muuqata. Marka hore, Hadraawi haweenka waxa uu u yaqaannay bashar karaamaysan oo aan xumaan geyin—ciddii xumaan la damacdana dhimasho ayuu ka xigay. Taa marka laga yimaaddo waxa uu qabay guusha noloshu in ay haweenka ku xidhan tahay. Bilmetel, waa kii lahaa:
"Dumar iyo haween baa
nolol lagu haweystaa."
Hadraawi haweenku agtiisa waxay ka ahaayeen sokeeye iyo gacal. Sokeeye iyo gacal waxaynu ka wadnaa, haweenka ayaa agtiisa ka ahaa hooyo maamuusan, hablo milgaysan, geyaan sharfan iyo qaar uu doorka waalidnimo uu ugu jiray ama uu u buuxiyay. Dhammaantood, yar iyo weyn suugaantiisa ayuu ku maamuusay oo inta uu ugu hagarbaxay weliba ugu hiiliyay. Meel kale innaga oo aan ka doonin suugaantiisa ayaynu marag gashanaynaa oo aynu tusaalayaal ciiddaa iyo camaarkaa ka badan ka soo helaynaa. Bilmetel, waxa suugaan ama hees hooyo loo tiriyay ta ugu qiimaha badan ayuu Hadraawi leeyahay. Sidoo kale, suugaan inan geyaan ah loo tiriyay ama lagu ammaanay maansada ugu farshaxansan oo lagu magacaabo "Heego-Muuqdheer" ayuu leeyahay. Dhanka kale, suugaan doorkii waalidnimo buuxisay ama inan gashaanti ah ama madaxa la soo kacaysa lagu waaniyay ama wax loogu sheegay ayuu tiriyayay kuwa ugu qiimaha badan. Bilmetel, markiiba waxa aynu xasuusan karnaa labada maanso ee "Indho badan" iyo "Sirta nolosha." Haddii ay noqoto kaalinta hablaha iyo waxtarkoodana waxa aynu xasuusan karnaa maansada "Hablaha geeska" oo aynu odhan karno hablaha Soomaaliyeed ayuu ku maamuusay oo uu doorkooda iyo kartidooda ku qiray. Waxa kale oo jirta mar uu booska hooyada is dhigayo ama kaalinteeda metelayo—waxaana tusaale fiican inoo ah maansada "Anuun baa hooyadaa ah."
1. Doorka hooyada
Hadraawi, ilaa heerka uu hooyada waynayay ama maamuusay meerisyadan hoose ayaa innagaga filan. Waxa uu xusayaa hooyo la'aanteed in ay dunidu mugdi noqon lahayd oo aysan habeen ka baxdeen. Adduun bilaa hooyo ahna waxa uu ku tilmaamayaa duni bilaa iftiin ah oo gabbal baas u dumay.
"Hooyooy la'aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo.."
Sidoo kale, hooyo la'aanteed in aan waxba la barteen oo higgaadda iyo hadalkaba la kareen ayuu xusayaa, oo ay tahay macallinka afka. Dhanka kale, qofka docda hooyo ku bannaanaato ee kaalmadeeda waaya, oo habniin, hees iyo sabaalo cid ku sabta waaya in aanu hanaqaadin oo aanu meel gaadhin ayuu xusayaa.
"Hooyoy la'aantaa
Higgaad lama barteenoo,
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo,
Ruux aanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee.."
Maansada ama heesta "Hooyo" ka geyoon maynu haddii aynu is dhahno sadar-sadar, bayd-bayd, meeris-meeris ama midh-midh u dul istaaga, se waxa aynu ku soo koobaynaa meerisyo hooyada intay ifka joogto nolosheeda taabanaya oo maamuus iyo xaqdhawr isugu jira iyo kuwo marka ay geeriyooto ka hadlaya oo baroordiiq iyo duco isugu jira. Waxa uu odhanayaa:
"Intaad hooyo nooshahay,
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa,
Hamrashiyo xaqdhawr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo,
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo,
Weligay hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo,
Hengel baan u xidhiyaa
Inta haadka duushiyo
Idil habardugaaggee,"
Dabadeed waa u ducaynayaa oo waxa uu ku soo afmeerayaa:
"Ifka hibo ku noolow
aakhiro halkii roon."
Mar kale, Hadraawi waxa uu is dhigayaa kaalinta hooyada oo booskeeda ayuu is joojinayaa ama metelaya. Waxa aynu arkaynaa Hadraawi oo door hooyonimo metelaya oo wiil ku caasiyoobay u caqli celinaya ama waaninaya. Maaansada la yidbaahdo "Anuun baa hooyadaa ah" qofkii dhegaystay ama akhriyay si fiican ayuu u fahmi karaa. Waa maanso uu ku soo gudbinayo dareenka hooyonimo ee ubadka ku aaddan, haddii ay xumadaan oo ku caasiyoobaan iyo haddii kaleba u hamrada ee u naxa. Waxa aynu ka baran karnaa naxariista hooyadu sida aanay xadka u lahayn. Tusaale ahaan, waxa uu ka afkeeda u hadlayaa ama ka hadalsiinayaa hooyadii, oo waxa uu odhanayaa:
"Habaaska inaad cantuugto
Adoo Hanadaan ka doortay
Xaggayga hibaan ku saaray
Anigu ku habaari maayo
Huq baa se raadinaysa."
2. Doorkiisii waalidnimo
Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" waxa uu ahaa qof u diran danta haweenka oo af iyo addinba ugu halgamay. Haddii aynu soo aragnay Hadraawi oo hooyada xaqeeda siinaya, abaalkeedana u arka waajib lama huraan ah ama booska hooyada is dhigaya oo afkeeda ku hadlaya; iminkana waxa aynu arkaynaa isaga oo inan markaa madaxa la soo kacaysa booskii waalidnimada ugu jira oo waxsheeg u dhammaynaya. Waxa aynu hore u soo xusnay Hadraawi in ay weedhiisa iyo ficilkiisu is lahaayeen. Haddaba arrintaa waxa inooga markhaati kacaysa maansada "Indho badan" oo uu inan Ubax la yidhaahdo waxsheeg iyo dardaaran ugu dhammaynayo. Ubax waa inan agoonnimo iyo duruufo nololeed ku soo kortay. Waxa uu arkayaa dadkii ama dheh raggii markii ay yarayd ee ay baahnayd ka khashaafi jiray oo kolkii ay kortay ku soo uruuray! Waxa uu arkayaa rag kolkii ay foodleyda ama dhoocisha ahayd ee ay aradnayd aan sidaa u eegi jirin oo markii ay kortay ee ay gashaantida noqotay ku soo qamaamaya. Waano marka uu u dhammeeyo ayuu maansada "Indho badan" ku ballaysimayaa. Waxa uu u sheegayaa haddii ay danteeda wadaan in ay maalmihii ay baahnayd ku soo ururi lahaayeen, oo waxtari lahaayeen. Waxa uu odhanayaa:
"Ubaxeey Ubaxeey
Indh yaab badanaa!
Kugu eegma batee
Maxay soo uriyeen
May ayaamaha qaar
Kugu soo ururaan!"
Hadraawi, Waa uu u hoga-tusaalaynayaa Ubax oo dhagarta ragga ayuu baraya. Waxa uu ku baraarujinayaa danta hadda lagaa yeeshay ee markii ay baahnayd laga yeelan waayey in tahay dhagar loo maleegayo, oo aan marna ayaaheeda laga talinayn. Waxa uu u sheegayaa: Wax aqoolka haddeer in uu uskag ku jiro. Yacni garashada hadda joogta ee markii aad baahnayd iman wayday far baa ku godan ama waa dhagar laguu maleegayo ee iska ogow ayuu leeyahay. Waxa uu ku dhahayaa: Haddii ay wax ku tarayaan ama ay dan kaa leeyihiin miyay maalmihii aad aradnayd dhar kuu iibiiyaan? Miyay maalmihii aad cagaagnayd kabo kuu gadaan? Miyay maalmihii aad gaajoonaysay cunto ku siiyaan? Miyay booskii aabbe kuu buuxiyaan oo agoonnimadii kaaga gargaaraan?
"Wax aqoolka haddeer
Uskag baa ku jiree
May ayaamaha qaar
Korka kaa asturaan
May ayaamaha qaar
Wuxuun kuu illiyaan
Uurku wuu ku madhnaa
May waxuun Ubaxeey
Afka kuugu riddaan
Adoogaa dabadii
May agoonimadii
Aabbe kaaga noqdaan?!"
Marka uu hoga-tusaaleeyo halkaa ku joogi maayo e, dhammaan waydiimahaas isaga ayaa uga jawaabaya haddana. Sababta markii hore danta looga yeelan waayey ee hadda looga yeeshay ayuu u sheegayaa. Waxa uu u sheegayaa markii hore in ay dhoocil yar oo rifrif waynay ahayd, sababtaana lagu nacay. Waxa uu ku odhanayaa hadal sidan u dhigan: Awrtan/Raggan qooqan ee hadda kugu soo ururay seben xun baad kulanteen oo waqtigaa waxa ay kugu naceen dayaca iyo wax la'aanta.
"Abeer baanad ahayn
Oogadaan ku billayn
Awrtan qooqday haddeer
Abaar baa kulanteen."
Markanna, xeeladaha iyo dhagarta ay raggu dumarka ku soo xera geliyaan ayuu kala barayaa, oo uu uga digayaa. Waxa uu u sheegayaa ninku marka uu rabo in uu gabadha gurrac kaga danaysto in uu indhasarcaadiyo isaga oo iilkeeda qodaya. Dabadeed, marka uu ka dan gaadho uu ku digto ama dhibka uu u gaystay ayuuba ku raaxaystaa oo iiddiisa noqota ama daad xoorta ayuu raaciyaaba. Sidaa darteed, Hadraawi waxa uu Ubax uga digayaa dabinka iyo xeeladaha raggu dumarka ku soo xero geliyaan. Meerisyadan hoose ayaa si fiican arrintaa inoogu iftiiminaya:
"Rag miyaad Ubaxeey
Alabkiisa taqaan
Asaydaada mar buu
Ashqaraar huwiyaa
Al-alooska gobeed
Waa ka aar gudashoo
Lama ooyo dhurwaa
Ishinkuu legdadee
Gabadh iilatay hooy
Ayaanteeda madow
Alwadkeeda ninkuu
Alalaas geliyaa
Uur ku taallada
Wuu ka iidsanyahoo
Iman maayo halkuu
Ka alaabo gurtee."
Si aanay dabinka ragga ugu kadsoomin xalka ay dhagartooda kaga badbaadi karto ayuu u raacinayaa. Marka hore waxa uu ku baraarujinayaa in ay tahay iinsaan sharfan oo aan hilbaheeda la iibsan karin ama dan looga faa'iidaysan karin. Marka xigta, xalka ay ragga dhagartooda kaga badbaadi kartaa in uu yahay in ay jud iska tidhaahdo oo iska celiso iyo in ay dhawrsoonaato oo aanay baahideedu hoggaamin ayuu kula dardaarmayaa. Waxa uu ku odhanayaa: Ragga waxa kaa celiya ama aad dhagartooda kaga nabadgeli kartaa in aad iska yureyso oo aad ul la hor taagnaatid iyo in aanay baahidaadu ku hoggaamin, oo ay ammaantaadu ku jirto in aad ka adkaysato oo aad samirto.
"Hilbahaaga Ardooy
Lama iibsan karee
Aanadaada ha deyn
Rag ul baa celisoo
Ka adkayso qudhay
Ammaantaadu tahee!"
Maansada "Indho badan waa badweyn aan intaa iyo wax ku dhow toonna lagu soo koobi karin. Malaha haddii la is dhaho si hufan uga hadla waxay u baahanaysaa barnaamij gaarka ah oo lagu lafaguro iyo in maddalo waaweyn keligeed lagu gorfeeyo. Ujeeddadeennu waa in aynu is xasuusinno uun iyo weliba in aynu isla fahanno doorkii waalidnimo ee uu Hadraawi u buuxiyay hablaha markaa madaxa la soo kacaya ee cid hagta ama wax u sheegta baahida ugu weyn u qabay ama u qaba. Mar kale, doorkii waalidnimo ee Hadraawi waxa aynu ka dhex arki karnaa maansada "Sirta Nolosha" oo aan u aqaan mid ka mid ah kuwa ugu macnaha ballaadhan, uguna xeesha fog maansooyinka Hadraawi. Si la mid ah "Indho badan" ayay u baahan tahay gorfayn aad u baaxad weyn iyo weliba in lagu lafaguro barnaamijyo iyo maddalo waaweyn oo si weyn loo soo agaasimay. Sidaa awgeed, meelaha aynu kala soo bixi karno ama ka akhrisan karno doorkii waalidnimo ee Hadraawi ayaynu dul istaagi doonnaa.
Hadraawi, Sahra oo uu dhalay saaxiibkii Rashiid-Gadhweyne ayuu waaninayaa. Sida inantiisa ayuu ula hadlayaa oo doorkii waalidnimo ayuu u buuxinayaa. Maansada kama wada geyoon karno, se in yar baynu dul istaagi doonnaa. Marka hore, sababta uu waxaas oo umad ah iyada uga doortay ayuu xusayaa. Saaxiibtinimada isaga iyo aabbaheed ka dhexaysa iyo sida uu samaha u faro in uu iyadana u siinayo waano iyo waxsheeg ayuu xusayaa.
"Heedhee Sahraay heedhe.
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocay
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabbahaa heedhe
Samo ii faraan heedhe
Kuu siinayaa heedhe."
Marka xigta, waxa uu ku waaninayaa in ay dhaqanka aabbaheed iyo hooyadeed iyo yeeelato iyo weliba sinjiga hablaha geeska.
"Heedhee Sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo
Iyo weynidii Saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska."
Halkan qodob aad muhiim u ah oo in garaadka la maalgashado waajib iyo in wax kasta laga horreysiiyo ku tilmaamaya ayaa ku jira. Bilmetel, Hadraawi inta uu Sahra quruxda abuurteeda ku fogaado, oo xitaa in aysan dahab iyo xariir toonna wax u ogayn sheego, ayuu haddana afeefaynayaa oo xusayaa in aanay taa macnaheedu ahayn ha xarragoon ee wax walbaa sida ay u kala mudan yihiin ay u raadiso. Tusaale ahaan, marka aad lacag hayso waxa koobaad ee aad iibsataa kitaab ha noqdo ayuu leeyahay. Waayo garaadka oo la maalgashado ayaa mudnaanta koowaad leh oo wax walba ka horreeya.
"Heedhee Sahraay heedhe
Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga
Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga
Dahab iyo xariir saran
Uma baahna saantaadu
Hadda silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin mahaa
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-weyn yaalla
Ha la simin kitaab weeye!"
Isku soo wada xooriyoo, Hadraawo ficilkiisa iyo weedhiisu way is lahaayeen. Sida aynu hore u soo xusnay waxaa tusaale fiican inoo ah labada maanso ee "Indho badan iyo Sirta Nolosha" oo aynu labadaba ficilladiisa ka dhex arki karno. Waayo Ubax iyo Sahraba waxay ahaayeen laba hablood oo Hadraawi noloshu kulmisay. Labadooda oo qudhana uma uu hadline dhammaan hablaha Soomaaliyeed ayuu u hadlay.
3. Guud ahaan doorka hablaha
Haddii aynu soo aragnay Hadraawi oo hooyada ama dhammaan hooyooyinka Soomaaliyeed u hadlaya, sidoo kalena aynu soo aragnay Hadraawi oo door waalidnimo buuxinaya oo dhammaan hablaha yaryar waxsheeg iyo cid hagta u baahan u hadlaya; iminka waxa aynu arki doonnaa Hadraawi oo guud ahaan Hablaha Soomaaliyeed u hadlaya oo doorkooda ama kaalintooda iyo kartidooda qiraya. Si aynu fahanka u soo dhoweyno aynu tusaale u soo qaadanno maansada "Hablaha geeska" oo aynu ku macnayn karno hablaha Soomaaliyeed. Dhammaan doorka ama kaalmaha habluhu nolosha kaga jiraan ayuu xusayaa. Haddii ay guubaabo noqoto, haddii ay dirir noqoto, haddii hawl kale noqoto iyo haddii in nolol la la wadaaggo noqotaba in waxtarkooda guusha noloshu ku jirto, oo iyaga la'aantood waxba la noqon ayuu xusayaa. Tusaalaha ugu yar ee waxtarka hablaha muujinaya ee aynu sheegi karnaa waa in uu xusayo qofka gaboobay codkooda haddii uu maqlo xitaa inta uu isataago in uu kici karo. Waxa uu odhanayaa: "Garashada codkoodaa, Qof gaboobay kiciyoo!" Waa la yaab! Hadda waa codkooda!
Mar kale, kaalinta weyn ee habluhu shaqada guriga kaga jiraan ama doorka ay ka cayaaraan ayuu xusayaa.
"Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon maleh."
Mar kale, ragga guushoodu in ay hablaha ama guud ahaan haweenka ku xidhan tahay ayuu xusayaa.
"Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh."
Ugu dambayn kaalmaha hablaha ama door walba oo ay nolosha kaga jiraan marka uu xuso, waxa uu ku soo gagagebanayaa kartidooda. Geyigeenna oo keliya oo uu uga jeedo dalkeenna oo keliya ayuun baa laga helaa hablaha sidaa u kartida badan ayuu maansada ku soo xidhayaa. Waan ka cudurdaaranayaa oo bayd-bayd uma wada dul istaagi karno maansada oo waqtiga ayaan inoo saamaxayn, balse meerisyada uu ku soo xidhayo oo iyagu is fasiraya ayaynu arkhriyaynaa. Waxa uu kuu ku soo gunaanadayaa:
"Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan!"
4. Doorka geyaanka
Dhanka kale, haddii ay geyaan noqotona maansada "Heego-Muuqdheer" oo aan u aqaan maansada ugu farshaxansan ee inan geyaan ah lagu ammaanay baa innagaga filan. Maansooyinka Hadraawi uu hablaha geyaanka ku aammanay ama jacaylka kaga warramay ma soo koobi karno. Laakiin "Heego-Muuqdheer" tusaale uun baynu soo qaadanaynaa. Weliba maansada oo dhan ka geyoon maynu e, meerisyo ka mid ah ayaynu is xasuusinaynaa. Gabadh qurux badan oo uu ula baxay "Heego-Muuqdheer" ayuu ugu hagarbaxayaa.  Bal meerisyadan sida uu ugu xarragooday oo qudha u fiirso!
"Horyaalka da’dii hadhuub la dhantaay
Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka
Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga
Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka
Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa halqooqa leh
Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawraarta ku saaran heeraarta
Hilqadlaha boqorkiyo hariiryaha
Hal'buurka udgoonka soohaadka
Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada
Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay
Lugtaad hakisaan hoggaansamay!"
Gegagebadii, mawduuceenna ciwaankiisu ahaa "Hadraawi iyo Haweenka" aynu kaga hadlaynay Maxamed Ibraahin Warsame suugaantiisa haweenka ku addaan, dhammaan haweenka mid yar iyo mid weyn meelna ma dhaafin. Waxyaabaha cajiibka ah waxa ka mid ah isaga oo dagaal ku jira oo baanaya in uu haweenka ku dhaaranayo! Tusaale, ahaan maansadiisa "Daalalley" oo soo baxday 1987-kii oo ka mid ah maansooyinka kuwa uu sida adag ugu dhaliilay nadaamkii Siyaad Barre ayuu ku baanayaa sidan:
"Inta diib is marisiyo
Naxariista dunidiyo
Dumarkaan ku dhaartay!"
Mar kale, maansada dheer ee "Dabahuwan" oo soo baxday 1995-kii, oo uu xaaladda adduunka kaga dayrinayo, waxa xusayaa haweenku in ay yihiin waxyaabaha Ilaahay inoogu naxariistay oo ay dulqaadkoda iyo samirkooda dunidu ku taagan tahay. Sidoo kale, waa uu u ducaynayaa, Ilaahayna waxa uu ka baryayaa in uu dumarka samaha/talada dadka ugu dhiibo maaddaama oo ay raggii xilkoodi gabeen oo ku fashilmeen. Waxa uu odhanayaa:
"Haweenkuna waa duggaal
Deeqdaada badh bay yihiin
Waxaa lagu daaqayaa
Siday u dul leeyihiin...
Rabbow ducadayda sii
Samaha dumar noogu dhiib."
Ugud dambayn, waxa aan ku soo gebagebaynaa, Hadraawi haweenku nooc ay doonaanba ha noqdeene, waa uu maamuusay. Waxa uu ahaa afyaheenka haweenka. Hadraawi iyo Haweenka xidhiidhka ka dhexaya qof kasta oo is waydiinayay in su'aashaa jawaab u helay ayay ila tahay. Waad mahadsan tihiin.
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Sawirka waxa ku farayaraystay Quulle Arts
Human beings are shaped by the events they encounter on a daily basis. These experiences can have either a positive or negative impact on one's emotional and mental state. Whether it's the content we consume, the people we interact with, or the environment we navigate. And each moment adds to the foundation of our mental well-being. In particular, the rise of digital media and social platforms has drastically altered how these daily experiences influence us.
If a person constantly consumes negative content such as violent videos, toxic opinions, or disheartening news—it can unknowingly affect their mental health. Over time, these repeated exposures can lead to anxiety, stress, or even depression; often without the person realizing the source of their emotional decline. The human brain is highly receptive and it absorbs patterns, tones, and messages from what it sees, hears, and reads. This makes consistent exposure to negativity especially harmful.
Social media, while offering great connectivity and entertainment, has become one of the main contributors to this issue. Platforms like Facebook, Instagram, TikTok, and X (formerly Twitter) are filled with both inspiring and harmful content. Unfortunately, algorithms often prioritize emotionally triggering posts which may lead users to repeatedly encounter negative or unrealistic portrayals of life. This constant bombardment can damage one's self-esteem, distort perception, and reduce emotional resilience.
Therefore, it is essential for individuals to be conscious of what they feed their minds. Just as we are careful about what we eat to stay physically healthy; we must be equally cautious about the content we consume to maintain mental wellness. Choosing uplifting media, limiting exposure to distressing material, and engaging in activities that nourish the soul such as reading, nature walks, and meaningful conversations—can protect and strengthen our psychological health.
In conclusion, our everyday experiences, especially those mediated through technology play a crucial role in shaping our mental well-being. It is our responsibility to filter out negativity and intentionally pursue peace of mind. After all, mental stability is not just the absence of illness but the presence of clarity, strength and emotional balance. And all of which are achievable through mindful living and informed media consumption.
Art is being globalized, and as it undergoes modernization. It's also being developed and continues to evolve. That's way the music is often referred to as a "universal language"—one that everyone can understand. Unfortunately, Somali music has not yet undergone such modernization.
I once watched Aidrous Ibrahim discussing the globalization and modernization of music. He presented numerous songs, asserting that they paralleled those from the Western world. For instance, he drew connections between certain traditional Somali songs and Western genres like country and reggae, even performing them to illustrate these similarities.
This reminded me of K'naan, who beautifully performs the song "Hoobaalayow Heedhe." For example, he sings:
"How come they only fix the bridge after somebody has fallen
Hoobaalayow heedhee 2x,
How come they only fix the bridge after somebody has fallen
Hoobaalayow heedhee 2x,
How can you turn the deafest ear when when it's your own calling
Hoobaalayow heedhee 2x,
How can you turn the deafest ear when when it's your own calling
Hoobaalayow heedhee 2x,
How can you teach your kids to love when it's killing they're memorizing
Hoobaalayow heedhee 2x,
How can you teach your kids to love when it's killing they're memorizing
Hoobaalayow heedhee 2x
How can go to war with terror when it's war that's terrorizing
Hoobaalayow heedhee 2x,
How can go to war with terror when it's war that's terrorizing
Hoobaalayow heedhee 2x.."!
The chorus would be: "Hoobaalayow heedhe."
Another hand, we can look this song:
"Until the lion lears to speak
The tales of hunting will be weak
My poetry hales with in the streets
My poetry fails to be discrete
It travels across the earth and seas
From Eritrea to the west Indies
It knows no boundaries no cheese
It studied in parts of Greece,
Beat: Runtaa
Chorus: Haddii kale waxaan lahaa
Beat: Haaheey
I'm sick as far as lyrics
And with this far as gimmicks
I spit par age and limit
The shit they talk in rapid
I'm hip the hop as living
I skip the obvious woman
Don't get what I'm presenting
No rims my mind spinning,
Chorus: Haddii kale waxaan lahaa
I was born and raised in a place
Where torn of flame would place
Where foreigners not embrace
Where they warn you jog and pace
Where loners low what they gaze
Where the corners slow at a chase
Where they tars and turn in the maze
With pistol upon your face,
Beat: Runtaa
Chorus: Haddii kale waxaan lahaa
Beat: Haaheey
So come with me to my longs
The death and deal we run
With passion see how I come
No cash I'm free in the slums
The past can we overcome
I'm asking we be the ones
To actually be the ones
To free our people from guns,
Beat: Runtaa
Chorus: Haddii kale waxaan lahaa
Beat: Haaheey
Until the lion lears to speak
The tales of hunting will be weak
My poetry hales with in the streets
My poetry fails to be discrete
It travels across the earth and seas
From Somalia to the west Indies
It knows no boundaries no cheese
It studied in parts of Greece,
Beat: Runtaa
Chorus: Haddii kale waxaan lahaa
Beat: Haaheey!"
I am sick as far as lyrics
And with this far as gimmicks
I spit par age and limit
The shit they talk in rapid
I am hip the hop as living
I skip the obvious woman
Don't get what I am presenting
No rims my mind spinning,
Beat: Runtaa
Chorus: Haddii kale waxaan lahaa
Beat: Haaheey."
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
One of the common things people tend to know about any singer is that they are familiar with a song they performed or a fictional story that circulates in informal gatherings and social spots. However, what is truly known about their real life is usually very limited. Maryan Mursal is one such artist—what we know about her is mostly drawn from the few interviews she has given. This is why we often know so little about the personal lives of highly esteemed singers.
What we do know about Maryan is that she is a hardworking, kind-hearted, and sincere person who loves her country and people. She participated in many stage plays, including some well-known ones such as "Shabeelnaagood, Hablayahow hadmaad guursan doontaan, and Doob qalanjadii gabay"—in all of which she played her roles remarkably well. Also, she create what she calls "Somali jazz."Maryan has performed numerous songs covering themes of love, patriotism, and life’s struggles.
Among the love songs she performed, we can mention:
"Leebkii jacaylkoo
Lalayaa i haleeloo
Laabta igaga yaallee
Ladi waayay,
Laamadoodi waayay!" or
"Urrugada jacaykaad
La adkeysan waayee
Kuu imiye ina'abtoow
Waxaad oranse mooyee"
Similarly, among the songs that speak about life or reflect the hardships of living that she sang or performed, we can mention:
"Inkastoo rafaad qabo
Maantana raamo leeyahay
Howsha reerku labada dhinac
Aniggay igu raran tahay..."
And when it came to patriotism, she performed the song "Soomaali u diida ceeb, naftiinna u diida cay" which she first sang in 1992. As we mentioned earlier, in addition to her artistic talent and theatrical performances; Maryan is also known for her hardworking spirit and strong sense of responsibility. When the government regime of Siad Barre collapsed and people fled the country and Maryan emigrated abroad, where she continued her struggle for a better life. She has stated that what made her love music was the ability to raise  awareness among the people and to dissuade them from wrongdoing through her art.
]]></content:encoded></item></channel></rss>