<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Sannadkii 2016, shacabka Boqortooyada Ingiriisku waxay afti ku go’aansadeen in dalkoodu ka baxo Midowga Yurub, go’aankaas ayaa loogu magac daray erayga Brexit. Markii hore waxa loo arkayay arrin sahlan oo waxa la lahaa “haddii Boqortooyada Ingiriisku go’aansatay inay baxdo, maxaa ka hor istaagaya inay iska baxdo?” Laakiin dhab ahaan arrintu sidaas uma fududeyn.
Ku dhowaad nus qarni ayay Boqortooyada Ingiriisku qayb ka ahayd Midowga Yurub. Intii lagu jiray muddadaas, malaayiin qof ayaa xor ugu shaqaysan jiray dalalka Yurub, badeecaduhu waxay xuduudaha uga gudbi jireen si dhib la’aan ah oo aan la saarin cashuuro badan, shirkaduhuna waxay sameeyeen silsilado wax-soo-saar oo isku xidhay London, Paris, Berlin iyo Amsterdam.
Markii Boqortooyadu go'aansatay inay ka baxdo midowga, su’aalihii dhabta ahaa ayaa bilaabmay. Maxaa ku dhici doona boqollaalka kun ee muwaadiniinta Yurub ee ku nool Boqortooyada Ingiriiska, iyo muwaadiniinta Boqortooyada Ingiriiska ee ku nool Yurub? Alaabuhu ma sii kala gudbi doonaan iyada oo aan cashuuro cusub lagu soo rogin? Sidee loo ilaalin doonaa xadka u dhexeeya Northern Ireland iyo Jamhuuriyadda Ireland iyadoo aan dib loogu noqon colaaddii tobannaanka sano socotay? London oo ahayd xarun weyn oo maaliyadeed si fudud ma ugu sii adeegi kartaa muwaadiniinta Yurub? Xeerarka Yurub intee in le’eg ayaa la sii raacayaa? Intaas iyo in kale ayaa la rabay in lagu xalliyo hal heshiis oo keliya. Ma ahayn doodu mid ku saabsan "in la baxayo ama aan la bixin”, balse waxay ahayd dood ku saabsan sidii loo kala furfuri lahaa xidhiidh dhaqaale, sharci iyo siyaasadeed oo isku marmay lana dhisayay muddo ku dhow konton sano.
Dhinaca Boqortooyada, kooxda u ololeynasay bixitaanku waxay isku raacsanaayeen waxa ay rabaan oo ah ka bixitaanka Midowga Yurub, balse waxay isku diidanaayeen haddii waxaas ay rabaan la waayo maxaa baddelkeeda aynu raadinaa. Sababtoo ah markii la joogo xeeladaha gorgortanka waxa ugu muhiimsani waa inaad diyaar la tahay doorashooyin kala duwan haddii aad waydo waxa aad rabto, taas oo loogu yeedho BATNA. Halka Midowga Yurub uu lahaa sharciyo iyo hannaan wada-xaajood oo hore u dhisnaa.
Mid kamid ah waxyaabihii ugu caansanaa ee Boqortooyada Ingiriisku miiska wada-hadalka soo saartay waxay ahayd weedh hanajbaad u muuqatay oo badi siyaasiyiintu ay ku celcelin jireen, No deal is better than a bad deal.” oo ah “Heshiis la’aan ayaa ka wanaagsan heshiis xun.” Dhinaca siyaasadda gudaha, weedhani waxay ahayd mid awood leh oo waxay muujinaysay geesinimo, halka cod-bixiyayaashana ay siinaysay sawir ah in Boqortooyadu aanay ka baqayn inay miiska wada-hadalka ka kacdo haddii waxa loo soo bandhigayaa aanay u cuntamin. Sidoo kale Boqortooyadu waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay Midowga Yurub ka baxdo iyada oo aan laga heshiin arimaha dhaqaale, siyaasadeed, sharci iyo isu socodka muwaadiniinta labada dhinac.
Marka laga eego xeeladaha gorgortanka hadalkaasi wuxuu noqon karaa wax ka badan hal-ku-dhig siyaasadeed. Boqortooyadu waxay diraysay farriin ah in aanay ku khasbanayn aqbalida waxkasta oo Midowgu miiska soo saaro isla markaana ay haysato waddo kale oo ay qaadi karto haddii heshiis la gaadhi waayo. Laakiin waxa muhiimka ahi ma ahayn waxa Boqortaayadu sheegtay balse waa “ Midowga Yurub ma rumeysnaa hanjabadaas. “ Sababtoo ah haddii heshiis la gaadhi waayo waxa la isla qirsanaa in labada dhinacba ay wajahi doonaan khasaare, ganacsiga oo adkaada, hubanti-la’aanta oo sii korodha iyo shirkadaha oo wajaha jahawareer cusub. Isla markaasna suaashu waxay noqonasay haddii heshiis la gaadhi waayo “ Yaa awood u leh inuu dhibaatadaas ka dhalanasa u adkaysto? “. Boqortooyadu waxay isku dayaysay in la rumeysto inay bixi karaan heshiis la’aan halka Midowga Yurub isku dayayay inuu ogaado in hadalkaasi yahay awood dhab ah ama masrax siyaasadeed. Halkaa marka ay maraso waxaa jirta fikrad muhiim ah oo la yidhaa Credible Threat ( hanjabaad la rumaysan karo. ). Hanjabaadu waxay qiime leedahay haddii qofka kaa soo horjeedaa rumaysan yahay inaad dhab ahaan fulin karto. Haddii uu ogaado in khasaaraha kaa soo gaadhaya uu ka weyn yahay kan isaga ku dhacaya, hanjabaaddaadu waxay lumisaa awooddeedii, waxaanay isu badashaa wax aan afka dhaafsiisnayn.
29-kii April 2017, hogaamiyayaal ka socda 27-ka dal ee Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay hab-raac wadajir ah oo ay ku geli doonaan wada-xaajoodyada. Waxay caddeeyeen in Midowgu midaysnaan doono, isla markaana iyagoo hal dhinac ah ay la gorgortami doonaan Boqortooyada Ingiriiska, waxay sidoo kale go’aamiyeen in wada-xaajoodyadu u socdaan qaab marxalado ah oo waxa ay qaateen nidaam ah in marxalad walba si gooni ah loo wada xaajoodo ( Phased Negotiation ). Tusaale marka hore waxaa laga wada hadlayaa arrimaha bixitaanka, xuquuqda muwaadiniinta iyo arrinta xadka Ireland. Haddii arrimahaas horumar fiican laga sameeyo ayaa loo gudbi doonaa arrimaha xiga sida xidhiidhka mustaqbalka.
Xeelada kale ee ay adeegsadeen ayaa ahayd kulamay tartamin hadallada kasoo yeedhaya warbaahinta Boqortaayada Ingiriiska, kumay mashquulin jawaab celin maalinle ah, waxay fahmeen in awoodda mararka qaar lagu muujiyo deggenaansho, ee aan lagu muujin qaylo. Waxay Michel Barnier u magacaabeen halka qof ee ku hadla magaca dhammaan 27-ka dal ee Midowga Yurub, iyadoo dalkastaa leeyahay dano gaar ah, hadana waxay isku raaceen inay codkooda ka dhigaan mid keli ah. Boqortaayada Ingiriisku waxay rajaynasay in dalalka waaweyn sida Jarmalka iyo Faransiiska oo dano ganacsi oo waaweyn ka lahaa Boqortooyadu ay ugu danbeyn jebin doonaan midnimada Midowga Yurub oo ay si gaar ah ula xaajoon doonaan, laakiin taasi ma dhicin. Midowga Yurub wuxuu fahmay mabda’ caan ah “Haddii kooxdaadu hal cod ku hadasho, awooddaada gorgortan way ka badan tahay awoodda xubnahaaga oo kala go’an” , waxay ka hor tageen xeeladdii ahayd “qaybi oo xukun.”
Sidoo kale waxay Midowga Yurub is weydiinayeen “ Haddii Boqortooyada Ingiriisku baxdo, maxay doonaysaa in weli ay ka hesho Midowga Yurub.” Boqortooyadu waxay rabtay in ay ka baxdo xeerarka Midowga Yurub, inay dib ula soo noqoto xakamaynta xuduudaha iyo sharciyadeeda, isla markaana ay xor u noqoto inay heshiisyo ganacsi oo cusub la gasho waddamada kale. Midowga Yurubse wuxuu ka fikirayay qorshe kale oo ma doonayn in Boqortooyada Ingiriiska oo ka baxday Midowga, ay haddana sii hesho faa’iidooyinkii suuqa Yurub ee xorta ahaa iyo badi sharciyada kale ee sahlayay fududeynta dhaqaale. Haddii taas loo oggolaado, waddamada kale waxay arki lahaayeen in bixitaanku faa’iido badan leeyahay.
Kadib waxaa timid suaal weyn oo ah, labada dhinac dhab ahaan ma isku si ayay isugu baahanyihiin? Jawaabtu waxay ahayd maya. Labada dhinacba way isku tiirsanaayeen, laakiin isku-tiirsanaantu ma ahayn mid siman. Tan waxa loo yaqaan ( Asymmetric Interdependence). Sannadkii 2016 qiyaastii 43% badeecadaha iyo adeegyada Boqortaadu dhoofiso oo idil waxay u dhoofisay Midowga Yurub , halka 6-7% waxa Midowga Yurub ay dhoofiyaan ay u dhoofiyeen Boqortooyada Ingiriiska. Hadaba awoodda gorgortanka ( bargaining power ) ma aha oo keliya inaad qofka kale dhaawici karto balse waa inaad u adkaysan karto natiijada ka dhalata talaabadda aad qaaday.
29 March 2017 , Boqortooyada Ingiriisku waxay adeegsatay qodobka loo yaqaan ( Article 50 ) , qodob heshiis oo u oggolaanaya in waddan xubin ka ah Midowga Yurub uu bixi karo. Isla markaas waxaa bilaabmay waqti laba sano ah oo asal ahaan loo dejiyay in heshiiska bixitaanka lagu dhammeeyo, taas oo muddada kama danbeysta ah ka dhigtay 29 March 2019 haddii aan si wadajir ah loo kordhin. Boqortooyada Ingiriiska, waqtigu wuxuu u ahaa muhiim , maadaama ay shirkadaheedu u baahnaayeen inay ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ay wajihi doonaan mustaqbalka, Bangiyadu waxay go’aansanayeen halka ay hawlahoodda u wareejin doonaan, maalgashadayaashu waxay dib u qiimeynayeen khatarka ku iman karta halka shaqaaluhuna ay rabeen in ay ogaadaan xaaladdaha iyo xeerarka ay ku shaqayn doonaan. Sababtoo ah waxa la kala guranayay ganacsi ahaa mid qudha muddo ku dhow konton sano. Marka labada dhinac ay isku miis fadhiyaan, saacaddu mar walba si isku mid ah uma cadaadiso, hal dhinac ayaa degdegaya, halka dhinaca kalena uu awooddo inuu sugo. Markay halkaa maraso sugitaanka laftiisu wuxuu noqdaa awood. Qofka waqtigu aanu cadaadineyn uma baahna inuu qayliyo ama hanjabo. Wuxuu samayn karaa wax aad uga fudud, keliya wuu sugi karaa.
Arrinta kale ee cajiibka ahi waxay ahayd in Boqortooyada Ingiriisku ay la noolayd duruuf ka duwan mida Midowga Yurub, oo raysal wasaaradii waqtigaas Theresa May oo ahayd xubinta ugu sarreysa ee hogaaminaysa wada-xaajoodku waxay wajahaysay laba gorgortan oo u baahan in midkasta dhinaciisa guul laga keeno. Dhinac waxa ay kaga jirtay gorgortanka Boqortooyada iyo Midowga Yurub, halka dhinaca kalena ay qancinaysay Baarlamaanka, xisbigeeda iyo xisbiyada kale ee siyaasada. Gudaha Boqortooyada waxaa jiray dhinacyo doonaya in ka bixitaanka Midowga Yurub uu noqdo mid aan Boqortooyada ku hogaamin kala gurasho dhammaystiran ee wax lala kala hadho , halka dhinacyada qaar ay rabeen in aan waxba la isku reeban, waxaa sidoo kale jiray dhinacyo dano kala duwan ka lahaa arrintan oo aan dhinacna ogolayn. Theresa waxay si rasmi ay u wajahaysay waxa Robert Putnam uu ugu yeedho two level game iyo mid kale oo Soomaalidu tidhaa “ Nin walaalkii geed ugu jiraa, geesi noqon waa ”.
Ugu danbeyn way is casishay oo waxaa yimid raysal wasaare kale Boris Johnson oo isla xisbiga Conservative-ka ah. Boris wuxuu qaaday talaabo weyn oo wuxuu bilaabay isku day ah in baarlamaanka laftiisa la beddelo maadaama oo ay marar badan caqabad noqdeen. Doorashadii December 2019 waxay siisay Boris aqlabiyad weyn oo Baarlamaanka ah. Taasi waxay meesha ka saartay qayb weyn oo ka mid ahayd caqabaddii Therasa May haysatay. Dawladdu hadda waxay haysataa awood ay ku meel-mariso heshiiska Brexit.
23-kii January 2020, Baarlamaanku wuxuu ansixiyay sharcigii fulinayay heshiiska bixitaanka. Kadib, 31-kii January 2020 saacadu markay ahayd 11:00 habeenimo Boqortooyada Ingiriisku si rasmi ah ayay uga baxday Midowga Yurub, iyadoo heshiiskii bixitaankuna dhaqan galay. Laakiin arrintu halkaas kuma dhammaan oo Boqortooyadu waxay gashay waqti ku meel gaadh ah (Transition Period) , oo socday ilaa 31-kii December 2020. Inta lagu jiray muddadaas, Boqortooyadu kama sii mid ahayn Midowga Yurub, laakiin weli waxay si weyn ugu shaqaynaysay xeerarkii Midowga Yurub iyadoo labada dhinac ay ka wada xaajoonayeen xidhiidhkooda mustaqbalka.
Boqortooyada Ingiriisku waxay heshay wixii uu ugu weynaa ee ay doonasay oo ahayd ka bixitaanka Midowga Yurub, iyadoo heshay madax-bannaani siyaasadeed iyo sharciyeed oo dheeraad ah, kana madax-bannaan hay’adihii iyo xeerarkii Midowga. Dhinaca kale ganacsigii fududaa ee ay muddo tobanaan sano ah la lahayd Midowga Yurub wuxuu noqday mid adag. Xuduudihii, iyo habraacyadii ganacsi ayaa soo noqday. Shirkadihii Boqortooyada Ingiriisku waxay lumiyeen fudeydkii iyo sahlanaantii ay suuqyada Yurub ku geli jireen. Midowga Yurubna wuxuu waayay xubin ka mid ah dhaqaalihiisi ugu weynaa, waddan siyaasad, ciidan iyo dhaqaale ahaan saameyn weyn ku lahaa Yurub. Laakiin wuxuu helay wax uu si weyn u ilaalinayay oo ahayd midnimada 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Haddii la is weydiiyo yaa guuleystay , jawaabtu ma aha mid fudud , sababtoo ah dhinackastaa wuxuu lumiyey wax ku qaali ahaa, sidoo kalena waxay heleen wixii ay doonayeen. Boqortooyadu bixitaan, halka Midwoga Yurub ay ilaashadeen midnimadooddii, oo mar mararka ka mid ah loo baqay.
10 sano kadib Boqortooyada Ingiriisku weli waxay wajahasaa duruufo dhaqaale oo markii hore ay u sababaynayeen in ku jiritaankooda Midowga Yurub uu masuul ka yahay. Toddoba raysal wasaare ayaa is bedelay, halka 62% dadweynaha Boqortaayadu ay aaminsanyihiin in ka bixitaankii Midowga Yurub uu ahaa khalad weyn.
© Ahmed Sheikh Omar — 02 September 2026
Subscribe now
<svg aria-hidden="true" width="20" height="20" viewBox="0 0 20 20" fill="none" stroke-width="1.5" stroke="var(--color-fg-primary)" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" xmlns="http://www.w3.org/2000/svg"><g><path d="M2.53001 7.81595C3.49179 4.73911 6.43281 2.5 9.91173 2.5C13.1684 2.5 15.9537 4.46214 17.0852 7.23684L17.6179 8.67647M17.6179 8.67647L18.5002 4.26471M17.6179 8.67647L13.6473 6.91176M17.4995 12.1841C16.5378 15.2609 13.5967 17.5 10.1178 17.5C6.86118 17.5 4.07589 15.5379 2.94432 12.7632L2.41165 11.3235M2.41165 11.3235L1.5293 15.7353M2.41165 11.3235L6.38224 13.0882"></path></g></svg><svg xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" width="20" height="20" viewBox="0 0 24 24" fill="none" stroke="currentColor" stroke-width="2" stroke-linecap="round" stroke-linejoin="round" class="lucide lucide-maximize2 lucide-maximize-2"><polyline points="15 3 21 3 21 9"></polyline><polyline points="9 21 3 21 3 15"></polyline><line x1="21" x2="14" y1="3" y2="10"></line><line x1="3" x2="10" y1="21" y2="14"></line></svg>
Dunida dhaqaalaha waxaa jira su’aalaha qaar ku yaab galinaya; sidee waddan buur deyn ahi dusha ka saarantahay, haddana uu usii socon karaa isagoo aan dhicin?
Japan waa mid ka mid ah tusaalayaasha ugu yaabka badan ee taariikhda dhaqaalaha casriga ah. Waa waddan lagu yaqaan tiknoolajiyad horumarsan, warshado awood leh, nidaam bulsho oo adag, iyo dhaqaale ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida. Laakiin muuqaalkaas quruxda badan waxaa ka danbeeya tirooyin cabsi gelin kara qof kasta. Deynta dawladda Japan waxay gaadhay heer aad u sarreeya marka loo eego wax soo saarkeeda gudaha (GDP) oo lagu qiyaaso ilaa 230%. Si kale, marka wax-soo saarka guduhu yahay $4.3 Trillion, deynta dawladda lagu leeyahay waa ilaa $9.5 Trillion.
Haddii ay jiraan buggaag lagu qoro keliya tirooyinka deynta, Japan waxay u ekaan lahayd waddan ku socda jidkii ay mareen Greece iyo Spain xilligii dhibaatadii deynta Yurub, taas oo laga yaabo in ay mar uun u baahdaan taageero ama samata-bixin dhaqaale oo ka yimaad hay’adaha caalamiga ah sida IMF.
Balse taasi may dhicin!
Yaa Ku Leh Deynta
Marka qof maqlo in Japan lagu leeyahay deyn ka badan laba jibbaar wax-soo-saarkooda gudaha, su’aasha ugu horreysa ee maskaxda ku soo dhacaysa waa:
“Yaa lacagtaas oo dhan ku leh Japan?”
Sababtoo ah deyntu ma aha oo keliya inta aad amaahatay, balse markii dhaqaalaha la joogo waxa ka muhiimsani waa qofka aad ka amaahatay.
Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya waddan deyn badan ay ku leeyihiin bangiyadiisa iyo hay'adihiisa gudaha, iyo waddan deyn badan looga leeyahay dibadda oo ay gacanta ku hayaan maalgeliyeyaal shisheeye.
Bal qiyaas laba qof :
Qofka koowaad wuxuu lacag ka amaahday walaalkii. Haddii maalmuhu ay adkaadaan, walaalkii wuxuu u dulqaadan karaa dib u dhac ku yimaad bixinta deynta, wuxuu fahmi karaa xaaladda, xataa wuxuu siin karaa waqti dheeraad ah.
Qofka labaad wuxuu lacag ka amaahday qof aanu aqoon. Haddii xaaladdu xumaato, qofkaasi wuxuu degdeg u dalban karaa lacagtiisa, ama wuxuu odhan karaa “Haddii aan mar kale lacag ku siiyo, waa inaad dulsaar badan bixisaa.”….
Hadaba Japan waa dal walaalkii deyn ka amaahday.
Hay’adaha Japan deynta ku lehna waxaa ugu muhiimsan kuwaan ;
1. Bangiyada Gudaha ee Japan
Bangiyadu maalin kasta waxay raadiyaan meel ay lacagtooda ku maalgelin karaan. Haddii shirkadaha iyo dadka caadiga ahi aanay u baahnayn amaah badan, ama fursadaha maalgashi aanay u muuqan kuwo heer sarreeya, bangiyadu waxay u jeestaan dawladda oo ay lacag amaahiyaan
Sabab?
Sababtoo ah dawladda waxaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu kalsoonida badan ee deyn la siin karo. Shirkad way kaci kartaa ama musalafi kartaa , qofku wuu awoodi waayi karaa inuu bixiyo amaahdiisa, laakiin dawlad leh awood ay cashuur ku qaaddo, lacagteedana ku maamusho, waxa loo arkaa mid khatarteedu hoosayso oo wax la deymin karo.
Bangiyadu waxay helaan dulsaar, halka dawladdu ay hesho maalgelin ay ku fuliso hawlaheeda iyo hurumarinta adeegyada bulshada.
2. Sanduuqyada Hawlgabka ee Japan (Japanese Pension Funds)
Waxaa jira malaayiin qof oo Japanese ah oo sannado badan lacag u kaydsanayay mustaqbalkooda. Lacagtaas waxa maamula hay’ado waaweyn oo loogu talagalay inay ilaaliyaan kaydka dadka si marka ay hawl-gab noqdaan loo siiyo.
Hay’adahani ma raadinayaan oo keliya faa’iido badan, waxay sidoo kale raadinayaan ammaan iyo xasillooni.
Sidaas darteed, waxay qayb ka mid ah lacagtooda geliyaan deynta dawladda Japan.
Waa maalgashi muddo dheer socon kara, mararka qaar tobanaan sano, kaas oo siinaya hay’adahaas dakhli joogto ah iyo kalsooni ah in lacagtoodu ku jirto gacmo ammaan ah.
3. Bangiga Dhexe ee Japan (Bank of Japan - BOJ)
Qaybta ugu xiisaha badani waa Bankiga Dhexe ee Japan.
Bangiyada dhexe badanaa waxay maamulaan lacagta , sicir-bararka iyo dulsaarka, laakiin Japan waxay qaaday tallaabo ka duwan waddamo badan.
Sida aynu sheegnay waxaa jira deymo badan oo dawladdu ka qaadatay bankiyada gaarka loo leeyahay, hay’adaha maamula sanduuqyada hawl gabka ama maalgashadayaal kale. Markii dawladdu ay noqoto deyn ku nool, waxaa iman kara shaki ah in ay bixintu culays ku noqoto taasoo sababta in deymiyeyaashu ay dalbadaan dulsaar sare. Hadaba si aanay dawladdu u wajihin dulsaar sare oo ka dhan ah deymaha ay qaadato, bankiga dhexe ee Japan waxay cidii dawladda deynta ku lahayd kasoo iibsadaan deyntii iyagoo maraya waddo loo yaqaan ( secondary market) oo si kooban noqonasa in bangiyadii iyo shirkadihii ay dib u helaan lacagtoodii, halka Bangiga Dhexe uu noqdo cidda cusub ee haysata deynta dawladda. Taas oo noqonasa in dawladda hada kadib wax deyn ah looga lahayn shirkadaha balse bankiga dhexe ku leeyahay, ileen wuu lasoo wareegay deyntii lagu lahaaye. Waa sheeko qosol u muuqata laakiin dhab ahaan waa xaalad jirta oo wajahasa dhaliilo sii kordhaya.
Sannadkii 2016, Bangiga Dhexe ee Japan wuxuu bilaabay siyaasad loo yaqaan Yield Curve Control (YCC). Ujeeddadeeduna tahay in dulsaarka deynta dawladda lagu hayo heer hoose. Haddii dulsaarku kor u kaco, Bangiga Dhexe wuxuu iibsadaa deynta dawladda, taas oo dawladda u fududaysa inay deyn ku hesho dulsaar hooseeya.
Dhaqaalaha Japan Maxaa Ka Dhigay Mid Ka Duwan Dunida Kale
Wixii ka danbeeyay hoos u dhicii dhaqaale ee 1991, sidoo kale loo yaqaan ( Lost decade ), Japan waxay la daalaadhacaysay koboc dhaqaale oo gaabis ah iyo sicir barar aad u hooseeya. Dadku waxay noqdeen kuwo kaydinta lacagta ka hor mariya kharash-garaynta, iyagoo ka taxadara inay lacag badan isticmaalaan ama deyn qaataan. Dhalinyaro badan ayaa dib u dhigay guurka iyo iibsashada wixii ka baxsan waxyaabaha daruuriga ah, maadama ay cabsi ka qabaan xaalad dhaqaale darro oo la mid ah midii bilaamatay 1991.
Isbeddeladan dhaqaale waxay sidoo kale saameeyeen bulshada. Dhibaatooyin ay kamid yihiin HIKIKOMORI ( qofka oo bulshada ka go’dooma), KAROSHİ (Culayska shaqada darteed oo dad badan is dilaan) iyo KODOKUSHI ( is dil ka yimaad kellinimo dheer) ayaa noqday kuwo sii kordhaya.
Markii la waayay dad si firfircoon wax u iibsada, dawladda iyo Bangiga Dhexe waxay bilaabeen inay dhaqaalaha u taageeraan siyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin; Dulsaarka oo aad loo dhimay si dadku si fudud wax u deynsan karaan, dawladda oo bixisa lacago badan oo lagu taageerayo dadka hawlgabka ah iyo adeegyada caafimadka, cashuur dhimis iyo sidoo kale badbaadinta shirkaddaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si looga hortago in ay musalafaan.
Japan dawladda ayaa isku ah qayb wax kharash garaysa oo maalgalin samaysa si dhaqaaluhu kor ugu kaco iyo qayb bad-baadisa shirkadaha ama bangiyada fashilmaya ee burburka u dhow , tani waxay sababtay in deynta dawladda Japan ay ka badato 230% markii loo eego wax-soo saarka gudaha .
Dadka sii gaboobaya ee Japan iyo Saamaynta Dhaqaale
Japan waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee dunida si buuxda u gala marxaladda loo yaqaan “Aged Society”, halkaas oo in ka badan 30% dadka Japan ay da’doodu tahay 65 sano iyo ka weyn.
Marka dadka da’da yar ee shaqada soo gelayaa ay yaraadaan, dadka hawlgabka galayaana ay sii bataan, wax-soo-saarku wuu gaabiyaa. Shaqaale yaridu waxay kordhisaa mushaharka, shirkado badanna waxay u guuraan dalal kale si ay u helaan shaqaale badan oo jaban.
Dhanka kale, dawladda waxaa ku sii kordha kharashaadka hawlgabka, daryeelka caafimaadka iyo adeegyada bulshada. Laakiin maadaama dadka shaqeeyaa ay yaraadeen, dakhliga cashuuruhuna hoos ayuu u dhacaa. Farqigaas waxaa badanaa lagu daboolaa deyn cusub.
Japan waxay maanta dunida u tahay tusaale nool oo muujinaya waxa dhici kara marka bulshadu gabowdo, dhalashaduna hoos u dhacdo. Weli waa waddan hodan ah, horumarsan, oo nidaamkiisu xooggan yahay, laakiin wuxuu la tacaalayaa caqabad aan tiknoolajiyad keliya lagu xallin karin.
Japan waa dal wajahaya dagaal aamusan balse sii wada horumar.
Subscribe now
]]></content:encoded></item></channel></rss>